Ciidamada xooga oo howlgal ka fuliyay inta u dhaxeysa Matabaan iyo Beled weyn

Ciidamada xooga dalka ayaa saakay howgalo ka dhan ah Argagixisada Al-shabaab ka bilaabay inta u dhaxeysa degmooyinka Matabaan iyo Beledweyn ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha hogaamineyso howl-galka ayaa sheegay in dhowr aag laga weeraray maleeshiyad ka tirsan Al-shabaab oo ku dhumaaleysanaya deegaanno hostaga degmada Matabaan.

Howl-galka ayaa waxaa qayb ka ah ciidamada maamulka gobolka Hiiraan.