In ka badan 2000 oo Xujay ayaa Dalka dib ugu soo laabtay

xujayda Soomaaliyeed ee soo gutay waajibka Xajka ayaa dalka dib ugu soo laabanaya sida uu Warbaahinta qaranka u xaqiijiyey Madaxa hawlgelinta Gudidda Arrimaha Xajka Soomaaliya Mudane Yoonis Cismaan Axmed.

In ka badan 18 duullimaad ayaa ka soo degay Garoomada Diyaaradaha Soomaaliya kuwaas oo siday 2000, laba kun oo xujay Soomaaliyeed ah,iyadoo sida qorshaha yahay maalmaha fooda nagu soo hayo la soo dhamaystiri doono soo guryo noqoshada xujayda.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sh Mukhtaar Roobow ayaa dhowaan amray in si deg deg ah loo soo amba bixiyo Xujayda Soomaaliyeed ee soo gutay waajibka Acmaasha Xajka kuna soo guryo noqonaya guryahooda.

HALGANKII XORNIMADOONKA URURKII SNL EE GOBOLLADA WAQOOYI EE SOOMAALIYA.

Intii aanan u guda gelin halganka ururkii SNL, marka hore aan dib u milicsanno xaaladda dadka ku nool gobollada waqooyi ee Soomaaliya, waxaa heystay cadaadis iyo gumeysi heer aysan xamili Karin.

Shaqsiyaadkii ugu horreeyay ee ka dhiidhiya cadaadiska gumeystaha Ingriiska ku hayay shacabka, waxaa ka mid ahaa AUN, Xaaji Faarax Omaar, oo ka mid ahaa Shaqaalaha Bad-maaxyada dowladda Ingriiska 1935.

Xaaji Faarax Oomaar, wuxuu billaabay inuu cambaareeyo falalka gumeysi ee uu ku hayo Ingriiska dadkiisa, wuxuu kaloo billaabay inuu dadka kiciyo, kuna booriyo inay ka dhiidhiyaan ficillada gumeysi ee Ingriiska.

Gumeysigii Ingriisku markuu arkay Khatarta uu ku hayo Xaaji Faarax Oomaar, wuxuu u masaafuriyay magaalada cadan oo ahayd mustacmaradda Ingriiska.

AUN, Xaaji Faarax Oomaar, wuxuu halkiisii ka sii waday halgankii uu dadka ku kicinayay, isagoo halkaasi ka soo saarayay Wargeys Afka Caarabiga ku qoran ayuuna si qarsoodi ah ku soo gelinayay Magaalada Hargeysa, Arrintaasi oo Aakhirkii keentay in halgankii uu ballaarto oo shaqsiyaad fara badan u soo kacaan si loo halgamo sidii laysaga xoreyn lahaa gumeysiga Ingriiska.

Dhaq-dhaqaaqii, wuxuu Aakhirkii keenay Ururro Siyaasadeed oo u halgama Xorriyadda Dadka, waxaana ugu weynaa Ururrada, Ururkii SNL, oo la Asaasay 1947.

Haddaba, waxaa xusid mudan, Odayaasha Waqooyi, iyagoo ka shaqeynaya Mideynta Soomaaliya Markay Taariikhdu ahayd 17/7/1947 Baaq qoraal ah u diray, taasoo la mariyay xafiiska maamulka gumeysiga Ingriiska oo xilligaas ka talin jiray Gobollada Waqooyi.

