Wasaaradda Arrimaha guddaha Galmudug oo tababar ku saabsan Maamulka iyo maareynta Xafiisyada dowlaha hoose ka furtay Dhuusamareeb

Wasaaradda Arrimaha guddaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug ayaa tababar ku saabsan Maamulka iyo maareynta Xafiisyada dowlaha hoose uga furtay Magaalada Dhuusamareeb qaar ka mid ah madaxda iyo shaqaalaha xafiisyada dowladda hoose ee Caasimada Galmudug.

Agaasinka Tababarkan oo qayb ka ah mashruuca hormarineed JPLG ayaa socon doona mudo afar cisho ah, iyadoo ka faa’iideystayaasha ka socda Xafiisyada dowlada hoose ee Dhuusamareeb la bari doono hababka maamulka iyo maareynta Xafiisyada.

Cabdicaaiis Faarax Aadan “Nuska” xoghayaha dowlada Hoose ee Dhuusamareeb ayaa ku booriyay shaqaalaha dowladaha hoose ee tababarkan ka qayb galaya in ay sameeyaan dadaal dheeri ah, si isbadal muuqda looga sameeyo howlaha ka socda xafiisyada ay ka howlgalaan.

wasiir kuxigeenka Arrimaha Guddaha Galmudug Axmed cusmaan aadam oo si rasmi ah tababarkan u furay ayaa ka qayb-galayaasha u rajeeyey in ay aqoon kororsi la yimaadaan si isbadal guud loo dareemo.

Tababarkan ayaa socon doona mudo afar cisho ah, waxa uuna qayb ka yahay dadaalo wasaraddu ugu jirto aqoon kordhinta shaqaalaha ka shaqeeya xafiisyada dowladaha hoose ee degmooyinka Galmudug.