DOWLADDA OO CIRIBTIREYSA CUDURKA UGU XUN EE CURYAAMIYA DHISMAHA DOWLADNIMADA (WARBIXIN).

Masuq-maasuqu waa aafo dilootay Dowladnimada iyo cudurka ugu xun ee dumiya qaab-dhismeedkeeda hay’adeed, falcelin xun oo kan sameeyaa u haysto tallaabo u hiilineysa horumarkiisa noloeed, balse ah go’aan mugdi gelinaya mustaqblkiisa adduun iyo Aakhiro.

Soomaaliya oo dhaqankan tuuganimada ah dhibaato ku hayay muddo dheer ayaa qaadeysa tallaabooyin ka dhan ah kuwa caadeystay xatooyada xoolaha dadweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhawaan ku dhawaaqay qorshiisa la dagaallanka masuq-maasuqa.,isagoo faray hay’adaha caddaalada iyo kuwa u xilsaaran ilaalinta hantida qaranka in ay awooddooda dul dhigaan ciribtirka musuqa iyo ceebeynta cid walba oo ku lug yeelata boobka hantida ummadda.

” Dowladda Soomaaliya ma ogolaaneyso in waxa yarka ah ee gabadha jidka Shaaha ku iibisa ee rubaca sokorta ah ay soo gadatay canshuurta laga qaaday in nin inta jeebka ku shubto baxsado, subax, subaxyada ka mid ah gurigaada ha ugu soo lebesanin ninkaas tuugga ah inaad difaacdid, maxaa loo xiraa, maxaa loo hasytaa,maxaa loo ceebeynaa?, waa la ceebeynaa, waa la karaama tiraa, waxa uu mudan yahay karaaamo, sharaf iyo haybad malahan,ninka Alle ka cabsan waayana sharaf ma leh, nooma kala sokeeyaan dadka Soomaaliyeed ogaada ninka Shabaabka ah ee na qarxinayaa iyo ninka tuugga ah ee canshuurta xadaayo,isku si ayaa ula macaamileynaa,” ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ka duulaya waajibaadkiisa shaqo iyo fulinta amarka madaxweynaha ee ku aaddan qaadista dagaal dhab ah oo ka dhan ah masuq-maasuqa ayaa bannaanka soo dhigay kiisas la xiriira masuqa oo lagu eedeeyay mas’uuliyiin Dowladeed iyo howl-wadeenada qaar ka mid ah hay’adaha Dowladda, kuwaas oo loo gudbiyay maxkamadaha awoodda u leh.

Shaqsiyaad badan oo loo haysto kiisas la xiriira masuq-maasuq ayaa ka soo muuqday fagaaraha caddaalada, waxaa sidoo kale, kala shaandheyn iyo baaris dheer ku socotaa qaar ka mid ah mas’uuliyiin iyo hay’ado Dowladeed, kuwaas oo lagu tuhmayo kiisas la xiriira masuq-maasuq .

Tallaabooyinka ka dhanka ah la dagaallanka masuq-maasuqa ay qaadday Dowladda oo dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada si weyn u soo dhoweeyeen wuxuu dhabaha u xaarayaa in Soomaaliya ay gaarto isku filnaasho dhaqaale si aan uga maaranno kaalmooyinka caalamiga ah ee hadda ay ku tiirsan tahay Dowladda.

WQ: Daahir Aadan Cali

DHIBAATADA QABYAALADDA AY LEEDAHAY.

Waxaa muhiim ah inaanu kala fahamno Qabiilka iyo Qabyaaladda, Qabiilku waa wax laguugu garanaayo ruuxa aad adigu tahay iyo isir ahaan halka aad ka soo jeedo,abtirsigaagu halkuu ku arooro iyo dadka dhalasha ahaan isku xegtaan.

Ujeeddooyinkaasi waa kuwa uuu Eebba wayni ugu talo-galay kolkii tolka iyo jilibka uunkiisa isku raaciyay.

Sida ay diinteena suubbani tilmaamaysona qabiilkoo laysku aqoonsado iyo ku abtirsashadiisuba ceeb maaha, waxaana sidaa qeexaysa aayad ka mid ah aayadaha qur’aanka Eebbe,taasoo ahayd” waxaanu idinka dhignay qaabiillo iyo shucuub si aad isku barataan”.