Baaqaasi oo ay u dhamaayeen, Suldaannada, Cuqaasha, Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka ee Dadka Reer Soomaaliland, kuwaasoo kala ahaa:-

  • Suldaan Maxamed Cali Shire
  • Suldaan Cali Muuse
  • Suldaan Maxamed Faarax
  • Suldaan Xirsi C/llaahi
  • Suldan Saciid Cabdi Abbi—Guddoomiyaha Ururka SNS
  • Suldaan Maxamed Jaamac—Xoghayihii Guud ee Ururka SNS
  • Suldaan Cumar Hurreh-Guddoomiyaha Ururka SNS ee Ceer-gaabo
  • Suldaan Xaaji Jaamac Maxamed—Xoghayihii Maaliyadda ee Ururka SNS
  • Suldaan Ibraahim Cali—SNS
  • Suldaan Axmed Suleymaan—Guddoomiyaha Ururka SNS ee Burco
  • Suldaan Cabdi ciise—SNS
  • Suldaan Axmed Maxamuud—SNS
  • Suldaan Yusuf Xaji Adan—SNS
  • Suldaan Maxamed Ciise Daraawiish—SNS Laas-caanood
  • Suldaan Maxamed Ibraahim—SNS
  • Suldaan Aadan Cali—SNS
  • Suldaan Aadan Saciid—SNS
  • Suldhaan Xaaji Aadam Axmed—SNS
  • Suldaan Caydiid Maxamed—SNS
  • Suldaan Xaaji Xasan Geelle—SNS
  • Suldaan Maxamed Kaahin—SNS
  • Caqiil Yusuf Yaasiin Maxamed
  • Caqiil Jaamac Cali Shire
  • Caqiil Maxamed Ula-Joog
  • Caqiil Xaaji Faarax Goodax
  • Caqiil xaaji Diiriye Cabdi
  • Caqiil Cawad guuleed
  • Caqiil Yuusuf Iimaan
  • Caqiil Suleymaan Yuusuf
  • Caqiil Axmed Xaaji Cabdullaahi
  • Caqiil C/raxmaan X. Cali
  • Caqiil Ducaale Cabdi
  • Caqiil Abokor Xaaji Faarax
  • Caqiil Xayd Diiriye
  • Caqiil Maxamuud Cabdi caroole
  • Caqiil Aadan Cabdi—SNS—Berbera
  • Caqiil Sayid C/raxmaan—SNS—Laas-Caanood
  • Caqiil Shiikh C/ullaahi Geelle
  • Caqiil Maxamed Axmed—SNS—Burco
  • Caqiil Cismaan Xaaji Muuse
  • Caqiil Yuusuf Shiikh Cusamaan Nuur—Qaadiriye
  • Caqiil Axmed Shiikh Cismaan Nuur
  • Caqiil Shiikh Xuseen Axmed Daraawiish
  • Caqiil Yuusuf Xirs

Odayaashan ka tirsanaa Gobollada Waqooyi, waxay duqowda ku yiraahdeen, “waxaan dareensan nahay in xaquuqda dadkeenna lagu tuntay, taasoo aan horay noo soo marin, si arxan darro ah loo qeybiyay maadaama dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay kala qebsadeen:

  • Biritish
  • France
  • Italy iyo

Qeybintaasi iy dhibaatooyin fara badan ay ka soo gaartay dadka Soomaaliyeed, caqabad culusna ku noqotay horumarka dalka ee dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Sidaa darteed, waxaan boqortooyada  dowladda Ingriiska ka codsaneynaa in la mideeyo ummadda soomaaliyeed, maadaama hadda dowladda Ingriisku uu gacanta ku hayo dhammaan dhulka soomaaliyeed oo idil, marka laga reebo Jabuuti uu Faransiiska gacanta ku hayo, si loo helo Soomaali Weyn oo Madax bannaan, waxaan Boqortooyada Ingriiska ka fileynaa in dalka iyo dadka Soomaaliyeed Maamulka dowladda Ingriiska ku hayo sidii loo mideyn lahaa, isla markaana waxaan ka rajeyneynaa inaysan markale dhicin sida foosha xun ee ummadda soomaaliyeed loo kala qeybiyay, taasoo aan horay uga dhicin Qaaradda Afrika”.

Nuxurka baaqaasi wuxuu ahaa sidii loo heli lahaa Soomaali Mideysan oo Xor ah, waxayna xilligaasi Soomaalidu aaminsanaayeen in maalin la heli doono Soomaali Weyn oo Xor ah.

