MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO MAGACAABAY AGAASIME KU-XIGEENKA GUUD EE MADAXTOOYADA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan u magacaabay xilka Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Agaasime Ku-xigeenka Cusub in uu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan Amiin waa aqoonyahan labo shahaado ka haysta heerka 2-aad ee jamaacadda, isaga oo ku takhasusay Horumarinta Dhaqaalaha, Maareynta Nabadda iyo Aammaanka Afrika. Waxa uu hore u soo noqday Sanatar ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Golaha Aqalka Sare, sidoo kale waxa uu soo noqday Safiir Ku-xigeenka safaaradda aynu ku leennahay dalka Kenya.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa booqasho ugu tegay madaxweynaha JFS oo maanta la wareegay xafiiska

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo safar ugu maqnaa dalka dibeddiisa ayaa booqasho ugu tagay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta xafiiska la wareegay.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa madaxweynaha warbixin ka siiyay socdaalkii uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta iyo habsami u socodka howlaha xukuumadda.

 

Madaxweynaha JFS oo u magacaabay mudane Xuseen Sheekh Maxamuud Xilka Agaasimaha Guud ee madaxtooyadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Mudane Xuseen Sheekh uu tusaale u yahay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee dib u dhiska dowladnimada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed oo uu ku bixiyey waqti badan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey in uu u fududeeyo Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka gudashada waajibaadka horyaalla, waxa uuna uga mahad-celiyey Agaasimihii Hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise dadaalka uu bixiyey muddadii uu xilkan hayey.

Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud oo horey u soo noqday Sanatar ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa sanadkii 1982 waxa uu ku dhashay magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, waxbarashada aas-aasiga ah iyo Jaamacadda heerka 1-aadna waxa uu ku qaatay magaalada Muqdisho, Waxbarashada heerka Labaad ee Jaamacaddana (Master Degree) waxa uu ka diyaariyey Daraasaadka Horumarinta, halka uu haatan ku guda jira takhasusuka Phd-ga ee Nabadda iyo Arrimaha Dowliga ah.

Ra’iisul wasaare Rooble oo dalka dib ugu soo laabtay

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib socdaal 4 cisho qaatay oo uu ku tagay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu uga qeyb galay tacsida madaxweynihii geeriyooday ee Imaaraadka Carabta Allaha u naxariistee Sheikh Khalifa Bin Zayid.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble intii uu joogay Imaaraadka, waxa uu magaalada Abu Dhabi kula kulmay madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid oo uu uga tacsiyeeyay geerida madaxweynihii hore Sheikh Khalifa, sidoo kalena u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo mas’uuliyadda loo doortay ee hoggaaminta dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Sheikh Maxamed Bin Zayid gaarsiiyay dhambaal tacsi, salaan iyo hambalyo ah oo uu uga siday madaxweynaha dalka Xasan Sheikh Maxamuud.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta sida ay u garab istaagtay Soomaaliya xilliyadii adkaa, gaar ahaan gurmadkii ay la soo gaartay dadka Soomaaliyeed ee abaarta ba’ani hayso.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo ka qeyb galay munaasabadda xil-wareejinta Madaxweynaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xil-wareejinta madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, asaga oo xilka kala wareegay madaxweynihii tala ka degay ee JFS, mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Madaxtooyadda Qaranka ee Villa Somalia ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenadda Golaha Shacabka JFS kuwaas oo ayagana ka qeyb galay munaasabadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa mar kale u hambalyeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaana uu Ebbe ugu baryay xilka maanta uu la wareegay in uu ku asturo.

Madaxweyne Hasan sheikh Maxamuud oo xilka si rasmi ah maanta ula wareegay

Munaasabad Maanta ka dhacday Madaxtooyada Soomaaliya waxaa Madaxweynihii hore ee dalka  Ee xilka ka dagay Maxamed Abdullaahi Farmaajo Xilka si rasmi Ah ugu wareejiyey madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Maxamuud oo 15-kii Bishaan lagu doortay Teendhada Afisiyooni .

Xafladda xil wareejinta ah waxaa goobjoog ka ahaa Labada madaxweyne ee xilka isku wareejinayey, Madaxweynihii hore ee dalka Sheikh shariif, Guddoonka labada Aqal, taliyeyaasha Ciidamada, Xildhibaannada iyo Golaha Wasiirada iyo marti sharaf kale oo aad u badan.

Madaxweynihii hore ee xilka baneeyey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa la doortay 8-dii Bishii Febaraayo ee sanadkii 2017-kii waxaana uu xilka haayay in ka badan 5 Sano.

