Sanad waliba waxaa jamacadaha dalka ka qalin badasho ku dhawaad kumanaan arday ah, ku waasoo soo dhamayeey culuumta kala duwan, haddana ma helaan shaqoyin ka kaafiya noloshooda kaasoo Ardayda u keeni karta niyad jab aad u wayn.
Teeda kale Aradayda waxa ay jecel yihiin, marka ay soo dhameeyaan jamacadaha iney hore shaqo ka helaan, balse kuma fikiraan waqti badan ayaad wax soo baratay ee Hal-Abuur la imaaw.
Xaqiiqda waxa ay tahay Wadankaan aynu joogno waxaa wax qabsadda, Qofkii Fikira, Hal-Abuurna la yimaada.
Dhanka kale dalkeena, waxa uu bahi aad u balaaran u qabaa Dhalin yaro waxbartay, kafikira Aayaha Wadankeena iskana saara mas’uuliyad aad u wayn. Dhalin yaro waliba oo wax barta waxaa horyaala fursado aad u badan hadee noqon laheed Xirfado.
Dalkeena Soomaaliya, waxaa ka banaan xirfaddo aad loogu baahan yahay sida; curinta naqshaddaha cusub ee guriga, shaqadda camera ee duuba aroos ka, xayeesiinta Agab, sidoo kale waxaa jira xirfad aynan isla wadaagin gabdhaha iyo wiilasha kuwaasoo ah ; Saarista Cilaanka Iyo Jarista Timha. Shaqooyinka maalin laha ah ayee kamid yihiin, Saarista Cilaanka Iyo Jarista Timha.
Gabdhaha waxa ay jecel yihiin Qurxinta hadee noqon laheed wajiga, Gacmaha, Lugaha, Timaha IWM. Waxaa jira waktiyo hablaha aad ay u jecelyihiin in ay imaadan meelaha leesku quxiyo waxaa kamid ah maalmaha, Munaasabadda, arooska, xafladaha, ah.
Sidoo kale Wiilasha ayaa aad u isticmaallo jirista timaha iyo dhaqista wajiga .
Noole kasta ee dunidaan ku nool waxaa uu u bahan yahay meel oo ka helo waxa noloshiisa ay jeceshay sidaas dartayd waxaa wanaagsan inaad fikirto oo aad wax soo saar yeelato waxaa hubaal ah , in aadan ku qasaareynin fikirka aad la timaado.
W/Q: Sahra Cali Yuusuf