YAA XAQ KUGU LEH? (QEYBTA 1AAD)

Qof kasta oo aadami ah, muslim ah oo soomaali ah waxa uu leeyahay xaq, waxaana lagu leeyahay xuquuq.

Haddaba si aad u ogaato xaqa aad leedahay iyo kuwa lagugu leeyahay iyo cidda kugu leh waxa aan halkan ku soo qaadaynaa 24 nooc oo xuquuqo leh iyagana lagu leeyahay.

1-XAQA ILAAHEY KU LEEYAHAY ADDOOMADIISA

Xaqqa ilaahey uu ku leeyahay addoomadiisa waa in ay caabudaan oo aanay u shariig yeelin.

  • 1- Waa in aanay u shariig yeelin.
  • 2- Inay ku shukriyaan nimcadiisa.
  • 3- Inuu si dhab ah u tawakalo.
  • 4- Raxmadiisa inuu rajeeyo.
  • 5- Inuu ka baqo ciqaabtiisa.
  • 6- Inuu ka xishoodo ilaahiisa inuu macsiyo galo

2-XAQA AY ADDOOMADU KU LEEYIHIIN ILAAHOODA

  • Waa in uusan cadaabin, haddii aysan u shariig yeelin, manhajkiisana ay raacaan oo ay caabudaan.

3) XAQA QU`RAAN AKHRINTA.

Xaqqa uu qur’aan ka ku leeyahay  qofka akhrinaya aad buu u badan yahay, waxaana ka mid ah:

  • In uu tartiib u akhriyo oo uusan ku deg degin.
  • Saddex beri ka yarna waa in uusan ku dhameyn.
  • Inuu qatimo qur’aanka todobadii beriba mar.
  • Waa in marka u akhrinayo qur’aan uu daahir ahaadaa,qibladana uu qaabilaa, inua fariistaa si adaab leh.
  • Waa in uu u qashuucaa marka uu akhrinayo.
  • Waa in uu cod qurxoon ku akhriyaa.
  • Inuu sireysto qur’aanka akhrintisa.
  • Waa in uusan ku akhrin qalbi ilowsan ama qaafil ah.
  • Waa in uu marka u akhrinayo ku tadaburaa oo ku qashuucaa.

10-Waa inuu ku sifoobaa qur’aanka ehelkiisa.

4) XAQA NEBIGA (NNK)

Xaqqa uu nebigu ku leeyahay ummaddiisa waxaa ugu muhiimsan  qodabadan soo socda ee waa in uu qofku bartaa.

  • In la jeclaado Nebiga Jaceylka Alle ka dib wax kastana jaceylkiisa laga hormariyo.
  • In la weyneeyo oo la dhigo meeshii Ilaah dhigay.
  • In loo gar-gaaro
  • Hadalka oo hoos loogu dhigo qabrigiisa agtiisa,
  • In lagu saliyo marka la soo hadal qaado.
  • In la raaco sunadiisa qawl iyo ficilba, ku dayasho wanaagsanna laga dhigto.
  • In la difaaco sunadiisa, kuwa ku caasiya ama iska dheereysiiya.
  • In la joogteeyo adeeciddiisa, oo aan lagu caasiyoobin,
  • In la jeclaado barashada shareecadiisa iyo cilmiga naafica ah.

10-In la isku xukumo shareecadiisa

11-In loo nasteexeeyo oo ah in la rumeeyo isaga iyo waxa uu la yimidba.

12-In la adeeco,  oo looga daydo arimaha dunida iyo aakhirada oo dhan.

13-In aanu jecelykiisa ka hor marinin jaceylka maqluuqa kale.

14-Inuu xiriiriyo qofkii uu xiriirin jirey, inuu la coloobo qofkii uu col la ahaa.

15-In la weyneeyo magaciisa marka lagu ag sheego qofka.

16-In la rumeysto waxkasta oo uu  ka sheegay aduunyada iyo aakhiradaba.

17-Nooleynta sumadihiisa iyo muujinta shareecadiisa.

18-Codka oo hoos loo dhigo marka qabigiisa l agjoogo.

19-Jaceylka dadka wanaagsan waa jaceylkiisa, naceybka dadka xun xunna waa naceybkiisa Iyo in dawadiisa la fidiyo.

20-In aad dul istaagto qabrigisa adiga oo salaamaya.

La soco qeyb kale

Waxaa diyaariyey

Cabdulqaadir Nuur Xuseen (Maax)

 

 

 

 

 

 

SOOMAALIYA SOOMAALI BAA LEH

Marka la leeyahay Soomaaliya Soomaali baa leh ilaa maalintii Soomaalidu soo bilaabeen halganka 1943dii bishii May 15-keedii waxaa jiray halgamayaal u taagan magaca soomaalida iyo kuwo hore ugu geeriyooday oo ay ku jiraan Axmed Guray iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan .

Kuma koobneyn kuwaas oo keliya ee waxay hoggaan u ahaayeen ummadda soomaaliyeed ee xorriyadda jecel waxayna soo gaarsiiyeen in la helo Calan Soomaaliyeed .

Intii ay ku jireen halganka waxaa dhabar jebin iyo xagal daacin ku waday kuwo sheegta magaca soomaalida oo u shaqeeya gumeystaha kiisa cad iyo kiisa madowba.

