WAA MAXAY DOWLAD FEDERAAL AH ?

Dowlad Federaal Ah waa nidaam dowladeed kaasoo awoodda dowladda dastuurka dalku u qeybiyo dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Maamul goboleedyadu waxay leeyihiin meekhaan maamul hoosaad ah, oo waxay haystaan xukun hoosaad ay gobolladooda ku maamulaan:
:Structure Federal
Federal. : Waa Dowlad Dhexe
State.     :  Waa Maamul Goboledka
Local.       : Waa Dowlada Hoose:

Awoodaha Dowladaha Federaalka ,

1) waxey Ilaalisaa Difaaca Dastuurka.
2)waxa Eey dejisaa Oo Hirgelisaa Siyaasadda Startigiyada qorsheynta Dalka Guud.
3) waxey Qorsheysaa Dhaqaalaha Arimaha Bulshada iyo Hormarka Guud ee Dalka
4) waxa eey Kormeertaa Heerarka Qaranka Arimaha Aasaasiga caafimaadka, waxbarashada, Sayniska Tichnology iyo Ilaalinta Dhowrista Dhaqanka.

5)waxa eey Fulisaa Siyaasadaha  Maalgashiga Shisheeye
6) waxa eey soosaareysaa Sharciyo ku sabsan Kala Qeybinta Faaidada Kheilyraadka dalka.

7)waxa eey Maamushaa Ciidanka Xooga Dalka iyo Amniga Guud ee Dalka iyo Police Federal oo ka howl Gala Maamul walba ilaaliya Danaha Qaranka.

8)Waxa eey Awood uleedahay Maamulida Bankiga Qaranka (Central Bank) Daabacdaa Lacagaha iyo Sarifka (Exchange Rate)
9)waxa eeu dejisaa Siyaasada Arimaha Dibeda iyo Go aaamda Arimaha Caalamiga sida Maageshiga  wixi la mid ah.

10) waxa eey Maamuleysa  Hawada, Badda, Marinada Biyaha gaadiidka Bada.
11) waxa Eey ilaalineysaa Xuduudaha Dalka Meel Walba oo ah Xuduud sida.

dekadaha, Ealaboorada, Bar xuduudyada iyo wixii la mid ah
12) waxa Eey Nidaamineysaa Ganacsiyada shisheeye Ee Maamul Goboledyada.
13)waxa eey leedahay Awood eey Dalka ku geliso Xaalada Deg deg ah
14) waxa eey Goaamisaa Arimaha la xariiri Magarationada iyo Jinsiyadaha .
15)waxa eey goaamisa Arimaha la xariira Socdaalka, bixinta Baasaboorka, Gelitaanka Wadanka iyo bixitaanka Dalka.

WQ: C/salaam M. Yaasiin

SIDEE U NOQON KARTAA QOF DABEECAD WANAAGSAN?

In badan oo nolosha ka mid  ah waan ka caajisnaa in aan xiriirino wanagga  dhanka dadka kale, in aad yeelaatid dabeecad soo jiidasho leh waxay u baahan tahay marka hore in aad ka fiirsatid waxa aad ku halayso loomana baahna in aad isaga hadaaqdit wixi markaas afkaaga soo qabto waayo waxay kuu keeneysaa hadalada noocaas ah in ay sumcadaada hoos u dhacdo aadna yeelan weydo dabeecad aan wanagsaneen.

Mararka qaar waxaa dhici karto in aad ku hadashid ereyo aan munaasib ku aheyn meesha aad markaas ka hadlaysid,sheekadeena waxay tahay soo jiidashada usluubta wanaagsan, taas  oo ay xoojinayso xiriirka bulshada kala duduwan ee aad la nooshahay, hadii aad joogteysana ay kuu noqon karta mid aad uwanagsan oo fudud.

Sideen uga dhigi karaa dabeecadeyda mid soo jiidasho leh?

Akhlaaqda wanaagsan ee soo jiidashada leh ama sida dadka kale  lala tacaamulo arintaasna ma ahan mid adag, yaa ku jecel yaana ku ixtiraama,waxaan soo gudbinaynaa sidii aad ku yeelan laheed asluub soo jiidasho leh waxaana ka mid ah:

1. Noqo qof kheer rajeeya arimaha noloshada ku aadan: in aad wax fiican rajaysid waxay kuu suura gelinaysaa in aad gaarto hormar wanagsn

2. Noqo qof dagan: in aad noqotid qof dagan waxay ka mid tahay waxyaalaha ka caawin karaan in aad nqotid qof soo jiidasho leh,hana qonin qof caro badan waayo carada badan ama xanaaqa badan waxaa asal u ah sheydaan sheydaankana wanag kuuma samaeynaayo in uu wax kaa haleeyo maahanee,qofka aan caro badneed waxaa hubaal ah inuu yahay qof dabeecad leh.

3. Noqo qof wax dhageysta: marka ay kula hadlayaan bulashada ama dadka aad markaas la nooshahay waa in aad dhagaysataa,marka aad dadka dhageysatid waxay kuu arkaayaan in aad ixtiraamaysid hadii aad dadka kale ixtiraamto adiga waa lagu ixtiraamaayaa bulshada dhexdeedana qiimo iyo sharaf ayaad ku yeelanaysaa.

WQ: C/salaam M. Yaasiin

 

SAAMAYNTA UU ISBEDDELKA CIMILADU KU LEEYAHAY SUGNAANTA CUNTADA

Col iyo abaar waa labada masiibo ee Soomaalidu ilaahay ka magan gali jireen.                      Soomaaliya waxaa isugu darsamay col iyo abaar waqti dheer.

Meelaha uu aad u saameeyay Isbaddalka cimillada waa Afrika iyo Aasiya, iyada oo Isbaddalka Cimilladu uu saameeyay adduunka oo dhan.

Isku filaashaha xaga quudka waliba marka la dhaxgalo isbaddalka cimillada waxaa lagu macnayn karaa tacaddiga ugu wayn ee maanta qarniga kow iyo labaatanaad dunida soo food saaray.

Shaki kuma jiro in Isbaddalka Cimilladu yahay tacaddiga ugu wayn ee haysta bini’ aadanka.

Isbaddalka Cimillada adduunka ayaan la qabnaa laakiin Soomaaliya raad aan fiicanayn ayuu kaga tagay.

Cimillada is badashay waxba kama qaban karno oo aan ahayn wixii keenay isbaddalka cimillada in layareeyo taasi waxay qaadan kartaa boqolaal sano.

Laba qaab ayaan u yarayn karnaa Isbaddalka Cimillada midi waa yarayn talaabadaan waa adkaysi.

Haddaba, Su’aashu waxay noqonaysaa goormaa wax laga qaban karaa saamaynta uu Isbaddalka Cimilladu ku yeeshay sugnaanta cuntada? Jawaabtu waa hadda.

Waxyaalaha uu aad u saameeyay Isbaddalka Cimliladu waxaaa ka mid ah beeraha, xoolaha iyo Kalluunka.

Tusaalo markaan soo qaadano xooluhu way u nugul yihiin isbaddalka cimillada marka laga reebo geela oo aad ugu adkaysta biyo la’aanta, lo’da iyo Adhigu ugu badnaan laba maalmood ayay biyo ka maarmi karaan.

Marka koowaad  waxaan odhan karnaa Isbaddalka Cimilladu aad ayuu u saameeyaa xoolaha.

