Jubbaland oo Hay’adaha samafalka kala hadashay u gurmashada Dadka ay Abaaraha saameeyeen

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad gobaleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa Kulan laqaatay masuuliyiinta Hay’adda Gift of the Givers, isagoo kala hadlay sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay Abaaraha sameyeen.

Sidoo kale waxaana kulankaa qayb ka ahaa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland iyo Hay’adda qaabilsan daryeelka Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa ku baaqay in dhamaan Hey’adaha gargaarka bixiya ay si hagar la’aan ah wax ugu qabtaan dadka tabaleeysan ee ay sameeyeen Abaaraha ka jira qeyba kamid ah degaannada Jubbaland.

Degaannada Jubbaland ayaa waxaa ay kamid yihiin meelaha ugu daran ay Abaarta siweyn u saameysay dadka kunool.