DIINTEENNA WAA MANHAJ DHAMEYSTIRAN

Islaamku waa Diin isu miisaanta nolosha adduunka iyo nolosha Aakhirada, waayo adduunku waa beer uu ku beerto qofka Muslimka ah khayraadka xagga dhammaan dhinacyada nolosha si uu u gurto abaalka arrinkaas adduunka iyo Aakhiradaba. Beerta iyo abuurkanina wuxuu u baahan yahay inaad ku qaabisho nolosha nafsad kheyrka rajeysa uu ka buuxo dadaal iyo go’aan adeyg, arrinkaasina wuxuu ka muuqdaa waxyaalahan soo socdo:

Camiraadda Arlada

Allaah Kor ahaaye Wuxuu yiri: “Wuxuu idinka abuuray dhulka oo idin dejiyey dhexdiisa si aad u camirtaan” (Huud: 61)

Allaah wuxuu nagu beeray arladan oo na amray inaan camirno oo ku hormarinno ilbaxnimo iyo dhismo u adeegeysa aadmiga, oo aan ka hor  imaaneyn shareecada Islaamka ee sahlan, balse wuxuu ka yeelay camiraaddeeda iyo hormarinteeda waxyaalaha ay dooneyso shareecada iyo cibaadooyinka  xitaa waqtiyada lagu jiro duruufta adag iyo marka uu xaalka murugsan yahay , sidaas awgeed buu Nabigu  ku baraarujiyey qofka Muslimka ah in haddii qiyaamuhu dhaco isagoo gacanta ku haya abuur uu doonayo inuu beero,markaa waxaa saaran inuu ku dhaqsado beeritaankeeda, hadduu karo si ay ugu noqoto sadaqo.

Dhex galka Dadka

Islaamka wuxuu ku baaqaa in lagala qayb qaato dadka xagga dhismaha iyo sameynta ilbaxnimo iyo wax hagaajinta, iy in la dhex galo dadka oo lala xiriiro si edeb iyo dabci san leh si kastaba ha u kala duwanaatee dhaqammadoda iyo diimahooda, wuxuuna Islaamka nagu baraarujiyey in ka dhex bixidda iyo ka fogaanshaha dadka aanay ahayn dowga dadka diinta ugu yeera  iyo kuwa wax hagaajiya, sidaas awgeed buu Rasuuka SCW ka yeelay in qofka dadka dhex gala oo ku sabra waxa ka soo gaara oo dhibaato iyo gef ah uu ka fiican yahay qofka ka gooni noqda oo ka fogaada (Ibnu Maajah 4032) .

Diinteenna Islaamka Waa Diin tix gelisa, dhiiragelisana Cilmiga

Ma aha arrin kedo ku timid in kelmedda ugu horreysa ee ka mid ah Qur’aanka ee lagu soo dejiyey Nabigeenna Muxamed NNKH ee ah Iqra.

Waxaa halkaa lagu caddeeyey inuu Islaamka dhiirrageliyo dhammaan noocyada culuumta  nafaca u leh aadmiga ilaa uu ka dhigay dariiqa uu maro qofka Muslimka ah isagoo cilmi doon ah uu yahay jid uu u hayo Jannada, sida uu Nabigeenna SCW uu yiri “Qofkii qaada waddo uu ku dalbayo Cilmi, Allaah wuxuu ugu sahlaa waddo ka mid ah waddooyinka Jannada.” (Ibnu Xibbaan 84)

Islaamku ma yaqaan dagaal ka dhexeeya Diinta iyo Cilmiga sida diimaha kale, bal si ka duwan taasi si dhan, diinta waa baaqa Cilmiga waana taageeraha iyo ugu yeeraha dadka barid iyo barashoba maadaama uu ugu jiro khayr iyo wanaag dhan walba ah Aadanaha.

Sidaas awgeed buu Allaah u maamuusay qaddarka caalimka ee bara dadka khayrka oo u yeelay darajooyin sare, wuxuuna Nabigeenna SCW sheegay in dhammaan uunanka ay u duceeyaan macallinka bara dadka khayrka. (At-Tirmidi 2685).

W/D: Ibraahim Warsame Xuseen.

ADDUUN IYO AAKHIRO AYAA KU DHAN ISLAAMKU

Islaamku waa nidaam dhamaystiran oo ay ku dhan yihiin dhamaan dhincyada kala duwan ee nolasha. Dhammaan dadka haysta diimaha Allah soo dajiyay waxay rumaysanyihiin nolasha dambe ee aakhiro, iyo abaalgudka iyo ciqaabta halkaa ka jirta.

Masaaridii hore ee xilliyadii fircoon jirtay waxay marin jireen maydka maadooyin ka ilaalisa inuu qurmo, kadibna waxay la aasi jireen hantidiisa qaaliga ah oo dhan, sababtuna waa ayagoo u malaynaya inuu ubaahan doono hantidaas geerida ka dib.

