Ciidanka xoogga oo hawlgal ka dhan ah khawaarijta ka sameyay G/Shabeellaha Hoose

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal lagu baacsanayo firxadka khawaarijta ka sameeyay Gobalka Shabeellada hoose,gaar ahaan deganada deexda ah ee Ceel-maracade, Gaacal-yaabar, Isgoyska Jiirley iyo Garasqaajo.

Howlgalka waxaa lagu soo qabqabtay tiro dad ah oo lagu tuhmay inay la shaqeynayeen Khawaarijta, waxaana lagu burburiyay fariimo si qarsoodi ah ay halkaas uga sameysteen Khawaarijtu.

   

Danjire Kullane oo ka qeyb galay madasha iskaashiga caalamiga ah ee Shiinaha

Beijing:- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Dalka Shiinaha  Danjire Cawaale Kullane, ayaa ka qayb galay shirka heerka sare ee hay’adda horumarinta Caalamiga ah ee Shiinaha (CIDCA) ee Madasha Wax-qabadka Caalamiga ah ee horumarinta wadaagga oo ka dhacay xarunta saaxiibtinimada ee magaalada Beijing.

Madasha CIDCA, oo ah madal la aasaasay ka dib wada-hadalladii heerka sare ee madaxweyne Xi Jinping ee horumarinta Caalamiga ah ee 2022, waxay u adeegtaa sidii loo kicin lahaa iskaashiga caalamiga ah iyo isdhaafsiga fikradaha ku saabsan yoolalka horumarinta la wadaago.

Danjire Kullane, ayaa ka qeybgalkiisa firfircoon wuxuu tusaale u yahay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay iskaashiga horumarinta caalamka, waxayna soo bandhigtay xiriirka xooggan ee labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Sidoo kale, Safiirka ayaa ka qayb galay doodo xeeldheer oo ku saabsan yoolalka horumarineed ee la wadaago ee golayaasha isbarbar-dhigga ah. Aqoonta Danjire Kullane ee horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, caafimaadka, waxbarashada, iyo tayaynta waxay ahayd mid aad u sareyso. Shaqadiisu waxay iftiimisay guulaha Soomaaliya, aragtiyaha iyo caqabadaha ku wajahan horumar waara.

Amb. Kullane waxa uu fursad u helay in uu fikrado la wadaago wafuudda kale. Is dhexgalka iyo wada hadalka wakiilada waxaa uu albaabada u furayaa curashada iskaashi faa’iido leh.

Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Shiinaha (CIDCA) ayaa soo qaban qaabisay munaasabadan muhiimka ah, Danjire Kullane, ayaa uga mahadceliyay madasha sida ay uga go’an tahay kor u qaadista iyo kobcinta aqoonta xiriirka ku saleysan.

Ugu dambeyn. Ka qeyb galka Danjire Kullane ee Madasha CIDCA ayaa muujineysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumar waara iyo xiriir faa’iido wadaag ah oo ay la yeelato Shiinaha iyo caalamka.

 

8 qof oo shacab ah ayaa khawaarijtu ku dishay gobolka Hiiraan

Beledweyne- Sideed ruux oo Shacab ah kana koobnaa laba qoys ayaa ku geeriyooday Qarax ay wadada ku aaseen khawaarijka Al shabab.

Dadka geeriyooday ayaa saarnaa mooto nuuca Beeraha ka shaqaysa taas oo ka qaadday degmada Buulo barde kuna sii jeedday deegaanka jicibow ee gobolka hiiraan.

Sideeda ruux ee dhimatay lix ka mid ah ayaa ahaa caruur sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Cismaan Geedi Cilmi Guddoomiye ku xigeenka amniga degmada Buulo barde.

Kooxda khawaarijta ee caadeysatay daadinta dhiigga shacabka ayaa beegsatay dadkan shacabka ah ee carruurta u badan, ma ahan mid cusub oo hadda iyo gooraale ayay shacabka xasuuqaan kooxdan argagixisada ah.

Madaxweynaha Jubbaland oo guddoomiyay kulan looga hadlayay dagaalka khawaarijta looga xoreynayo deegaanada Jubbaland

Kismaayo- Madaxweynaha dowlad Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa guddoomiyey Kulan golaha wasiirada maamulkaas ay kaga hadleen howlgallada Khawaarijta looga xoreynayo deegaanada maamulkaas.