      

Madaxweyne Biden oo booqasho dhaqaalaha la xiriirta ku tagey dalka Japan

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa gaaray dalka Japan. Waa lugtii labaad ee booqashadan oo ah tii u horreysay ee Biden uu Asia ku tago illaa intii uu madaxweynaha noqday.

Biden ayaa labo maalmood oo aad u mashquul badan halkaas ku joogi doona. Maalintii Isniinta ah waxa uu la kulmayaa Ra’iisal Wasaaraha Japan, Fumio Kishida iyo boqorka dalka, Naruhito. Waxa uu sidoo kale horumarin doonaa hindisaha ganacsi ee dalalka badan ku jiraan. Talaadadana waxa ay is arki doonaan hogaamiyeyaasha India, Australia, iyo Japan. Waa shirmadaxeed ay yeelanayaan afartan waddan oo ka wada tirsan ururka Quad.

Biden ayaa ka degay gegida dayuuradaha Yokota oo ah xarun ciidan oo ku taalla duleedka Tokyo, ka dib labo maalmood oo uu ku soo qaatay dalka K. Koonfureed. Socdaalka K. Koonfureed ayaa ahaa mid hoosta ka xariiqaya in Maraykanka ay ka go’an tahay inuu dhaqaale galiyo gobolkaas.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sii saadaaliyey in K. Woqooyi ay tijaabin doonto gantaalada hubka nuclearka qaadi kara iyo bambooyin inta madaxweynaha Maraykanku uu gobolka booqanayo. K. Woqooyi ayaa iska dhago tirtay dadaal ay Washington ku doonaysay inay xiriir kula sameyso.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo magaalada Geneva uga qeyb galaysa Shirweynaha Hay’adda Caafimaadka Adduunka.

Wafdi ay hoggaaminayso Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Dr.Fawziya Abikar Nur ayaa waxay ka qayb galayaan Shirweynaha Sanadlaha ah ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka oo ka furmay magalada Geneva ee Dalka Switzerland.

Shirka oo sanadkan halku dhig looga dhigay “ Nabaddu waa Caafimaad, Caafimaadkuna waa Nabad” ayaa wuxuu muddo dhawr maalmood ah ka socon doonaa magalada Geneva.

Wafdiga ay hogaaminayso Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa waxay shirka kusoo bandhigi doonaan guulaha la taaban karo ee ay Wasaaraddu ka samaysay dhanka hormarinta iyo dib u dhiska nidaamka Caafimaadka Dalka.

Guulahan oo noqday kuwo tusaale looga dhigi karo wadamo baddan oo ku yaala dunida kuwa ku jira wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo ayaa Soomaaliya ka dhigaya wadan sameeyay is bedallo la taaban karo ee dhanka Nidaamka Caafimaadka

Madaxweyne Hasan sheikh ayaa maanta la filayaa inuu xilka kala wareego Madaxweynihii hore ee Dalka Maxamed Abdullaahi Farmaajo

Waxaa maanta la filayaa in xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Xilalka ku kala wareegaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 15-kii Bishaan lagu doortay Teendhada Afisiyooni  iyo  Madaxweynihii hore  ee xilka kasii dagaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xafladda  xil wareejinta ayaa lagu wadaa in goordhaw bilaabato waxaana Lagu wadaa in ay Ka Qeybgalaan Madaxweynayaasha  xilalka isku wareejinaya, Guddoonka labada Aqal, Taliyeyaasha Ciidamada, Xildhibaannada iyo Golaha Wasiirada iyo marti sharaf kale oo aad u badan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbado koo kooban ka jeedin doona munsaabadda xil wareejinta iyo xubnaha kale ee lagu marti qaaday.

Wasaarada Qorsheynta oo kullan u qabatay Hay’adaha ka shaqeeya barnaamijyada xalka waara.

Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa qaban qaabiyay kulan isugu yimaadeen inta badan hay’adaha ka shaqeeya barnaamijyada xalka waara, ee Soomaaliya iyo daneeyayaasha taageera Soomaaliya.

Kullanka waxaa daahfuray Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ay wehliso Agaasimaha Kormeerka iyo Qiimeynta ahna Agaasimaha Xalka-Waara, Marwo Zahra Cabdi Maxamed.

Intii uu socday shirka ayaa looga hadlay arimaha kala ah:

1. Dar-dargalinta arrimaha hortabinta u leh dedaalada loogu jiro in xal waara loo helo barakaca baahsan ee dalka.

2. Qorshe hawleedka ee xalka waara kuna salaysan Istaratijiyada Xalka Waara ee loo sameeyey maamul goboleedyada Dowladda Federalka.

3. Isku xirka shaqooyinka xalka waara ee hay’adaha iyo wasaaradaha Dowladda Federalka.

4. Dardargelinta hirgelinta Istaratijiyada Xalka Waara