Maxaabiis lagu soo qabtay howlgalkii Jubbada Hoose oo la gaarsiiyay degmada Afmadow

Degamad Afmadow ee Gobolka jubbada Hoose ayaa goordhow la geeyay lix(6) Maxaabiis katirsan khawaarijta iyo Gaari Qarax lagu diyaariyay sida warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay taliyaha Qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Generaal Cali Maxamuud Bagmadow.

Ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Welmarow oo 40KM u jirta Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose halkaa oo jab xooggan lagu gaarsiiya kooxda khawaarijta Al-Shabaab.

Hawlgalka oo dhacay waaberigii hore ee saakay oo Axad ah ayaa waxaa uu isugu jiraa duqeyn xaga cirka ah iyo mid dhulka ah oo ay fuliyeen ciidammo sida gaarka ah u tababaran ee Danab, waxaana lagu qaaday goob ay isku aruursanayeen Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta