Raíisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber

Kulankooda ayaa ku saabsanaa xaaladda abaaraha dalka, taageerada amniga Soomaaliya ee Midowga Yurub, iyadoo Midowga Yurub ay ku bogaadiyeen Ra’iisul Maxamed Xuseen Rooble dhameystirka doorashooyinkii ka qabsoomay dalka.

Guddiga gurmadka abaaraha oo warbixin la wadaagay Ergeyga gaarka ah ee arrimaha bini-aadannimada

Guddiga gurmadka abaaraha ayaa maanta warbixinno kale la wadaagay Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan arrimaha bani-aadannimada iyo gurmadka abaaraha mudane; Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ergeyga iyo guddiga ayaa horay u yeeshay kulamo looga hadlayo qaabka ugu habboon ee loo wajihi karo xaaladd,a isagoo ka dhagaystay xog ku saabsan abaarta ka jirta dalka iyo goobaha ugu daran.

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Bani-aadannimada u qaabbilsan madaxweynaha JFS oo la kulmay Guddiga Gurmadka Abaaraha

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo gurmadka abaaraha ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa la kulmay Guddiga Gurmadka Abaaraha.

Guddiga Gurmadka Abaaraha, ayaa soo bandhigay xogaha la xariira abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen guud ahaaan dalka.

Ugu dambayn, Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo gurmadka abaaraha ee Soomaaliya, ayaa u mahad celiyey guddiga isagoo ugu baaqay in ay wadashaqayn buuxda yeelan doonaan, si dalka looga samatabixiyo abaaraha.

Taliska ciidanka Booliiska Magaalada Gaalkacyo oo gacanta ku dhigay Kooxo burcad ah.

Taliska ciidanka booliiska degmada Gaalkacyo ayaa faah- faahin ka bixiyay howlgalo lagu sugayay amniga oo ay ka sameeyeen Magaladaas saddexdii maalmood ee u dambeysay.

Inta ay howlgaladaas socdeen ciidamada  Amniga ayaa gacanta ku dhigay in kabadan 15 Qof oo dhacdooyinkaas loo soo qab qabtay kuwaas oo qaarkood ay hubeysnaayeen.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo Imaaraaadka deeq lacageed oo ay abaarta Soomaaliya ugu tala gashay ka gudoomay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa goobjoog ka ahaa munaasabad ay dowladda Imaaraadka Carabtu ay dowladda Soomaaliya ugu wareejinaysay lacag gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar, ayaa uga mahadceliyey kaalintooda ku aadan gurmadka shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada Xoogga oo howlgallo lagu baacsanaayo argagixisada Al-Shabaab ka sameeyay Gobolka Sh/Hoose

Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ayaa howlgallo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab waxaa ay ka sameyeen tuulooyin hoos taga Gobolka Shabeellaha Hoose, gaara ahaan Degaanno hoos taga Awdheegle iyo Bariire.

Saraakiisha howmo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab isaga kala gudbi jireen tuulooyinka Bariire hoostaga sidoo kalana ay ku kala gudbisan jireen lacagaha iyo hantida ay shacabka ka qaadaan.

Taliyaha ururka 7-aad, guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Maxamed Sheekh, oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalkooda illaa iyo inta ay degaanadaas ka saarayaan haraadiga maleeshiyaadka nabad diidka ee Al-Shabaab.

Ciidanka Kumaandooska Gorgor ayaa ku sugan meelo badan oo ka mid ah dalka, waxaana ay si weyn uga qeyb qaataan dagaalka ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab.

Mareykanka oo Soomaaliya ugu deeqay tallaalka COVID-19

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay magaalada Muqdisho keentay 286,650 dhibcood oo dheeri ah oo tallaalka Pfizer ee loogu talo galay ka hortaga Cudurka COVID-19.

Shixnaddan ayaa qayb ka mid ah ballanqaadka Maraykanka uu kaga jawaabayo dadaalada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo xanuunka COVID-19, isagoo u maraya qaybinta tallaalka COVAX.

Sida uu sheegay madaxweyne Biden, Mareykanka waxaa ka go’an dadaallada tallaalka caalamiga ah, si loo badbaadiyo nolosha dadka Soomaaliyeed iyo soo afjarida masiibada Covid19.

Maraykanku wuxuu ballan qaaday inuu bixiyo 1.1 bilyan oo ah tallaalka COVID-19, kaasi oo adduunka oo dhan ah, Ilaa hadda Maraykanka 500 milyan oo tallaal ah ayuu gaarsiiyay in ka badan 115 waddan.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo khadka taleefoonka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka

Madaxweynaha Soomaaliya JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal khadka taleefoonka la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Maraykanka, Antony Blinken.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xoghaye Blinken kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyadoo Madaxweynuhu uu dowladda Mareykanka uga mahad celiyey taageerada ay u fidiso dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Maraykanka, Mudane Antony Blinken, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Labada Dal. Madaxweynaha ayaa Dowladda Maraykanka uga mahad celiyey taageerada ay u fidiso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay ergeyga gaarka ah ee midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber oo ay wehlineysay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marwo Annette Weber ayaa ka wadahadlay dib u soo celinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyadoo soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub garab istaagga siyaasadda iyo qorsheyaasha horumarineed ee Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marwo Annette Weber ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo Soomaaaliya. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in la sii amba-qaadi doono,lana horumarinayo qorsheyaasha dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka, si loo dhammeystiro dhammaan shuruudaha ku xeeran arrimaha deyn cafinta ee dalkeenna.

Danjire Annette Weber ayaa ah mas’uulkii ugu sarreyey ee ka socda Midowga Yurub ee soo gaara dalkeenna tan iyo burburkii kaddib, taas oo muujineysa sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya dunida.

  

Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarradda iyo ciyaaraha iyo wefti uu hogaaminayo oo shir ka qeyb

Wafti uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Isboortiga Mudane Deeq Saleebaan Yuusuf ayaa ka qeyb galay shir goboleed heerkiisu aad u sarreeyay oo looga hadlayay waxbarashada dhallinyarta, xirfadsiintooda, ka qeyb galinta arrimaha bulshada iyo u carbinta shaqo sharaf leh, shirkaas oo ka dhacay magaalada Cammaan ee dalka Joordan. Agaasimuhu waxa uu u soo bandhigay madaxda ka soo qeyb gashay shirkaas Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarta Soomaaliyeed iyo Qorshe Hawleedka loogu talo galay in ay hagaan maal-galinta qaranka ee dhallinyarta Soomaaliyeed muddada afarta sanno ah ee soo socota (2022 – 2026). Intii uu shirku socday Agaasimuhu waxaa uu shir doceedyo la yeeshay madaxda kala ah:
1. Mudane Maxamed Cali Nabulshi, Wasiirka Dhalinyarta ee dalka Joordan
2. Mudane Ashraf Sobhy, Wasiirka Dhalinyarta iyo Ciyaaraha ee dalka Masar
3. Marwo Hibo Muumin, Wasiirka Dhalinyarta iyo Dhaqanka ee dalka Jabuuti
4. Mudane Dr. Misha’al Alshaheen, Wasiirka Arrimaha Dhalinyarta ee dalka Kuwayt
5. Marwo Lu’ay Shabaneh, Isu-duwaha UNFPA ee Waddamada Carabta
Kulamadaas, waxaa aay dhammaan madaxdu si adag u ballan qaadeen in ay Dawladda Soomaaliya ka taageerayaan hirgalinta Siyaasadda Qaran ee Dhalinyarta isla markaana ay u qoondayn doonaan taageero wax ku ool ah.