Xafiiska Xeer ilaalinta qaranka oo xaqiijiyey in 40 Eedaysane loo qabtay Eeddo Musuq maasuq

Sida uu Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyey Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka” 40 ruux ayaa loo qabtay Musuq, 18 Eeddooda Maxkamadda ayaa loo gudbiyay 12 Baaris ayaa ku socota ”

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa saddaxdii bil ee lasoo dhaafay ku guuleystay in uu Baaris ku sameeyo ku dhawaad afartan ruux oo ku eedeysan in ay ku kaceen falal isugu jira Musuq-maasuq, xatooyo xoolo dadweyne, ku tagrifal awoodeed iyo dayacaad masuuliyadeed, sida uu xaqiijiyey Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Afartanka Ruux ee Baarista lagu sameeyay ayaa dhammaantood ah saraakiil dowladeed, waxaana 18 eedaysane loo gudbiyay eedoodda Maxkamadda awoodda u leh, tirada dhiman ayaa wali waxaa ku socdo Baaris dheeri ah, waxaana marka ay soo dhamaato Baaristu loo gudbin doono sidoo kale Maxkamadda awoodda u leh.

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isku Shaandheyn iyo magacaabis ku sameeyay Golaha Wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa cabdi Barre  ayaa  caawa sameeyay Magacaabis iyo Isku Shaandheyn qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre: Markii uu arkay qodobka 97aad farqadiisa 3-aad ee Dastuurka KMG ah, Markii uu arkay qodobka 98aad farqadiisa 2-aad ee xarfaha A & B ee Dastuurka KMG.

Markii uu arkay qodobka 100-aad xarfaha A, B iyo C ee Dastuurka KMG Markii uu arkay howlaha baaxadda leh ee horyaala Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Markii uu tixgeliyay talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Markii uu garowsaday baahida loo qabo in la dardargeliyo shaqada Xukuumadda.

waxa uu isku Shaandheyn iyo magacaabis ku sameeyay xubnaha Golaha Wasiirada ee soo socda

1. Mudane Biixi Iimaan Cige waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

2. Dr Maxamed Cilmi Ibraahim waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

3. Mudane Abuukar Jeylaani Sheekh waxaa loo magacaabay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

4. Mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliyow waxaa loo magacaabay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta

Wasiirada cusub ee la magacaabay ayuu Ra’iisul Wasaaruhu faray inay si deg deg ah ula wareegaan xilalkooda kadib marka la dhaariyo.

Mareeyee ku-xigeenka Haya’adda Tayo dhowrka oo shir uga qayb gashay dalka Congo

Congo:-Wafdi ay hoggaamineyso Maareeye ku-xigeenķa Hay’adda Tayo-dhawrka Qaranka Marwo Suubban Cabdi Nuur ayaa ka qeybgalay kulanka 29aad ee Arso General Assembly oo ka qabsoomay dalka Congo.

Intii kulanka uu socday Mareeye ku-xigeen Suubban ayaa kulamo gar gaar ah la qadatay wakiillo ka kala socday dalalka Kenya, Nigeria, Ghana iyo Ururka SMIC iyadoo muhiimadda kulamadaas ay ahayd sidii wada shaqeyn iyo iskaashi ay u yeelan lahaayeen dalalkaas, sida dhanka hagaajinta isku mid ahaanshaha Halbeegyada iyo isku fududeynta ganacsiga Africa.

 

Wasiirka shaqada XFS oo faray Agaasimaha cusub ee wasaaradda inuu la yimaado hannaan shaqo oo lagu tayeynayo shaqaalaha dowladda

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo uu wehliyo Wasiiru dawlaha wasaaradda Mudane Yusuf Maxamed Aadan ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay ku simaha  Agaasimaha Guud mudane Cabdikariim Cumar Cabdiraxmaan iyo Agaasimaha Guud Mudane Yuusuf Xasan Isaaq ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiradda Wasaaradda, Agaasime waaxeedyaha, Lataliya yaasha, Shaqaalaha Wasaarada shaqada iyo  marti sharaf ka socota hay’adaha dawladda.

Wasiirka ayaa soo dhaweeyay agaasimaha guud sidoo kale u mahad celiyay ku simaha agaasimaha guud iyo agaasime  waaxeed yada  wasaaradda hawlihii ay qabteen mudadii uu hayay xilka ku simaha Agaasimaha Guud ee wasaaradda.

Sidoo kale, wasiiru dowlaha wasaaradda, Xil Yuusuf Maxamed Aadan oo isna hadal kooban ka jeediyay ayaa agaasimaha cusub iyo agaasimaha waaxeedyada wasaaradda ku booriyey howlaha horyaala wasaaradda in ay wadashaqeyn guud ka yeeshaan iskuna garab siiyaan hawlaha wasaradda.

