Madaxweyne Xasan Sheekh oo xanuunka la qeybsaday ganacsatadii hantidooda ku waayey dabkii xalay

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh  Maxamuud ayaa xanuunka la qeybsaday dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay dabkii xalay ka kacay goobaha ganacsi ee isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho

Madaxweyne Xasan ayaa yirri “Waxa aan xannuunka iyo dhibka la Wadaagayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidoodii ku gubatay dabkii xalay ka kacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho kuna fiday goobaha ganacsi ee u dhow .

Madaxweynaha ayaa sheegay in musiibada dabka tahay dhibaato u baahan in wadajir looga shaqeeyo maareynteeda, waxaana uu tilmaamay in ay ka shaqaynayaan sidii xal loogu heli lahaa.

“Musiibada dabku waa mid kamid ah Arrimaha nooga wada baahan maareynta, Insha Allaahu xilligeeda iyo xalkeeda waannu gaari doonaa”,ayuu yiri madaxweynuhu.

 

Soomaaliya iyo Hey’adda IMF oo gaaray heshiis wax ku ool ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa gaaray heshiis muhiim ah oo ku saabsan geeddi socodka Deyn Cafinta iyo dib-u-eegista Wajiyada 2aad iyo 3aad Barnaamijka ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Heshiiska IMF ayaa yimid kaddib markii ay soo dhammaatay doorashadii Madaxweynaha ayna wadahadal yeesheen 17 ilaa 18 May Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud oo uu wehliyo wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo hey’adaha dhaqaalaha.

Madaxweynaha Cusub ayaa dhegeystay warbixinta hey’adaha dhaqaalaha isaga oo la wadaagay sida ay uga go’aan tahay dowladiisa Cusub ka mira dhalinta barnaamijka dayn cafinta.

IMF waxa ay sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya kor u kacay sameeyay dhib kasta oo ka jiro dalka, sida Abaaraha. Hey’adda IMF waxa ay ay ballan qaaday in ay si dhaw ula shaqayn doonto dowladda cusub iyo Hey’addaha Maaliyadda dalka.

“Waxa aan ku faraxsanahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda IMF ay gaareen heshiis muhiim u ah geeddi socodka deyn-cafinta iyo Dib-u-eegista Wajiyada 2aad iyo 3aad Barnaamijka ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha dalka”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

IMF ayaa waxa ay horrey u sheegtay un haddii la gaaro 17 bisha May ay halis gali doonto taageerada Maaliyadeed iyo kabka dhaqaalaha ee la siiyo Soomaaliya, taasi oo ay sheegtay in haddii aan doorashada Madaxweynaha waqti taas la qaban ay dhibaato wayn gaari doonto horumarka laga sameeyay dhawrkii sano ee la soo dhaafay dhaqaalaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa sheegay 100-ka  maalin ee ugu horeysa uu xoogga saari doonaa horumarinta dhaqaalaha iyo in Soomaaliya ku guuleysato wadahadalka dayn cafinta oo helis u galay in uu joogsado kadib dib u dhacii doorashada.

Heshiiska IMF iyo dowladda  Soomaaliya ayaa keenayaa in  hey’adaha dhaqaalaha iyo deeq bixiyayaasha dib u bixiyaan dhaqaalaha kabka miisaaniyadda  iyo mashaariicda ee ay u hakiyeen dib u dhaca doorashada.

Imaaraadka Carabta oo ku dhawaaqday lacago kaalmo ah oo la siiyo dadka Soomaaliyeed

Wakaalada wararka ee WAM,aya sheegtay in madaxweynaha Imaaraatka Carabta Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan uu amray in 35 milyan oo gargaar bini’aadanimo oo deg deg ah loo soo diro Soomaaliya si loo yareeyo saboolnimada ba’an ee ka jirta gudaha dalka,isla markaana loo taageero dadaalada horumarineed, ee socda.

Deeqdaan ayaa  waxa ay xaqiijineysaa sida Imaaraadka Carabta ay uga go’an tahay inay caawiyaan dalalka saaxiibka ah iyo dadaalka ay ugu jiraan horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leeyihiin Soomaaliya,

Hindisaha Imaaraatka Carabta ayaa ujeedadiisu tahay in ay wax ka qabtaan baahiyaha dadka Soomaaliyeed ay u qabaan dhinacyada kala duwan ee horumarka.

Deeqdaan ayaa qeyb ka ah  hagaajinta xaaladaha nololeed ee dadka iyo in sare loogu qaado awooda dowladda Soomaaliya si wax looga qabto  dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ka taagan Soomaaliya.

Dhinaca kale,hey’adda UNICEF waxa ay qiyaastay in 4.8 milyan oo qof ay soo food saartay cunto yari ba’an, halka ku dhawaad ​​1.4 milyan oo carruur ah ay u badan tahay in ay nafaqo darro ba’an soo food saartay dhammaadka 2022.

