Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Mareykanka

Booliiska magaaladda Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in wiil 17 jir ah uu dhintay, wiil kale oo 16-sanno jirana uu soo gaaray dhaawac halis ah kaddib markii xalay ay is toogasho ka dhacday agagaarka wadada Nicollet Avenue iyo jidka 18th Street ee Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Wiilashan oo aan weli la sheegin jinsiyaddooda iyo magacyadooda ayaa booliisku sheegeen in labo kale oo dhallinyaro ah ay rasaas isku weydaarsadeen guri dabaq ah oo ku yaala agagaarka Nicollet Avenue iyo 18th Street dhexdiisa.

Wiilka dhintay ayaa noqonaya qofkii 45-aad ee sannadkan toogasho lagu dilo magaaladda Minneapolis, waxaana kororka weerarada ka dhacaya Magaalada Minneapolis ay walaac ku abuurtay Soomaalida ku nool halkaasi.