Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa kula kulmay Madaxda hey’adda I.O.M

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda hey’adda I.O.M ee Soomaaliya, kulankaas oo uu goob joog ka ahaa xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir iyo Xiririiyaha Arrimaha Baniaadanimada ee Xafiska Xalka Waara ee Gobolka Banaadir.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii loo dardargalin lahaa dhismaha dhul baaxad leh oo ku yaala degmada Hiliwaa kaas oo ay Dowlada Hoose ee Mogadishu bixisay dhul ay ugu talagashay in lagu deegaameeyo ama Dib-udajin loogu sameeyo dadka Barakacyaasha ah ee kunool Caasimadda.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa tilmaamay in dhismaha dhulkaas u qeyb ka qaadan doono daryeelka dadka Barakacayaasha ah, Bilicda Caasimadda iyo Nabadgalyada.