Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu abaal marinayay guddiyadii iyo howlwadeennadii kala duwanaa ee u istaagay in dalkaan ay si nabad ah uga dhacdo doorashooyin nadaxtinimo.
Munaasabadda oo ku qabsoontay Xafiiska Ra’iisulwasaaraha,waxa uu madaxweynuhu ku bogaadiyay gudiyada shaqadii wanaagsanayd ee ay dalka kaga soo gudbiyeen marxaladdii doorashada.
Munaasabaddaan,waxaa kaloo ka qayb galay, Guddoonka labada gole ee BFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisulwasaaraha XFS, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisulwasaare ku xigeenka mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Wasiiro, Xildhibaanno iyo Marti sharaf kale.