R/wasaare Rooble oo la kulmay Madaxwaynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa mar kale maanta la kulmay madaxwaynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan.

Kulankaan oo ka dhacay Guriga Madaxwaynaha ayay labada mas’uul uga wada hadleen iskaashiga labada dal iyo sidii dawladda Imaaraadku u xoojin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Khamiistii soo gaaray Abu Dhabi ayaa madaxda ugu sarreysa Imaaraadka la lahaa kulammo diiradda lagu saarayay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka walaalnimo ee labada dal ee walaalaha ah.

Taliska Booliiska oo kulan mahadcelin ah u sameeyay Saraakiisha Booliiska ee sugayay amniga doorashooyinka

Kulan abaal marin iyo mahadnaq isugu jiray ayaa loo qabtay saraakiisha Ciidanka Booliiska iyo kuwa Amisom ee sugayay amaanka doorashadii Madaxweynaha iyo Guddoonada Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Taliye ku-xigeenka Booliiska, Taliyaha Booliiska ee Gobolka Banaadir, Taliska ATMIS, Guddiga Doorashooyinka iyo Xubno ka socday Qaramada Midoobe.

Qaybaha kala ah Ciidanka Haramcad, Birmadka ,Daraawishata iyo RRA ayaa la guddoonsiiyay Shahaado sharaf uu Taliska ugu tala galay in ay noqoto muujinta dedaalkii ay ku lahaayeen qabsoomidda Doorashada.

  

Wasaaradda Amniga oo sagootisay Herbert oo ka tirsanaa la taliyeyaasheeda Sare.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Farxaan Cali Axmad iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Yusuf Cali, Agaasime Waaxeedyada, Lataliyaasha iyo Shaqaalaha Wasaaradda Amniga ayaa maanta kulan sagootin ah  u sameeyay Mr Charlie Herbert oo ahaa lataliye sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha.

Mr Charlie ayaa la shaqeynaayay Wasaaradda Amniga Gudaha mudo laba sano iyo bar ah. Masuuliyiinta Wasaaradda ayaana sheegay in uu shaqada uga tagay arrrimo u gaar ah.
  

R/Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo shir guddoomiyay kullan looga arrinsanayay xiliga kala guurka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa shir guddoomiyay kulan looga arinsanaayay xilliga kala-guurka, waxqabdka Xukuumadda iyo dhammaystir ka Dokumentiyada muhiimka ah.

Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sii wadi doonta howlaha muhiimka ah ee Qaranka tan iyo inta laga soo dhisayo xukuumad cusub oo xilka kala wareegta.

Guddoonka labada aqal oo kullan mahadcelin ah la yeeshay Guddigii Doorashada Madaxweynaha JFS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa kulan la yeeshay guddigii doorashooyinka madaxweynaha JFS.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa ugu mahad celiyay guddiga sidii ay u hirgaliyeen jadwalkii doorashada Isla markaana u maamuleen doorashadii madaxweynaha JFS.

Guddoomiyaha Aqalka sare iyo safiirka Itoobiya oo ka wad hadlay adkeynta xiriirka labada dal

Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya Mudane Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Safiirka oo Guddoomiyaha ugu yimid salaan iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashadiisa, ayaa sidoo kale, ka wada hadlay adkaynta xiriirka diblumaasiyaddeed ee labada dal.

Wasiir Beyle” Kabka miisaaniyadda waa furmayaa, wax dhibaato ah kama taagna,”

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo wareysi kooban siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in uu furmayo kabka miisaaniyada ee dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ay siiyaan dowlada oo in mudo ah go’naa kadib markii madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu kulamo la qaatay madaxda hay’adaha dhaqaalaha aduunka.

Wada shaqeyn wanaagsan oo ka dhaxeysa Dowladda Federaalka, Banka Aduunka iyo Hay’adda IMF ayaa suurta-gelinaya in ay soo daayaan wixii loo baahnaa ee markii hore la hakiyay.

“ Kabka miisaaniyaddu waa furmayaa, waa loogu talagalay wax dhibaato ah iminka inaga soo gaarayana ma jiraan, kaliya waxaa dhiman in la bilaabo oo meshooda la geeyo, arrintaas ayaa bilaabatay,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, madaxda wasaaradda maaliyadda iyo hay’adaha dhaqaalaha aduunka ayaa ka wada hadlay howlaha dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo taageerada Bankiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hooygiisa ku booqday Madaxweynaha JFS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo madaxweynaha JFS  ayaa kulan gaar ah ku Yeeshay hoyga uu deggan yahay madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Masuuliyiinta ayaa waxay ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo amba-qaadista hanaanka dowladnimadda Soomaaliya.
 

