Madaxweyne Hasan sheikh ayaa maanta la filayaa inuu xilka kala wareego Madaxweynihii hore ee Dalka Maxamed Abdullaahi Farmaajo

Waxaa maanta la filayaa in xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Xilalka ku kala wareegaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 15-kii Bishaan lagu doortay Teendhada Afisiyooni  iyo  Madaxweynihii hore  ee xilka kasii dagaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xafladda  xil wareejinta ayaa lagu wadaa in goordhaw bilaabato waxaana Lagu wadaa in ay Ka Qeybgalaan Madaxweynayaasha  xilalka isku wareejinaya, Guddoonka labada Aqal, Taliyeyaasha Ciidamada, Xildhibaannada iyo Golaha Wasiirada iyo marti sharaf kale oo aad u badan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbado koo kooban ka jeedin doona munsaabadda xil wareejinta iyo xubnaha kale ee lagu marti qaaday.