Waxaa kale oo jiray kuwo kale oo Iyana doonayey in dalka keenaan diimo kala duwan si ay u kala tuuraan caqiidada mideysan ee soomaaliyeed waxayna meelaha qaar ka dhiseen kaniisado ti ugu ballaareydna ay ku taalay Muqdisho .

Arrintaasi ma suurtaglin waxaana ka hortagay shacabka soomaaliyeed  iyadoo soomaalidu u soo mareen arrintaas halgan dheer iyo dhibaato.

Iyadoo la ogyahay dhibta badan ee loo maray halganka xorriyadda ayey hadana maanta jiraan kuwo ka horjeeda midnimada iyo dowlad awood leh oo ka hanoqaada gayiga soomaaliyeed .

Dalka iyo dadkaba waxay halgan ugu jiraan ka soo kabashada burburkii dagaalladii sokeeye haddana waxaa jira gobollo ku gorgortamaya in aan la gaarin heshiis iyo midnimo soomaaliyeed ,

Waxaad ogaataa boqol calan haddii la sameeyo soomaalidu waa soomaali waana mid qura waana barkuma taal in uu baaba’o magaceeda .

Soomaaliya Soomaali baa leh , damaca goonni u goosadka iyo baabi’inta midnimada ma shaqeynayaan waana wax aan ka suurtagal aheyn ummadda isku diinta iyo isku asalka ah ee soomaalida.

Soomaalida kuma kala go’i karto magacyo dad ay rabitaankooda ku saleeyeen iyo calamo reer reer loo sameystay , qof walbana waxaa deeqa calanka buluugga ah ee xiddigta shanta geesa leh dhexda kaga sawiran tahay isagaas ayaa na deeqa oo difaac nooga baahan.

WQ: DALKA EDATORIAL

 

 

MAANTEY CURATEE MATAANE DHASHEE AAN MAALNO HASHEENNA MAAN DEEQ

Kowda luuliyo waa maalin waa cusub u baryay umudda soomaaliyeed, Waa maalintii ay gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ay ka xoroobeen gumeysigii Talyaaniga, isla markaana ay la midoobeen gobollada waqooyi, waa maalin ay maataneysay hasheenna maan deeq, halkaasna ay ka curatay Jamhuuriyadda Soomaaliya,

waa maalin bulshada ay u tahay maalin ay weyneeyaan, waa maalin ay isku soo baxyo sameeyaan dhamaan umadda soomaaliyeed oo ay iskugu jiraan odayaal,  haween, dhalinyaro iyo caruurta oo iyaga qudhooda loogu soo labiso dhar kasameesan calanka buluugga si loo sameeyo dabaal dagyo waaweyn oo lagu xusaayo kowda luuliyo,

Sidoo kale kowda luuliyo waa maalin bulshada ay siweyn u qadariyaan ayaga oo sameesanyaan xaflado, fantastiyo,  masraxyada oo lagu soo bandhigo heeso katarjumaayo maalimaha xoriyada ee kowda luuliyo, sidoo kale gabayo katar jumeyso kowda luuliyo ayaa lagu soo bandhigaa masraxyada oo ay iskugu imanayaan kumanaan bulshada qeybaheeda kaladuwan ,

Sooyaalka Taariikhda Halganka Soomaaliyeed.

Halgamaayaashii kasoo qeyb qaatay xornima udirirkii jamhuuriyada soomaaliya waxaa kamid ahaa ururkii (S.Y.L) in kastoo ay jireen halgamayaal badan balse waxa aan soo qaatay ururka (S.Y.L) oo iyaga qeyb ka ahaa dhaq dhaqaaqii  guumeysi ladirirkii Somalia.

12kii octoobar 1954tii ayaa S.Y.L waxay guddi xirfadlayaal iyo hal abuurayaal u saartay inay alifaan ama hal abuuraan naqshadda uu yeelanayo Calanka.Soomaaliya, waxaana ku guulaystay oo hal abuurkiisii la qaatay Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada.

Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa 5ta qeybood ee dhulka Soomaalidu ka kooban yahay, Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu u taagan yahay midabka cirka.

24tii March 1956dii waxaa la dhisay Dowladdii Ugu horeysay abid ee dad soomaaliyeed hogaanka u qabtaan, waxay ahayd daakhili ka kooban 6 wasiir waxaana R/wasaare u noqday Allaha u naxariistee C/llaahi Ciise Maxamuud,taasi gobollada koonfureed maamulaysay illaa 1960kii.

Xilligii gobollada koonfureed ee dalka ay ku jireen mudada xornimo gaarsiinta , waxaa wada hadallo u bilaawdeen madaxdii koonfurta ee talyaaniaga gumaysanayay iyo waqooyi oo uu gacanta ku hayay Ingiriiska waxayna ku heshiiyeen in ay midoobaan lana yagleelo hal dal oo soomaaliyeed.

26kii juun 1960kii waxaa beerta xoriyadda ee magaalada Hargaysa laga suray Calankii ugu horeeyay ee xor ah ee laga taago ciid Soomaliyeed, waana habeenkii uu marxuum C/llaahi Suldaan Tima- cadde ka mariyay goobtii Calansaarka Gabaygii Taariikhda galay ee ahaa Sareeyoow ma Nusqaamoow aan siduu yahay eega’e kanna siib kanna saar).

Haddaba maxay uga dhigan tahay bulshada Soomaaliyeed ee nool Qarnigan kow iyo labaatanaad (21 Centure) kowda luuliyo.