Markaa labad waxaan odhan karnaa Isbaddalka Cimilladu wuxuu saamayn ku yeelanaysaa Afartii udub dhaxaad ee wax-soo saarka cuntada.

Marka saddexaad marka ay abaar dhacdo dhaqaalahii dadka ayaa hoos u dhacaya.

Dadka waxaa ku adkaynaysa in ay wax gataan.

Tan afaraad  ugu danbaysa Sida aan wada ogsoonahay dhaqaalaha Soomaaliya wuxuu ku tiirsan yahay xoolaha, beeraha, kalluunka iyo maysiga.

Mida ugu danbaysa Kaliya Isbaddalka Cimilladu raad kuma yeesho  beeraha iyo xoolaha  waxa kale oo uu raad ku yeeshaa nafaqada cuntada tusaale ahaan dalagyada hela roob fiican way ka nafaqa badan yihiin kuwa aan helin roob ku filan

WQ: Abdisalam Elmi Ahmed

 

 

 

 

 

ASAASEYAASHII HALGANKA XORNIMADOONKA SYL.

Habeenkii ay taariikhdu ahayd 15 May 1943kii, ayaa yaasiin xaaji ismaan soo hordhigay barnaamijka xisbiga oo ka kooban 13 qodob, qodobbadaas waxaa ka mid ahaa:

In loo halgamo, lana xaqiijiyo gobannimada iyo madax bannaanida umaadda soomaaliyeed In shanta soomaaliyeed la mideeyo, hal maamulna laysugu keeno In xoog la saaro tacliinta ama waxbarashada gaar ahaan in lagu dadaalo waxbarashada dhallin yarada iyadoo tacliintu muhiim u tahay halganka xornimadoonka oo aan la’aanteed la gaari Karin.

In Af-Soomaaliga la qoro, oo weliba la qaato farta cismaaniyada, iyadoo loo arkayay markaasi inay tahay mid waddaniyad ah In shacabka lagu baraarujiyo in halganka xornimo doonka iyo madax bannaanida In la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun ee ay ka mid yihiin qabyaaladda, quursiga, iskala takoorka iwm. Qodobbada kale ee hartay waxay badi ku saabsanaayeen xeer hoosaadka iyo maamulka xisbiga. Yaasiin Xaaji Cismaan, wuxuu isla fadhigaas soo jeediyay in la doorto guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen, wuxuna ku taliyay in labada jago loo dooran xubno ka soo jeedo qabiillada waaweyn, si looga hortago tartan iyo awood sheegasho qabiil oo mustaqbalka wiiqa xisbiga, halgankana curyaamisa, iyadoo taladaas la tixgelinayo waxaa la doortay labadaan mudane:- C/qaadir Sheekh Saqaawadiin —- Guddoomiye Xaaji Maxamed Xuseen ———— Guddoomiye ku xigeen.

Yaasiin Xaaji Cismaanna waxaa loo doortay inuu noqdo Xoghayaha guud ee Xisbiga. Kulankaasi waxaa kaloo lagu go’aansaday inaan durbadiiba la soo bandhigin ama la shaacin ujeeddada siyaasadeed ee xisbiga ilaa intii uu ka hana qaadayo. Saa darteed waxaa xisbiga loo bixiyay magaca naadiga dhallinyarada soomaaliyeed SYC, waxaa sidaas loo yeelay in maamulka ingriiska loo tuso xisbigu inuu yahay naadi dhallin yaro oo u go’an arrimaha bulshada iyo dhaqanka, si looga gaashaanto carqalad iyo dhibaato ka iman karta xagga maamulka Ingriiska. Subaxii 15kii May 1943kii, waxaa guddoomiyaha xisbigu C/qaadir Sheekh Saqaawadiin, iyo xubno wehliya tageen xafiiska dhiisiga ingriiska iyagoo wada codsigii ay ku dalbanayeen ruqsadda furitaanka naadiga dhallin yarada soomaaliyeed.

Dhiisiga Ingriisku markuu aqristay codsigii wuxuu yiri waan idin oggollaaday in aad naadiga furataan, waayo annagu waxaan nahay dowlad dimoqoraadi ah, waxaase idinkaaga digaya in aad sameysaan haba yaraatee wax dhibaato u keeni kara amniga iyo xasiloonida dalka iyagana way ka aqbaleen.

Ka dib wuxuu xisbigii afar qol ka kireysta daar u dhow afar irdoodka ee xamar weyne, wuxuu u adeegsaday fasallo lagu barto farta cismaaniyadda afka carabiga iyo ingriiska, waxay qorteen macallin suudaani ah oo daruusta cariba iyo ingriiska ku bixiya. Sidoo kae, waxay qololkaasi u isticmaaleen xarunta xisbiga iyo maaqayad shah iyo kafee oo lacag jaban looga gado xubnaha xisbiga iyo weliba meel lagu dhageysto raadiyaha laguna aqristo jaraa’idka si loola socdo aqbaarta adduunka. Dabadeed Xisbiga SYL, wuxuu ku dhaqaaqay tallaabooyinkaan:- Waxaa la sameeyay Calankii iyo astaantii xisbiga Waxaa la daabacay kaararkii xubannimada xisbiga Waxaa la qoray qoraallo qeexaya mabaadi’da xisbiga Waxaa xubnaha lagu qoray taburucaad joogto ah, si loo daboolo kharajka maamulka, gaar ahaan dadka shaqeeya inay bixiyaan 20% mushaarkooda In habeenka Axadda la baraarujiyo xubnaha iyo dadweynaha iyo in la iska wareysto wixii war ah ee cusub, lalana socodsiiyo wixii qorsho ah.

Shan ilaa lix bilood ka dib, markuu furnaa xisbiga SYL wuu xoogeystay, waxaana ku soo biiray taageereyaal aad u fara badan oo mutadawaciin ah, waxaana cirka maray magaciisa iyo maqalkiisa intaba. Gobollada iyo degmooyinka dalka waxaa ka yimid farriimo taageero ah iyo codsi ay ku dalbanayaan in xisbiga xafiis halkaasi looga furo, waxaa mooddaa in shacabka Soomaaliyeed sugayeen dhawaaq oo keliya. Laga billaabo 1943kii, waxaa xisbiga leegada laga furay gobollada dalka Soomaaliya oo idil, isla markaasna waxaa si lixaad leh u batay taageereyaasha xisbiga, oo ay u dhan yihiin qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed, sida dhallinyarada, culimada, odayaasha, dumarka iwm.

Horumaraka xisbigu ku tillaabsaday sanooyinkaas, wuxuu ahaa mid layaab leh, oo mucjiso ahaa, oo aan taariikhdiisu halkaan lagu soo koobi Karin. Bishii Maajo 1947kii, waxaa xisbigu go’aansaday in isbeddel lagu sameeyo magaca xisbiga oo ahaa SYC, loona bixiyo SYL, lana muujiyo awooddiisa, sababaha soo socda awgood:- In xisbiga oo xididdeystay oo shacabka dhexdiisa ka kasbaday kalsooni adag oo aan la loodin Karin.

Gumeystaha Ingriiska, oo ka dhawaajiyay in uu rabo in Soomaaliya oo idil loo wada dhiibo, halka gumeystihii Talyaaniga, oo uu u xusul duubayo in loo soo celiyo maamulkiisa Soomaaliya, gaar ahaan konfurta Soomaaliya.