Nabigeenii suubbanaa (NNKH) qudhiisa waxaa laga hayaa axaadiis badan oo abtirsiga iyo is taakulaynta xegaalka iyo tol waynaba tirtirsiinaysa.

Xariirinta iyo taban-taabada xigtadu waaba arrin waajib ah,oo ay diinteenu jidaysay qofkii qaraabada/xegtada gooyana wuxuu Illaahay u ballan qaaday inuu goyn doonno, sidaana wuxuu ku yiri xadiisul qudsi.

Qabyaalad: qabyaaladdu waa ficil xun oo ah inaaad qabiilkii u isticmaasho si qaldan waxeyna kugu hogaamineysaa, Dhibaato iyo burbur waxeyna kuu diideysaa horumarka iyo nolosha wanaagsan.

Qabyaaladdu waxaa keena jaahil nimada iyo bdoqonnimo markaad akhriso taariikhda dadyowga dunida ku nool waxaa ogaaneysaa dhibaatada ay leedahay qabyaaladda.

Dadka ay ku weyn tahay qabyaaladda waa kuwa ugu liita xagga nolosha.                    Waxa ay diinteena suuban waxa ay muslimiinta ka xarimtay qabyaaladda, dhibaatada qabyaaladda ma ahan dunida kaliya kugu saameyneyso ee waxa ay kula soconeysa ilaa iyo qiyaamaha, waxaana cadeyn u ah axaadiiskii Nabigeena Maxamed(NNKH) ee ahaa dadka udagaalama qabyaaladda kuwii wax dila iyo kuwii la dilaba waa ahlu Naar.

dunida kuwaa ugu hooseeya xagga nolosha waa kuwaa aan wali ka ilbixin dhibaatadii qabyaaladda wali waxey moodayaan in uu qabiilka wax taraayo laaakiin dhib mooyee dheef keeni meyso.

Tusaale waxaa kugu filan dalkeena halka ay qabyaaladdu geysay, waxa halkaan na dhigay waa qabyaaladda manta waxeynu nahay dal ay tusaale kusoo qaataan hogaaamiyaal shisheeye.

Markaan maamul dowlaadnimmo ka door bidnay qabyaaladda waxaa kala daatay awoodeenii waxaa lumay magacii iyo sharaftii aan laheyn.

Aynu iska deyno qabyaaladda si mustaqbalkeenna aduun iyo mid aakhiro an u wanaajino.

WQ: Dalka journal

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shahaado sharaf guddoonsiiyay Wiil Suuriyaan ah

-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ,Xamse Cabdi Barre ayaa shahaada sharaf guddoonsiiyay Cali Saahir oo ah Wiil yar oo kasoo jeeda dalka Suuriya, kaas oo wacdaro ka dhigay xuska maalmaha xorriyadda Soomaaliya iyo is raacii labada gobol 1-da Luulyo.

Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa sheegay in wiilkani ay garab istaag iyo dhiirri gelin buuxda u sameeyn doonaan.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ugu mahad celiyay saacidaadda dhaqaale ee uu u fidiyay Wiilkan Suuriyaanka ah iyo shaqada uu u ballan qaaday marka uu qaan gaaro.

Wasiir Fiqi oo qurba joogta Soomaaliyeed ku ammaanay doorka ay ka qaateen maal gashiga dalka

-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu-heshiisiinta XFS Mudane, Axmed Macallim Fiqi oo ka qeybgalay meertada 2-aad ee shirwaynaha qurba joogta Soomaaliyeed  oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha dibedda ayaa khudbad uu kajeediyay waxaa uu sharraxay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha xoraynta dalka, la dagaallanka fikirka iyo maaliyadda ee kooxaha khawaarijta.

Mudane, Axmed Macallim Fiqi waxaa kale uu kala hadlay Arrimaha Xasilinta goobaha dhawaan laga xoreeyay khawaarijta, sarraynta sharciga iyo geeddi socodka Dowladnimada dalka oo ay hoggaanka ka tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

Ugu dambayn, Wasiir Fiqi ayaa si gaar ah uga mahadceliyay Qurba joogta Soomaaliyeed ee kasoo qaybgalay Shirwaynaha 2-aad ee Qurba joohgta Soomaaliyeed sida xoogga leh ee ay uga qayb qaateen maal gashiga dalkeenna hooyo ee Soomaaliya.

