Ra’iisul wasaare Rooble oo lagu bogaadiyay dadaalkii uu ku bixiyay qabsoomidda doorashooyinkii dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta wakhti la qaatay qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho, iyagoona ku bogaadiyey dadaalka uu ku bixiyey qabsoomidda doorashooyinkii dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xogwareystay dadweynihii uu waqtiga la qaatay, waxaana uu u kuurgalay dareenka shacabka ee ku aadan doorashooyinkii dalka ka dhacay.

Bar-kullanada kala duwan ee ay isku yimadan dadweynaha muqdisho ayaa si weyn looga dareemaya in dalku yeesho hoggaan cusub sidoo kalena si nabad ah looga gudbo marxaladdii kala guurka, Waxaana filasho wanagsan la qabaa dowladda cusub ee dhalatay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoggaaminayay doorashooyinkii dalka ka dhacay, iyada oo la wada qiray dadalkii uu ku bixiyey doorashada oo hadda mira dhalay. Saaxiibada Beesha Caalamka, siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa si isku mid ah ugu ammaanay ra’iisul Rooble daadintii hanaankii doorasho ee dalka ka dhacay.

Doorashado waqti dheer qaadatay ayaa soo idlaatay 15-kii bishaan oo la doortay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

                   

Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray talisyada ciidamada qalabka sida ee Galmudug

Dhuusamareeb- Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta kormeer ku tagay talisyada ciidamada qalabka sida ee Galmudug.

Kormeerka madaxweynaha ayaa waxaa ku wehlinayay wasiiro ka tirsan xukuumadda Galmudug, saraakiisha ciidamada qalabka sida, gudoomiyaha gobolka Galgaduud iyo maamulka degmada Dhuusamarreeb.

Madaxweynaha oo la hadlayay ciidamada qalabka sida ayaa ku bogaadiyay guulihii dhawaan ay ka soo hoyeen howlgalkii xasillinta caasimadda iyo deegaanada hoos taga, isaga oo ku dhiirigeliyay ciidamada kala duwan inay sii joogteeyaan sida naf hurnimada leh oo ay waajibkooda u gutaan oo ah difaaca nafta iyo sharafka shacabka reer Galmudug.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo qaabbilay masuuliyiin ka tirsan Hay’adda naafada Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta hoygiisa Muqdisho ku qaabilay masuuliyiin ka socota Hay’adda Naafada Qaranka oo uu hoggaminayo Guddoomiyaha mudane Maxamed Cabdullahi Jaamac.

Madaxda Hay’adda Naafadda Qaranka ayay Guddoomiyaha u soo jeediyeen in fursado badan oo lagu horumarin karo la siiyo si ay u helaan xuquuq dhameystiran.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in uu garab taagnaan doono dadka aan lixaadkooda dhameystirneyn is la markaana Baarlamaanka uu noqon doono mid xuquuqdooda looga doodo dadaal dheerna  lagu bixin-doono garab istaaggaa naafada qaranka.

Wasiirka gargaarka oo kormeertay dhismaha qeybo cusub oo lagu soo kordhinayo wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka XFJS marwo,  Khadiija Maxamed Diiriye oo ay wehlinayaan Agaasimaha Guud, Axmed Abuukar Axmed, Agaasimaha Gargaarka iyo lataliyaha Xiriirrada Guud ee Wasaaradda Gargaarka ayaa maanta Kormeeray dhismaha cusub ee Xarunta Qaran ee Gurmadka Deg Dega ee wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka oo markii ugu horreysay dalka laga hirgelinayo.

Xarumaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XJFS iyo Xarunta Qaran ee Gurmadka Deg dega ayaa si dar-dar ah u socda dhismahooda.

Wasiiradda ayaa sheegtay in dhismaha Xarunta Qaran ee Gurmadka Deg-degga ee Wasaaradda Gargaarka iyo MM lasoo gabogabeyn doono dhamaadka sanadkan wixii xilligaas ka dambeeyan shacabka loogu adeegi doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ergey gaar ah u magacaabay arrimaha abaaraha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Soomaaliya, kaddib markii uu qiimeeyay baaxadda iyo culeyska xilligan adag ay dadka Soomaaliyeed kala kulmayaan Abaaraha.

