Ciidanka XDS oo Sameeyey Hawlgallo lagu xaqiijinayo Amaanka Wadada Xiriirisa Magaalooyinka Balcad iyo Jowhar

Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed ayaa Sameeyey Hawlgalo lagu xaqiijinayo amaanka wadada Xidhiidhisa Magaalooyinka Balcad & Jawhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe..

Hawlgalkan ayaa waxa Hogaaminayey Taliyaha Guutada 3aad Qaybta 27aad CXDS G/Sare Abshir Maxamud Maxamad (Shitaqey) waxana uu sheegay in ujeedka Hawlgalka uu ahaa ka hortagida dhagarqabayaasha Aragagixisada ee doonaya inay qaraxyadda ku aasaan wadada Xidhiidhisa Degmooyinkan, waxana uu ka codsaday shacabka ku dhaqan degaanada howlgalada laga wado inay la shaqeeyan ciidanka.

Dhinaca kale Taliyuhu waxa uu Kormeeray fadhiyada Ciidanka ee ku yaala wadadan isagoo na Ciidanka kula dardaarmay in laba jibaraan Shaqada ay Qaranka U ahayaan.