Halka qoomiyada TIBT oo ka tirsan shiinaha ay jarjari jireen jirka dadka ka

dhinta, ayagoo u bandhigaya shinbiraha iyo dugaagta, hinduuskana ilaa iyo hadda waxay gubaan qofka ka dhinta, ayagoo rumaysan inay sidaas ku badbaadinayaan naftiisa.

Kuwaasina waxay tusaalooyin kooban u yihiin dhaqamada kala duwan ee

baroordiiqda iyo sagootinta maydka, taasoo dadku aad ugu kala duwanyihiin, ayagoo ka duulaya kala duwanaanta diimahooda iyo waxay ka aaminsayihiin noolasha ka danbaysa geerida, iyo waxay ka qabaan tiro su’aalo ah oo qoto dheeroo u baahan jawaabo, sida: Ma jirtaa nolol danbe? Waa side qaabkeedu? Maxaase halkaa looga baahanyahay?.

Maadaama geeridu tahay dhab dadku isku wada raacsanyahay inay dhamaanteen ina sugayso, ama aan aaminsanaano nolol danbe ama yaynaan aaminsanaanin, ama aan u diyaar garawno xiligaa ama aan islowsiino. Su,aasha aan marnaba la iska dhaga tiri Karin, ee mar kasta qofku iswaydiiyo waxay tahay:

Ma jirtaa nolol geerida ka danbaysa mise ma jirto? Jiritaankeenu ma ciyaar baa? waana su’aal kusoo noqnoqonaysa maskaxdeena, Qur’aankuna uu in badan siyaabo kala duwan ugu soo celceliyay, isla markaana nooga waramay shalaytada dad badan maalinta qiyaamo, waayo mayna ka fikirn jawaabta su’aashan, oo maynan isu diyaarinin geediga aakhiro, sidaa awgeed dadkaa qaar waxay dhihi doonaan waqtigaa: alla hadaan naftayda ushaqaysan lahaa! Ku kalena wuxuu dhihi doonaa: alla hadii ciid aan ahaan lahaa!! (fajr: 24, naba’: 40).

Sida la ogyahay dhamaan dadka haysta diimaha Allah soo dajiyay waxay rumaysanyihiin noolasha aakhiro, iyo abaalgudka iyo ciqaabta halkaa jirta, waayo arinkaasi waa nuxurka waxay rususha Alle oo dhan ay la yimaadeen, sidoo kale caqligu wuxuu ina tusayaa in aysan wax macno ah lahayn noolasha iyo diinta iyo akhlaaqdu hadaysan nolol kale oo la is xisaabinayo aysan jirin, oo markaa qof kasta abaalkiisa la siinayo khayr ama shar. Dadka qaar waxaa ku adag inay rumeeyaan in teedka u dhexeeya cibaadada iyo raaxaysiga, ama cibaadada iyo Hantida uusan ka jirin caqiidada islaamka.

Rasuulka suuban ee Muxammad wuxuu noo sheegayaa in qofku marka uu

sameeyo wax sax ah wuxuu doono ha ku saabsanaado, oo uu ula jeedo khayr, in laga abaal marin falkaas aakhiro, xitaa hadii uu yahay qodax uu ka qaadayo jidka dadku maraan, ama uu yahay cunno uu afka u galinayo xaaskiisa! (Bukhaari 56).

Markii rasuulku Muxammad (Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) uu sheegay in albaabada khayrka ay badanyihiin oon lasoo koobi karin, wuxuu tusaale usoo qaatay arin ka yaabisay asxaabtiisa marka uu yir: hadii mid idinka mid ah uu xaaskiisa shahwada la guto waxaa loo qorayaa ajir, waxay dheheen asxaabtii: oo sidee ajir u heli asagoo shahwo gudanaya? Wuxuu yiri rasuulkii suubanaa: ka warama hadii uu shahwadiisa ku guto xaaraan miyaan danbi loo qoraynin, waxay dheheen: haa, wuxuu yiri: sidoo kale hadii uu shahwadiisa xalaal ku guto ajir ayaa loo qorayaa. (Muslim 1006).

Sidaa darteed qof kasta oo barta Islaamka wuxuu arkayaa marka u horaysa isu dheelitirnaanta noolasha aduunka iyo noolasha aakhiro siduu Qur’aanku tilmaamayo, isla waqtiga uu islaamku dadka ku boorinayo cibaadada si ay ajir u heelaan aakhiro, wuxuu ku farayaa in ay ku dadaalaan aduunyada ayagoo raadsanaya deeqda alle (suurada Jumuca 9-10), wuxuuna dadaalkaa ku mudanayaa ajir maadaama uu ula jeedo falkiisaas Ilaahay.