Guddoomiyaha Aqalka sare oo hambalyo iyo Salaanka ugu tagey Madaxweynaha JFS.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa caawa hambalyo iyo salaan ugu tagay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan sheekh Maxamuud, waxayna isla qaateen in si wadajir ah loo dardargaliyo howlaha hortabinta leh ee hor yaalla Dowladda.

Dab ka kacay Goobo Ganacsi oo ku yaalla Isgooyska Banaadir.

Dab ayaa ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho,iyadoo illaa iyo hadda aan la garaneyn sababta ka danbeysa dabka.khasaaraha ka dhashay ayaan la xaqiijin,gaadiidka gurmadka deg-degga ah iyo dab damiska ayaa gaaray goobta dabku ka kacay si ay dabka uu damiyaan.

Ciidamada amniga ayaa goobta isku gedaamay si aan dadka ugu soo dhawaan dabka.
Laamaha amniga ayaana illaa iyo hadda ka hadlin dabka kacay isgoyska Benaadir.

R/W Rooble oo si diiran loogu soo dhaweeyay Abu Dhabi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee caasimadda Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu uga qeyb galayo tacsida Madaxweynihii geeriyooday ee dalka Imaaraaadka Carabta Sheikh Khalifa Bin Zayid.

Sidoo kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu Madaxweynaha cusub ee dalka Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan gaarsiinayaa dhambaal hambalyo iyo salaan ah oo uu uga sido Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Abu Dhabi ku soo dhaweeyay Wasiirka Caddaaladda ee dalka Imaaraadka Carabta Mudane Cabdalla Alnuceymi.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa booqashadii Imaaraadka ku wehliya Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Al-Cadaala iyo mas’uuliyiin kale.

Imaaraadka Carabta oo amartay in Soomaaliya la siiyo 9.5 Milyan

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta ayaa amar ku bixiyey in Soomaaliya lagu wareejiyo lacag dhan $9.5 Milyan oo dollar, taas oo loogu talagalay arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta Soomaaliya.

Lacagtaan ay dowladda Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliya, waxay ku soo aadeysaa, xili Khamiista maanta ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Imaaraadka dib ugu celisay $9.6 Milyan oo sanadkii 2018-kii laga xayiray, kuna jirtay Bangiga Dhexe ee dowladda.

Madaxweynaha JFS oo madaxtooyada kula kulmay madaxweynihii hore ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada kula kulmay Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo qabanqaabada munaasabadda xil-wareejinta Madaxweynaha.

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Saxiixay Xeer Nidaamiyaha Labaad ee Sharciga Shirkadaha

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo ay welinayaan Agaasimaha guud Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, agaasime waaxeedyada iyo la-taliyeyaasha Wasaaradda, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Xeer Nidaamiyaha labaad ee lagu dhaqan-gelinayo sharciga shirkadaha Soomaaliya(Sharci Lambar 18 oo soo baxay 2019).

Xeer nidaamiyahan labaad oo Wasaaraddu ka soo shaqeynaysay muddooyinkii u dambeeyey isla-mar-ahaantaana soo maray marxalado kala duwan, ayaa lagu saleeyey siddii uu u dabooli lahaa baahiyaha dhinaca fududeynta diiwaan-gelinta iyo habraaca la xidhiidha wax-ka-beddelka shirkadaha iyo weliba dhammeystirka ama dhaqan-gelinta habka onlaynka ah ee lagu dalbado diiwaan-gelinta shirkadaha kuwaasi oo qeyb weyn ka qaadanaya horumarinta ganacsiga iyo dhiiri-gelinta maal-gashiga dalka.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo ka dib markii uu saxiixay faah-faahin ka bixiyey xeer nidaamiyahan labaad, ayaa tilmaamay in uu fursad u noqon doono ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Ajaaniibta ah isla-mar-ahaantaana uu u fududeyn doono hawlahooda ganacsi.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaraddu, ayaa shahaado sharafyo guddoonsiiyey qaar ka mid ah mas’uuliyiinta iyo hawl-wadeenada Wasaaradda oo qeyb-weyn ka qaatay diyaarintii iyo daah-furista lagu sameeyey Habka Onlaynka ah ee Diiwaan-gelinta iyo bixinta Laysamada Shirkadaha Ganacsiga Soomaaliya kaas oo noqday barnaamij guulaystay oo wax weyn ka taray fududeynta ganacsiga dalka, isla-mar-kaana uu qofka ganacsadaha ahi uu shirkaddiisa diiwaan-gashan karo isaga oo ku sugan xafiiskiisa shaqo ama gurigiisaba.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, si uu uga qeyb galo tacsida Allaha u naxariistee madaxweynihii geeriyooday ee Imaaraadka, Sheikh Khaliifa Bin Zayid Al-Nahyaan, isagoo sidoo kale madaxweynaha cusub ee dalkaas Sheikh Maxamed Bin Zayid u gudbin doona hambalyo iyo salaan uu uga wado madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Dhanka kale Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar oo horay looga xayiray.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bishii January ee sanadkan amray in la fasaxo lacagtan oo laga hakiyay dowladda Imaaraadka sanadkii 2018.