Hase yeeshee, Nasiib-darro 70,Sano ka dib in himilladaasi ay burburtay maxaa yeelay Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed 1960,kii  gacanta gumeysiga ka baxday inay maanta noqotay mid kala qeybsan, taasoo ah mid aan farxad gelineynin inta damiir soomaalinimo leh, oo ku abtirsata magaca Soomaaliyeed, balse waxay farxad gelineysaa cadowgeeda.

Haddii, aan usoo noqonno arrintii xornimo-siinta Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya 1945,kii Dowladda Ingriisku ka dhistay Gole lagu magacaabo Golaha la tashiga (Advisory Councel) oo sannadkiiba halmar shirayay.

1955,kii waxay soo saartay sharci lagu magacaabay (The Somaliland Constitution) kaasoo dhaqan-galkiisu dib u dhacay ilaa 1957,kii xilligaasoo la dhisay Golahii ugu horreeyay ee sharci-dejinta ee British Somaliland, oo ka koobnaa xubno isku dhaf ah.

1959,kii waxaa dhaqan galay mar-labaad isla sharciga kor ku xusan ee (The Somaliland Constitution) oo lagu dhisay Gole sharci-dejin ka kooban xubno la soo doortay iyo qaar ku yimid magacaabid.

1960,kii waxaa la qabtay doorasho ku saleysan  isla sharcigii hore, waxaana doorashadaan ka qeybgalay xisbiyadii siyaasadda halkaa ka jiray oo kala ahaa:-

  • Xisbigii SNL
  • Xisbigii USP iyo
  • Xisbigii NUF.

Doorashadaasi, oo lagu tartamayay 33 kursi, waxay xisbiyada siyaasadda u kala heleen sidan:-

  • Xisbigii SNL, wuxu helay 20-Kursi
  • Xisbigii USP, wuxuu helay 12-Kursi
  • Xisbigii NUF, wuxuu helay hal (1) Kursi

Xisbiga SNL, oo ahaa Xisbiga ugu weynaa hormuudkana u ahaa Xorriyadda, wuxuu xiriir toos ah la lahaa Xisbigii SYL ee Koonfurta Xornimada ka dhaliyay.

Markii ay Xornimada qaateen 26,kii Juun 1960,kii waxaa dhacay israacii labada gobol, labada gobo lee Waqooyi iyo Koonfur.

1dii, Luulyo 1960, waxaa abuurmay baarlamaan ka kooban 123, xildhibaan, 90 Xubnood oo ka soo jeeda golahii baarlamaanka ee Koonfur iyo 33 Xubnood oo ka soo jeeda Baarlamaankii Gobollada Waqooyi ee Soomaaliland.

Jagada Guddoomiyaha, waxaa loo doortay Mudane Jaamac C/llaahi Qaalib, oo horay u ahaa Guddoomiyihii Baalamaanka Soomaaliland, kaasoo jagada hayay ilaa Maarso 1969,kii.

Ka dib, Baarlamaanku wuxuu u doortay Madaxweyne ku-meel gaar ah mudane, Aadan C/dulle Cismaan, muddo Hal-Sano ah inta Dastuurka KMG Afti Dadweyne looga Ansixinayo.

Ururkii gobannimadoonka SNL ee Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, waxaa la Asaasay 1947,kii  isagoo magaciisi hore ahaa SNS, waxaana asaasay 18,ka Xubnood ee hoos ku qoran oo kala ah:-

  • Suldaan Saciid Cabdi Abbi— Guddoomiye
  • Suldaan Maxamuud Jaamac—Xoghaye Guud
  • Suldaan Xaaji Jaamac Maxamed—Xoghayaha Maaliyadda
  • Suldaan Cumar Hurre—Guddoomiye Ururka Ceeri-gaabo
  • Suldaan axmed Suleymaan—Guddoomiye Ururka Burco
  • Suldaan Maxamed Ciise Daraawiish—Guddoomiye Ururka Laas-Caanood