Maxkamadda CQS oo xukun ku riday xubno Argagixisada Alshabaab ka tirsanaa.

Usaama Cabdi-Nuur Saciid, Cabbdi-Samad Cabbdullaahi Maxamed iyo Sakariye  Axmed Cabdullaahi ayaa loo haystaa ka mid ahaanshiyaha Alshabaab.

Usaama Cabdi-Nuur Saciid iyo Cabbdi-Samad Cabbdullaahi Maxamed waxa ay kuwada dhasheen Burco halka Sakariye Axmed Cabdullaahi uu ku dhashasy Hargaysa.

Sedaxda dhalinyarada ah ayaa loo daaray Muuqaal laga sameeyay dhulka cagaaran ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay dhegeysteen Codad laga soo duubay dhalinyara Jidbaysan oo Nolosha adduunka ka doortay in Lafahooda ay Holciyaan.

U qaabilsanaha goballada Woqooyin ee Maleeshiyada Alshabaab ayaa u sheegay dhalinyarada inay Nolol wanaagsan ka jirto Howdka, waxa ayna safar socdaal ah ku soo mareen inta u dhexeyso Burco iyo Garowe.

Garowe oo ay diyaarad ka soo raaceen kadib waxaa laga soo dajiyay Muqdisho, haweenay magaceed Xarakigaha uu ahaa Wiillo ayaa dajisay Hotel, waxaana maalma kadib loo kaxeeyay Jilib, maalmo Nasiino ah kadib waxa ay uga sii gudbeen Bu’aale oo lagu baray tababar 90 Cisha ah Isticmaalka Qoryaha AK47-G3-BKM- F1 & PISTOL.

Intii ay tababarka ku jireen waxaa sidoo kale loo fasir xumeeyay dhowr nusuus oo ka mid ah Kitaabka iyo Sunnaha, waxaana loo raaciyay oraahya laga soo guuriyay kuwa diinta fasir wareeriyay oo is gaar siiyay darajada Fatwa.

Sedaxdan dhalinyarada ayaa sidoo kale lala soo qabtay buug xasuus qor oo ay wateen kuna diiwaan gelin jireen Howl maalmeedkooda.

Sidoo kale hay’adaha Amniga ayaa Xafiiska Xeer Ilaalinta la wadaagay fariimo ay u direen Saaxiibbadooda gabdhaha ahaa, waxaana ay tiriyeen tixo Samir siin ah.

U jeedkooda ayay ku koobaan in ay billow u yihiin dhalinyaro loogu tala galay in ay ka howl-galaan Goballada Woqooyi iyo dhulka Soomaali Galbeed Ethiopia.

Dhammaan dhalinyarada ayaa wada qaatay fikirka kooxda October 2021, 15-kii March Sanadkan ayaa lagu wareejiyay hogaanka baarista NISA.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa la wareegay Eedeysanayaasha April sanadkan, waxa ayna Codsadeen dabayaaqdii April Garsoorka ciidamada Qalabka Sida  in loo Maxkamadeeyo Sedaxda Eedeysane kamid noqoshada Argagixisada.

Maxkamadda ayaa fadhiya kala duwan kadib ku xukuntay min 8-sano oo Xabsi Ciidanah, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle  Maxamed Cabdi Muumin.

Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

  

 

Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay waqtiga imtixaanka midaysan ee fasalka 12aad

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada Dalka ayaa lagu yiri:- Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ardayda, waalidiinta, macallimiinta, maamulayaasha iyo dhammaan bah-wadaagta waxbarashada Soomaliyeed halkaan kula wadaagaysaa shaacinta waqtiga qaadista imtixaanka midaysan ee fasalka 12aad.

Wasaaradda Waxbarashadda ee JFS markii ay wadatashi ku saabsan qaadista imtixaanka la
sameysay bah-wadaagta waxbarashada qaybahooda kala duwan waxa ay go’aamisay in waqtiga qaadista imtixaanka sanad dugsiyadeedka 2021/2022 uu noqon doono taariikhdu markay ku beegan tahay 18ka ilaa 22ka Juun, 2022.

Haddaba, Wasaaraddu waxay ku boorinaysaa isla markaasna ka rajeyneysaa dhammaan ardayda dhigata fasalka 12aad in ay u diyaar-garoobaan imtixaanka.

Sidoo kale waalidiinta iyo maamulayaasha dugsiyadana waxa ay ka rajeyneysaa in ay ardayda ku garab-siin doonaan diyaar-garowgooda.

Halkan ka aqriso Warsaxaafadeedka Wasaaradda.