    

Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda WFP

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowladda Hirshabeelle ku qaabilay wafdi ay hoggaaminaysay Ku Xigeenka Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka WFP ee Soomaaliya Marwo Laura Turner.

Madaxweynaha oo kulankaan ay ku wehliyeen qaar kamid ah Golihiisa Wasiirrada ayaa looga hadlay dhibaatooyinka fatahaadaha uu wabiga shabeelle ka geysto deegaanada Hirshabeelle, Taageerada Beeraleyda si kor loogu qaado horumarinta wax-soosaarka beeraha, caawinta barakacayaasha, maalgelinta iskaashatooyinka beeraleyda, caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada, Shaqo Abuur dhalinyarada iyo Kaalinta Hay’adda WFP ee horumarinta Magaalooyinka laga xoreeyay kooxaha khawaarijta ah.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Hay’adda WFP garab istaagga ay siiyaan shacabka Hirshabeelle gaar ahaan ka jawaabista xaaladaha deg-dega ah isagoo ku adkeeyey xoojinta iyo sii wadista maalgashiga, horumarinta iyo wax soosaarka beeraha.

      

Duqa Muqdisho oo tabarucaad dhaqaale u ballan qaday Wiil Suuriyaan ah

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in guusha iyo amniga ay bulshada Caasimadda ku naallooneyso ay ku timid iskaashiga iyo wada jirka Ciidamada ammaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

” Amniga Muqdisho in uu hagaago Shacabka Caasimada iyo laamaha amniga ayaa si wadajir ah iskaga kaashaday waana mahadsanyihiin.”

Guddoomiye Madaale ayaa xusay in dadka ka dhex muuqday dabaal deggii maalmaha xorriyadda uu ka mid ahaa wiil yar oo Suuriyaan ah, kaas oo door weyn ka qaatay sare u qaadidda xamaasaddaiyo shucuurta ka qeyb galayaasha munaasabadda.

Cali Saahir oo ka soo jeeda dalka Suuriya ayaa hees guubaabo ah  ka qaaday Xafladda Mahadcelinta guddigii ka shaqeeyay Todabaadka Xoriyadda, taas oo weyn u gilgishay qalbiyada dadkii goobta ku sugnaa.

Mudane, Madaale ayaa sheegay in wiilkan yar ay siin doonaan tabarucaad dhaqaale oo bille ah marka uu qaan gaarana la siin doono shaqo maaddaama uu ka mid ahaa dadkii qurxiyay ama boorka ka jafay munaasabaddii 1-da Luulyo.

Cali Saahir oo ah dhowr iyo toban jir kana mid ah qaxootiga Suuriyaanka ee ku nool Muqdisho ayaa ka mid ahaa dadkii sida weyn ugu dhex muuqday xuska maalinta xorriyadda Soomaaliya iyo midowgii labada gobol ee Soomaaliya, isagoo si weyn usoo jiitay indhaha warbaahinta gudaha iyo tan Caalamka.

CAAJISKA IYO HAL ABUURKA QOFKA INSAANKA AH!!!

Waa ay ku adag tahay in uu sariirta ka kaco ama uu hawl ku dhameeyo waqtigii loogu talo galay, waxa uu mar kasta ku raaxaystaa nafiska, waxa uu neceb yahay meelaha lagu soo ururo waxuunu ka fogaadaa buuqa, socodka badan iyo haasaawaha iska furan ma jecla waanu neceb yahay in uu qof kaste la hadlo, dhegeysiga hadalka badan iyo sheekeyntaba waxa uu ku dareemaa daal, hawsha loo diro waxa uu fulinteeda dib ugu dhigaa daqiiqadaha ugu dambeeya !

Haddii aad isku aragto astaamahaa wax ka mid ah waxa aad tahay qof caajis ah , laakii haka warwarin caajisnimada, waxa suuro gal ah in aan sida ugu wanaagsan uga faaiideysan karno caajisnimadeena ! Sidaa darteed ayaa aan isku dayaynaa in aan daaha ka qaadno doorka ay caajisnimadu ka ciyaartay ilbaxnimada basharka !