Waxa ay uga dhigan tahay bulshada soomaaliyeed ee kunool woqooyi, koonfur iyo Qurba joogta waa maalin ay faraxsan yihiin oo ay isku dirayaan dhanbaalo habalyo ah ee kowadda luuliya, sidoo kale waa maalin  ay iska qaadeen heeryadii gumeeystihii talyaaniga ee qabsaday koonfurta soomaaliya, Waa maalin ay midoobeen woqooyi iyo koonfur.

Waa maalin ay siweyn ay u weyneenaan, u qadariyaan bulshada soomaaliyeed,waana  maalin ay siweyn ay ugu dabaal dagaan.

Sidoo kale waa maalin meel walbo ay calanka soomaaliya laga taago oo gayiga soomaaliya.

Waa maalinta ay fasax yihiin xafiisyada dowladda, goobaha waxbarashada sida iskuulada(school), jaamacadaha (university) dugsiyada quraanka, waxaana ay bulshada ay iskugu imanayaan fagaarayaasha waaweyn, hotelada, tiyaatarka qaranka garoomada kubada cagta iyo gooba kale oo badan.

ugu danbeen dalka waxaa ka muuqdo ifafaalo muujinaayo hormar dowladeed, hormar bulsho iyo hormar dhaqaale taasi oo lasaadaalinaayo in soomaliya ay noqon doonto dal qani ah oo kheyraadkiisa ku tiirsanin

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

 

 

TUUGGII CAQLIGA BADNAA QEYBTII 1-AAD

Tuug guuray oo muddo xadidda xoolaha ummadda muddo dheer ku qaraabanayay ayaa habeen guri  dagan oo ay dadkii lahaa hawo gadis uga maqanyihiin u soo dhacay.

Kolkii uu gudaha galay wuxuu durbadiiba isku qaaday oo bartamaha u joogsaday qolkii jiifka, wuxuuna billaabay baaris iyo fatashaad si uu wax fudud oo uu haaban karo uga raadsado.

Armaajo walba wuu furay, koomadiis kasta ayuu  balaqay, daahyada iyo qaanadahana wuu eegay, balse wax alliyo wax uu qaato ayuu ka waayay.

Asagoo gurigii dhex meeraysanaya haddabana doc ama dhinac indhaha ku fiiqay, ayuu meel jawaano hoostood ah uga jeeday sanduuq ama abxad weyn oo ku dadan.

Haleel ayuu u abbaaray  oo durbadiiba waa uu jabiyay, balse waxba wuu ka waayay markii laga reebo buug weyn oo ay baalashiisa tirooyin xisaab ihi ku qornaayeen.

Guriga waxaa lahaa nin sarafle ah oo kamida lacag Kala rogayaasha waaweyn ee magaalada, buuggana wuxuu ku qoran jiray xogo la xariira howlmaalmeedkiisa iyo hanti loo dhiibto.

Tuugga waxay muhiimaddiisa iyo yoolka uu diiradda saarayayba ahaan inuu wax fudud haabto ka dibna uu la cararo, alaabaha culus iyo kuwa aan waxba u taraynna Dan kama lahayn, balse markii uu buugga arkay qorshe cusub ayaa u soo baxay.

Wuxuu ku fakaray inuu buugga qaato ka dibna uu baahiyo, makuu ninkaa lahaa la soo xariirona uu xoogaa qarasha oo baadi fur ah weydiisto, haddana way la ahaan waysay maxaa yeelay ninka saraflaha ihi wuu garan lahaa in buugga gurigiisa la xaday.

Wax maamintii iyo maantuujiskii ayuu dib uga noqday oo cabaar ayuu abla-ablaynta qorshaha isku howlay, ka dibna wuxuu go’aan buuxa ku gaaray qodob biyo kama dhibcaan ah oo uu maskaxdiisa ka helay.

 

Qodobkaasi wuxuu ahaa inuu buugga lacag dhowr Mallion ah gees uga qorto ka dibna uu ninka saraflaha ah ku qabsado oo ku yiraahdo lacagtii aan kuu dhiibtay isii, sidaas ayuuna yeelay.

Magaciisa oo 3xan, taariikhda, iyo tirada lacagta oo dhowr Mallion ahayd ayuu buuggii ku xariiqday ka dibna intuu isku laabay oo santuuqiisii ku riday, alaabtii uu Kala daadiyayna isku aruuriyay ayuu iska baxay.

Lasoco qeybta labaad.

WQ: Abwaan Hareeri

 

TIXANAHA SHEEKADA MAANO FAAY (QEYBTA 47-AAD)

Balwaddiisa ugu weyn waa kala shaandhaynta gabdhaha iyo wad-wadiddooda. Harqaanka uu tolo iyo caweyska uu tagaaba waxay u fududeeyaan barashada gabdho fara badan.

Waana sababta keentay in uu labadaba xiisa joogto ah u hayo. Aabbihii Aw-Mukhtaar in badan buu isku dayey in uu iska hortaago habla-wadidda badan iyo caweyska uu habeenkii ku soo daahayo.

Arrintaasi welwel weyn bay ku haysay. Wuxuu u arkaayey balwado khatar ku ah lacagtiisa iyo wiilkiisaba. Hase yeeshee, wax kastoo uu isku dayey wuu ku guuleysan waayey in uu ka reebo.

Waa markaas marka uu ku fekeray in uu degdeg ugu guuriyo.