 

  • Suldaan Ibraahim Cali— Xubin
  • Suldaan Cabdi Ciise—-Xubin
  • Suldaan Amed Maxamuud—Xubin
  • Suldaan Maxamed Ibraahim—Xubin
  • Suldaan Aadan Cali —Xubin
  • Suldaan Aadan Saciid—Xubin
  • Suldaan Xaaji Aadan Axmed—Xubin
  • Suldaan Ceydiid Maxamed— Xubin

 

  • Suldaan Xaaji Xasan Geelle—Xubin
  • Suldaan Maxamed Kaahin— Xubin
  • Caqiil Maxame Axmed—Xubin
  • Caqiil Aadan Cabdi—Xubin

UJEEDDADA LOO ASAASAY URURKA WAXAY AHAYD:-

  • In dalka laga xoreeyo gumeysiga lana mideeyo
  • In lala dagaallamo Qabyaaladda, Midab-takoorka, Dhaqamada ka soo horjeeda Diinta
  • In Dhallinta wax la baro, laguna baraarujiyo Dhaqankooda Suuban.

Ururka SNL, waxay isku hadaf iyo Ujeeddo ahaayeen Xisbigii SYL ee Koonfurta Soomaaliya ee Xorriyadda u dagaallamayay,waxayna Aakhirkii ku guuleysteen inay labadii Gobol ee Ingriiska iyo Talyaanigu gumeysanayay Xoreeyaan, isla markaana Hal Dowlad ka dhigaan, 1-da Luulyo 1960-kii, iyagoo abuuray Jamhuuriyadda Soomaaliya.

WQ: Dr. Maxamed Isaaq Mursal

 

XEERKII XISBIGA SYL EE XORNIMADOONKA MIDEYNTA UMMADDA SOOMAALEED

Xornimadoonka iyo Mideynta Ummadda Soomaaleed, Magaca Xisbiga, Ujeeddada iyo Xarunta Qodobka kowaad: Magaca xisbiga (Xisbiga Dhallinyarada Soomaaliyeed SYL).

Qodobka labaad: xarunta xisbiga dhallinyarada soomaaliyeed waa xamar, oo ah magaala madaxda soomaaliya, marka xarunta soomaaliya meel kale loo wareejiyo, xisbigu halkaas ayaa xarun u noqon doonta. Qodobka Saddexaad: xisbigu wuxuu laamo ku yeelan doonaa magaalooyinia waaweyn ee gobollada dalka soomaaliya.

Qodobka Afaraad: dhammaan xubnihii naadiga SYC, waxay si toos ah xubno ugu noqonayaan xisbiga SYL, iyadoo magacyadoodu u kala horreyn doonaan sidoodii hore, haysanayana warqadahoodi hore ee aqoonsiga, taniyo inta xisbiga SYL, ka sameynayo warqado cusub ee aqoonsi.

Qodobka shanaad: ujeeddada xisbiga SYL waa:- Inuu mideeyo dhammaan dadka soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada, uuna baabi’yo dhaqammada xun xun oo dhan oo ay ka mid yihiin:- Qabyaaladda, Qilaafka u dhaxeeya dariiqooyinka diinta iwm In dhallin yarada wax la baro, laguna ilbixiyo nolosha casriga ah, laguna baraarujiyo dhaqankooda suuban.

Xubnaha xisbigu waa inay ka hortagaan, iyagoo waddo sharci ah u maraya wax kasta oo danta ummadda soomaaliyeed ka hor imanay. In la qoro afka soomaaliga In la xoreeyo, lana mideeyo dalka iyo dadka soomaaliyeed ee gumeysigu qeybiyay. Maamulka iyo qaab dhismeedka xisbiga. Qodobka lixaad: qaab dhismeedka xisbiga SYL waa :- Golaha dhexe Guddoonka dhexe Guddiga cabashooyinka Guddiyada deegaannada Unugyada deegaannada shirweynaha guud qodobka toddobaad: golaha dhexe ee xisbiga SYL, wuxuu ka kooban yahay 13 xubnood iyo laba kormeere, oo ay iyagu magacaabeen, labada xubnood oo laga soo dhex doortay xubnaha xisbiga SYL.

