Ciidanka xoogga dalka oo burburiyay fariisimo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidanka Dana bee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa bur-buriyay fariisimo ay Argagixisada Al-Shabaab ka joogeen Gobolka Shabeellada hoose.

Guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaannada Nuur Garre iyo Yimbis oo ka tirsan Shabeellad hoose, halkaas oo ay sidoo kale ku gubeen gaadiid ay lahaayeen nabad-diidka Al-Shabaab.

Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa degaannadaasi ku dhibaatayn jiray dadka shacabka ah ee halkaasi ku dhaqan iyo dadka socotada ah.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa labalaabay baacsiga kooxaha nabad-diidka ah ee ku dhuumaalaysanaya degaanno kooban oo ka tirsan Shabeellada hoose.