Agaasimaha cusub ee hay’adda socdaalka oo kormeeray xafiisyada shaqada ee hay’adda

Agaasimaha guud ee ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed mudane Axmed Siciiid Maxamed ayaa kormeer shaqo oo uu ugu kuurgalayo habsami u socoshada howlaha iyo adeegyada ay bixiyaan waxa uu ku tegay waaxda ajaanibta iyo fiisooyinka iyo qeybta socdaalka ee garoonka Aadan Cabdulle.

Agaasimaha ayaa dhammaan xaafiisyada uu booqday waxa uu warbixino kaga dhageystay agaasimayaasha waaxyaha Ajaanibta & Fiisooyinka iyo Maamulka & kontoroolka xuduuudaha iyo laanta Socdaalka ee Muqdisho, kuwaas oo soo bandigay adeegyada ay u qabtaan bulshada, isaga oo mid mid isku dul taagay shaqaalaha ka howlgala waaxyahaas uu kormeerka ku marayay, si uu waxbadan uga ogaado shaqooyinka ka socda xaafiisyadooda.

Ra’iisal wasaare Xamse oo guddoomiyey kulan looga hadlayey ku biirista ururka bulshada bariga Afrika

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta shir guddoomiyey kulan ballaaran oo looga hadlayey u diyaargarowga wadahadallada ku biirista Soomaaliya ee urur goboleedka Iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha ee bariga Afrika (EAC), kadib markii dhowaan la aqbalay codsiga Soomaaliya inay ka mid noqoto ururkaasi.

Kulanka oo ay ka soo gaybgaleen mas’uuliyiin kala socotay laamaha kala duwan ee dowladda ayaa lagu soo bandhigay heerka u diyaargarowga dowladda Soomaaliya ee xag farsamo iyo dhaqaale.

Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee urur gobolleedka (EAC) ay ugu jirto fursado iyo dano ganacsi, dhaqaale iyo isu socod kuwaasi oo abuuraya maalgashi iyo shaqooyin wax weyn ku soo kordhinaya dhaqaalaha dalkeena. Waxaa uu sheegay in xubinnimada Soomaaliya ay u sahleyso ganacsatada Soomaaliyeed ka mid noqoshada suuq weyn ay kaga faa’iideeystaan inay u iibgeeyaan badeecadahooda iyadoo aan la canshuurin.

Shirka ayaa waxaa warbixinno ku saabsan heerarka kala duwan ee uu soo maray codsiga dowladda Soomaaliya, qaabka loo wajahayo wada xaajoodka iyo waxa ay ka qabsan karto Soomaaliya soo jeediyay Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan madaxweynaha Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo La taliyaha horumarinta Ganacsiga ee Ra’iisul wasaaraha Cabdiqani Jaamac.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu dambeyn bogaadiyey shaqada ay qabteen Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha iyo saraakiisha kale ee kala shaqeeyay hawsha lagu guuleystay ee ku-biirista Soomaaliya ee urur goboleedka bariga Afrika (EAC).

Agaasimaha waaxda hab-maamuuska ee wasaaradda difaaca oo xilka la wareegay

Wasiir ku xigeen ka wasaaradda gaashaandhigga dowladda FS ayaa xilka u kala wareejiyey agaasimaha cusub ee waaxda xiriirka dibadda iyo hab-maamuuska wasaaradda difaaca iyo agaasimihii hore ee waaxda.

Mudane Cabdifitaax Qaasim ayaa agaasimaha cusub gaashaanle Cimraan Axmed Warsame kula dardaarmay inuu shaqadiisa u guto sida uu qabo sharcigu, isagoo dardargalinaya shaqada xafiisyada hoos yimaada.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa agaasihimii hore ee waaxda Ibraahim Xasan Xaaji ku bogaadiyey shaqada wanaagsan ee uu Qaranka u qabtay mudadii uu xilka hayey.

Ciidanka Daraawiishta Galmudug oo hawlgal ku dilay xubin katirsan khawaarijta

Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo kaashanayey Ciidanka degaanka Bajeela ayaa howlgal Qorshaysan oo ay ka fuliyeen Duleedka degaanka Baraag-Ciise waxay ku dileen xubin ka mid ah Maleeshiyaadka  khawaarijta halka mid kalena  nolasha lagu soo qabtay, ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay  mooto, isgaarsiinta ciidanka iyo hubkii ay wateen dhagar qabeyaasha weerarka ay ku qaadeen.

Howlgalkan ayaa yimid kadib markii  bulshada daggan deegaan Baraag-Ciise ay ciidanka ku soo wargaliyeen in laga qaadayo lacago baad ah oo aysan awoodin.

Sarkiisha howlgalka hoggaaminayay ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in si guul leh uu ku soo dhaamaday howlgalku.

