Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo booqasho ku tagay wasaaradda arrimaha gudaha ee Serbia

Belgrade- Safiirka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dowladda Serbia Danjire Maxamed Cabdullahi Axmed ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Serbia.

Danjiraha ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay wasiirka Arrimaha gudaha Dalka Serbia Mudane Aleksander Vulin, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga siyaasadda iyo dhinaca amniga oo aad muhiim ugu ah labadda Dal ee saaxiibada ah. “Serbia waa saaxiib muhiim ah marka loo eego xiriirka soo jireenka ah iyo kaalinta dhismaha dowladnimada Soomaaliya ay ugu jirto”

kulanka ayaa ku dhamaaday is faham iyo iskaashi joogto ah oo ay yeeshaan labada Dal, gaar ahaanbtayeynta Hay’addaha nabad-geliyadda ee Dolwadda Soomaaliya.