Ciidanka NISA oo hawlgalo ka fuliyey Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir

Ciidanka Gaarka ah ee NISA ayaa howlgalo ka sameeyay degmooyinka Howlwadaag, Warta-nabadda, Yaaqshiid, Kaaraan iyo qaybo kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Howlgaladaan ayaa ka danbeeyay cabasho ka timid qaar ka mid ah shacabka, kuwaasi oo ka cabanayay Tuugo xiliyadda habeenkii ah dhac u gaysta.

Taliyaha Hay’adda NISA ee Gobalka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadkii ka cabanayay Tuugada dhaca u gaystay, ayaa u sheegay in ciidamadu howlgalo ay wadaan sidoo kalana gacanta lagu soo dhigi doono qof kasta oo qal-qal galisa amniga magaalada.

Intii lagu jiray Howlgalka, ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qabtay kooxo watay mindiyo, waxaana ciidamadu ay u gudbiyeen Booliska si baari taano loogu sameeyo.