Madaxweynaha dalka oo arrimaha dayn cafinta Soomaaliya kala hadlay Hey’adaha dhaqaala Adduunka

Waxa aan maanta soo gabagaboobay kulamadii Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hey’adaha dhaqaala Adduunka.

Kulankii ugu danbeeyay ee maanta oo Madaxweynaha uu ku wehliyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa waxa ay maanta la yeesheen Bangiga Horumarinta Afrika.

Team ka AFDB, Wasaaradda Maaliyadda iyo madaxweynaha ayaa ka wada hadlay sii wadidda howlaha dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo taageetada Bangiga ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa ballan qaaday in Dowladdiisu ay xoogga saari doonto dhameystirka howlaha deyn-cafinta.dambaysay.
  

Goorta ay dhacayso xil wareejinta Madaxweynaha Dalka oo la go’aamiyay

Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan is-xogwaraysi ah ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka.

Kulankan oo ah kii saddexaad ee ay Labada Madaxweyne ku yeeshaan Madaxtooyada Qaranka ayaa waxa ay si guud uga wada hadleen Qorshayaasha Qaran ee hortabinta leh.

Madaxweyneyaasha ayaa guddiga Qaban-qaabada Xafladda xil-wareejinta la eegay habka ay u qorsheeyeen in ay u dhacdo Xil wareejinta Madaxweynaha iyaga oo si wadajir ah u kormeeray qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Madaxtooyada Qaranka.

Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u go’aamiyay in xafladda xil wareejinta Madaxweynaha sagaalaad Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Tobanaad ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud la qabto maalinka Isniinta ee Toddobaadkan oo ku began 23ka bishan May ee 2022ka.

      

Guddoonka Aqalka sare oo la kulmay Guddoonada Baarlamaanka Maamul Gobolleedyada

Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehlinayeen Guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo 2aad ee Aqalka Sare ayaa xarunta Aqalka Sare kulan kula yeeshay Guddoonnada Golayaasha Sharci dejinta ee Maamul goboleedyada dalka.

Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Aqalka Sare iyo Golayaasha Sharci dejinta Maamul-goboleedyada iyo ka wada shaqaynta adkaynta nidaamka Federaalaynta Dalka.

            

Ardayda Koonfur Galbeed oo u fariistay imtixaanka hahaadiga ah

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed waxaa maanta si rasmi ah uga furmay imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga sare oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada.

7,589 Ardey ayaa guud ahaan koonfur galbeed sanadkan u fariisaneysa imtixaanka dugsiga dhexe ee fasalka 8-aad, waxaana furitaanka imtxaanka ka qeyb galay guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlmaanka Koonfur Galbeed , wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada, Agaasimha Guud ee Wasaaradda, hawl wadeeno iyo agaasime waaxeedyo ka socda wasaaradda waxbarashada.

Mas’uuliyiintii madasha furitaanka imtixaanka ka hadlay ayaa sheegay in dadaal xooggan ku bixinayaan sidii ardayda kaalmaha hore gala ku heli lahaayeen waxbarasho lacag la’aan oo dugsiga sare ah.

Taliyaha cusub ee qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka oo maanta si rasmi ah xilka ula wareega

Gaashanle Sare Ibraahim Cusmaan Maxamed (Tifow) oo dhawaan loo magacaabay Taliyaha Cusub ee Qeybta 60aad ayaa maanta si rasmi ah xilka Taliyaha ugula wareegey Taliyihii hore Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeyo guuto Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow oo kamid noqday Xildhibaanada 11aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaana Munaasabadda Xil wareejinta ka soo qeyb galey Saraakiisha Ciidanka Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Aqalka sare iyo safiirka Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Saalax Almuwallad.
Safiirka oo guddoomiyaha ugu yimid salaan sharafeed iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashadiisa ayaa sidoo kale, ka wada hadlay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen kor u qaadidda xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Saraakiisha ciidamada amniga gobolka Mudug oo baadi goobaya kooxo hubeyan oo dil geystay

Guddoomiyaha gobolka mudug mudane Axmed Bukhaari ayaa kulan ku saabsan sugidda amniga gobolka Mudug waxaa uu la qaatay Saraakiisha ciidanka ammaanka.

Kulankaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay taliska qeybta booliska gobolka, kan degmada, gudoomiye ku xigeenka degmada iyo saraakiisha ciidamada xasilinta gobolka mudug, kuwaas oo door muhiima ka qaata sugista amniga gobolka Mudug.

Gudoomiyaha gobolka ayaa ka codsaday saraakiisha ciidanka in gacanta lagu soo dhigo kooxo hubeysan oo shalay labo ruux ku dilay duleedka magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay caqabadaha ka jira gobolka Gedo

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo dhaweeyay isbadalka cusub ee dalka ka hirgalay, isagoo xusay in mudo la sugayay doorashooyinka guud ee dalka ka dhacay.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubbaland ay guda-galeyso xalinta caqabadaha ka jira gobolka Gedo, wuxuu tilmaamay in hadda kadib la fasaxay dhamaan tageeradii iyo adeegyadii hormarinta ee gobolka ka xayiraa sanadahii lasoo dhaafay ee heer Federaal iyo heer Jubaland, isagoo intaas ku daray in dhismaha golayaasha deegaanka laga bilaabi doono degmada Garbahareey ee xarunta gobolkaas, isla markaana uusan jirin doonin maamul cusub oo gobolkaas loo magacaabayo ee dadka deegaanku ay soo dooran doonan dadka matalaya.

Madaxweynaha Jubalanad wuxuu balan qaaday in kala aragti duwanaantii iyo khilaafkii ka jiray gobolkaas aan cidna loo beegsan doonin, dadka deegaanka iyo guud ahaan shacabka Jubaland-na ay u siman yihiin xuquuqaha ay xaqa u leeyahiin, wax walbana wada hadal lagu dhamayn doono.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland oo aad u soo dhoweeyey doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Rooble oo si naf hurnimo ah ugu istaagay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay, isla markaana natiijadeeda la wada aqbalo, Guddiyada doorashooyinka ayuu sidoo kale Madaxweynahu ku amaanay shaqadii hufnayn ee ay soo qabteen.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Abu-Dhabi kula kulmay madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Abu Dhabi kula kulmay madaxweynaha Dowladda Isu tagga Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan, isagoo uga tacsiyeeyay geerida Allaha u maxariis madaxweynihii hore ee Imaaraadka Sheikh Khalifa Bin Zayid.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxweynaha cusub ee Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid gaarsiiyay dhambaal hambalyo iyo tacsi ah oo uu uga siday madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.
Dhankiisa madaxweyne Maxamed Bin Zayid ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay doorashadii madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo in guud ahaan howshii doorashada dalku ku soo dhammaatay si nabad ah.

Khasaare hantiyeed oo ka dhashay dabkii xalay ka kacay suuqa Banaadir

Dab geestay qasaare handiyeed ayaa xalay fiidkii ka kacay suuqa Banaadir ee magaalada Muqdisho dabka ayaa wuxuu kadhashay sida la sheegay koranto isagoona ku faafay carwooyinka ganacsi ee ku teedsan laamiga is-goska Banaadir.

Gawaarida dab damiska deg dega ah ee Dowladda hoose ee Xamar ayaa durbaba gaaray goobaha dabku saameeyay, isla markaasna ka hortagay in uu dabku siifaafo.

Dabka oo saameeyay in kabadan 25 goobo ganacsi oo halkaas kuyaalay ayaa dhamaantood ku basbeelay waxaana ka dhashay qasaare hantiyeed oo baaxadleh.