Iikar markii odaygu u sheegay in Maana-Faay loo guurinayo, kuma farxin, kamana nixin. Wax dhadhan ah, kharaar iyo macaan midna lama lahayn. Waxay ula muuqatay arrin ka mid ah awaamirtii waalidku siin jiray, isaguna waajib ahaanta u fulin jiray.

Laakiin, sidii warkaas loogu sheegay wuxuu dareemay culays aan caadi ahayn. Xornimadiisii way soo xirxirantay. Gabdhihii uu siduu rabo beledka ula mari jiray, wuxuu ku khasbanaaday in uu suuqa madow u beddelo.

Maana-Faay, warkaan ka hor wuxuu ula dhaqmi jiray sida uu ula dhaqmo walaashiis Jiija. Kaftan, ciyaar, canaan, ka sheexid la’aan, iyo wixi la mid ah. Haddase xiriirkiisii wuu ka goostay.

Markay iska hor yimaadaanna wuxuu u salaamaa sidii dad korka iska yaqaan, xishoodna ka dhexeeyo ee kala laab xiran.

Casarkii marka hurdada laga kaco iyo caweysinkii marka hurdada loo hogbado, hawluhuna dhammaadaan, waa labada waqti ee Xaaji Muumin iyo xaaskiisa, Ay-Caddeey, ka wada xaajoodaan arrimaha qoyska kuwa ugu culus.

Xaajigu markuu Casarkii tukaday, ma kicine, intuu barkin u dhaweyd xusul ku mutay buu halkiisii wardi ka bilaabay. Wuxuu ku sugayaa Ay-Caddeey iyo qaxwihii casariyaha ee ay markaas oo kale u keeni jirtay.

Wuxuu ku fadhiyaa salligii uu ku tukaday oo ay ka hoosayso darin duug ah ee la moodo in lagu jaan- gooyey rakada ay dul saaran tahay.

Waa rako gaar ahaaneed oo nus mitir dhulka ka sarraysa, darbigana cirifka ku hayso. Waxaa loo dhisay in odaygu ku caweeyo, cid kalana ma isticmaali karto.

Meeshu waa barsaddii fadhiga ee u furnayd qolka jiifka. Waa qawlad ballaaran oo gidaarradeeda fac weyni ka muuqdo. Waxaa si aan habaysnayn u dhex taal alaab gabowday ee casrigeedii laga gudbay.

Tobannaan sano lama beddelin. Geeska irridka xiga waxaa ka muuqda laba kursi oo fadhigoodu xargo yahay, barkimooyinkii loogu talo galayna ka qaawan. Midkood waxaa dul xooran shaar-carruureed iyo garbasaar duug ah. Kan kalena shukumaan yar baa

madaxa u saaran. Dhanka bidixda waxaa ka muuqata armaajo gaaban oo guduudan. Muraayaddeeda waxaa ka dhex muuqda bakeeriyaal aan badnayn iyo suxuun yaryar.

Intaas waxaa dheer miiskii hore cuntada loogu talo galay oo kuraastiisii moobilka ahayd ay uga hareen hal lug jaban iyo mid fayow.

Gidaarrada waxaa suran dhowr sawir oo midba meel ka muuqdo. Xaaji Muumin oo koofiyad Barawaani ah gashan. Isaga iyo Ay-Caddeey oo sida ay hadda yihiin aad uga dhallinyar. Maana-Faay oo la midabeeyey.

Iyada oo Cumareey gacanta haysa. Qoyska oo aan qof ka maqnayn. Aweys oo muraayad weyn ku jira. Isaga oo yar oo kubbad cayaaraya. Leyla iyo Iisha oo is-dhinac taagan. Maana-Faay iyo gabar kale oo dhir cagaaran ku dhex jira. Iyo dhowr sawir oo ay ka muuqdaan dad aan qoyska ahayn.

Malaha waa asxaab iyo ehelo kale. Barsaddu waa saldhigga nolosha qoys ahaaneed. Waa meesha keli ah ee kulmisa waalidka, carruurta, yaryar iyo waaweynba iyo sokeeyaha kale ee booqashada ugu yimaada.

Barsadda iyo qolkeeda jiifka waalidka waxaa dibedda ka ah laba qol oo ilmaha waaweyn seexdaan. Jikadu waxay ku taal qol fidsan oo qudhiisa darmo iyo wambaro la dhigto.

Waxaa orod ku soo galay Cumareey oo bannaanka ka yimid, korkiisa habaas baa ka muuqda, dabagaabkii iyo funaanaddii uu qabayna way ka soo wasakhoobeen. Intuu rakadii odayga kalsooni ugu

booday buu aabbihii hoosta ka galay. Xaajigu intuu wardigii hakiyey, ee wiiikiisii madaxa u salaaxay buu yiri, “Haye igaarkeey! Intee ka imaatay?”

“Abbaa, bannaankaa ka imaaday.” “Haye, maxaa suubbiheysey?”

“Waa soo dheedheelaayey lee. Abbaa jallaataa habaa.”

“Iihi, habartaada ma joogtaa?” “Waa joogtaa.”

“Bax hee ii soo wac.”

Cumareey markuu rakadii orod uga booday baa waxaa ka hor timid hooyadii Ay-Caddeey oo gacanta midig ku sidda koobkii casariyaha ee ay duqeeda ugu soo samaysay sida gaarka ah ee uu isagu jecel yahay, bidixdana waxay ku sidataa gambar ay ugu tala gashay in ay ku fariisato Xaajiga agtiisa.

