Ciidanka xoogga oo hawlgal ka dhan ah khawaarijta ka sameyay G/Shabeellaha Hoose

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal lagu baacsanayo firxadka khawaarijta ka sameeyay Gobalka Shabeellada hoose,gaar ahaan deganada deexda ah ee Ceel-maracade, Gaacal-yaabar, Isgoyska Jiirley iyo Garasqaajo.

Howlgalka waxaa lagu soo qabqabtay tiro dad ah oo lagu tuhmay inay la shaqeynayeen Khawaarijta, waxaana lagu burburiyay fariimo si qarsoodi ah ay halkaas uga sameysteen Khawaarijtu.