Sidaa awgeed muslimiinta waxaa la faray inuu Ilaahay ku caabudaan dadaadlka uu ugu jiraan shaqadooda iyo raadinta arsaaqtooda iyo tarbiyaynta caruurtooda, iyo daryeelka caafimaadkooda iyo deegaankooda, iyo hormarinta bulshadooda, sida uu Ilaahay ugu caabudayaan salaadooda iyo sadaqadooda iyo soonkooda. Taasina waa mid ka mid ah sirta xasiloonida iyo nabadgalyada hoose ee uu mislimku dareemayo, marka uu arko wada jaanqaadka ka dhexeeya noolashiisa iyo aakhiradiisa, raaxaysigiisa iyo cibaadadiisa, oo aysan jirin wax iska hor imaad ah ama isdhaaf xagaa ku saabsan, balse uu yahay dhismo dhamaystiran oo is xoojinaya.

Wuxuuna Qur’aanku noo tilmaamayaa in halkudhagga muslimka ee kulminaya falsafada islaamka ee arinkaas, asagoo faraya inuu ku dhawaaqo halkudhaggaa: noolashayda oo dhan waa caabudida Alle, noocyadeeda kala duwan, Ilaahay malaha kaliya salaadayda iyo cibaadadayda, balse dhamaan xaaladaha noolashayda oo dhan Ilaahay ayaan ugu dhawaanaya, asagaana iigu abaal gudi doona geeridayda kadib, sidaasaana ahaanayaa mid ku dhagan amarka Alle iyo diinkiisa islaamka (Ancaam: 162).

WD: Ibraahim Warsame Xuseen

WAA MAXAY XIKMADU?

Xikmadu waa nasiib alle keeno,waa garasho ay si fudud u hesho maskaxdu,waa feker fogaan arag iyo fiiro ku qotoma, waa akhlaaq iyo haybad diimeed,waa tiirka cilmiga iyo waaya-aragnimada,waa il eegista nolosha iyo naflayda gadaashooda wax ka akhrida.

waa waxa ficil dhamaystira ee dhaqaajiya, si kooban hadaan usheegno waxaynu leenahay xikmadu waa fahan qoto dheer oo haybad u dhalasho ahi ka danbeyso.

Waa kuwee dadka xikmada leh?
Talaabada kobaad: Sida la ogyahay xikmada iyo garashada qofku waxay la jaanqaadaan bilawga noloshiisa adduunyo, taas macnaheedu waxa weeye in qofka ay saameyn ku leedahay wacyiga uu ku indha dilaacsado.

hadii uu qofku xaalada sabinimada kula kulmo dad iyo duni aan, nidaam, aqoon, iyo akhlaaq lahayn waxa habawda miisaankii fahamkiisa ee saxda ahaa, balse haduu la kulmo barbaarin fiican iyo wacyi la baraarugsanyahay oo aqooni dhex taalo wuxu noqdaa qof xikmad leh.

Talaabada labaad:Marka uu qofku yeesho cilmi iyo aqoon farabadan waxa ku dhalata inu sameeyo baadhitaano aqooneed taasoo uu kala dhex baxo inu fahmo waxyaabo ka dednaa oo ku duugan dunida iyo waxa dul saran.

sidoo kelena uu barto taariikhdii lasoo maray qiyaasna uu ku samayn karo waxa dhici kara mustaqbal aan la gaadhin, taasina waxay qofka bartaa inu si kooban u hadal ama ficil ugu taabto wax qeexid badan iyo wakhti u baahnaa.

Sidee loo yeeshaa xikmad?
Hadii aad rabto inaad noqoto qof xikmad leh waxad u baahantahay inad daryeesho maskaxdaada taas macneheedu waa inaad maskaxda ku celceliso waxa wanaagsan ugana tudho waxyaabaha naafaynaya ee faluuqa ku ridaya sida:-

macsida Alle dibindaabyada bulshada IWM adigoo adeegsanaya inad barato cilmiga diiniga iyo kan maadigaba, inaad dhuuxdo dhaxalna kala hadho

dadka fogaan araga ah ee aqoonta iyo waaya-aragnimada aad bideyso, shakhsi ahaantaadana aad isku daydo inad dhisanto oo yeelato hal-abuur iyo hindise midho bisil bixiya.

intaa kadib xikmadaada waxad ku ogaan kartaa ra’yi celinta bulshada iyo markad aragto dheef iyo dhawaaqyo lagaa faa’iday oo magacaaga ama muuqaga lagu xasuusanayo iyo in qayb badan oo bulshada ahi kugu jeclaatay xikmad,

balse ka taxadar xubnaha kooban ee qaabilsan niyad jebintaada kuwaasoo kala dhantaal ku sameyn kara qof isla quman oo ku taagan tubtii xikmada xoogana saaraya horumar la majeerto.

WQ: C/salaam M. Yaasiin

SIDEE GAADIID LOO XUKUMAA HADIIBA WAX KALA HAGAA JIRIN MUQDISHOOY MAXAAD TABEYSAA?

Horay iyo gadaalba dayay, meeshaad eegtaba waa ka dar oo dibi dhal, waddooyin ciriiri ah, gadiid nooc walba isugu jira, oo wada baxsanaya oo haddana hal qad wada saaran.