Waxay maskaxda ku haysatay dhawr arrimood oo ay galabtaas ku talo gashay, qaarkood in ay Xaajiga warbixin ahaan ula socodsiiso, qaarna ku guubaabiso inuu wax ka qabto. Hal arrin baase ugu sii darrayd oo tallaabo degdeg ah u baahnayd.

Isaga qudhiisa waxaa jirtay arrin beryahaanba walwal iyo walaac weyn ku haysay, uuna ku tashanaa inay galabtaas isaga iyo afadiisu isla meel dhigaan, tallaabo iyadoon ogeyn uu qaadayna la socodsiiyo.

Markuu arkay in ay gambarkeedii soo sidato, ayuu intuu Cumareey oo ku soo laabtay sacabka garabka ka saaray barkinta hoosteedana nus shilin ka soo bixiyey ku yiri, “Haye abbaa, Cumareey, jallaataan rabaa ma i dheheeno? Bax nuskaan shilin khaadee, jallaato ku soo gado. Koodka jallaata ka soo gado, yaa igaarkeey? Bax hee. Iska jir yaah! Soco hee!”

Markuu rakadii aabbihii ka booday ayay hooyadiisna u raacisay, “Nabarkii soo nakhatid walaashaada ii khubeey dheh yaah?”

Markii Cumareey jallaatadiisii ku orday, Ay- Caddeyna intay qaxwihii u dhigtay, albaabkii riixday, si aan hadalkooda carruurtu u maqlin, fadhi u kaankaansanayso, ayuu Xaaji Muumin yiri, “Caddeey haye, ii warran hee! Maxaa waaye waaba soo daahdaye, intee ku makhnayd?”

“Ee suukhdaan ku maqnaay. Lo’ooshinka aan coos u soo iibihaayey. Waaba ku soo noogay. Lugaha dhanaaba i xanuunowhaaya. Aaa!”

“Iihi, ii waran hee, hadda see waaye xaalkaada?”

 

GOD SIREED HA QODIN HADDAAD QODDANA HADHEERAYN KU DHICI DOONTIDAA LAMA OGEE ( QISO YAAB LEH).

Qisada Layaabka ashqaraarka amakaaga irkaga iyo fajaca leh ee aynu eeggan idiin warin doonaahi waxay ku sàabsantahay qiyaanada ama dhagarta iyo sida ay cidda maleegaysa qudheeda u galaafato.

Si quman looma oga xilliga rasmiga ah ee ay dhacday qisadani, waxaa’se la hilaadaniyaa  ama lagu tirinayaa inay dhacday qarniyadii la soo dhaafay middood, dulucdeeda ayaa’se biya kama dhibcaan ah.

Waa goobtu waa tuulo ay dadkeedu xoolo dhaqato u badanyihiin, jeesas ama reero koobanina ay ayada iyo agagaarkeeda deganyihiin.

Qoysaskaas waxaa kamid ahaa oday waayeel ah iyo afar wiilo oo uu dhalay, kuwaasoo muuq ahaan iyo mid ahaanba isku ekaa, laba labana is ugu mataansanaa.

Ka sokow inay da’ ahaan iyo muuqaal ahaan is shabeheen, waxay lahaayeen astaan kale oo isku ekaantooda sii xoojinaysay, waxayna ahayd goobada ama tuurta oo dhabarka ayaa wada tooxnaa.

Gu’yaal ama sanado badan ka Dib waxaa geeriyooday odaygii waxayna ka dhaxleen hanti faro badan oo mood iyo nool ama guurto iyo ma guurtoba is ugu jiray.

Waxay ku heshiiyeen inay xoolaha wada dhaqdaan, mid kamidana ay madax ka dhigtaan ayagoo ka duulaya xadiiskii ahaa 3-dii qof oo Muslim ihiba mid hugaamiye ha ka dhigteen.

Waayo ka Dib kii ay hormuudka ka dhigteen ayaa guursaday 3-dii kaloo iskaabulo ihina way la dageen.

Markii ay aqal-galkooda 3 bilood ka soo wareegtay ayay asaga iyo ooridiisii afadiisii araddiisii ama xaaskiisii ku dhawaaqeen qorshe halis iyo hagar-daamo ah oo ay 3 maskiinee iskaabulada ah la maaganaayeen.

Ayagoo ka shidaal qaadanaya oraahdii ahayd 4 indhood wixii ka badani waa il fuur ayay isla garteen ayay isku af-garteen inay labadoodu hantida u haraan, 3-da wiilna ay khaarajiyeen.

Habeen ay wax maamin iyo fakar ku raageen ayay ugu dambayn ku seexdeen qorshe biyo kama dhibcaan ah oo ay doonayeen inay foogtii ama subaxdii ku howl-galaan.

3-da wiil waxay ahaan kuwo xoog iyo lixaad badan oo aan lagu deg degi karin sidaa darteed, waxaa lama huraan ahayd inay xeelad iyo xirib loo adeegsado dilkooda.

Habaar qaba iyo islaantiisu waxay ku heshiiyeen  in wiilasha lagu yiraahdo qaboojiye ama talaagad baraf alaab ka soo bixiya, markii ay gudaha u wagalaana kor looga xiro si uu qabowga dartiis wadnuhu u istaago..