Qodobka siddeedaad: Waxaa jiri doona guddi qaban qaabo, oo diyaarin doona magacyada iyo habka doorashadu u dhaceyso, tartamayaasha, waxaa la hubinayaa kartidooda wax qabad, guddigan wuxuu xilka haynayaa muddo sannad ah. Qodobka sagaalaad: Codadka codbixiyeyaasha haddii ay isla ekaadaan, codka guddoomiyaha meesha uu raaco ayaa guusha raaceysaa, go’aankana waxaa lagu gaarayaa hal dheeri. Qodobka tobanaad: Guddoomiyaha golaha dhexe ayaa isla markaa ah guddoomiyaha xisbiga SYL.

Golaha dhexe, waxay iska dhex dooranayaan:- guddoomiye guddoomiye ku xigeen xoghayaha guud khasnaji guud kormeere qaabilsan xagga xisaabaadka. Qodobka kow iyo tobanaad: Shirarka golaha dhexe ee xisbiga, waxaa iskugu yeeri kara guddoomiyaha, ku xigeenka ama xoghayaha guud, ka dib marka leysku wada raaco. Qodobka laba iyo tobanaad Golaha dhexe ee xisbiga toddobaadkii mar ayuu yeelanayaa shirkooda caadiga ah.

Kulammo aan caadi ahayn haddii loo baahdo golaha dhexe ee xisbiga waa in 12 saac ka hor la isa soo wargeliyaa. Qodobka saddex iyo tobanaad: Shirka golaha dhexe ee xisbiga, wuxuu ku furmi karaa marka ay goobta joogaan kala bar in ka badan, haddii la waayo tirade shirka ku furmi lahaa dib ayaa loo dhigayaa, dib dambe ayaana la isa soo wargelinayaa. Qodobka afar iyo tobanaad: Awooddda golaha dhexe waxay ku baahsan tahay dhammaan howlaha xisbigu ka wado dalka. Qodobka shan iyo tobanaad: Goleyaasha deegaanka, waxay xisbigu ugu qaabilsan yihiin arrimaha maamulka iyo howlaha gobollada dalka ka socda waxayna leeyihiin guddi howlah u fuliya.

Guddi waliba, wuxuu ka kooban yahay 9 xibnood, wuxuuna xilka haynayaa muddo 6 bilood ah, waxaana lixdii biloodba mar doorta golayaasha degaanka, kuwaasoo iska dhexdoorta xoghaye, isagaana laanta deegaanka madax u ah, guddoomiyaha xisbigana wakil uga ah.

Qodobka lix iyo tobanaad: Guddiga cabashooyinka: wuxuu ka kooban yahay 7 xubnood, waxaana golaha dhexe ee xisbiga ka dhex xushaa xubnaha ugu magic dheer, oo xushmad ku leh xisbiga dhexdiisa. Qodobka toddobo iyo tobanaad: Sida uu qabo qodobada 11, 12, iyo 13 ee xeerkan, sidoo kale, waxaa shirar iyo kulamo qabanaya guddiyada degmooyinka goortii iyo meeshii ku habboon.

Qodobka siddeed iyo tobanaad: Hoggaanka dhexe ee xisbiga SYL, wuxuu ka kooban yahay oo xubno ka ah golaha dhexe, waxayna kala yihiin:- guddoomiye guddoomiye ku xigeenka xoghaya guud qanajiga guud.