Adduunyadu waxay ku dhaqantaa sharuucyo kala duwan oo dhanka gaadiidka ah, haddana way kala nidaamsan yihiin oo waxaa u dhameystiran dhammaan wixii looga baahnaa run wayga, weliba waxay leeyihiin waddooyin toos iyo gudubka isku dhaafa, laakiin meeshii loogu baahi badnaa in qalabka asaasiga u ah howlaha gaadiidka ee dal dhan haddana aan dan laga lahayn wixii isku dhaca iyo wixii is qardoofa intaba.

Shilalka ka dhaca dalka waxa sababa waxaa ugu weyn aqoon yarida darawallada taasoo aan darwalada sida badan aan lagu siinin leysimada si waafaqsan sharciga.

Waxaa jira leysimada inay u kala duwan yihiin sida xajmiga gaadiidka u kala duwan yahay, loona baahan yahay mid waliba in lagu koontoroolo, waxa uu dulsaaran yahay, waxaad arkeysaa ruux soo bartay gaariga raaxada isagoo cirdeynaya gaari xamuul ah ama tareella ah isla markaana uu u heysanin wax oggolaasho ah iyo leysin midna, yaa kontoroola gaadiidka safarrada aada waa iska jaantaa rogan, haddii la qabtana waa iska leta bessa.

Haddaan usoo laabto muhiimmadda qormadeyda waxaan ula jeedaa in wax laga qabto calaamadaha gaadiidka ee waddooyinka loogu tala galay si loogu hortago wixii qaladaad ah oo dhici lahaa.

Tabeelluhu waa inuu ahaadaa wehelka gaadiidka safraya, waa tilmaame loo baahan yahay in lagu diyaarsho meel kasta oo aad cidlo ku tahay si uu kuugu sheego halka aad joogto inta kilo mitir ee kaaga harsan halka aad usocotay,

Tabeelleyaasha bixinaya tilmaamaha kala duwan, waa waxa ugu daran ee loogu baahi badan yahay xilligan aan joogno, Samaafaraha ayaa ah mid kaalintiisa ay tebayaan dhammaan magaalooyinka waa weyn ee dalka gaar ahaan magaalada Caasimadda u ah dalka soomaaliya ee Muqdisho, waana arrin ceyb weyn nagu ah ayadoo la marayo 2022.

Faa’iidooyinka ay inoo leeyihiin maahan wax halkaan lagu soo koobi karo, waxaana naga maqan wax weyn oo xil dowladeed ah, dadkuna ku kala socdaan.

Dhanka kale, Haddaad u fiirsato xitaa bilicda magaalada waa dareemeysaa in ay wax weyn ka maqan yihiin, laami burbursan, bacaad waddo soo galy qashin meel is barkaday, biyo fadhiisiyo iwm.

Waxaan arki jirnay shaqaale ka shaqeeya waddooyinka oo si gaar ah u nadiifiya meelaha faras magaallada ah siiba jardiinooyinka lagu nasto, taasi waxay muhiim u ahayd kaabidda bilicda caasimadda, laakiin hadda lama hayo, xaggeey ku dambeeyeen kooxdii malaamilleey.

Bilicda Caasimadda Muqdisho waa Muraayadda Qalbiga qofkasta oo Muwaadin Soomaali ah, hab socodka nidaamka gaadiidkeeda waa arrin u baahan wax ka qabasho laamaha ay quseyso arrintana waxaan ka codsaneynaa in ay fiiro u yeeshaan arrintan oo muhiim u ah quruxda dalka gaar ahaan Muqdisho iyo duleeddadeeda, rinjiyeynta laamiyada ayaa ka mid ah, tabeellooyin kuu tilmaamaya halka aad ku wajahan tahay iyo halka aad rabto in aad u leexado, calaamadaha kilo mitirrada iyo waxyaabo kaloo badan oo wada muhiim ah ayaa halka ka maqan ee dalka wax haloo qabto isagaan la huri dooninee.

WQ: Osman Dhiblaawe

 

YAA XAQ KUGU LEH? (QEYBTA 2AAD)

4) XAQA NEBIGA (NNK) (QEYBTA 2-AAD)

  • In la adeeco, oo looga daydo arimaha dunida iyo aakhirada oo dhan.                                                     2- In aanu jecelykiisa ka hor marinin jaceylka maqluuqa kale.                                                                                        3- Inuu xiriiriyo qofkii uu xiriirin jirey, inuu la coloobo qofkii uu col la ahaa.                                         4- In la weyneeyo magaciisa marka lagu ag sheego qofka.                                                                     5- In la rumeysto waxkasta oo uu  ka sheegay aduunyada iyo aakhiradaba.                                        6- Nooleynta sumadihiisa iyo muujinta shareecadiisa.                                                                             7-Codka oo hoos loo dhigo marka qabigiisa l agjoogo.                                                                            8- Jaceylka dadka wanaagsan waa jaceylkiisa, naceybka dadka xun xunna waa naceyb kiisa Iyo in dawadiisa la fidiyo.                                                                                                                              9- In aad dul istaagto qabrigisa adiga oo salaamaya.
  1. XAQA DALKAAGU KUGU LEEYAHAY                                                                                                                        Xaqa dalkaagu kugu leeyahay aad buu u badan yahay, waxaana ka mid ah:
  • Waa in aad ka difaacdaa cadowga gudaha iyo dibaddaba.
  • Waa in aad ka shaqaysaa horumarka dalkaag.
  • Waa in aad wixii xunna la necbaataa wixii fiicanna la jeclaataa dalkaaga.
  • Waa in aad u naxdaa dalkaaga daacadna u noqotaa oo aadan khiyaamin.
  • Waa in uu shacuur iyo qiiro wadaninimo lahaadaa.
  1. XAQA UU QOFKU KU LEEYAHAY DALKIISA.