Fulinta qorshahaas halista ah waxaa dhabarka u ridatay haweenaydii ninkuna inuu kormeer u baxo oo aanu goobta walaalihiis lagu dilayo ku sugnaan ayaa laysla qaatay.

Sidoo kale waxaa lagu heshiiyay in kolkii ay geeriyoodaan maadaama ay isku egyihiin qolada meydadka aasa lagu qaldo oo Hal qof lacagtii lagu aasi lahaa 3-doodaba lagu aaso, tolow sidee baa xabaal qodaha looga dhaadhicin doonaa arrintaas.

Dabcan waa qorshe dhammaystiran oo dhinac walba laga eegay sidaa darteed qodob kasta si gaar ah ayaa looga baaraan-degay.

Waagii ayaa hilaacay saakana waa subixii balantu ahayd in 3-da wiil oo war mooga ah ifka laga sagootiyo òo laga taqaluso, ayagu’se war iyo wicaal kama hayaan dabinka loo qoolayo.

Habaar qabihii ay islaantu u dhaxday ayaa asagoo qol beena iyo kajan ay hagar-daamo ku mariirantahay dibna la lulaya afarta gal jaho middood u dhaqaaqay, inuu sahan iyo indho indhayn u baxayona sheegay.

Waa tii oof wareemidda walaalaha iyo qurgoynta masaakiinta dusha u ridataye haweenaydii oo indhaha kala gadinaysa ayaa si af-gobaadsi ah ku tiri dumaashiyaal tallaagada barafka jawaano alaabi ku jirto ka soo bixiya, ayadoo wiilashii la hadlaysa.

Warba Kuma soo celine durbadii ayay boodeen oo tallaagadiii weynayd ama qolkii qaboojiya galeen si ay alaabta loo diray u soo walwaalaan, ayana kor bay uga xirtay ama uga hamdaraabtay.

Saacad iyo bar ayay halkii ugu kaadisay ka Dib waxay ka soo saartay ayagoo wadnuhu wada joogsaday naftuna ay jeer hore ka haaday.

Nimankii meydadka aasi jiray ayay u yeertay ka Dib wiilashii mid kamida ayay u soo saartay oo ku tiri meydkan iga soo duuga, lacagna way kula heshiisay.

Intay soo aasayeen ayay isla goobtii mid kale u soo dhigtay, markii ay soo laabteena waxay ku tiri meydkii weli halkii buu yaale iga soo aasa waxba ma aydaan qabane.

Nimankii oo yaaaban ayaa meydkii labaad qaaday oo soo duugay, Markay soo laabteen oo lacagtii doonta is yiraahdeen ayay haddana u yimaadeen meyd kale oo goobtii yaaalla.

Ayagoo yaab iyo argagax la gariiraya ayay qaadeen ka dibna way soo aaseen, intii ay guriga u sii socdeen ayaa waxaa la dhacay wax kaa yaabin doona oo argagax leh.

Kii islaanta qabay oo is leh ninkii waa la laayay waana la aasaye xaafadda ka war Doon ayaa ka hor yimid nimankii wax soo duugay oo la yaaban mucjisada ay arkeen, waxayna moodeen meydkii oo qabriga ka soo baxay oo doonaya in mar 4-aad la aaso.

Seef ay wateen ayay kurka uga jareen ka dibna way soo aaseen, markii ay islaantii lacagtii u doonteen ayay u sheegeen inay meydkii oo socda arkeen ka dibna ay nafta ka jareen.

Waxay xaqiiqsatay in waxa la dilay oo ninkeedii ahaa, naxdintii ayaana wadnuhu istaagay oo ayaduna qofkii 5-aad oo la aasay ayay noqatay, hantididiina waxaa u haray xabaal qodayaashii.

WQ: Abwaan Hareeri

TACABKA BEERAHA DHAQAALAHEENA WAX MA KA BADDALI KARAA?

Dalka Soomaaliyeed waa dal hodan ku ah kheeraad badan uu Alle ku maneystay waa dal ku wanaagsan hirgalinta mashaariicyo horumarineed sida Tacbashada beeraha oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed ee dhibanaha u noqday raashinka warshadeesan oo aan taya ahaantooda la isku haleyn karin.

Tacbashada beeraha dalka aad ayuu muhiim ugu yahay dhaqaalaheena sababtoo dalwalba waxa uu ku tiirsan yahay Tacbashada beeraha oo wixii Ka soo baxa ayaa lawarshadeeyaa islamarkaana ayaga oo laka kontroolay tayadooda, tariikhdooda iyo dhadhankooda oo ay muhiim tahay in bulshada laga kontoroolo taasina waxa ay yareeneysaa xanuunada dilaaga ah sida Cancerka iyo wixii lamid ah.

burburkii dalkeena soomaaliya Ka hor dalka waxaa uu ku tiirsanaa waxsoosaarka laga soo beeraha oo loo iib geeni jiray wadamada dariska ah iyo kuwa ka sii fog taasina waxa ay keentay in dowladdu ay shacabkeeda ay ku dhiirisi in ay tacbadaan oo ay maalaan muruqooda dowladduna ay ku taageeri jirtay qalab iyo wixii lamid ah ay u baahnaadan taasina waxa ay sababtay noloshii shacabka Soomaaliyeed ay isbadasho ay hormaraan.