Caajisnimo awgeed waxa laga yaabaa in aad noqoto suugaanyahan ama qoraa amaba fikiryahan, laakiin kuu ballan qaadi maayo intaas, markaa ha iska dhaadhicin in aan ahay sida dhiirriyeyaasha dadka oo aan kugu boorrinayo in aad noqoto sugaanyahan ama qoraa ku dhisan in aad caajis tahay uun.

Bal aan warka kuu caddeeyo waxa iyana suuro gal ah in caajisnimadaadu tahay mid aan faaiido loo rogi karin kulana gudboon tahay in aad talo dhakhtar ka raadsato !

Qofka caajiska ah waligeedba waxa laga soo qaadaa qof taban oo taag yar, nafis doon dhamaas ah! hase ahaatee arrintani in sidaa loo fudeydsado ma aha; qofka caajiska ahi hawlo uu ku wacan yahay ayaa jirta, waana hawshiisa, hawlo uu jecel yahay kana miro dhalin karo sidaa awgeed badanaa marka loo diro hawl aanu lahayn ayaa uu yeeshaa astaamo qofnimo oo taban waayo waxa uu canaadayaa jawiga aanu dabci ahaan ogoleyn ee lagu jujuubay! Caajisnimada waa falcelin nafsi ah oo qofku culeys aanu u diyaar ahayn iskaga caabbiyo , waana xaalad aan loo bogin sababo badan awgood !

Caajisnimadu iyada ayaa aabbo u ah balwadaha xun oo dhan , haa sidoo kale caajisnimada ayaa falkisay ilbaxnimada basharka, sheekobaraleyda iyo mirqaanka; iyada ayaa sabab u ah dhamaan afkaarta dadka oo idil dhakofaarka u keenta.

Waagii dadku bilowga ahaa ee taariikhda la og yahay oo dhan ka hor, intii aan ilbaxnimo iyo aqoon la yeelan, waxa uu qofku dhex gucleyn jiray kaymaha iyo Duurka, isaga oo ugaar sanaya ama miro guranaya, inyar inyar ayaa ay dadka dhexdooda ama iyaga iyo deegaanku isku dhaafsan jireen waayo-aragnimo waxa se ay u guntanaayeen uun in ay ugaar soo qabsadaan ama isu diyaarinayaan rag iyo dumarba !

Waxase dadkan bilowga ah ka tirsanaa kuwo aan waxtar ku lahayn hawshaa oo godka iska fadhiya dabkana iska sii kulaala; badankoodu si ayaa ay naafo u ahaayeen ama caajisnimo ayaa naafeysay oo ka dhigtay waxtar laaweyaal! ugaar ma soo qabtaan xataa godka lagu hoydo ee ay sii joogaan ma ilaaliyaan umana babac dhigi karaan dhibta nolosha ee deegaanka ee ay dadka kale la halgamayaan si ay quudka maalinlaha ah u soo dhacsadaan! waa caajisiin waxase ay awoodaan wax kale.

waxa ay karti u leeyihiin caajisiintani in ay wax eeg eegaan oo ay isla sheekeystaan una fiirsadaan, waxyaabo aanay sagaaro ka biiqsan oo dadka kale aanay isku mashquulin ayaa ay waqtigooda ku qaataan, mashaakil yaryar oo aan dadka u muuqan ayaa ay ka fikiraan furdaamintooda, ma socon karaan oo guriga ma dhaafaan shaqana ma hayaan markaa waxa ay ka fikiraan halxiraaleyaasha nolosha, waxaanay is weydiiyaan su’aalaha aanay fursadda u helin kuwa nolosha u halgamayaa

sheekooyin ayaa ay abuuraan oo farsamooyin ayaa ay sameeyaan kol ay dhoobo ka sameeyaan wax u eg xayawaankii darraad la soo ugaadhsaday,  caajisnimadaa ayay ka dhalatay ilbaxnimadu oo dad caajisiin ah oo aan ka qayb gali karin shaqooyinka muruqa oo badankoodu naafo ahaan uga haray ayaa hindisay

haddii aanu jirin qof caajis ah dadku kama soo gudbeen badownimadii kaynta iyo eryadka duurjoogta oo halkaa ayaa ay iskaga faraxsanaan lahaayeen mana ay suuroobeen ilbaxnimada iyo reer magaalnimada maanta!