XIGASHO SONNA

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo daah-furay shirweynaha Qurbe joogta Soomaaliyeed,

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay shirweynaha Qurbe joogta Soomaaliyeed,

Shirkan ayaa waxa ka soo qeyb galay wasiiro ka tirsan XFS,Xildhibaano ka tirsan labada Gole Baarlamaan,Bulshada rayidka iyo Qurbe joogta Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha dibadda XFS Abshir Cumar Jaamac oo shirka furay ayaa sheegay  in qurba joogta ay kaalin muuqato ka qaateen dib u dhiska dalka,waxa uu sheegay in ay qabaan baahiyo kala duwan una baahan in xal loo helo

” Waxaa jira Dad badan oo Soomaaliyeed oo dhibaato nolol xumo iyo sharci la’aan ah ay ku haysato dalalka ay joogaan dadaal ayaan ku bixin doonaa si wax looga qabto” sidaa ayuu yiri wasiirka Arrimaha dibadda

Shirka ayaa inta u socdo looga hadli doonaa Arimaha la xariira siday qurbajoogta Soomaaliyeed door muhiim ah uga qaadan lahaayeen Hanaanka Dowlad dhiska Soomaaliyeed,kan Dhaqaale abuurka bulshadda iyo sidii wax looga qaban lahaa baahiya ay qabaan Qurba joogta Soomaaliyeed.

Musuq maasuqu wuxuu caqabad ku yahay Dawladnimada Qeybta 1-aad

Waa maxay Musuqmaasuq?:- Musuqa Luqada Ingiriiska waxa lagu yiraahdaa(corruption),Carabigana waa(fasaad) Macno ahaanna waa  sharciga oo la qaloociyo iyo wax is daba marin  noocya badan leh(transgression).dhanka kale haddii loo dhigo Musuqmasuq waa lunsasho hanti dadweeyne, wuxuuna ka dhici karaa hey’adaha dowladda(Public sector) iyo kuwa gaarka loo leeyahay (Private sector).

Noocyada Musuqa:- Qeybaha uu Musuq maasuqu u kala baxo iyagoo fara badan waxaan ka soo qaadanaynaa:1-Musuqa Laaluushka,qaraabo-kiil wax isdaba marinta,2-Musuqa Xatooyada xoolaha dadwaynaha, 3-Musuqa ku takrifalka awoodda, 4-Musuq maasuqa Doorashada. 5-Musuqa duudsinta xaq Qof  leeyahay, 6-Musuqa siinta cid kale xaq aysan laheyn. 7-Musuqa sheegashada aqoon ama Khibrad uusan qofku laheyn. 8-Musuqa  gudasha la’aanta waajibaad qofka loo igmaday, 9-Musuqa Qofku si qayaano ah ugu gurto miro cid kale beertay. 10- Musuqa Been abuurka

Sidee Musuqu noo Saameeyay?. Muddadii ka danbaysay burburkii dalka, Soomaliya waxaa lagu tiriyaa wadamada sida aad ka ah uu u saameeyey musuq maasuqa waxayna kaaalmaha hore ka gashay wadamada musuq maasuqu ragaadiyey, Musuqa waxuu inta badan ka jiraaa ama ka dhacaa hey’adaha dawladda, iyadoo dad xilal lagu aaminay ay caado ka dhigtaan in ay lunsadaan hantida dadweynaha ee loogu talagalay in loo adeegsado horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida  dhismaha Waddooyinka, Iskuullada iyo Isbitaallada, waxaa kaloo
musuqa sida weyn noo saameeyey ka mid ah laaluushka oo saameyn weyn ku yeeshay qaar ka mid ah hey’adaha dowladda gaar ahaan wuxuu si aan qorsoodi laheyn u ragaadiyay hey’adaha garsoorka ee dalka.

Maxaa laga dhaxlaa Musuqa?. 
Musuq maasuqa waxaa laga dhaxlaa Saboolnimo , Amni darro iyo dib u dhac Bulsho, Musuq maasuqu waxaa uu khal khal galiyaa bulshada, wuxuuna u horseedaa nolol xumo, isagoo wiiqa dhaqaalaha dalka waana caqabadda ugu wayn ee horumarka iyo dawladinmada.

Dhaqan doorsoonkii dalka ka dhacay waxaa ka mid ah in dad badan aysan dareensanayn dhibaatada musuqa oo loo tusay inuu yahay wax fudud oo aan dhibaato laheyn, dadka sidaa ka aaminsan waxaa musuq maasuqa loo baray magaca ah (Howl- Fududayn).

Sidee looga hortagi karaa Musuqa?. 1- in la xoojiyo wacyi galinta madaxda qaranku bilaabeen, si bulshada loo dareensiiyo  ama loo baro in musuqu xaaraan yahay.