Xuquuqda uu qofku ku leeyahay dalkiisa aad ayuu u badan yahay

Waxaana ka mid ah:

  • In uu xornimo buuxda ku helo dushiisa.
  • In shaqo ka heli karo
  • In uu cadaalad iyo sinaan ku helo
  • In uu meesha uu doono ka degi karo kuna noolaan karo
  • Waa in uu ka helaa waxyaabaha nolosa lagama maarmaanka u ah sida hugga, hoyga hunguriga iyo hawada.

  7) XAQA WALAALAHA

  • 1- Qofka waa in uu u arkaa xaqqa ay walaalaha isku leeyihin, inuu la mid yahay kan ay waalidka iyo ilmihiisa ay isku leeyihiin.
  • 2- Walaalaha yar yar waxaa ku waajib ah inay walaalahooda ka waaweyn ula dhaqmaan sida waalidkood,
  • 3- Walaalaha waaweyna waxaa ku waajib ah inay walaalahooda yar yar ula dhaqmaan sida waalidka ay ula dhaqmaan wixii xuquuq iyo waajibaad ahaa ee ka saarnaa arintaas. waana sida la yiraaahdo  xaqqa walaalka weyni uu ku leeyahay walaalkiisa yar waxa  uu la mid yahay  xaqqa uu waalidku ku leeyahay ilmihiisa.

Waxaa kale oo uu rasuulka   nnk ahaa uu yiri (u baari noqo  hooyadaa, aabahaa,  walaashaa, walaalkaa, ka dibna qofba qofka uu kaa xigo.

8) XAQA MUSLIMKA  IYO MUSLIMKA KALE

 

  1. Inuu salaamo haddii uu la kulmo.
  2. Haddii uu hindhiso inuu u duceeyo
  3. Haddii uu jirado inuu booqdo
  4. Haddii uu dhinto inuu meydkiisa raaco.
  5. Inuu ogolaado haddii uu u yeero.
  6. Inuu ka rumeysto haddii uu dhaarto
  7. Inuu u gargaaro haddii la dulmiyo
  8. Inuu quudiyo haddii uu baahan yahay
  9. Inuu furto qofkii xirma. Ama la qafaasho
  10. Inaanu dulminin
  11. Inaanu xaqirin
  12. Inuu waaniyo haddii uu talo weydiisto
  13. Inuu la jeclaado waxa uu naftiisa la jecel yahay.
  14. Inuu u dhimriyo oo aanu iska weyneyn
  15. Inaanu ka aamusin in ka badan saddex beri.
  16. Inaanu xamanin.
  17. Xaqdaro inaanu ku caayin haddii uu dhinto iyo haddii uu nool yahayba.
  18. Waa inaanu xaasidin ama aanu u malo xumeyn.
  19. Waa in aanu khiyaanin.
  20. Waa in uu kula dhaqmaa dabeecad wanaagsan.
  21. Inuu qiimeeyo haddii uu ka weyn yahay ama uu u naxariisto haddii uu ka yar yahay.
  22. Waa inuu u saamaxaa gefafkiisa ceebihiisana uu u asturaa.
  23. XAQA GAALADDA
  24. Waa in aanu ku qirin gaalnimadda
  25. Waana in uu uga raali noqonin gaalnmada
  26. Inuu ku necbaada waxa uu alle ku neceb yahay.
  27. In aanu la saaxiibin oo uusan jeclaanin
  28. In loo garsooro oo cadaalad loo sameeyo
  29. In naxariista guud loo naxariisto sida biyaha iyo cuntada in la siiyo. Iyo in la daaweeyo haddii uu bukoodo iyo in aan la dhibin.(waayo nebiga waxa uu yiri u naxariista waxa dhulka ku nool  waxa kuu naxariisanaya  waxa samadda ku nool) waxa kale oo uu nebigu yiri  waxkasta oo beer qoyan leh waxa ay leeyihii ajar.
  30. In laga dhibin maalkiisa iyo dhiigiisa iyo sharaftiisa  haddii uusan ahayn mid dagaal.
  31. Derisnimadda oo wax loogu hadiyadeeyo.
  32. In laga qaato hadiyadiisa oo la ogolaado
  33. In la cuno cuntadiisa haddii uu ehlu kitaab yahay sida yahuudi ama nasraani.
  34. Waa in aanu guursan gabar muminad ah, laakiin la guursadaa gabdhaha ehelu kitaabka ah.
  35. Haddii uu hindhiso oo uu ilaahey ku xamdiyo in la yiraahdo ilaahey ha ku soo hadiyadeeyo.
  36. Waa in aan salaanta lagu bilaabin, haddii uu ku salaamose waa laga radinayaa iyada oo la leeyahay idinku korkiina ha ahaato.
  37. Wadada waa lagu ciriirinayaa haddii looga hor yimaado
  38. In lagu khilaafo dhaqanka iyo lebiska.

