Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu wado inuu booqdo Dhuusamareeb

Wafdi horudhac u ah booqashada uu madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ku tagayo Galmudug ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Wafdigaan oo uu hoggaaminayay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane, Cali Daahir Ciid oo ay qayb ka ahayeen Xildhibaanno heer Fadaraal ah iyo Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Soomaalia ayaa gaaray Dhuusamareeb.

Wafdigaan waxaa Magaalada Dhusamareeb kusoo dhoweeyay Wasiirro ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo Duqa Caasimadda Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu maanta booqasho  ku tago Galmudug, isagoo kulamo la qaadan doona maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.