2-in la xiisaabiyo lana tirakoobo hantida masuuliyiiinta dawladda inta aysan xilka qaban.3- in sidoo kale dib loo hubiyo loona tirakobo hantida masuuliyiinta dowladda marka ay xilka ka dagayaan, talaabadaan oo aan wali la hirgalin.

4- in Xukuumaddu hubiso qorshaha mashaariicda wadanka laga fulinayo, lacagta loogu tala galey iyo sida uu mashruucu u fulay, xisaabtan dhab ahna lagu sameeyo.
5- in xil magacaabista iyo shaqaalaysiinta heyd’aha dawladda lagu xulo xirfad  lagana hortago qof jeclaysi iyo qaraabakiil.

5- in laga shaqeeyo sidii looga gudbi lahaa awood qeybsiga qabiilka, kaasi oo ah caqabad weyn oo ku hor gudban dowladnimada Soomaaliya.

Musuqmaasuqa Soomaaliya waxa uu ka jira heerarka noolasha oo dhan, qeybaha dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay labaduba; isagoo kor u sii kordhay hab dhaqan ahaan oo aan waliba caadi aheyn. Bishii Maarso ee sannadkii 2018-kii, Madaxweynaha hore Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmajo oo ka hadlay furitaanka kal-fadhigii seddexaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay, “in aan la inkiri Karin in ay jiraan eedaymo musuqmaasuq oo aad u xun oo ay qaar ka mid ah dowladu sababteedu leeyihiin”.

Dowlad wanaaga waa hanaan dhaqaalaha, siyaasada iyo maamulka dal uu maro meel la dhihi karo waa mid hufan oo cadaalad leh oo xisaabtan uu ku jiro go’aan qaadashada iyo hergelintada siyaasadaha dowladeed, sidoo kale dhammaan codka qofka awooda leh iyo qofka aan awooda laheyn waa la maqlaa marka ay noqoto qorsheynta, qiimeynta & hergelinta intaba. Dowlada wanaagsani waxay xiriir la leedahay suuqyada ganacsiga, bulshada rayidka ah, dalalka deriska ah, caalamka & hey’adaha caalamiga ah. Dowlada wanaagsani waa mid ka fog masuqmaasuqa waa mid leh xisaabtan.

Musuqa waa dhaqan haraadi ah oo aan meelna ku lahayn shareecada islaamka iyo dhismaha dowladnimada casriga ah, waxaana jira dadaallo caalamiya iyo mid heer qaran oo lagu dagaalamayo, sanad walbana waxaa  la sameeyaa qiimayn heer caalami ah, waxaana la soo bandhigaa kaalinta dowlad walba oo dunida ah  ka gasho la dagaallanka Musuqa iyo heerkeeda maamul wanaagga, hadaba Shacbiga Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay dowladda Federaalka ku taageeraan dadaalka ay ugu jirto ciribtirka Musuqa oo ka mid ah caqabadaha ku hor gudban xoojinta tiirarka Dowladnimada Soomaaliya.

La soco Qeybta 2-aad

XIGASHO SONNA

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday xubin katirsan khawaarijta

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka 15 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Yusuf Duqow Xuseen Dhicisow, oo Khawaarijta ka tirsanaa.

Duqow ayaa Khawaarijta kaga biiray Buur-Eylo oo Buur-Hakaba hoos tagta, waxa uu mushaar ahaan u qaadan jiray Bishii Lacag $70 ah.

Ceeltimir, Dayniile ayaa lala dajiyay Haweeney si’uu uga fuliyo Muqdisho Dilal iyo Qaraxyo.

14 May sanadkaan ayaa Yusuf la soo qabtay isaga oo Bom F1 ku tuuray Waaxda Labaad ee degmada Hodan.

𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorayaasha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dhawaaqay xukunka dhagar qabaha

Soomaaliya oo soo ceshaneyso doorkii ay ku lahayd siyaasada Gobolka

Soomaaliya oo soo Ceshaneysa door kii ay ku lahayd siyaasadda gobolka iyo xoojinta siyaasadda Arrimaha dibedda. IGAD iyo Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika ma yihiin kuwo saameyn leh oo xalin kara caqabadaha ka jira gobolka.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daauud Aways oo ka qeyb galay Dood lagu qabtay Twitter Space-ka ee Telefashinka Qaranka.

Wasiirka ayaa ka jawaabay su’aala dhowr ah oo intooda badan ku saabsanaa Urur Goboleedka IGAD oo xubin muhiim ah ay ka tahay soomaaliya iyo ururka iskaashiga Bariga Afrika,maxaysa ahmiyad u leedahay Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka?’