Golaha ayaa bogaadiyay howlgallada ay wadaan Ciidamada oo maanta dhabar jab xoog leh lagu gaarsiiyay Khawaarijta.

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah oo  Hawlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Welmarow oo 40KM u jirta Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa qasaare xoog leh loogu geystay Maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

   

Madaxweyne Xasan Sheekh” Waxaan mar dhow u dabaal-degi doonaa Dalkeenna oo Khawaarij la’aan ah”

Kooxda Khawaarijta Al-shabaab fikirkooda gurracan ee lagu soo dhex qariyay ka been sheegidda Diinta Islaamka waa mid ku dhisan suurad xumeynta iyo baabi’inta Dal,Diin,duunyo,Dhaqan iyo wax kasta oo baadi sooc u ahaa ummadda Soomaaliyeed, iyagoo beegsi aan xishood lahayn kula dhaqaaqay bur burinta goobaha cibaadada, masaajida, Dugsiyada qur’aanka, goobaha waxbarashada, caafimaadka ceelasha biyaha, waddooyinka halbowlaha u ah Bulshada  iyo wax kasta oo furo u ahaa nolosha.

Dadka sida dhow ula socda bilowga fikirka Al-shabaab iyo halka laga soo raray ayaa sheegay in aragtida fowdada gaaleysiinta,daadinta dhiigga,dhaca hantida dadka iyo sameynta falkasta oo laga argagaxo iyo gabaad ka dhigashada Diinta ay tahay wax ka badan wax ka soo fula maanka horjoogayaasha Soomaalida ee Al-shabaab ka tirsan,kuwaas oo aan si ka fiirsi lahayn u fuliya ficilna u roga hadba waxa ay u yeeriyaan shisheeyaha argagixisada caalamiga ah ee maleeshiyada u jeexa dariiqa ay ku ambadeen ee taga cadaabta.

Markii ay shacabka ku baraarugeenna in argagixisada Al-habaab ka been sheegaan Diinta iyo dhaqanka suuban ee Islaamka oo ay ku banneystaan nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed mar qura ayay dagaallo abaabulan oo hubeysan kala hortageen,iyagoo garab ka helaya qeybaha kala duwan ee ciidamada xoogga Dalka, waxayna garowsadeen in ay iska shicin karaan kana xoreyn karaan deegaannadooda, taas oo horseeday in goobo badan oo dalka ka mid ah laga saaray Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhowaan dadka Soomaaliyeed u dabaaldegi doonaan maalin weyn oo ku suntan dalkan oo Khawaarij la’aan ah.

” Walaalayaal waad ogtihiin dalku xaalad dagaal ayuu ku jiraa, cadow aan ummaddam jiritaankeeda iyo Diinteeda,Dalkeeda iyo dadkeeda midna aanay waxba ku faleyn ayaa dagaal kula jirnaa,ummadda Soomaaliyeed ayaa kula jirta, ma ahan Dowlad kaliya,shacabkana cadowga waa u muujisay inaanay raali ka ahayn, aanay rabin qasabna ku haysan karin oo ku dul fadhiyi karin, ummadda meel kasta oo joogto waa ay fahmeen, cadowgana maalmihiisii ugu dambeeyay ayuu ku jiraa, waxaa noo soo muuqata maalin weyn oo ah Dalkan oo Shabaab la’aan ah,” ayuu yiri madaxweynaha.

Khawaarijta Al-shabaab ayaa hadda wajahaya culeyskii ugu weynaa ee abid ay la kulmaan, waxaana lagu soo waramayaa in horjoogayasha iyo maleeshiyadood ay go’doon ku yihiin qaar ka mid ah gobollada dalka.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Sacuudiga

Riyadh – Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa magaalada Riyadh ee boqortooyada Sacuudiga kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaas Eng. Cabdiraxmaan bin Cabdulmuxsin Al-Fadhly.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay iskaashiga labada wasaaradood iyo kor u qaadida hormarinta ganacsiga xoolaha ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

  

Maxaabiis lagu soo qabtay howlgalkii Jubbada Hoose oo la gaarsiiyay degmada Afmadow

Degamad Afmadow ee Gobolka jubbada Hoose ayaa goordhow la geeyay lix(6) Maxaabiis katirsan khawaarijta iyo Gaari Qarax lagu diyaariyay sida warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay taliyaha Qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Generaal Cali Maxamuud Bagmadow.

Ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Welmarow oo 40KM u jirta Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose halkaa oo jab xooggan lagu gaarsiiya kooxda khawaarijta Al-Shabaab.

Hawlgalka oo dhacay waaberigii hore ee saakay oo Axad ah ayaa waxaa uu isugu jiraa duqeyn xaga cirka ah iyo mid dhulka ah oo ay fuliyeen ciidammo sida gaarka ah u tababaran ee Danab, waxaana lagu qaaday goob ay isku aruursanayeen Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka xoogga oo hawlgal qorsheysan ka fuliyay degaan ka tirsan jubbada Hoose

Kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan ku qaaday fariisimihii Khawaarijta ee Magaalada Xagar ee gobolka Jubbada Hoose oo qiyaas 80 KM ah u jirta Caasimadda dowlad goboleedka Jubbaland ee Bu’aal.

Ciidamada ayaa inta hawlgalka wadeen waxa ay burburiyeen dhammaan fariisimihii ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka khawaarijta

Ciidamadaan ayaa ka soo ruqaansaday degmada Afmadow waxayna waddooyinka ka saareen miinooyin Cadowgu uu ku aasay si ay ugu dhibaateeyaan bulshada Soomaaliyeed ee Safarka ah.

 

Ciidanka Xoogga oo hawlgal ku dilay 40 khawaarij ah deegaanka Welmarow ee Gobolka Jubbada Hoose

Hawlgal qorsheysan oo ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ka fuliyeen deegaanka Welmarow oo 40KM u jirta Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa qasaare lexaad leh loogu geystay Maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Hawlgalka oo dhacay waaberigii hore ee saakay oo Axad ah waxaa uu isugu jiray duqeyn xaga cirka ah iyo mid dhulka ah oo ay fuliyeen Ciidammo sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa waxaa lagu qaaday goob ay isku aruursanayeen Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayadoo halkaasi looga dilay ku dhowaad 40 Maleeshiyo ah.

Wararka hordhaca ah ee ay ogaatay Wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijinaya in hawlgalka khaawrijta lagu dilay ay ku jiraan Horjoogayaal ka tisan Khawaarijta sidoo kalena lagu bur buriyey hub iyo gaadiid dagaal.

Faah faahin dheeraad ah la soco insha Allah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo sagootiyay Guutada 24-aad ee Khaalid Bin-waliid oo ku biiraya furimaha dagaalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa Muqdisho ka sagootiyay Guutada 24-aad ee Khaalid Bin-waliid ee ciidanka XDS kuwaas oo ku biiraya furimaha dagaalka ee ka dhanka ah Khawaarijta.

Wasiirka ayaa ciidamada kula dardaarmay dar-dargalinta howlgallada ka dhanka ah khwaarijta, isagoo ciidamada u sheegay in dagaalka ay ku jiraan uu la mid yahay kii Gumeeysiga la isaga dul qaaday, inta howlgalka ay wadaan ayuu ciidamada faray in Bulshada ay kula dhaqmaan si wanaagsan oo ay u dhimriyaan.

“Waxa aad heysataan ee Gadiidka iyo hubka waa Hanti qaran, suurgal ma ahan in aad dayacdid oo inta khawaarij ay qaadato dib shacbka ugu dhibateeyso, gobonimadeenno waa haaf inta ay khawaarj dalka nala joogto adduunkana noo aqoonsanyahay in aan dhameystirneen”sidaa waxa yiri wasiirka Gaashaandhigga

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale ku dheraaday dhibaatada khawaarijta muddada dheer ay ku heysay shacabka Soomaaliyed, isago oo sheegay in dowladda soomaaliya ay ka go’antahay cirintirka khawaarijta arxanka daran ee Al-Shabaab dalkana guud ahaan laga sifeen doonno khawaarijta.

Ciidamada xoogga dalka ayaa kawada degaanada fara ku tiriska ah ay khawaarijtu ku dhuumaaleysaneyso howlgallo looga saaray khawaarijta si Shacabka Soomaaliyeed u helaan xornimo iyo in la gaarsiiyo adeegyada dowaladnimo oo ay u baahanyihiin.