Mudane  Yuusuf Xasan Isaaq Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  ayaa Dhammaan Masuuliyiinta Wasaaradda uga mahad-naqay soo dhawaynta ay u sameeyeen iyo Xafladda Xil-wareejinta. Waxaana  uu ka waramay hanaanka shaqo uu la yeelan doono dhammaan masuuliyiinta wasaarada iyo shaqaalaha in ay noqon doonto mid daah furan oo ku dhisan wada tashi.

Ugu dambayntii, Wasiir Biixi waxa uu sharraxaad dheer ka bixiyey hawlaha baaxadda leh ee horyaalla Wasaaradda oo ay ugu horreeyaan tayeynta shaqaalaha dawladda, u adeegidda arrimaha bulshada, shaqo abuurka iyo suuqa shaqada iyo kor u qadidda barnaamijyada horumarinta farsamada iyo tababarada xirfadeed TVET) iyo Siyaasadaha iyo Shuruucda shaqada oo meel wanaagsan mareysa. Wuxuu si rasmi ah u amray in lala shaqeeyo Mudane Yuusuf Xasan Isxaaq,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

      

Wasiir Faarax Sheekh oo kormeeray goobaha lagu saxayo imtixaaanka qaranka ee dugsiyada sare

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta kormeeray xarunta Akadiimiyada Generaal Kaahiye oo ay ka socoto sixidda imtixaanka qaranka ee dugsiyada sare, sannad dugsiyeedka 2022/2023.

Agaasimaha waaxda imtaxaanka iyo shahaadooyinka Axmed Daahir Suryare iyo Guddiga Imtaxaanka ayaa warbixin ka siiyay wasiirka sida ay howsha u socoto iyo halka ay wax marayaan. Intaas kadib wasiirka ayaa u kuurgalay sida ay u socoto howsha imtixaan sixista ee ay ku howlan yihiin macalimiintu.

     

Guddoomiyaha hey’adda Maareynta Mausiibooyinka kulan la yeeshay wafdi ka socday hey’adda Bisha Cas ee Turkiga

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa Maanta xarunta dhexe ee SoDMA ku qaabilay Wafdi uu hogaaminaayey Agaasimaha cusub ee hey’adda Bisha Cas Turkiga ee Soomaaliya Niyazi kalaycı, waxaana kulankan qeyb ka ahaa Agaasimihii hore Hassan celalettin iyo mas’uuliyiin katirsan Hay’adda Maareynta.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargalinta xiriirka iyo wada shaqeynta labada hay’addood, tababarida shaqalaha ka howgala xarumaha gurmadka deg-degga ah iyo dadka ku nool meelaha dhibaatada ka dhici karto iyo helista qalabka gurmadka deg-degg ah iyo helista xarumo dhiiga lagu keediyo.

Hey’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa sidoo kale hey’adda SoDMA ka caawisa in deeganada khawaarjta laga saaray la gaarsiiyo gargaar, iyo in mashaariicyo dadka iyo dalka muhiim u ah laga fuliyo deegaanadaas iyo guud ahaan dalkam

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalim ayaa soo dhaweeyey Agaasimaha cusub, isaga oo u rajeeyey in uu dardargalin doono howlaha bin’aadamnimo ee dalka ay ka wadaan, dhanka kale Guddoomiye Maxamuud ayaa Agaasimihii hore Hassan celalettin uga mahadceliyey wada shaqeyntii wanaagsaneed ee dhex martay inta uu xilka hayey, isaga oo u rajeeyey meelo kale oo wanaagsan.

Safiirka Soomaaliya ee dowladda Itoobiya oo madaxda hey’adda Geneva Call kala hadlay ciribtirka kooxaha argagixisada

Addis Ababa- Safiirka safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Warfaa ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay hay’adda aan dawliga ahayn ee Geneva Call oo kala ah Mr Cumar Axmed iyo Mr Alexandre Munafo, waxayna hay’addu ka shaqaysaa arrimaha Beni aadantinimada, dhex-dhexaadinta, dib u heshiisiinta iyo badbaadinta dadka rayidka ah, waxaana Safiir Wafaa uu dhankiisa la wadaagay masuulintan sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’antahay soo afjaridda kooxaha argagixisada iyo horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasada Soomaaliya.

Madaxda hay’adda Geneva Call ayaa dhankooda ballan qaaday inay Dawladda Soomaaliya kala shaqaynayaan horumarinta arrimaha bini’aadan tinimada, dhex-dhexaadinta, dib u heshiisiinta iyo badbaadinta dadka rayidka ah.

 

Ra”iisul Wasaare Xamse oo adkeeyey xuquuqda Shacabka Soomaaliyeed ee helidda Biyo Nadiif ah iyo Koronto qiimo Jaban

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo sii wada kulamada la xisaabtanka Wasaaradaha, ayaa maanta su’aalo ku saabsan waxyaabaha u qabsoomay iyo kuwa u qorsheysan wax ka weydiiyey Wasaaradda Korontada iyo Biyaha.

