Walaac ku aadan abaaraha ka jira dalka oo sii kordhaya

Dalka ku yaalla Geeska Afrika,gaar ahaan Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan abaartii ugu darneyd muddo afartan sano ah, sida ay sheegeen dowladda iyo Qaramada Midoobay.

Inta badan Soomaalidu waa xoolo dhaqato, waxayna ku tiirsan yihiin xoolahooda, balse sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, ilaa saddex milyan oo xoolo ah ayaa ku dhintay abaarta ka jirta dalka.

in ka badan 805,000 oo qof ayaa ku barokacay abaaraha,halka, ​​rubac milyan qof ay soo food saartay macluul.

7.1 milyan oo Soomaali ah, ku dhawaad ​​kala bar dadka dalka, ayaa wajahaya heerar cunto yari ba’an.

Qaar ka mid ah qoysas ka soo barakacay deegaanka Buulo-Warbo, oo 140-km koonfur-bari kaga beegan caasimadda Muqdisho,isla markaana soo gaaray kaamam ku yaalla degmada Daayniile,ayaa sheegay in afar xilli aysan heli roobab wanaagsan,sidaa daraadeedna ay soo foodsaartay baahi iyo macluul ku qasabtay in ay lug ku soo galaan Muqdisho.