Axsaab siyaasadeed oo Soomaali ah oo ku saleysan hab qabiil, gacan saarna la leh quwadaha shisheeye oo xisbiga SYL laga horkeenay.

Goor galab ah 1947 ayaa xibigu qabtay shir lagu casuumay Soomaali iyo ajnabiba, waxaana halkaasi khudbad ka jeediyay, isagoo ku hadlaya magaca xisbiga xoghayaha guud ee xisbiga Mudane, Yaasiin Xaaji Cismaan, wuxuuna ku dhawaaqay in xisbiga oo markii hore ahaa SYC, Loo bixiyay SYL, uuna yahay xisbi siyaasi ah, oo u halgamaya xornimada ummadda Soomaaliyeed oo idil, dagaalna kula jira gumeysiga.

Ayaamo ka dib, Amar Ilaah waxaa aad u xanuunsaday Yaasiin Xaaji Cismaan oo ahaa Xoghayiihii guud ee xisbiga jiro loo maleeyay inay tahay Mallaaryo, markuu dareemay in jiradiisu culus tahay, wuxuu ka dardaarmay in jagadiisa loo dhiibo Cabdullaahi ciise maxamuud, oo markaas madax ka ahaa faraca xisbiga ee beled weyne, oo ay wada shaqeyn jireen, waana laga aqbalay taladiisa, maalmo ka dibna yaasiin wuu geeriyooday alle how naxariistee.

Cabdullaahi Ciise Maxamuud, Alle how naxariistee meeshii ayuu howsha xisbiga ka sii waday, wuxuuna xisbiga iyo shacabka Soomaaliyeed ugu adeegay si naf hurnimo ah, daacad iyo Soomaalinimo, wuxuuna guulo ka soo hooyay siyaasadda iyo halganka gudaha iyo dibaddaba , wuxuu noqday Ra’iisal Wasaarihii ugu horreeyay ee xakuumaddii daaqiliga ee Soomaaliya sannadkii 1956kii.

Haddaan dib ugu noqonno Taariikhda 1947, waxaa dhacay xiisadii siyaasadeed ayaa aad u kululaatay ka dib, markii wasiir dibadeed dowladda Ingriiska, oo la oran jiray Bevin uu soo jeediyay in dhulka Soomaaliyeed oo idil, marka laga reebo Jabuuti, Ingriiska gacanta ku hayo, loona sameeyo hal maamul, oo Ingriiska hoos yimaada, qarammada midoobayna kor ka ilaaliso .

Waxaa qorshahaas Ingriiska ka soo horjeestay Ruushka Iyo Maraykanka, balse hindisaha xisbiga SYL way soo dhaweysay iyagoo u arkayay in mideynta dhulalka soomaaliyeed ka qeybqaadanayo.

Dhinaca kale, talyaaniga oo ka facil qaadanaya hindisaha Ingriiska, damac weynna ka qabay soomaaliya, ayaa dardar cusub geliyay dadaalkiisii uu ugu jiray in carriga soomaaliya uu gacanta ku dhigo mar kale.

Dhammaatkii 1947kii, waxaa lagu soo wargeliyay xisbiga SYL inuu xamar imanayo guddi ka socda afarta quwadood ee dagaalkii labaad ee adduunka ku guuleystay ee Mareykanka, Ingriiska , Faransiiska iyo Ruushka.

Muhiimmada guddigu, waxay ahayd xaqiiq u raadin iyo in uu u kuur galo rabitaanka iyo himilada siyaasadeed ee shacabka soomaaliyeed.

Intaanuu guddiga iman, xisbiga leegadu, wuxuu qabtay shir weyne ay ka soo qeyb galeen guddiyada xisbiga ee gobollada soomaaliyeed oo idil, si looga wada tashado meelna leysula dhigo mowqifka xisbiga ee ku aaddan guddiga ka socda afarta quwadood ee waa weyn. Wada tashi iyo dood dheer ka dib, xisbigu wuxuu go’aansaday in la codsado in soomaaliya ay wada jir u maamulaan afarta quwadood, go’aankani wuxu ku saleysnaa laba aragti oo kala ahaa:-

In aan marnaba la aqbali Karin in la soo celiyo Talyaaniga, oo la ogyahay in uu yahay fashiiste iyo weliba inuu dhibaato u geystay Ummadda Soomaaliyeed. In kastoo Ingriisku ku dhawaaqay in uu Soomaalida oo idil meel isugu keenayo, loona riyaaqay, haddana waxaa la istusay in aan la aamini Karin, maadaama uu yahay dowlad gumeyste ah.

Guddigii Afarta quwadood oo Xamar yimid 6,dii Jannaayo 1948kii, waxaa la qorsheeyay in urur siyaasadeed walba uu dhoolatus ku maro guddiga hortiisa, oo ahayd halka hotel curuuba ku yaallo, oo waagaas ahayd xarunta dhiisiga Ingriiska. Waxaa buuq sawaxan iyo dhoolatus isku daray axsaab iyo kooxo Soomaaliyeed oo Talyaanigu maalgeliyay, oo meel kasta la maraya calamo Talyaani, iyagoo ku dhawaaqayay Talyaani, Talyaani.

Arrintaas markay dhacday, waxaa xisbigii Leegadu codsaday in maalin gaar ah la siiyo oo ay cududdooda ku muujiyaan, balse waxaa laga war helay in kooxahii ka soo horjeeday rabaan in ay carqaladeeyaan bannaanbaxa iyo dhoolatuska xisbiga leegada. Dabadeed, xisbiga leegadu markuu dersay xaaladda, wuxuu go’aansaday in haddii la carqaladeeyo dhoolatuska inay weerar ku qaadaan Talyaaniga oo ay si toos ah u abaarto Talyaaniga , oo ahaa kan soo dirayay kooxaha Soomaalida.

Subaxii 11kii Jannaayo 1948kii, waxaa xarunta xisbiga leegada lagu reebay shan dhallinyaro oo horseed ah iyo qaar dumar ah, intoodii kale, waxay abaabuleen bannaanbax, iyagoo ku jira howsha abaabulka, ayaa soo gaartay qeylo dhaan ah in la soo weeraray xaruntoodii xisbiga, ayna soo weerareen kooxahii Soomaalida oo Talyaanigu taageerayay soona dirayay.

Intaa ka dib, taageerayaashii xisbiga leegadu waxay isu qeybiyeen qaar difaac ka gala xarunta xisbiga iyo qaar weerar ku qaada Talyaaniga, weerarka maalinta dhacay waxaa lagu dilay 54 Talyaani ah, 55 kalena waa lagu dhaawacay.

Xisbiga leegada waxaa gacan siiyay askartii Soomaalida ee Ingriiska u shaqeynayay oo hoosta leego ka ahaa.

Dagaalkaas waxaa leegada kaga dhimatay Xaawo Cismaan (Xaawo Taako) xarunta leegadu markaas waxay ku tiillay ka soo horjeedka meesha hadda laga dhisay taallada Xaawo Taako, haddana ah meesha Maktabadda Qaranka ay ku taallo.

Bishii September 1949kii, waxaa furmay kal-fadhigii qarammada midoobay, fadhigaas waxaa laga sugayay inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeysan jiray oo ay Soomaaliya ka mid ahayd.