Caajisnimadu mar walba ma xuma , waxa ay fursad kuu siin kartaa in aad wax fiirfiiriso oo aad farfaarto adiga oo raadinaya qaab ka fudud midkan kadeedan ee dadku dantooda ku gaaraan adna ay caajisnimada ama naafonimadu kuu diidday ;

Qofka caajiska ah waxa uu mar kasta doonaa qaab fudud oo uu hawlaha ku fushado, ma jecla daalka iyo kadeedka, sida uu u dhibsanayo qaabka ay dadka ku gedaamani u shaqeeyaan ee adag isuna weydiinayo qaab tooda ka fudud oo haddana uu kula noolaan karo ayaa uu helaa fikrado dadka ka daahnaa! In faras la heenseysto oo la fuulo ama gaadhi la hindiso waxa ay fikraddeedu ku arooraysaa qof socodka iyo orodka caajis ka ahaa, guryaha dhagaxa ah waxa ku fikiray qof ka waahsaday furista iyo dhisidda joogtada ah ee guryaha qoryaha ka sameysan oo iyaga laftooda uu hindisay qof ka caajisay qodista godadkii la gali jiray , rasaasta iyo gantaalaha fikrad iyo farsamo ahaanba waxa ay ku aroorayaan qof la mid ah ninkii soomaaliyeed ee ay caajisnimadu, fuleynimana waa lagu sheegaaye, ka yeersiisay “waar colka waraf ma lagu dayay ?” wax kastana waa la mid, qofka caajiska ahi ma aha mar kasta qof taban !

Aan u fiirsano sheekada qofkii bilowga ahaa ee caajiska ahaa qofkii hindisay afkaarta, dhugashada, sheeko xariirada iyo qoraalka, qofkani markii uu ka caajisay in uu ka qayb galo nolosha muruq-maalka ee dadku quudka ku eryanayaan ayaa ay firaaqo ku soo baxday waxaanu ku maarraroobay fikirka oo waa wax la iska garan karo ah in noole kaste leeyahay qaab uu iskaga dhawro dabargo’a oo uu deegaanka kula qabsado afkaarta iyo wax fasirka ayaa uu ka dhigtay hab uu deegaanka kula qabsado, waxa uu qofkaa caajiska ahi soo saaray waxa aragtiyo dadka wareeriyay waxaanu macnayaal saaray dhacdooyinka uu ugaarsaduhu orodka ku dhaafay !

Bal u fiirso nolosheena caadiga ah qofka shaqeeya ee ku mashquulsan shaqadiisa socodka lugta iyo adeegga gacanta noloshiisana aanay firaaqo ka bannaaneyn fursad uma helo in uu fikiro, wax u fiirsado , hal-abuur iyo qoraal hindiso ama ku mashquulo falsafadda iyo suugaanta, awooddiisa oo dhan waxa uu ku bixiyaa shaqadiisa sidaa awgeed waqti kuma lumiyo ka fikirka waxyaabaha liita marka shaqadiisa loo eego

tusaale ahaan hadalka dadka waxa ay isugu gudbiyaan baahiyaha ka dhexeeya oo intaa wax ka baxsan uma leh qofka hawllan balse qof caajis ah oo camal la’ ayaa isla hadalkii ku fikiray markaa ayaa uu tidcay ama isku beegbeegay odhaahyo ay dad kala duwan kaga hadleen baahiyo kala duwan inta uu isla raadsaday oo uu xiriiriyay waxaana halkaa ka soo baxday suugaan iyo maahmaahyo ama murti

Halka uu qofkaa shaqadiisa ku adagi fiidka u seexdo in uu berri xilli hore ugu kaco shaqadiisa, faylasuufka ama suugaanyahanka ama qoraagu waxa uu ku saamalaylaa in uu tix yar qoro ama sheeko yar curiyo ama ninkaa fiidka seexday nafsaddiisa macneeyo.

WQ: C/risaaq Axmed Absuge

 

 

 

 

TAABAGELINTA NABADDA WAA FIKIR ISKU TASHI AH

Ummad kasta marka ya fekeraan oo ay gartaan waxa ka maqan Meesha ay jiraan si loo helo baadida maqan waxay qorsheeyaan ama meel isla dhigaan in la helo amni iyo kala dambeyn si loo qabto shirar looga hadlayo arrimaha loo baahan yahay.

