R/wasaare Rooble oo dalka ku soo dhoweeyey Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Shakhbout Bin Nahyaan oo soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo caleemosaarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayed Aala Nabyaan.

Dowladda Imaaraadka ayaa ka mid ah Dowladdaha Sida weyn uga soo jawaabay Baaqii gurmadka Abaaraha ee Ra’iisul wasaare dunida u diray.