Xisbiga SYL, wuxuu xarunta qarammada midoobay ee New York u diray Allaha u naxariistee Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo ahaa Xoghayihii Guud ee Xisbiga, si uu u cabiro mowqifka xisbiga leegada, oo ahaa in Afarta quwadood ay wadajir u maamulaan Soomaaliya, xornimo ku gaarsiiyaan muddo toban sano ah (10 Sano) iyo marnaba in dalka Soomaaliya lagu soo celin Talyaaniga.

Bishii Oktoobar horraanteedi 1949kii, waxaa la helay warar muujinaya in Soomaaliya loo dhiibi rabo Talyaaniga.

5tii Oktoobar 1949kii, waxaa xisbiga leegadu sameeyay mudaaharaad iyo bannaanbaxyo ka dhan ah Talyaaniga, laguna qabtay goobta hadda loo yaqaan (Dhagax-tuur).

Ingriisku, wuxuu soo diray askartiisii oo uu amar ku bixiyay in 15 daqiiqo gudahood in dadka bannaanbaxay ku kala dareeriyaan, hase yeeshee lagama yeelin, balse waxaa loogu jawaabay dhagax tuurid oo askartii lagu asqeeyay, dabadeedna askartii waxay dadkii ku fureen xabado, waxaana halkaas ku dhintay 2 qof, waxaana ku dhaawacmay 50 qof, oo Afar yihiin Booliiska Ingriiska, dagaalkaas wuxuu la magic baxay (dagaalkii Dhagax-Tuur ee 5tii Oktoobar 1949).

Maamulkii Ingriisku, intaasi kuma ekaanin ee wuxuu musaafuris ku xukumay qaar ka mid ah madaxda xisbiga leegada, waxaana magaalada Ceel-buur loo masaafuriyay, Daahir Xaahu Cismaan (Daahir Dhego Weyne), Maxamuud Maalin Guur, Cali Xirsi, Maxamed Axmed Otavio iyo Xaaji Diiriye Xirsi.

21kii November 1949kii, waxaa golaha guud ee qarammada midoobay uu soo saaray go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo maamulka Talyaaniga oo 10 sano gobannimo ku gaarsiiya, qarammada midoobayna kor ka ilaalineyso.

Bishii April 1950kii, ayaa maamulkii talyaanigu la wareegay xilka Soomaaliya, waxaa Talyaaniga wehliyay guddi ka kooban saddex dal, oo kala ahaa Masar, Filibiin iyo kolombiya, oo wakiil ka ahaa qarammada midoobay, ilaaliyana sida Talyaanigu u fulinayo howsha lagu aaminay.

Ka dib Talyaanigu markuu soo noqday, waxaa galay damac inuu muddada dheereysto, wuxuu isku dayay inuu kala qeybiyo Soomaalida, kala gado xoojiyo qabyaaladda, xisbiga leegadana laaluusho, abuuro axsaab uu ku adeegto, si uu u dheereysto muddada loo qabtay inuu Soomaaliya xornimo ku gaarsiiyo, isagoo guddiga saddaxda dowladood u tusaya in Soomaali sidaa rabaan.

Qorshahaas, waxaa si aan gabasho lahayn u hor istaagay xisbigii leegada oo beeniyay kana dhaadhiciyay guddiga saddexda dowladood in Talyaanigu doonayo in uu waqtiga dheereysto.

Ka dib 1952kii, waxaa dhacday in Talyaanigu xirxiray qaar ka mid ah madaxda xisbiga leegada ee kismaayo, arrintaasina waxaa xisbigu ka sameeyay bannaan bax, bannaanbaxaas waxaa lagu dilay nin Talyaani ah.

Xisbiga leegadu, waa sii watay halgankiisii ilaa uu ku guuleysto doorashooyinkii dowladaha hoose ee la qabtay 1954kii, markaas ayaa talyaaniga quustay, oo bedelay siyaasaddiisii hore, dantana ku kaliftay in uu soo dhaweeyo xisbiga leegada oo wakiil ka ah danta soomaaida ee xornimo doonka ah.

Waxaa farxad weyn ahayd, 12,kii Oktoobar 1954kii markii la taagay Calanka Soomaaliyeed, calankaasoo Farshaxankiisu iyo hindisahiisu lahaa Alle how naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa madaxda xisbiga leegada, waxaana calankaasi la taagay xarunta qarammada midoobay ee New York.

Sanadkii 1956kii, waxaa la qabtay doorashadii siyaasadeed ee ugu horreeysay ee dalka ka dhacda, waxaana aqlabiyaddii kuraasta ku guuleystay xisbiga leegada, oo dhammeyd 70 kursi, waxaana la dhisay xakuumad daaqili ah oo uu Ra’iisal Wasaare uu ka yahay Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud Xoghayihii guud ee xisbiga leegada.

Bishii Maarso 1959kii, waxaa markale la qabtay doorashadii labaad ee siyaasadeed, iyadoo tirade kuraasta laga dhigay 90 kursi oo dhammaan Soomaali yihiin, halka tii hore shisheeyaha ku lahaa 10 kursi, waxaana mar kale doorashada ku guuleystay xisbiga leegada, kuraasta inteeda badan, waxaa markale loo magaacabay Mudane C/llahi Ciise maxamuud oo hayay xilka ilaa 1960kii markii xornimada la qaatay.

Halgankii xisbiga leegadu wuxuu ku soo gabagaboobay guushii xorriyadda 1,da luulyo 1960kii iyo israacii labada gobol ee waqooyi iyo koonfur, waxaana mahaddeeda iska leh, labada xisbi ee SYL iyo SNM, oo xornimada gobollada waqooyi u halgameysay sidii gobannimo loo gaarsiin lahaa shacabka Soomaaiyeed ee ku nool halkaasi oo Ingriiska gumeysan jiray kaasoo gobannimadiisa qaatay 26,kii Juun 1960kii.

WQ: Dr-Maxamed Isaaq Mursal.

XISAABI XIL MALEH HADDAAN LA XUMEYNIN

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa waxaan kuu dhiibay ii dhiib dhabiil rag ma dhaafto mana ahan wax ceeb ah, laakiin waa xanuun iyo murug badan tahay markii ay hor yimadiin imtixaan iyo xisaabo  hore oo aadan iska fileyn in lagu weydiinayo maalin maalmaha ka mid ah, waana mid loo baahan yahay in dadku xisaabtamaan.

Sidoo kale, Shirkadaha leysku darsado iyo xisaabaha la isku aaminay wax la iska weydiiyo meesha ay wax marayaan si halkaas ay horay uga sii socdaan danahii la isku aaminay ee adduunyada taas oo dadka qaar ay u moodayaan xujo iyo daandaansi laakiin waa dariiqa keliya ee lagu heli karo in dadku is aaminaan.

Hantida way lumeysa  haddii aan  la xisaabtamin oo xisaabta ayaa wax lagu saxaa goortaasna waxaa ka dhasha is aamin faa,iido sii kororta, haddaba ogaada xisaabtanku waxbuu hagaajiyaa.

Eeg isla xisaabtanku waxba ma xumeeyo waxaana ku shaqeysta shirkadaha waa weyn ee dunida iyo dowladaha oo iska ilaalinaya hanti boobka iyo musuqmaasuqa waxayna dhacdaa sannadkiiba halmar, sannadahan kama dhicin dalkeenna xisaabi xilmaleh mana jiro dad loo soo xiray, haddey ahaan lahayd mas,uul sare iyo mid hoose, waayaabe dalkeenan ma caddaaladbaa ma waxaa la waayey dad  hantidii qaranka lunsaday mase dadkii la xasaabtami lahaa ayaa Meesha ka maqan,

mase  waa qaataye qaado ayaa lagu macneyn karaa xaalkeenna?.

Haddaba, dalkeennu wuxuu u baahan yahay ilaalin iyo isla xisaabtan dhab ah oo sannad iyo bil iyo maalin intaba, waayo dalka markii uu sidaan oo kale uu ka soo kabsanayo burbur iyo dagaallo sokeeye iyo Virusyadii caalamiga ahaa waxaa loo baahan yahay in aan cidna lagu cafin waxay qaadatay oo sharci darro ahaa.

Adduunku weligiisba way ka jireen dad tuuga ah oo booba hantida dalka iyo kuwo daacad ugu shaqeeya.

Haddaba, talo ahaan waxaa haboonaan lahayd in dib loo soo celiyaa barnaamijkii xisaabi xil maleh ee dalka gudahiisa ka dhici jiray sannadkiiba halmar oo dadna lagu amaani jiray dadna lagu ciqaabi jiray.

taasoo sida badan lala xisaabtami jiray wasaaradaha iyo wakaaladaha dalka oo dhan iyadoo dad badan oo iska fududeysta xoolaha dadweynaha  ku mutesan jireen xabsi iyo ganaax adag, qaar kalana ay heli jireen abaalmarin, dallacaad derejo billado sharafeed iyo shaqo wanaag, sidoo kalena laysku abaal marin jiray  wax qabadka iyo wixii kale ee uu xaq u yeesho.

Waxaa jiray waqti lagula xisaabtamo qof waliba wixii uu bulshada u qabtay iyo wixii dhib iyo hagardaamo uu geystay dalka iyo dadka waxaana waajib ah in qof waliba in uu dalka xaqiisa ka helo,haddii uu dembi ka galayna lagu ciqaabo, waana isla xisabtanka ugu fiican, waayo markii uu qabiil ku xisaabtami lahaa waxaa ka wanaagsan inuu ku xisaabtamo qarannimo iyo wax qabad derejadana aysan bixin xildhibaanno ay isku beel yahiin iyo odoyaashiisu.

Sideedaba xilalka iyo derajooyinka waa in lagu muteestaa aqoon, shaqo wanaag geesinimo, howlgarnimo, daacadnimo, waayo aragnimo ay waddaniyad ku dheehan tahay.

waxaa habboon in xukuumadahu ay wax ka ogaadaan Hay’adahooda ciddii horumar sameysay iyo kuwa maamul xumada ku sifooba, kuwa la dulmiyay oo xaqdarrada iyo dhibaatada sheeganaya iyo kuwa haloo yeelada ku daaqaya hantida dadweynaha.

waxaa loo baahan yahay in loo dhabba galo xaalkoodu sida ayadoo lala gelayo isla xisaabtan dhab ah waxaa sidoo kale habboon in dib loo soo celiyo isla xisaabtanka sannadkiiba halmar hadiiba aan la heleynin sannadkiiba laba mar

WQ: Abwaan Gabayre

 

 

DAMAASHAADKA IYO FARXADDA CIIDDA OO LAGA DAREEMAAYO GUUD AHAAN SOOMAALIYA

Shacabka Muslimiinta ayaa ah dadka inta badan u dabaal daga ciidda weyna ka farxad badan yihiin dadka aanan soo soomin bisha barakeesan ee Ramadan, dadka aan soomin waxa ay dareemayaan walwal , murugo iyo isla hadal oo wuxuu galayaa shalaay ah maxaad u soomi weyday ayey ku shaleynayan .
Ciidda waxa ay ka mid tahay maalmaha gaarka ah ay iidaan dadka muslimiinta ah ayna ku muujiyaan shucuurtooda ayaga oo weyneynaya magaca ilaahay oo ay ku tagbiirsanayaan oo wajiyadoodadana ay ka muuqato farxad aanan la qayaasi Karin.
farxaddaan ciidda ayaa sida dhabta ah waxaa laga dareemayaa suuqyada waa weyn ee ku yaala soomaaliya sida suuqa Bakaaraha oo ah xudunta dalka iyo suuqyada ku yaala gobollada dalka .
Waxaa jaam ah suuqa weyn ee Bakaaraha iyo suuqyada kale ee ku yaala gobolka Banaadir oo ay u soo suuq tageen kumanaan bulsho ah kuwaas oo doonaya in ay iibsadaan dharka ciidda, macmacaanka xalwada buskutka oo ay inta badan loo iibiyo caruuta iyo sidoo kalena dadka waa weyn iyagana ay iibsadaan dharka ciidda iyo guud ahaan wax cusub oo ka beddelan maalmihii la soo dhaafay.
Ciida intabadan waalidiinta ayaa ku qasbanaada in ay u soo iibiyaan caruurtooda dharka noocyadooda kala duwan oo ay caruurta ku iidaan iyo waxa ay ku ciyaaraan sida bistoolooyinka qoryaha caagga ah bistoolada faayow, bistoolada baaruuda iyo sidoo kale waxaa jiro qalabo kale ay caruurta ay aad u jecel yihiin oo ah baaburta caruurta ay ku ciidaan iyo qalabyo kale oo badan oo ay caruuta ku iidaan.
Sidoo kalena ciidda meelaha kale ay mashquulka badan waxaa kamid ah goobaha lagu dubo rootiyada halkaas oo ay bulshada ay ka soo dubtaan buskud ay ku casuumaan dadka maalinta ciidda oo ah maalin lawada faraxsan yahay muslimiinta oo dhan dadka ay u soo martiya waxaana ay isku casuuman Buskud, Xalwo iyo macmacaano badan oo maalinkaa farxadeed la isku casuumo.
Sidoo kale, waxay dadka aadayaan goobaha lagu istareexo sida beerta nabadda iyo daarasalaam.
Haddaba, maanta oo kale ayaa sannadkiiba mar la sugaa iyadoona ay dadku usii diyaar garoobaan ciidda xigta ee loo yaqaanno ciidda carrafo.
Ugu danbeyn bulshada muslimiinta gaar ahaan bulshada soomaliyeed waxaan ugu hambalyeenayaa ciidda oo ah maalin farxadeed waxaana leeyahy kulu caam wa antum bilkhayr.
WQ: Osman Dhiblaawe

CIIDDEYDA HOOYIYO CALANKEYGU IGU FILAN

Muddo badan ayaa leysla dhaxmarayay hadallo war-suuqeed ah iyo kuwo kutiri kuteen ah, waxaase ka fiican xalaal maalin baa la khashaaye in warka leysu caddeeyo, soomaalidu waa xan daaq iyo xaab daaq, laakiin xanta waa laga fiican yahay, waxayn a ku siisaa wajiyo aan sax ahayn iyo kuwa ay abuureen siyaasiyiin dan gaar ah leh.

Waxaa taasi ay kuu caddeynaya marka aad runta ka daba takto, waxaa la yiraahdaa beentu hal lug ayey leedahay, halkaa lugta kale runta ka daba tagto ama qabato, tallaab kale ma qaadi karto.

Haddaba, waxaa in badan dhagahayaga ku soo dhacayay ilaa abaabulkii doorashada iyo dhismihii dowladnimada madaxdeenna waxay wataan baasaboorro waddamo shisheeye iyo dhalashooyin kala duwan, waxaana meelaha la fadhiyo laga sheegaa qof shisheeye ahi xil ma qaban karaa iyadoo albaab laga galo u noqotay kuwa mucaaradka ah iyo kuwo dano gaar ah leh.

Kuwaasi waxay bulshada soomaaliyeed dhegahooda ku celceliyaan dad ayaa xukunka loo soo dirsaday iyadoo laga yaabo dadka wax magaratada ahi inay hadalladaas moodaan wax jira ama rumeystaan.

Dalkayaga markii burburku ku dhacay waxaa shacabka soomaaliyeed u kala qaxay waddamo kala duwan, waxaana inta badan ilaahey uga sahlay soo dhaweyn la soo dhaweeyay, dadkaa qaxaya iyagoo dhowraya xaquuqda bini’aadanku isku leeyahay, waxayna ka heleen dhalashooyin iyo waxbarasho iyo sharciyaal kala duwan siday ugu sii noolaadaan inta uu waddankooda ka xasilayo, maadaama ay naga burbureen ilhii nolosha iyo waxbarashada in badan abaal baan uga heynaa siday ula dhaqmeen shacabkii ku xaqay dalalkooda.

Lama iloobi karo ardayda wax ku baratay dalka dibaddiisa kuna soo noqday dalka.

Haddaba, kuwa u qaxay dalalka shisheeye ee wax ku soo bartay waxay anfici doonaan waddankooda hooyo, mana laha wax lagu ceebeeyo laguna faquuqo, keliya waxaa la fiirinayaa inuu yahay muwaadin soomaaliyeed, qaban kara jagada loo xushay ama darajada la siiyo, waxayna xaq u leeyihiin inay u shaqeeyaan dalkooda hooyo wuxuuna anfacayaa ciiddiisa iyo calankiisa hooyo.

Taas markaan intaas uga baxno, waxaa jira shaqsiyaad aan dalka meelena uga bixin una shaqeeya waddama shisheeya gudbiyana warbixinno kala duwan nolol iyo mushaarna ku qaata dhibaateynta ummadda soomaaliyeed, Soomaalida ayaa waxay ku maahmaahdaa waxaas day kii kale ayaa wuxuu yiri adigu waxaan ka sukeeya day, intaad iska eegi lahayd arday soomaaliyeed dalka dibaddiisa wax ku soo bartay, sow kama fiicna inaad iska eegto cadowga gudaha oo kuu diiddan nabadda iyo nolosha, weliba la soo taagan hagar daamo iyo lugooyo, qax iyo kala carar, qarax iyo baab’in,  nolol la collowga noocaasi oo kala ah maxaa kuu diiday inaad aragto.

Haddaba, waxaa wax lagu farxo ah wax yaqaanka waddanka gudahiisa oo si weyn usoo dhaweeyeen caddeysiga uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda caddeystay Soomaalinimadiisa iyo shaqsiyaddiisa, inuu yahay Soomaali qura waddani ah, wax lagu faano waxaa ugu weyn jinsiyaddaada iyo qowmiyaddaada.

Taasi waxay isoo xasuusineysaa halkii uu dhigay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, markii uu bixinayay Faraskiisa Xiin Faniin, halku dhiggiisii wuxuu ahaa:

Nin xishoonayaan ahay

Haddaan leys  xasdiya heyne

Intii aniga ley xaman lahaa

Xil iga soo meerye

Mar hadduu suldaan igu Xillihi

Igaga xeyn daabtay

Xariggiisa qabo

aadni kale kuma xurmeeyeene

wuxuuna uga jeeday Sayid Maxamed Cabdulle Xasan Erayadaasi xanta iyo dhux dhuxda daraawiishta dhaxdeeda ka jirta oo weliba seedigiis lagu yiri xididnimada ka dhab maaha hadduusan xiin faniin ku darin yardaha, sayidka kama xanuunsan xoolihii badnaa oo dhan waxaa keenay erayada ka soo maaxday hadallada kutir kutaynta ah ee loo kala gudbiyay isaga iyo seeddigiis, halkaas ayeyna ku soo afjarantay beentii iyo dhuxdhuxdii  markii uu bixiyay faraskiisa qaaliga ahaa ee xiin fanniin.

Arrin kasta oo abuuri karta guux siyaasadeed iyo iska hor imaad waxay leedahay meel lagu afjaro oo laga soo gabagabeeyo si aysan markale kugu rafan, waxaana la mariyaa gowrac dhego dhaaf ah si aysan dib dambe kugu rafan, calool adeeyggu waa wehel geesiga muslimka ahna ilaaheybaa garabkiisa ah.

Sidaa darteed, ha ka baqan runta, runta waa waddo, waddana iyadaa dal lagu maraa.

Gebagebada maqaalkaan waxaan ku soo qaadanayaa suugaanta oraneysaa Qabyaaladi yey ku hodin:

Soomaalidu waa hayaan

Horseed Qaran bay rabtaa

Dirirku meeshuu ku hooriyo

Geedaha harkaley rabtaa

Hantida ay leedahayna

Hororku wuu boobayaa

Ciidamo u heegan ah Bey rabtaa

Halyeey adag bay rabtaa

Hub iyo xoog bay rabtaa

Weliba aan looga harin

Hadalka guntiisa weeyee

Isma hurtooy hays haleyn

Ka hara heybta iyo qabiilka

Qabyaalad yay ku hodin

Ujeeddada heesta iyo macnaheeda maahan inaan ugula jeedno madaxda dalka iyo mas’uuliyiinta shaqeyneyso ee waxaa lagu tusaaleynayaa sixun wax u sheegga iyo daneysteyaasha ummadda jahawareeriya, si ay u fahmaan shacabka Soomaaliyeed meesha loo socdo.

WQ: Abwaan C/salaam Axmed Gabeyre

 

 

WAX KA BARO GUDASHADA XAJKA IYO CIMRADA

Ilaahay ayaa mahad leh, naxariis iyo nabad gelyona ha ahaato nebi Muxamed korkiisa.

Walaalayaal waxaan halkan idiinku soo koobayaa qodobada ugu muhiimsan ee gudashada xajka. Taas waxaan u yeelayaa maadaama ay dad badani u kicitimayaan dhawaan soo gudashada faralka xajka. Waxaan hubaa inay caawin doonto dadka qaarkii. Markaa qofkii garanaya cid xajka ku socota ha u daabaco warqaddan.

Haddaba waxaan leeyahay; xajka waxaa loo gudan karaa saddex siyood oo saddexduba bannaanyihiin, balse kala mudan. Saddexdaas qaybood waxay kala yihiin:

  • Xajka Qiraan
  • Xajka Ifraad
  • Xajka Tamattuc

Maxay toloow kala yihiin saddexdan nooc?

  • Xajka Qiraan = waa in marka la xidhanayo la isku daro xajka iyo cumrada oo la yidhaa: ”labbayyka Bi xajjin wa cumrah”. Qofku ma xalaaloobayo ilaa ay dhammaadaan cibaadooyinka xajka oo dhami.
  • Xajka ifraad: Waa in qofku marka ugu horraysaba uu xidho xaj keliya oo uu yidhaahdo: ”Labbayka bi xajjin”. Qofkaasina ma xalaaloobayo ilaa ay dhammaadaan cabaadooyinka xajka oo dhammi.
  • Xajka Tamattuc = waa in qofka xajayaa uu marka hore cumraysto oo uu ka xalaaloobo cumrada, dabadeedna uu xajka xirto siddeeda bisha Dul-Xija.

Qofka aan soo kaxaysanin xoolo (Hadyi), waa inuu gutto xajka loo yaqaan ”Tamattuc”. Maddaama dadka casrigan jooga badankoodu aanay soo kaxaynin ”Hadyi” wuxuu xajkoodu noqonayaa ”xajka tamattuca” oo ah marka hore cumro marka dambena xaj xalaalow u dhexeeyo. Bal haddaba u fiirso:

Cumrada

Marka aad u baxdo dhinaca xajka waa:

  • inaad Maydhato, sida jinaabada ama xaydka looga maydho oo kale
  • Inaad lebisato maryaha xajka
  • Inta aanad gelin xaramka waa inaad xidhato xajka adiga oo dhahaya: ”Labbayka Allahumma bi cumratah”
  • Dabadeed waxaad bilaabaysaa dikriga Alle.
  • Marka aad timaaddo Mackka ee aad masaajidka soo gasho waa inaad dhahdo: Allahumma Salli calaa Muxammedin wa sallim, allahumma iftax lii abwaaba raxmatika”, dabadeed waa inaad masaajidka ”Dawaafto” todoba jeer oo saddexda hore degdeg tahay. Salaamidda xajar al-aswad-na way ku jirtaa. Dabadeedna aad laba rakcadood tukato. Maqaam al-ibraahiim ayaa fadli badan in lagu tukado hadday suuragasho.
  • Marka aad tukato labadaas rakcadood, waxaad u baxaysaa dhinaca buuraha “Safa iyo Marwa”. Buurta Safa ayaad koraysaa, dhinaca kacbada ayaad u jeesanaysa waxaana ku ducaysanaysaa wixii aad rabto.

Dabadeed waad soo daadegaysaa, waad ordaysaa ilaa aad ka korto buurta “Marwa” waxaad yeelaysaa sidii aad yeeshay markaad fuushanayd buurta “Safa”. Taasi waa hal sacyi. sidaas ayaad u ordaysa labada buurood ee “Safa iyo Marwa” dhexdooda todoba jeer. Waxaad ku bilaabaysaa buurta Safa, waxaanad ku dhammaynaysaa buurta Marwa.

  • Marka aad dhammaysato orodka “Safa iyo Marwa”, way kuu dhammaatay cumradii, timaha ayaad wax iska jaraysaa waanad xalaaloobaysaa, maryo caadiyana waad xidhanaysaa.

Xajka

  1. Subaxda 8da bisha Dul-Xija waa inaad xidhato xajka adoo jooga meesha aad degentahay:
  • Waa inaad maydhato haddii ay kuu suuragal tahay
  • Waa inaad xidhato maryaha xashka
  • Waa inaad dhahdo: “Labbayka allahuma Bi xaj”, dabadeed waxaad bilaabaysaa dikriga xajka ee loo yaqaan “Telbiyadda”.

(Waxaa jira digri iyo ducooyin kale oo la akhriyi karo).

  1. U bixidda Mina iyo ku baryiddeeda

Isla markaas waxaad u baxaysaa dhinaca “MINA” oo aad ku tukanayso; Duhurka, casarka, Maqribkam, Cishaa’iga iyo Subaxa dambe. Salaaduhu waa “QASRI” mid walbana wakhtigeeda ayaa la tukanayaa.

  1. U bixidda CARRAFA
  • Subaxda 9ka bisha DULXIJJA, marka ay cedceeddu soo baxdo ayaa loo kacayaa dhinaca CARAFA iyada oo Alle la xusayo. Halkaas ayaa la joogayaa maalinkaas ilaa qorraxdu dhacdo. Salaadda DUHUR iyo CASAR waxaa la tukanayaa isku mar oo wakhtiga duhurka ah, waana la qasrinayaa. Waa in la badiyo maalinkaas Dikriga Alle iyo ducada.
  1. Marka ay qorraxdu dhacdo ayaa CARRAFA laga dhaqaaqayaa iyadoo la aadayo dhinaca “MUSDALIFA”. Marka la gaadho Musdalifa ayaa la tukanayaa salaadda Maqrib iyo salaadda Cishaa’i oo la soo gaabiyey. Halkaas ayaana lagu baryayaa habeenkaas, salaadda Subaxna lagu tukanayaa.
  2. Marka ay soo dhawday soo bixidda qorraxdu ayaa laga baxayaa Musdalifa. Waxaa loo baxayaa dhinaca Mina. Marka aad gaadho Mina waxaad samaynaysaa arrimahan:
  3. Waxaad ku tuuraysaa buurta “JAMRATUL-CAQABAH” todoba dhagax oo yaryar. Marka aad mid tuurtaba waxaad dhahaysaa “Allahu akhbar”.
  4. Waxaad gawracaysaa xoolaha “Hadyiga” ah, waana laguu gawrici karaa.
  5. Dabadeed waxaad iska xiiraysaa ama aad iska gaabinaysaa timaha. Dumarku way gaabinayaan

Marka aad sidaas yeesho, waad xalaalowday qayb ahaan. Wax kasta oo kaa xidhnaa way kuu furmayaan, (galmada mooyaane).

  1. Dabadeed waxaad aadaysaa isla maalintaas dhinaca Macka. Waxaanad samaynaysaa arrimahan soo socda:
  2. Waxaad ku dawaafaysaa masaajidka todoba jeer (dawaaf al-ifaada)
  3. Waxaad ordaysaa “SAFA iyo MARWA” dhexdooda todoba jeer.

Marka aad sidaas yeesho waad xalaalowday gebi ahaanba. Waxaa kuu furmaya wax kasta oo kaa xidhnaa (xiitaa galmadii).

  1. Markaad dhammayso Dawaafka kacbada iyo orodka Safad & Marwa, Waxaad u noqonaysaa dhinaca Mina. Waxaad halkaas u hoyanaysaa 11ka, 12ka iyo 13 bisha Dul-xijja. Haddii aad degdegsantahay waxaa kugu filan habeenka 11ka iyo 12ka.
  2. Maalinta 11ka bisha, duhurka dabadii waxaad soo tuuraysaa saddexda buurood adigoo ka soo bilaabaya tan ugu fog. Mid walba waxaad ku tuuraysaa todoba dhagax oo yaryar. Markaad dhagax tuurtaba waxaad dhahaysaa “Allahu Akbar”. Buurta shishe iyo ta dhexe marka aad ku tuurto, waxaad u jeesanaysaa qiblada, waanad ducaysanaysaa. Sidaas ayaad yeelaysaa labada maalmood ee kalena.
  3. Haddii aad degdegsantahay waad iska dhaafi kartaa tuuryada “maalinta saddexdaad” balse waxaa fiican inaad negaato oo aad samayso tuuryadaas.
  4. Inta aanad ka soo dhoofin, waa inaad soo dawaafto xaramka todoba jeer (Dawaaf al-widaac). Haweenka xaydka ama nifaaska qaba waa laga dhaafay dawaafkan dambe oo lagama rabo.

WD: Ibraahim Warsame Xuseen

 

 

DIINTEENU WAA NUUR IYO NADAAFAD

Diinta Islaamka waa diin la timid nadaafad, nuur iyo akhlaaq iswada huwan waana dhaqan dhameystiran, Carabta inta uusan islaamka u imaanin waxay ahaayeen kuwo aan u dadaalin nadaafadda, waayo Jaahil bay ka ahaayeen nadaafadda iyo faa’iidooyinkeeda waayo ma jirin wax ku haga wanaagga ay leedahay naddafadda, sidaas oo kale ayay ahaayeen reer galbeedka ilaa iyo haddana way yihiin xataa saxarada iskama dhaqaan kaliya waxay ku tirtiraan waraaqaha, sidoo kale kaadida iskama nadiifiyaan haday doonaana istaag yeyba ku kaadiyaan.

Diinta islaamka waxay ku dadaashay nadaafadda waxayna amartay in la ilaaliyo ilaa ay gaarsiisay heer lagu tilmaamay nadaafaddu inay tahay Iimaanka barkiisa, taasoo markaati ah sida Diinteena Islaamka ay ugu dadaashay muhiimadduna u siisay Nadaafadda.

Waxyaaabaha Diinta Islaamka sida xoogga leh uga hadashay nadaafadduna la xiriirisay waxaa ka mid ah: Cadayga, weysada, qubayska, barafuunka iyo dhammaan wixii qurxoon oo dhan.

Nabigeena naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha haatee wuxuu ahaa qofka ugu nadaafad badan ummaddiisana wuu ku booriyey in ay ku dadaalaan asigaana qudwa inoo ah.

Nabigeenna naxariis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaatee wuu ku dadaali jiray wax walboo nadaafadda loo isticmaalo aad buu u jeclaa, waxyabaha ku dadaali jiray waxaa ka mid ah Cadayga  aadna wuu u dhiirogeliyey isticmaalkiisa ilaa uu ku yiri asxaabta haddii ka baqi laheyn in aan dhibo ummaddeyda  cadayga ayan fari lahaa.

Teeda kale Nabiga SCW dhididkiisa wuxuu ka caraf badnaa miski wuxuu ahaa qof mar walba malaa’iga la kulma, aadna wuu u caraf badnaa, Nabiggeenna asiga ayaa tilmaamay inuu jecelyahay udgoongawuxuuna yiri: waxaa la jecleysiiyey Dumarka iyo Udugga ama waxyaabaha carfa.

Sidaas daraadeed Ma jiro wax ka nadaafad badan diinta islaamka oo aan ku abtirsano, sida aan wada ognahay ruuxa Muslimka ah  maalintii wuxuu dukadaa shan jeer waxaana laga rabaa si salaadiisa ansax u noqoto inuu weysa leeyahay, weysada ayaa iyaduna qeyb ka ah nadaafadda ruuxa muslimka ah.

Diinteena waxay boorinay in lagu dadaalo nadaafadda meelaha lagu noolyahay iyo dariiqyada wadooyinka la maro lagana ilaaliyo wasakhda iyo wax walbo dhib ku keeni karo ummadda iyo dhammaan noolaha, iyadoo Xadiith noogu sheegay Nabigeena NNKH dhibka iyo waskhda oo dariiqa laga qaado inay tahay sadaqo.

Nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – nin tintiisa wasakh ah oon shanlaysnayn wuxuu yiri:

(kan ma helin miyaa wax tintiisa uu ku hagaajiyo?), nin kale ayuu arkay oo xiran dhar aan nadiif ahayn, wuxuu ku yiri:

(kan ma helin miyaa wax dharkiisa uu ku dhaqdo?)

W/Q: Ibraahim Warsame Xuseen

 

DIINTEENNA WAA MANHAJ DHAMEYSTIRAN

Islaamku waa Diin isu miisaanta nolosha adduunka iyo nolosha Aakhirada, waayo adduunku waa beer uu ku beerto qofka Muslimka ah khayraadka xagga dhammaan dhinacyada nolosha si uu u gurto abaalka arrinkaas adduunka iyo Aakhiradaba. Beerta iyo abuurkanina wuxuu u baahan yahay inaad ku qaabisho nolosha nafsad kheyrka rajeysa uu ka buuxo dadaal iyo go’aan adeyg, arrinkaasina wuxuu ka muuqdaa waxyaalahan soo socdo:

Camiraadda Arlada

Allaah Kor ahaaye Wuxuu yiri: “Wuxuu idinka abuuray dhulka oo idin dejiyey dhexdiisa si aad u camirtaan” (Huud: 61)

Allaah wuxuu nagu beeray arladan oo na amray inaan camirno oo ku hormarinno ilbaxnimo iyo dhismo u adeegeysa aadmiga, oo aan ka hor  imaaneyn shareecada Islaamka ee sahlan, balse wuxuu ka yeelay camiraaddeeda iyo hormarinteeda waxyaalaha ay dooneyso shareecada iyo cibaadooyinka  xitaa waqtiyada lagu jiro duruufta adag iyo marka uu xaalka murugsan yahay , sidaas awgeed buu Nabigu  ku baraarujiyey qofka Muslimka ah in haddii qiyaamuhu dhaco isagoo gacanta ku haya abuur uu doonayo inuu beero,markaa waxaa saaran inuu ku dhaqsado beeritaankeeda, hadduu karo si ay ugu noqoto sadaqo.

Dhex galka Dadka

Islaamka wuxuu ku baaqaa in lagala qayb qaato dadka xagga dhismaha iyo sameynta ilbaxnimo iyo wax hagaajinta, iy in la dhex galo dadka oo lala xiriiro si edeb iyo dabci san leh si kastaba ha u kala duwanaatee dhaqammadoda iyo diimahooda, wuxuuna Islaamka nagu baraarujiyey in ka dhex bixidda iyo ka fogaanshaha dadka aanay ahayn dowga dadka diinta ugu yeera  iyo kuwa wax hagaajiya, sidaas awgeed buu Rasuuka SCW ka yeelay in qofka dadka dhex gala oo ku sabra waxa ka soo gaara oo dhibaato iyo gef ah uu ka fiican yahay qofka ka gooni noqda oo ka fogaada (Ibnu Maajah 4032) .

Diinteenna Islaamka Waa Diin tix gelisa, dhiiragelisana Cilmiga

Ma aha arrin kedo ku timid in kelmedda ugu horreysa ee ka mid ah Qur’aanka ee lagu soo dejiyey Nabigeenna Muxamed NNKH ee ah Iqra.

Waxaa halkaa lagu caddeeyey inuu Islaamka dhiirrageliyo dhammaan noocyada culuumta  nafaca u leh aadmiga ilaa uu ka dhigay dariiqa uu maro qofka Muslimka ah isagoo cilmi doon ah uu yahay jid uu u hayo Jannada, sida uu Nabigeenna SCW uu yiri “Qofkii qaada waddo uu ku dalbayo Cilmi, Allaah wuxuu ugu sahlaa waddo ka mid ah waddooyinka Jannada.” (Ibnu Xibbaan 84)

Islaamku ma yaqaan dagaal ka dhexeeya Diinta iyo Cilmiga sida diimaha kale, bal si ka duwan taasi si dhan, diinta waa baaqa Cilmiga waana taageeraha iyo ugu yeeraha dadka barid iyo barashoba maadaama uu ugu jiro khayr iyo wanaag dhan walba ah Aadanaha.

Sidaas awgeed buu Allaah u maamuusay qaddarka caalimka ee bara dadka khayrka oo u yeelay darajooyin sare, wuxuuna Nabigeenna SCW sheegay in dhammaan uunanka ay u duceeyaan macallinka bara dadka khayrka. (At-Tirmidi 2685).

W/D: Ibraahim Warsame Xuseen.