Wasiir Da’uud Aweys ayaa Sheegay in ku biirista Soomaaliya Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika ay wax badan  ka faa’iidi doonto,oo ay kamid tahay Ururkaa oo dowlada badan ku midoobay hay’ada hoodana mudda dheer ay shaqeynayeen ay Soomaaliya khibrad ka qaadan doonto sharciyada, hannaanka ay u shaqeyaan iyo in Ganacsatada jooga wadamadaa inta badana marun lagaliyo joogista wadamadaa ay heli doonaan sifa sharciyadeed oo ay ugu shaqeeysataan dowladaha xunaha ka ah Ururka iskaashiga Bariga Afrika,ugu danbeyna ay u istagaan sidii ay dalkooda u maalgashan lahayeen iyagoo kaashanay khibradaha ay ka faa’iideen wadamada ay joogan.

Sidoo kale wasiirka oo ka jawaabay su’aallo dhowra ah oo ay kamid yihiin hadii Soomaaliya ku biirto ururka Bariga Afrika,majiraa sharciyad dowladda kaga dagasan wada shaqeynta iyo dhanka isu socodka?ayaa tilmaamay in uruka oo uu leeyahay sharciyad lagula dhaqmo wadamada xunaha ka Soomaaliya ay qeyb ka noqon doonto,balsa Soomaaliya ay wax badan ka faa’iidi doonto kamid noqoshada Ururka iskaashiga Bariga Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa da’daal badan ku bixineyso kamid noqoshada Ururka iskaashiga Bariga Afrika oo ay ku mideeysan yihiin ilaa todoba (7) dowladood,waxana hadii  loo ogolaado kamid noqoshada Ururkaa ay Soomaaliya Wax badan ka faa’iidi doonto.

Ciidanka xoogga oo hawlgal ka dhan ah khawaarijta ka sameyay G/Shabeellaha Hoose

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal lagu baacsanayo firxadka khawaarijta ka sameeyay Gobalka Shabeellada hoose,gaar ahaan deganada deexda ah ee Ceel-maracade, Gaacal-yaabar, Isgoyska Jiirley iyo Garasqaajo.

Howlgalka waxaa lagu soo qabqabtay tiro dad ah oo lagu tuhmay inay la shaqeynayeen Khawaarijta, waxaana lagu burburiyay fariimo si qarsoodi ah ay halkaas uga sameysteen Khawaarijtu.

   

Danjire Kullane oo ka qeyb galay madasha iskaashiga caalamiga ah ee Shiinaha

Beijing:- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Dalka Shiinaha  Danjire Cawaale Kullane, ayaa ka qayb galay shirka heerka sare ee hay’adda horumarinta Caalamiga ah ee Shiinaha (CIDCA) ee Madasha Wax-qabadka Caalamiga ah ee horumarinta wadaagga oo ka dhacay xarunta saaxiibtinimada ee magaalada Beijing.

Madasha CIDCA, oo ah madal la aasaasay ka dib wada-hadalladii heerka sare ee madaxweyne Xi Jinping ee horumarinta Caalamiga ah ee 2022, waxay u adeegtaa sidii loo kicin lahaa iskaashiga caalamiga ah iyo isdhaafsiga fikradaha ku saabsan yoolalka horumarinta la wadaago.

Danjire Kullane, ayaa ka qeybgalkiisa firfircoon wuxuu tusaale u yahay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay iskaashiga horumarinta caalamka, waxayna soo bandhigtay xiriirka xooggan ee labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Sidoo kale, Safiirka ayaa ka qayb galay doodo xeeldheer oo ku saabsan yoolalka horumarineed ee la wadaago ee golayaasha isbarbar-dhigga ah. Aqoonta Danjire Kullane ee horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, caafimaadka, waxbarashada, iyo tayaynta waxay ahayd mid aad u sareyso. Shaqadiisu waxay iftiimisay guulaha Soomaaliya, aragtiyaha iyo caqabadaha ku wajahan horumar waara.

Amb. Kullane waxa uu fursad u helay in uu fikrado la wadaago wafuudda kale. Is dhexgalka iyo wada hadalka wakiilada waxaa uu albaabada u furayaa curashada iskaashi faa’iido leh.

Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Shiinaha (CIDCA) ayaa soo qaban qaabisay munaasabadan muhiimka ah, Danjire Kullane, ayaa uga mahadceliyay madasha sida ay uga go’an tahay kor u qaadista iyo kobcinta aqoonta xiriirka ku saleysan.

Ugu dambeyn. Ka qeyb galka Danjire Kullane ee Madasha CIDCA ayaa muujineysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumar waara iyo xiriir faa’iido wadaag ah oo ay la yeelato Shiinaha iyo caalamka.