Magacaabidda Ergeyga Gaarka ayaa muujineysa sida uu Madaxweynuhu mudnaan gaar ah u siinayo abaaraha iyo wax ka qabashada waxyeeladeeda oo saameyn weyn ku yeelatay nolosha dadka Soomaaliyeed ee xoolo dhaqatada ah iyo kuwa aan aheyn intaba.

Ergeyga Gaarka ah ayaa loo xilsaaray inuu heer qaran, heer gobol iyo calami intaba kala shaqeeyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso iyo daneeyayaasha kale, si loo helo xal waara oo lagu yareeyn karo, loogana gudbi karo saameynta abaaraha. Ergeyga gaarka ah wuxuu kale oo uu hormuud u noqon doonaa, isku dubaridka iyo u ololeynta kaalmooyinka caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur xilka Ergeyga u magacaabay, iyadoo la eegayo khibradiisa iyo fahamka uu u leeyahay arrimaha bini’aadantinimada iyo horumarinta bulshada.

Madaxweynaha ayaa u rajaynaya Ergeyga inuu u Ilaahay u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda uu u igmaday. waxayna magacaabistan ay dhaqangaleysaa isla maanta oo taariikhdu tahay 24 May, 2022

Wasiirka difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Tanzaaniya

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga XFS , Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Daarusalaam ee caasimadda dalka Tanzaniya wasiirka Difaaca iyo adeegga Qaranka Dalkaasi marwo, Stergomena Lawrence Tax.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Tanzaniya, gaar ahaan arrimaha amniga gobolka iyo iskaashiga labada Wasaaradood ee difaaca.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya , Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahad celiyay dowladda Tanzaniya soo dhoweynta diirran ee ay isaga iyo wafdigiisu u sameeyeen.

Duqa Muqdisho oo u ambabaxay dalka Turkiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa  Maanta Safar shaqo oo maalma kooban qaadan doona uga ambabaxay Magaalada Konyo ee Dalka Turkiga.

Duqa ayaa halkaas uga qeyb gali doona shir muhiim ah oo ku saabsan horumarinta iskaashiga magaalooyinka Muqdisho iyo Konya.

Madaxweynaha JFS oo Xuseen Macallin Maxamuud u magacaabay la taliyaha amniga Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh-Cali, Lataliyaha Amniga Qaranka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Mudane Xuseen Macallin Maxamuud uu khibrad iyo aqoon durugsan u leeyahay qaab-dhismeedka amniga qaranka, duruufaha amni ee ku xeeran dalkeenna iyo qorsheyaasha dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha cusub ee Amniga Qaranka in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

Mudane Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh Cali ayaa horey u soo noqday Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynihii 9-aad, Lataliye Sare oo dhanka Amniga iyo Ladagaallanka Argagixisada ah Madaxweynihii 8-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xubin ka tirsan Golaha Amniga Qaranka, isagoona ka soo qabtay xilal sarsare Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka maaliyadda XFS oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka maaliyadda XFS Dr; C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelman.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa waxay ka wada hadleen isbeddalka dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda oo ka hadlay kulanka uu la qaatay Safiirka midowga Yurub ayaa sheegay in midowga yurub yihiin saaxiibbo muhiim u ah horumarinta Dalka iyo taageerada maaliyadeed ee Soomaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shaqada ka joojiyay Wasiirka arrimaha dibedda

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shaqo ka joojin ku sameeyey wasiirka arrimaha dibadda XFS Cabdisaciid Muuse Cali, kadib markii uu fasaxay Markab dhuxul ka qaaday Soomaaliya oo lagu xayiray dalka Cummaan.

Warqad ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu baabi’iyey go’aankii uu wasiirka Cabdisaciid Muuse ku fasaxay Markabkaas, maadaama uu khilaafsan yahay shuruucda qaranka iyo kuwa caalamka, khatarna uu ku yahay qaranka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Hantidhowraha qaranka iyo Hey’adaha amniga wuxuu faray inay baaritaan ku sameeyaan falkaan sidii uu u dhacay, kadibna ay u gudbiyaan hey’adaha garsoorka dalka.