Horumarka nabaddu waa midka ugu horreeya qorsheyaasha kala duwan ee horumarka , gogosha lagu wada hadlayo, shorarka wada tashiga si ay u noqdaan kuwo madaxbannaan oo aan ka cabsaneyn suuqyada iyo waddooyinka .

Waxaa waajib ah in la dejiyo qaacido nabadeed iyo amnio o muwaadinku danahiisa kaga fekeri karo waxayna arrintaa u baahan tahay feker iyo wada tashi wadajir ah .

Xaaladaha amniga ma aha kuwo hal gacan  wax lagu xasilin karo waana in marka hore xukuumaddu ciidan u diyaarisaa kaas oo ah mid u taagan xaaladda amniga magaalooyinka iyo degaamada mar kasta oo loo baahdana laga heli karo telefanno u gaar ah lana dejiyo baro u gaar ah oo ay ka gurman karaan.

Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in la soo celiyo roondadii habeenkii wareegi jirtay ayna helaan xiriir bulshada dhexdeeda ah ayna yihiin kuwo u tababaran la shaqeynta dadweynaha soona jiidan kara bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ciidanka ammaanka waa kuwo ka duwan ciidamada kale o oleh xirfad aqooneed oo isdhexgalka bulshada isla markaana la socon kara wax kasta oo ka dhex jira waana in ciidankaasi yeeshaan saldhigyo gaar ah toos ugu ixrnaadaan goobaha lagu lafa gurayo arrimaha amniga.

Si loo yareeyo qarashka waa in la soo kobo goobaha shirarka ee ay ciidankaasi mas’uul ka ha yihiin haddii ay goobahaasi bataana waxaa badaneysa baahida amniga .

Ciidankani waa in ay helaan guddiyo kala sarreeeya oo kala heer heer ah ilaa heer gobol waana in ay yeeshaan calaamado u gaar ah oo xitaa ciidamada kale ku aqoonsan karaan.

Ciidanka xasilintu waa in ay ka kooban yihiin dad waayo arag ah waana in ay helaan wacyigalin dheeraad ah ayna guddiyada amnigu si joogto ah ula socdaan xaaladdooda siiba qaabka shaqada iyo wax kasta oo ku soo kordha.

Aminiga la’aantii waa aqoon la’aan iyo dhibaato waana kalsooni darro sidaas darteed waa in amnigu noqdaa waxa ugu horreeya eel aga shaqeeyo ka hor arrimaha kale oo dhan.

WQ; Abwaan Gabayre

 

 

GAARSIINTA GARGAAR DEG DEG AH MEELAHA LAGA XOREEYAY KHAWAARIIJTA ARGAGIXISADA AH.

Dalka waxaa ku soo fool leh Guluf dagaal oo kama dambeys ah, kaasoo lagu soo afjarayo maleeshiyada arxanka daran ee khawaariijta al-shabaab oo caadeystay daadinta dhiigga dadka abriyada ah.

Iyadoo ay jiraan abaaro daran ayaa dadka shacabka ah ee muddo dheer ku hoos jiray gacanta gumeysiga alshabaab ee maanta arkay iftiinka xornimada in sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaarsiiyo gargaar cunto iyo agabka lagama maarmaanka u ah nolosha isla markaana lala gaaro booyado biyo ah.

Waxaa habboon in ay is daba socdaan xorreynta iyo gargaarka, waayo waxaa laga yaabaa in aad ka dul tagtaan dad aad u liita oo macluul halis u ah.

Hay’adda maareynta musiibooyinka iyo hay’adaha la midka ah waxaa looga baahan yahay in ay u muujiyaan dadaal dheeri ah una gurmadaan meelaha cusub ee u baahan taakuleynta.

Middeeda kale, dagaalka socdaa waa inuu ahaadaa saddax saf iyo taakuleyntii oo daba taagan, macnaha jiidda hore ee dagaalka waa inay ka dambeeyaan jiid labaad oo daba taagan iyo taakuleyntii oo daba socota.

Sidoo kalena, meel kastoo la xoreeyaa isla markaasba lagu wareejiyo ciidammada boliiska si ay usugaan amniga Meesha la xorreeyay iyadoo isla markaasna laga dhisayo maamul howsha toos u gala.

Iska soco ee dib usoo noqo suura gal maahan ciidanka milliteriga waa xoreynaya  booliskana wuu la wareegayaa meeshii la xorreeyaba si aan loo soo daba maryeynin maamulkuna adeeggii loo baahnaa ayay durbadiiba qanabayaan.

Howshu waa inay isdaba joog ahaataa, si dadka la xoreeyay aysan u dareemin wax firaaq ah oo Meesha ka bannaan.

Dhanka kale, madaxda ugu sarreysa dalka waxaa fiicnaan lahayd in ay ka muuqdaan jiidaha hore ee dagaalka si rikoor fiican ay dunida ugu yeeshaan iyo quluubta shacabkaba, waayo dagaalkan waa dagaal is xoreyn ah.

Dowladaha caalamka ee saaxiibada dhow ah waa inay dalka la soo gaaraan gargaar iyo gurmad deg deg ah taasoo micnaheedu yahay in dalku ku jiro laba dagaal oo kala ah mid argagixiso la dagaallan ah iyo mid abaar la dagaallan ah.

Sidaa daraadeed, si ay guusha u noqoto mid huban waa in howluhu isdaba socda.

Marka dagaalka noocaan ah oo kale  lala galayo argagixiso dalka ku raagtay waa in aan marna gadaal looga noqon waayo haddii tashuush yimaado oo meeshii la qabtay dib looga soo baxo argagixisadu waxay dib u laaynayaan dadkii maatida ahaa ee lagu kor dagaallamay taasina uma fiicna dadka deggan meelaha la xoreynayo, waa in wax badan laga fiirsadaa arrimaha noocaan ah oo keeni kara fashil.

Haddaad maqasho qaa’in wadan waa kan markan oo kale dhabar jabiya ciidammada dagaalka ku jirta oo sirtoodana siiya cadowga lala dagaallamayo, kaasii jisadiisu waa dil waana in la raacaa xeerarka dagaalka u yaalla.

Xilligaan soo qabashada argagixiso dagaal kaala soo horjeedda wax faa’iido ah ma laha ee wuxuu mudan yahay in uusan soo dhaafin barta lagu arko, waayo dal iyo dadba wax dambe uma tarayaan.

Xaqiiqo waxaa ah markay arkaan xanuunka xabadda in ay isa soo dhiibaan taasina uma geynin jaceyl ee waxaa ugeysay cabsi marka waa in loo fiirshaa sharciga iyo xeerarka militeri waxay ay ka qabaan argagixiso hubeysan ee dalkiisa duulaan ku ah, Kuwa ajnabiga ahna waa in barta lagu dilo waayo wuxuu soo doontay ayaa sidaa ahayd.

Talo kooxaha hujuumka ah ee qaadaya weerarka waxaa habboon in dagaalku lahaado bar hoggaamineed iyo taakulelynta, sida caafimaadka, rasaasta waa inay ka kala go’in dagaallamaha.

Waa in baleenka iyo qariidadduba si fiican loo dejiyaa waayo dagaal waa siyaasad iyo tab howlgelineed.

Taagtiiggu hadduu xumaado ama ay hagari ku jirtu badanaa dagaalkaasi guul lagama gaaro, taana waa mid muhiim ah.

Dardaaran:

Ciidammada ku jira jiidaha hore waa inay gacmaha is qabsadaan iyaga iyo shacabka is xilqaamay una naxariistaan dadka ay xoreynayaan marka ay gacanta usoo gasho degmo tuulo ama gobolba, waa inay tusaan dadka inay ka beddelan yihiin kuwii gumeysan jiray, waayo dadkan wax badan ayaa horay loogu shubay oo waxaa laga yaabaaba in uu kuu heysto gaalo qabsatay, taa daraadeed waa inay dadka wacdiyaan tusaan inay yihiin dowladda una sheegaan inay yihiin dad muslim ah oo aanay ahayn dad gaala ah.

Waayo qofkani isagoo reer miyi ah oo aan weli garaadsan ayaa la dul degay lagana dhaadhiciyay wax aan Alle iyo Rasuulkiisuba aysan raalli ka ahayn

Sidaa daraadeed, waa in gargaarka iyo taakuleyntuba ahaadaan dadka tabarta yar ay ahaadaan mid Alle looga cabsado.