Balse burburkii dalka uu galay xaalada waa isbadashay waxkasta sidii ay ahaayeen waa ay burbureen dalka god buu galay heer waxa uu gaaray in shacabkeenii Soomaaliyeed ay haraad iyo gaajo ay u dhintaan taasina waxa ay keentay in dadkii ay iskaga cara raan dalka ayaga oo maciin biday ku noolaanshaha dal aan dalkooda oo ay markasta ku joogeen dareen balse maanta xaalada dalka waa uu Ka soo kabsaday oo hormar ayuu sameenayaa maalinba maalinka Ka sii danbeesa balse wali sidii Larabay manoqon wali rajadu waa ay qurxoon tahay.

Dowladdeena federal Soomaaliyeed ayaa waxa ay dadaal xooggan ku sameeneysaa hormarka dalka ayada oo ku dadaaleyso hormarinta kaabayaasha dhaqaale ee dalka sida in waxbarashada dalka latayeeyo oo ay ardeyda Soomaaliyeed ay waxbarasho lacag la aan ay helaan, sidoo kale dowladdeenu waxa ay dadaal xooggan ugu jirtaa hormarinta beeraha oo ah baahida weyn ee uu dalkeena qabo ayada oo dadka beeraleyda Ka caawineysaa hormar dhankasta ah taasina waa yadadiilo muujineyso in dalka uu wada hormarka cagta saaray.

Tacbashada beeraha dalkeena aad ayuu muhiim ugu yahay waxaa isbadal xooggan ku imaanaayo nolasha shacabka oo hadda ladaala dhacaayo xanuuno ay Ka qaadeen Raashinka laga soo dhoofiyo dibada oo halis caafimaad leh sida in uu kugu dhaco kansarka dhuunta ama meelo kale oo jirka ah balse haddii aan tacbano beeraheena oo aan soo saarano dalagyo wax ku ool ah oo ay oga maarmaan waxa dibada laga keeno waxa ay isbadal ku keeneysaa dalka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn dalka iyo dadka Soomaaliyeed aad ayey ugu baahan yihiin Tacbashada beeraha oo isbadal dhaqaale keenaya sidoo kalena dalka ay aad ugu soo badan doona warshadaha waxsoosaarka leh sida warshada sokorta, warshada burka iyo warshado kale.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan.

FAA’IDADA KU JIRTA GANACSIGA IYO CUNISTA HILIBKA DIGAAGGA DABIICIGA AH

Digaaga dabiiciga ah wuxuu leeyahay faa’idooyin badan oo ay ugu horayso in laga helo borotiin badan, kaasoo muhiim u ah korriimada murqaha iyo seedaha

bini’aadanka.

 

Waxaa kaloo borotiinka digaaga laga helo ku badan nooca loo yaqaano “Typtophan” oo ah mid waxtar u leh niyadda qofka, waxaa la arkay inuu hoos u dhigo diiqada iyo welwelka maadaama uu borotiinkas sare u qaado dheecaan ay maskaxdu soo dayso oo loo yaqaano “serotonin”, sidaas daraadeed, waxaa la dhahaa: Cab maraq digaag haddii aad welwelsan tahay.

 

Borotiinka waxaa kaloo ka mid ah nooca loo yaqaano “Homocysteine” oo muhiim u ah caafimaadka wadnaha.

 

Waxaa kaloo hilibka digaaga laga helaa maadada loo yaqaano “phosphorus” oo faaido ugu jirto ilkaha iyo lafaha bini’aadanka iyo shaqada beerka, kilyaha iyo

neerfaha.

 

Waxaa kaloo digaaga laga helaa maadada loo yaqaano “selenium” oo muhiim u ah shaqaynta hormoonada jirka khaasatan kuwa uu soo daayo qanjirka dhuunta ee

thyroid-ka loo yaqaano.

 

Waxaa kaloo hilibka digaaga ka buuxo fitamiinka nooca loo yaqaano “B6” kaasoo muhiim u ah caafimaad xididada jirka.

 

Waxaa kaloo ku jira fitamiinka loo yaqaano “Niacin” oo alle ka dhigay ka hortag kansar si dabiici ah.

 

Hilibka digaaga waxaa ka buuxo maadada loo yaqaano “Retinol, Carotene iyo Lycopene” oo kulligood laga wada keenay fitamiinka A, muhiimna u ah caafimaadka indhaha.

 

Beerka digaaga waxaa laga helaa vitamin-ka B2 oo muhiim u ah caafimaadka maqaarka, wuxuu ka hortagaa dildillaaca maqaarka iyo faruuryaha ku yimaado.

 

Digaaga la warshadeeyay ama la buufiyay ama la kiimikeeyay, uma roonaa caafimaad ahaan, tayada nafaqo ee laga helane la mid m ahan digaaga dabiiciga

ah, waxaa kaloo la xaqiijiyay digaaga gacan rimista ah inay gudbin karaan cudurrada faafa qaar ka mid ah.

WQ:C/wali Daljir

 

DHALINYARADA KU SHAQEYSATA BAALASHKA SIDEE LOOGU DHIIRI GELIN KARAA INAY WAXBARTAAN?

Tan iyo burburkii dalkeena soomaaliya waa gabi ahaan qadka Ka baxay kaabayaashii dhaqaale ee dalkeena sida warshaddii soo saari jirtay Sokorta, Burka, Bariiska, Baastada,Caanaha, Saliidda,Dharka iyo warshado badan oo dalka lahaa ayaa burburay oo qadka Ka baxay, dhamaantood.

