Dalalka IGAD oo Maalintii labaad Shir ugu socdo Kenya

Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu Shir uga socdaa Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar kamid ah waddamada Urur Gobboleedka IGAD.

Meertadii 39-aad ee shirka IGAD, ah mid aaan caadiga ahayn, ayaa shalay ka furmay magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya.

Shirka ayaa Maalintii Koowaad looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka hareeyay gobbolka, sida colaadaha iyo Abaaraha ka jira inta badan wadamada IGAD.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay madaxda IGAD inay ka wada shaqeeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka.