Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo si diirran loogu soo dhaweeyey qasriga madaxtooyada Turkiga ee Ankara.

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Soo dhaweyn heerkeedu aad u sarreeyo loogu sameeyey kadib markuu soo gaaray qasriga madaxtooyada Turkiga ee Ankara, halkaas oo uu salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Turkiga , waxaana loo riday 21 madfac.

Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya kulan isaga iyo dhiggiisa Turkiga uga socda qasriga madaxtooyada ee dalkaasi Turkiga oo maalmahanba ku joogay booqasho rasmi ah oo uu u fidiyey dhigiisa mudane Recep Tayyip Erdogan.