Waxa ay ahaayeen warshadahaas kuwo Ka shaqeeya hormarka waxaana ku tiirsanaa dhalinyaro badan oo Ka shaqeesan jirtay balse nasiib wanaag waayaha ayaa Ka hiiliyey.

Dhallinyaro badan oo dalka hormuud u noqol lahaa ayaa shaqo la’aan ay ku dhacaday qaarkood dalka waa ay Ka carareen ayaga oo nolol u raadsaday Yurubta iyo Mareekanka inta aay safarkaas ay ku jireen qaarkood waa ay ku dhamaadeen oo waxa ay ku dhinteen Badaha iyo bariga intaas oo rafaad ah waxa ay u marayaan waa uun mustaqbal ifaayo sida ay u yeelan lahaayeen.

Dalka dhalinyaradii ku hartay qaarkood midba xirfad ayuu la imaaday si xirfadaas oo ay oga saacido hormarka nololeed ee uu hiigsanaayo taasi waxa ay keentay in dhalinyaro badan oo yar yar ah ay sameestaan ganacsiyo Baalash ah oo ay uga shaqeestaan magaalooyinka dalka oo ay u adegayaan dadka u baahan in loo baalasho kabahooda.

Ka shaqeenta baalashka waa shaqooyinka ugu muhiimsan ee ganacsigeen sababtoo ganacsiga sidiisaba waa uu isku tiirsan yahay ma jiro ganacsi kaligiisa taagnaan kara balse taasi badalkeeda waa ay isku tiirsan yihiin waan ganacsi si habsami leh u shaqeenaayo oo ay dhalinyaro badan ay noloshooda iyo midda qoyskooda ay ku tiirsan tahay.

Haddaba dhallintan oo qaarkood gaadhay xilligii ay waxbarashada iyo qaar kaleba sidee loogu dhiirigelin karaa inay wax bartaan si berri ay u yeeshaan mustaqbal ka duwan key hadda ku jiraan?

Siyaabo kala duwan ayaa loogu dhiiri galin karaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee Ka shaqeesta Balaashka marka ugu horreysa waa in la fahmaa maxaa ku kalifay inuu baalashle noqdo, taasi marka la xalliyo ayaa wax laga qaban karaa, ka dibna loo soo jeedin karaa inuu wax barto laakiin nin baahan reerkiisuna baahan yihiin xataa ma heli karo buugaagta iskuulka qarashkana iskama bixin karo.

Sheeko yar ayaan la wadaagayaa dhallinta caseeyaha ah ee ka shaqeesata baalashka ama Caseeyanimada taas oo ah: Madaxweyne dal waagii uu yaraa xirfaddiisa ganacsi halka uu Ka soo bilaabay.

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan bilowgii nolashiisa waxa uu ku soo qaatay marxalado kala duwan oo ay qaarkood ay ahaayeen kuwa adag islamarkaana ay sababtay waayaha uu ku noolaa xiligaa inta uusan xil Ka qaban waxaana waayihiisa nololeed ee ganacsi yar oo ah baalash ayuu ku bilaabay iskaga oo baalashle Ka ahaa magaalooyinka dalka Turkiga waxuu iskaga dabari jiray waxbarashadiisa iyo nolashiisa oo in muddo ah halgan ugu jiray si uun ganacsigan yar ee baalashka ah mar uun heer oga gaari lahaa

balse taasi waa ay u rumoowday waxa uu soo noqday mas’uul xilal badan Ka soo qabtay dalka turkiga sida Duq magaalo, xubin xisbi, Ra’iisal wasaare iyo hadda uu yahay Madaxweyne taasina waxa ay keentay Ka mira dhalinta riyooyinkiisa ganacsi oo heerkaas gaarsiisay.

Dhallinyarada Ka shaqeesta ganacsiga yar ee baalashka waxaan kula talinayaa yaasan la niyad jabin oo nolashu waa halgan iyo dhabar adeeg waxbarashaduna waa mustaqbalkaada berri ee inta baalashka waddo waxbarashana ha moogaanin shacabkuna waa inay ku dhiirigeliyaan siduu u shaqeysan lahaa waxna u baran lahaa dhallintaa yar yar oo laga yaabo inay noqon lahaayeen madaxdii berrito.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan.

Xafiiska Xeer ilaalinta qaranka oo xaqiijiyey in 40 Eedaysane loo qabtay Eeddo Musuq maasuq

Sida uu Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyey Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka” 40 ruux ayaa loo qabtay Musuq, 18 Eeddooda Maxkamadda ayaa loo gudbiyay 12 Baaris ayaa ku socota ”

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa saddaxdii bil ee lasoo dhaafay ku guuleystay in uu Baaris ku sameeyo ku dhawaad afartan ruux oo ku eedeysan in ay ku kaceen falal isugu jira Musuq-maasuq, xatooyo xoolo dadweyne, ku tagrifal awoodeed iyo dayacaad masuuliyadeed, sida uu xaqiijiyey Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Afartanka Ruux ee Baarista lagu sameeyay ayaa dhammaantood ah saraakiil dowladeed, waxaana 18 eedaysane loo gudbiyay eedoodda Maxkamadda awoodda u leh, tirada dhiman ayaa wali waxaa ku socdo Baaris dheeri ah, waxaana marka ay soo dhamaato Baaristu loo gudbin doono sidoo kale Maxkamadda awoodda u leh.