 

 

 

 

 

 

WAA MAXAY FARXAD

Af soomaali ahaan Farxad eray ka xeel dheer oo sheegaya macnaha dhabta ah ee aan uga dan leenahay waxa igala habboonaaday erayga “Xasilooni” oo aan is idhi isagaa ujeeddo ahaan uga dhaw erayga Af-carabiga ah ee “Asacaada السعادة”.

Sidaa darteed waxa lagama maarmaan ah in aynu qeexno si ujeeddada aynu rabnaa inoogu iftiinto…

Guud ahaan waa dareen, Saddex siyaabood oo kala duwan kugusoo mara. Taas oo ku xidhan xagga waqtiga iyo kolba muddada aad dhex mushaaxdo dareenkaas.

Ka u horeeyaa waa farxad yar oo kooban uun; Ka labaad waa markaad waqti dheer hesho farxaddaas; ka u dambeeyaana waa ka kula noolaado inta ugu badan nolashaada. waana ka ugu wanaagsan.

Tusaale:

• Mar waa raaxo uun: sida adiga oo gaajo qabay, oo cunto helay; adiga oo haraaddanaa, oo biya cabbay; adiga oo luloonaayay, oo hurdo seexday; iyo baahiya kale oo la mid ah oo dhammaantood ku eeg markaad hesho wax ku baahi tira.

• Marna waa farxad gaaban: waa mid kaa hore kasii yara badan. Waa waxaad dareento marka aad gaadhi cusub iibsato, guri aad dhisato, shaqo aad hesho; marka aad qalin-jabiso, marka aad guursato iyo waxyaabaha la midka ah.

• Marna waa Xasilooni joogto ah: Dareenka noocani waa markaad ku xasisho farxadda muddada ugu dheer amaba inta aad nooshahay waa mid ka xeel dheer kana waqti badan kuwii hore waana nooca u dambeya oo ah ta aynu u dan leenahay.

Waa wax goorkasta iyo goob kasta aad haysato. waa sacaado, Waa halka ay qormadeenu u socoto iyo farxadda aynu ka hadlayno.

Waxyaabaha lagu garto in aad ku sugantahay dareenka noocan ah waxa ka mid ah: waxaad noqon qof ku qanacsan wax kasta oo uu haysto; Kuna sabra xaalad kasta oo uu ku jiro; una dul qaata dhibka, gafka iyo qaladaadka kaga imanaaya deegaanta iyo dadka ku xeeran. Waa midda kaa dhigta qof isku kalsoon. Allihii abuurtay iyo diinta islaamkana si dhab ah u aaminsan…Farxaddu waa mid ka mid ah natiijooyinka guusha.

Waa waxa dhadhan iyo macno u sameeya wax kasta oo kale oo aad haysato; hadday tahay Maal, Magac iyo Mansab intaba. Kuuna suurta galiya in aad ku raaxaysato wax yar iyo waxa badan labadaba.

Faqiirka aan hanti kale lahayn iyada mooyaane; wuxuu ka ayaan badan yahay taajirka xoolaha badan haytsa laakiin ka aradan farxad iyo xasillooni.

WQ: C/salaam M. Yaasiin

FURSADAHA HORYAALLA DHALLINYARADA SOO QALIN JEBISAY IYO BAAHIDA DALKA U QABO

Sanad waliba waxaa jamacadaha dalka ka qalin badasho ku dhawaad kumanaan arday ah, ku waasoo soo dhamayeey culuumta kala duwan, haddana ma helaan shaqoyin ka kaafiya noloshooda kaasoo Ardayda u keeni karta niyad jab aad u wayn.

Teeda kale Aradayda waxa ay jecel yihiin, marka ay soo dhameeyaan jamacadaha iney hore shaqo ka helaan, balse kuma fikiraan waqti badan ayaad wax soo baratay ee Hal-Abuur la imaaw.

Xaqiiqda waxa ay tahay Wadankaan aynu joogno waxaa wax qabsadda, Qofkii Fikira, Hal-Abuurna la yimaada.

Dhanka kale dalkeena, waxa uu bahi aad u balaaran u qabaa Dhalin yaro waxbartay, kafikira Aayaha Wadankeena iskana saara mas’uuliyad aad u wayn. Dhalin yaro waliba oo wax barta waxaa horyaala fursado aad u badan hadee noqon laheed Xirfado.

