Diyaargarowgii ugu dambeeyay ee Caleemo saarka madaxweyne Xasan Sheekh oo ka socda Muqdisho

Waxaa Magaalada Muqdisho ka soconaya diyaar garowgii ugu dambeeyay ee munaasibadda caleemo saarka Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka dhacaysa xarunta madaxtooyada dalka.

Dhacdadaan taariikhiga ah ayaa kulmindoonta Madaxweyneyaal, hoggaamiyeyaal, mas’uuliyiin sare oo ka socda dowladaha caalamka, Ergo mataleysa Ururrada heer Gobol, heer Qaaradeed iyo kuwa Caalamka iyo Marti sharaf kale.

Ka qaybgalka baaxadda leh ee munaasabadda Caleema saarka Madaxweynha ayaa ka turjumaysa aragtida siyaasadeed ee Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ee ah “Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah”.