Taliska Booliiska oo kulan mahadcelin ah u sameeyay Saraakiisha Booliiska ee sugayay amniga doorashooyinka

Kulan abaal marin iyo mahadnaq isugu jiray ayaa loo qabtay saraakiisha Ciidanka Booliiska iyo kuwa Amisom ee sugayay amaanka doorashadii Madaxweynaha iyo Guddoonada Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Taliye ku-xigeenka Booliiska, Taliyaha Booliiska ee Gobolka Banaadir, Taliska ATMIS, Guddiga Doorashooyinka iyo Xubno ka socday Qaramada Midoobe.

Qaybaha kala ah Ciidanka Haramcad, Birmadka ,Daraawishata iyo RRA ayaa la guddoonsiiyay Shahaado sharaf uu Taliska ugu tala galay in ay noqoto muujinta dedaalkii ay ku lahaayeen qabsoomidda Doorashada.