Dalkeena Soomaaliya, waxaa ka banaan xirfaddo aad loogu baahan yahay sida; curinta naqshaddaha cusub ee guriga, shaqadda camera ee duuba aroos ka, xayeesiinta Agab, sidoo kale waxaa jira xirfad aynan isla wadaagin gabdhaha iyo wiilasha kuwaasoo ah ;  Saarista Cilaanka Iyo Jarista Timha. Shaqooyinka maalin laha ah ayee kamid yihiin, Saarista Cilaanka Iyo Jarista Timha.

Gabdhaha waxa ay jecel yihiin Qurxinta hadee noqon laheed wajiga, Gacmaha, Lugaha, Timaha IWM. Waxaa jira waktiyo hablaha aad ay u jecelyihiin in ay imaadan meelaha leesku quxiyo waxaa kamid ah maalmaha, Munaasabadda, arooska, xafladaha, ah.

Sidoo kale Wiilasha ayaa aad u isticmaallo jirista timaha iyo dhaqista wajiga .

Noole kasta ee dunidaan ku nool waxaa uu u bahan yahay meel oo ka helo waxa noloshiisa ay jeceshay sidaas dartayd waxaa wanaagsan inaad fikirto oo aad wax soo saar yeelato waxaa hubaal ah , in aadan ku qasaareynin fikirka aad la timaado.

 

W/Q: Sahra Cali Yuusuf

BAAB’INTA DIL DILAACA JIRKA IYO IS DHALAALINTA

Dhaashigu waa isku dhalaalin, isku qurxin si dabiici ah, haddaad dooneyso in uu  maqaarkaaga iyo wajigaaga qurux badnaado oo uu dhalaalo adigoon isticmaalin wax chemicals ah balse isticmaalaya waxyaabo dabiici ah oo waxba kuu dhimayn?

Waji cad oo qurux badan oon ceeb lahayn waa himilada gabadh kastaa ay leedahay.

Waad noqon kartaa qofka aad rabtid waanad gaari kartaa bilicda aad rabtid adigoon isticmaalin chemicals ama creame-yada dumarka lagu siro.

Haddaba si aanu iskugu qurxino wax yaabaha dabiiciga ah waxaa lagama maarmaan ah inaad markaada hore aad tahay qof cuna cunto isku dheelitiran oo u badan khudaarta, caanaha, kalluunka iyo digirta iwm.

Inaad tahay qof seexda hurdo kugu filan oo habeenkii ah iyo waliba caba biyo kugu filan maalin walba.

Maalmahaan waxaa ku soo batay bulshada Soomaalida isticmaalka daawada la isku caddeeyo, waa la wada ogyahay dhibka ay leedahay, dhibka

ugu weyn ay keeni karta waa kansarka maqaarka, marka waxaa jira naagaha marka ay dhalaan jirkooda dhaldhalaali jiray ayaa isbaddala intuu dhero ayuu noqonayaa madow, marka waxaan rabnaa inaan u faa’iidayno walaalaheena Soomaaliyeed, waxaan u haynaa wax dabiici ah oo aan lacag badan ka rabin oo jirka ifiya kana dhiga mid aad u qurxoon oo dhaldhalaalaya, istcimaalkiisuna fudud yahay, arrinkaan waxaa igu kallifay inaan

diyaariyo marka su’aal la isoo weydiiyay

waxaana kug qancin doonaa, afar hab ayaan kuu sheegi doonaa midka aad rabto ka dooro.

Intaanad wajiga waxba marin fadlan farahaaga si fiican u maydh, wajigana biyo diiran oo cad ku maydh.

Kuli waxyaabahan hoos ku dhigan oo dhami waa wax aad suuqa ka heli kartid oo wali ku siinaya nafaqooyin, nadaafad iyo bilic.

Waxayna kugu caawinayan in uu caafimaadkaagu hagaago haddii uu Allaah swc kuu qadaro.

Markasta isku dar inaad samaysatid in kugu filan markaas uun oo waxba ha ka dhigin.

Waxa freshka ah baa ka fiican waxa la dhigo, maadama aanu isla ilaalinayso inay bakteeriya ku dhalan.

Caddeynta iyo dhaldhalaalinta

1- Cadaanka ukunta  iyo liin dhanaanta iyo hal qaaddo malab cad iyo malab madow iyo hal qaaddo biyaha macdanta ah

dhammaan inta la isku qaso ayaa jirka la marinayaa waa laga tagayaa ilaa uu ka qalalo ka dib jirka waxaa lagu dhaqayaa biyo qandac ah.

2- Caddaanka ukunta iyo liinta dhanaan iyo waxyar sanjabiil ayaa si fiican la isugu labayaa ka dib jirka ayaa la marinayaa waxaa la sugayaa 15 daqiiqo ka dib waxaa lagu dhaqayaa jirka biyo qandac ah, inshaa allaa muddo ka dib waxaad ka dareemaysaa isbaddal weyn.