Dalka Edatorial

 

ISLAAMKA AYUU AMNIGU KU JIRA

Daraasad lagu sameeyay qaar kamid ah dalalka qawaaniinta noloshooda ay u eg yihiin habka Islaamku u nidaamayay nolosha balse iyagu aan aheyn Islaam ayaa  waxaa lagu ogaaday sida ay noloshoodu tahay dhinacyada dhaqaalaha iyo amaanka.

Daraasadan oo ay sameeyeen aqoonyahano Mareykan ah 2014, ayaa waxaa lagu ogaaday in dawladaha nidaamka islaamka noloshooda ku habeeyay iyagoon haddan ahayn dalal islaam ah ay ka amaan iyo nolol wanaagsan yihiin dalalka kale. Waxa kale oo cajiib noqotay in 30 dawladood ee ugu horeeya liiskan midkoodna aanu ahayn dawladaha Carabta iyo kuwa kale ee Muslimiinta ah.

Daraasadda ayaa sheegtay in dalba kan uu u kaga badan shuruucda uu ka soo qaatay shareecadda Islaamka ay u kala horeeyaan nolosha.

Waxaana kaalmaha hore daraasaddan ka galay dalalka Japan, Irland, Sweden iyo dawlado kale oo u badan oo Yurub ah.

Islaamku waa diin isu miisaanta nolosha adduunka iyo nolosha Aakhirada, waayo adduunku waa beer uu ku beerto qofka Muslimka ah khayraadka xagga dhammaan dhinacyada nolosha si uu u gurto abaalka arrinkaas adduunka iyo Aakhiradaba. Beerta iyo abuurkanina wuxuu u baahan yahay inaad ku qaabisho nolosha nafsad kheyrka rajeysa uu ka buuxo dadaal iyo go’aan adeyg, arrinkaasina wuxuu ka muuqdaa waxyaalahan soo socdo:

Allaah Kor ahaaye Wuxuu yiri: “Wuxuu idinka abuuray dhulka oo idin dejiyey dhexdiisa si aad u camirtaan” (Huud: 61)

Allaah wuxuu nagu beeray arladan oo na amray inaan camirno oo ku hormarinno ilbaxnimo iyo dhismo u adeegeysa aadmiga, oo aan ka hor  imaaneyn shareecada Islaamka ee sahlan, balse wuxuu ka yeelay camiraaddeeda iyo hormarinteeda waxyaalaha ay dooneyso shareecada iyo cibaadooyinka  xitaa waqtiyada lagu jiro duruufta adag iyo marka uu xaalka murugsan yahay , sidaas awgeed buu Nabigeenna NNKH ku baraarujiyey qofka Muslimka ah in haddii qiyaamuhu dhaco isagoo gacanta ku haya abuur uu doonayo inuu beero,markaa waxaa saaran inuu ku dhaqsado beeritaankeeda, hadduu karo si ay ugu noqoto sadaqo. (Axmad 2712)

Ma aheyn arrin si kedis ah ku timid in kelmedda ugu horreysa ee ka mid ah Qur’aanka ee lagu soo dejiyey Nabigeenna NNKH tahay: Iqra (Akhri),

Waxaa halkaa lagu caddeeyey inuu Islaamka dhiirrageliyo dhammaan noocyada culuunta  nafaca u leh aadmiga ilaa uu ka dhigay dariiqa uu maro qofka Muslimka ah isagoo cilmo doon ah uu yahay jid uu u hayo Jannada, sida uu Nabigeenna NNKH yiri: “Qofkii qaada waddo uu ku dalbayo cilmi, Allaah wuxuu ugu sahlaa waddo ka mid ah waddooyinka Jannada.” (Ibnu Xibbaan 84)

Islaamku ma yaqaan dagaal ka dhexeeya diinta iyo cilmiga sida diimaha kale, bal si ka duwan taasi si dhan, diinta waa baaqa cilmiga waana taageeraha iyo ugu yeeraha dadka barid iyo barashoba maadaama uu ugu jiro khayr aadimiga

Sidaas awgeed buu Allaah u maamuusay qaddarka caalimka ee bara dadka khayrka oo u yeelay darajooyin sare, wuxuuna Nabigeenna NNKH sheegay in dhammaan uunanka ay u duceeyaan macallinka bara dadka khayrka. (At-Tirmidi 2685)

WD: Ibraahim Warsame