Ciidanka xoogga oo cagta mariyay fariisimo ay Al-shabaab ku lahaayeen gobolka Hiiraan

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Kumaandooska Gor-gor ayaa maanta la-wareegey fariisimo cusub oo ay Argagaxisadda al-Shabaabka ka go’doomin jireen Degmada Matabaan iyo deegaanada hoostaga.

Deegaanada howlgalada qorsheyshan Ciidamada ka sameeyeen waxaa ka mid ah. Labi ceebad, Bacaha, Beergadiid, Xodale, Xajiin farayar, laasaban iyo Coomaad deegaanadaas oo dhamaantood u dhaxeeya magaalooyinka Baladweyne iyo Matabaan.

Taliyaha ururka 3-aad guutada 17-aad ee Gor-gor Dhamme, Jamaal Cilmi Aadan ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Malleeshiyaadka Al-Shabaab ay isaga carareer Tuulooyinka Ciidanku howlgalada ka sameyeen.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in howlgalkoodu ay sii wadi doonaan illaa kooxda Argagaxisada ay ka saaraan goobaha kaga dhuumaaleystaan ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha kuwaas oo Guddomiyaha kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa abaarahan soo noq-noqday.

Guddiga abaaraha ayaa Guddoomiyaha ka codsaday in qeyb ka mid ah loogu deeqo lacagihii musharaxiinta laga qaaday si wax loogu qabto dadka dhibaateysan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dhankiisa guddiga kula dardaarmay in sida ugu wanaagsan uu Golaha Shacabka u la shaqeeyn doono Gudigga Abaaraha.

Golaha Wasiirrada XFS oo maanta ansixiyay hindisayaal dhowr ah

Shirka Golaha Wasiirrada XFS oo uu maanta guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyay  Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda.

Sidoo kale kulankan ayaa waxaa lagu ansixiyay hindise sharciyeedka kalluumeysiga iyo Siyaasadda maamulka howlaha hay’adaha samafalka Islaamiga ah.

Soomaaliya iyo IMF oo ka wada-hadlay hannaanka deyn cafinta

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr; Cabdiraxman Ducaale Beyle iyo Madaxda Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ku wada hadlay shir ku qabsoomay aaladda fogaan aragga ee Zoom-ka.

Kulanka ayaa waxana shir Guddoomiyay Madaxweynaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sheikh Maxamuud, waxaana looga hadlay hannaanka geeddi socodka deyn cafinta Soomaaliya oo maraya meel wanaagsan.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay halka uu marayo dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka iyo sharuudaha dhamaystirka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo dalka aad muhiim ugu ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka in la sii waddo dedaalada lagu xaqiijinayo dib- u – habeynta hannaanka maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabbilay danjiraha Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Albaaz.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabbilay danjiraha Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Albaaz.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish).

Guddoomiyaha ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray doorashadii uu dhawaan ku soo baxay ee ka dhacday dalka.

Waxaa kulanka ku wehliyay waxgarad iyo xildhibaano ka tirsan BJFS.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay wakiilka gaarka ah ee QM ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay maanta wakiilka gaarka ah ee Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya Ambassador James Swan.

James Swan ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu maanta Muqdisho kula kulmo oo uu si shakhsi ah ugu hambalyeeyo Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka xog wareystay arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa.

Waxaana ay ka wada hadleen sida ugu wanaagsan ee Qaramada Midoobay ay u sii wadi karto taageerada ay siiso Soomaaliya iyo dadkeeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Safiiradda dalalka Uganda iyo Itoobiya ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Safiirka dowladda Uganda ee Soomaaliya iyo Safiirka dowladda Itoobiya ee Soomaaliya  Cabdulfatax Cabdullahi Xasan.

Safiirrada ayaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud soo gaarsiiyey dhambaal hambalyo ah oo ay kaga wadeen hoggaamiyeyaasha dalalkooda, iyaga oo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin xilka madaxweynaha ee Baarlamaanka Soomaaliya u doorteen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay guddiga guddiga abaaraha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la yeeshay guddiga abaraaha, waxaana kulanka looga hadlay xaaladda abaaraha dalka ka jira iyo doorka dowladda.

Madaxweynaha ayaa guddiga ka dhageysatay warbixin ku aadan howlihii gurmada ee loo magacaabay iyo xaaladda abaareed ee hanta taagan.