3 – Seddex qaaddo bur aad u fiican iyo caano fareesh ah iyo xabbad liin dhanaan, dhammaan waa la isku qasayaa ilaa ay noqdaan cajiin jilicsan ka dib jirka ayaa lagu dhoobayaa waxaa la sugayaa muddo 20 daqiiqo ka dib waxaa lagu dhaqayaa biyo qabow, qaabkan wuxuu u kordhinayaa jirka qurux.

Dhaldhalaalinta iyo baabi’inta dildillaaca jirka

4-Jaallaha ukunta iyo hal qaaddo saliid ganlley iyo liin dhanaan si fiican ayaa la isugu labayaa kaddib jirka ayaa la marinayaa markuu qalalo waxaa lagu dhaqayaa biyo qandac ah, sifadan jirka ayay ka sifaysaa laablaabka iyo jeexjeexa.

  1. Liinta macaan (burtuqaalka): Si aad u heshid gacmo qurux badan oo jilicsan, waxaad marmarisaa gacantaada markaad awoodid diirka burtuqaalka, sababtoo ah wuxuu uyahay maqaarka qado dabiici ah oo siisa qurux.
  2. Khalka: Wuxuu faa’iido badan uyahay timaha, oo uu jilciyaa dhalaaliyaana. Wuxuuna ka bi’iyaa timaha xuubka. Waxaad marisaa waxyar timaha kahor intaadan qabaysan oo aadan dhaqin timaha. Lugahana waad marinkartaa oo wuu qurxiyaa, wuxuuna ka bi’iyaa xariiqyada buluuga ah ee ka soo baxa xididada lugaha, saas daraadeed waxaad ku duugtaa cagaha subixii iyo habeenkii mudo dhan bil. Hadaad rabtid in aad baruurta iska ridid, mar walba oo aad cunteyneysid koobka ay biyuhu kuugu jiraan ee aad cabeysid, ku shub labbo qaado oo khal ah kadibna cab.
  3. Joogteenta cunida lowska, mooska, shukulaatada, ukunta, leeleefow iyo liinta.

Quruxdu waa qofnimada iyo Daryeelka naftaada

WD: C/salaam Maxamed Yaasiin

 

Ra’iisul Wasaare Xamse oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan midnimo

)-Ra’isul wasaaraha XFS Mudane , Xamse Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Midnimada, Amniga iyo Hormarinta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ka hadlayay munaasabad loogu mahad celiyay guddigii ka shaqeynayay toddobaadka Xorriyadda dalkeenna, ayaa sheegay in isbeddelka amni ee Caasimaddu uu horseeday in caawa ay degmada Yaaqshiid ku qabsoonto munaasabaddan.

“in aan caawa saacaddan joogno  degmada Yaaqshiid waxay ka tarjumaysaa isbaddelka amniga caasimadda. Waxaan ku soconnaa jidkii guusha gaar ahaan reer Muqdiisho, waxaa muuqata yididiilo in cabsida Khawaarijta ay ka baxday quluubteenna. Haddaan rabno Khawaarijta in aan ka guuleysano waa in aan qalbigeena ka saarno cabsidooda iyo Jacaylkooda.”Ayuu yiri R/Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalkeenna muddo 63 sanno ah waxa halkaas dhigay ay yihiin eex, Musuq iyo Siyaasadda qaloocan, haddana ay dowladdu waddo dadaallo xooggan oo lagu ciribtirayo musuqmaasuqa iyo maamul xumida.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaado iyo in xalka siyaasadda lagu raadiyo qori iyo qabyaalad, waxa uuna ku baaqay in la iska kaashado sidii loo dhammeyn lahaa khilaafaadka ka taagan Gedo, Puntland, Hiiraan, Laasacaanood iyo Koonfur-galbeed, iyadoo uu xusay in doorka ugu muhiimsan ee nabadda ay leeyihiin Odeyaasha dhaqanka oo soo samatabixiyey dalkeenna, xilliyadii burburka.

Ciidamada Danab iyo Gorgor oo burburiyey fariisimo Khawaarijtu ku lahayd deegaano ka tirsan Galgaduud

Galcad: Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Gorgor ayaa howlgal qorsheysan ku burburiyey fariisimo ay Khawaarijtu ku lahayeen deegaano hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Ciidanka ayaa howlgalka ka fuliyey degaanada Baraag Sheekh Caamir, Ceel-dhigtaar, Ceel-ciid iyo deegaano kale, Taliyaha ururka 9-aad ee Gor Gor Dhamme Cabdiwali Axmed Xuseen oo howlgalka hoggaaminayey ayaa sheegay in u jeedka howlgalka uu ahaa baacsiga haraadiga Khawaarijta iyo burburinta goobaha ay ku dhuumaaleystaan.

Taliyaha ayaa sheegay in wada shaqeyn buuxda ay kala dhaxeyso shacabka ku nool deegaanadaas oo lasoo wadaaga xogta Khawaarijta dhuumaaleysiga ah, sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa ciidankaan waxay u kuur-galeen xaaladda nololeed ee bulshada deegaanadaas.