Wasiirka Wasaaradda Korontada iyo Biyaha Mudane Jaamac Takhal Cabbaas, iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradda ayaa si faah-faahsan Ra’iisul Wasaaraha ugu soo bandhigay mashaariicda kala duwan ee wasaaradda uga hirgalay ballanqaadkii Xukuumadda Dan-Qaran ee la xiriira halbeegyada Horutabinta leh adeegyada aas-aasiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku booriyey masuuliyiinta wasaardda in mashruucdyada tamarta iyo biyaha ee ay maalgaliyaan hay’adaha caalamiga ah ay noqdaan kuwo ay si toos ah uga faa’iidaystaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in Xukuumadda Dan-Qaran ay ahmiyad gaar ah siinayso in bulshadu ay helaan biyo nadiif ah iyo koronto qiimo jaban.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku adkeeyey masuuliyiinta wasaaradda in dhammaan deegaannada la xoreeyey Khawaariijta la gaarsinayo adeegyada aas-aasiga ah ee dowladda, waxa uuna faray Wasaaradda in mudnaan gaar ah la siiyo ceelashii biyaha, maadama ay khawaarijtu ka burburiyeen.

        

Wasiirka Amniga oo Agaasime KMG ah u magacaabay haya’adda Socdaalka

Wasiirka Amniga oo Agaasime KMG ah u magacaabay haya’adda Socdaalka

Wasiirka Amniga XFS Dr Maxamed Cali Doodishe ayaa Mudane Axmed Siciid Maxamed u Magacaabay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh” Dowladda waxaa ka go’an in ay ka maaranto kaalmo shisheeye” (Warbixin)

Dal waxaa horumariya dadkiisa oo garab istaag buuxa siiya Dowladda si loo gaaro isku filnaansho buuxa oo dhan waliba ah.

Soomaaliya, waxaa kaalmo buuxa siiya dalal shisheeye, waxayna kaalmadaas ka timaadaa canshuur dad kale laga qaaday, sababta canshuurta loo qaadayo waa in ay Dowladdu bixiso qarashaadkeeda haddii ay tabay caafimaadka, waxbarashada, nabadgalyada,horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo howlaha guud.

Haddii si kale u dhigno, canshuurtu waa qarash ay Dowladdu dul saarto alaabaha iyo hantida ma guurtada ah, dakhliga soo gala qofka ama ganacsiyada iyo mulkiilayaasha mehradaha.

Amni buuxa iyo caafimaad tayo ah leh in la helo waxaa udub-dhexaad u ah canshuurta dalka oo la bixiyo si ay Dowladdu awood buuxda ugu yeelato bixinta adeegyada bulshada aas-aasiga u ah.

Canshuur bixiyaashu, waa in ay fahmaan bixinta canshuurta in ay tahay waajib saaran qof walba oo muwaadin ah in dadku canshuurtu bixin micnaheedu waxay tahay in dowladdu shacabkeeda la xisaabtami karin. Soomaaliyana ay sii ahaato dal canshuur bixiyeyaal kale lacag ka suga, waana sababta keentay in madaxdu ku baaqaan in la bixiyo canshuurta.

Madaxweynaha Jamhuutiyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aad bulshada Soomaaliyeed ugala hadlay mudnaanta ay leedahay canshuurta, wuxuu sheegay in muhiim ay tahay canshuurta ay Dowladdu ugu baahan tahay shacabka si dowladda uga maareynto dawarsiga dalalka kale.

” la qarin maayo canshuurta inaan dhiibno waaye, lacagta aan ku yeelan lahayn inaan la imaano waay, maanta wali waxaan joognaa ciidamadeenu wali dad kale ayaa lacagta noo siiyo, nolosha qaarkeed Dowladdu wey bixi, laakin waxay dowladdu bixiso kuma filno waa la kabaa dad kale noo kaba, canshuur wiil kale iyo gabar kale oo dal kale ku nool oo waxay nala wadaagaan jirin oo Diin nala wadaagin oo dadnimo nala wadaagin oo qaaradda aan ku nool nahay ku oolin, war anaga maxaa nahay kan dhuumanaya ee canshuurta ka dhuumanaayo, shabaab ayaa ka cabsanaa Kan leh Dowladda lama shaqeyn karo, war waxaas wax ma ahan howln ma ahan,”.

Madaxweynaha ayaa carabka ku dhuftay in aysan macquul ahayn in ay soo tuugsadaan lacagaha lagu kabo mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha, iyadoo Soomaaliya haysato kheyraad ku filan, waajibaadka Dowladda ayuu madaxweynuhu tilmaamay ka hortagga dadka dhacaya canshuuraha ay bixiyaan dadka kale.

Haddaba inagoo taas ka tixraaceyna muhiimadda ay leedahay canshuurta, waa in bulshada Soomaaliyeed xil iyo ahmiyad gaar ah iska saaraan sidii ay u bixin lahaayeen canshuurta ,ayagana ay dhankooda u heli lahaayeen adeegyada aas-aasiga u ah ee Dowladdu looga baahnaa.