Qodobka sagaal iyo tobanaad: Hoggaanka dhexe ee xisbiga ayaa xisbiga mas’uul uga ah arrimaha Diyaarinta dhammaan ajandooyinka golaha dhexe Fulinta dhammaan go’aannada golaha dhexe In ay xubnaha xisbiga u abaabulaan kulamo dhaqameed iyo wacyigelin joogta ah toddobaad walba Qodobka Labaatanaad: Haddii daruufo jiraan oo aan suuragal ka dhigeyn in golaha dhexe shir la isugu yeero sida ku xusan qodobbada 11,12,13, ee xeerakan markaas hoggaanka fulinta ayaa qaadanaya tillaabooyinka loo baahan yahay, dabadeedna soo hordhigaya golaha dhexe, si loo ansixiyo.

Qodobka kow iyo Labaatanaad: guddoomiyaha, kuxigeenkiisa iyo xoghayaha guud, waxay la xiriiri karaan cid saddexaad ama dowlad, arrimo ku saabsan ujeeddooyinka, balse go’aammo lama qaadan karaan oggolaansho la’aanta golaha dhexe ee xisbiga. Qodobla laba iyo labaatanaad: sidoo kale, qodobka kow iyo labaatanaad ee xeerkan wuxuu saameynnayaa guddiyada deegaannada iyo hay’adaha kale ee la midka ah xisbiga.

Qodobka saddex iyo labaatan: goleyaasha deegaannadu waxay xisbiga uga wakil yihiin arrimaha gudaha ee dalka.

Qodobka afar iyo labaatanaad: shirarka guud shirweynaha iyo kulammada guud waxaa isugu imaanaya dhammaan xubnaha xisbiga ee xarunta xamar jooga markaas.

Waxaa kaloo ka soo qeybgalaya dhammaan guddiyada deegaannada, waano shan iyo toban maalmood ka hor taariikhda kulanka qabsoomayo joogaan xamar.

Qodobka shan iyo labaatanaad: shirweynaha xisbiga SYL, sannadkiiba mar ayaa la qabanayaa, haddii golaha dhexe garto inay jirto baahi degdeg ah, waxaa inta xarunta joogta isugu imaan karaan shirweyne aan caadi ahayn, madaxda laamaha gobollada jooga dib ayaa lagala socodsiinayaa go’aamada shirweynaha aan caadiga ahayn.

Qodobka lix iyo tobannaad: fadhiga shir weynaha waxaa la billaabi karaa, haddii ugu yaraan kala bar xubnaha xisbiga ay joogaan degmooyinka xarunta ku taal. Qodobka todoba iyo labaatanaad: shirweynaha xisbigu waa awoodda ugu sarreysa hay’adaha xisbiga.

Xisaabaadka iyo Lacagta Qodobka siddeed iyo labaatanaad: kharashyada xisbiga oo dhan, waxaa oggolaanaya golaha dhexe, lacag hayahu, lacagta xisbigu leeyahay wuxuu ku shubayaa bangiga, loomase oggola inuu bangiga ka soo saaro lacag ka badan shilin soomaali 500, haddii uusan haysan amarka guddoomiyaha ama xoghaya guud ee xisbiga. Qodobka sagaal iyo labaatanaad: xisaabaadka keydka u ah xisbiga, qofna lama deymin karo.

Qodobka soddonaad: labada kormeere ee xagga xisaabaadka qaabilsani waa inay aad ula xisaabtamaan xisaabiyaha, bishii mar waa inay golaha dhexe siiyaan warbixin ku saabsan xaaladda xisaabaadka maaliyadda xisbiga ku sugan yihiin. Qodobka kow iyo soddonaad: xisbigu wuxuu qoranayaa oo uu mushaar siinayaa laban kormeere oo golaha dhexe soo magacowday.

Qodobka soddon iyo laba: golaha dhexe ee xisbigu dhammaadka sannad walba, wuxuu diyaarinayaa warbixin guud oo ku saabsan heerka xisabaadka maaliyadda xisbigu joogaan waxayna warbixintooda hor geynayaan shir weynaha guud oo isna u sii gudbin doona madaxda laamaha guddiyada degmooyinka.

Qodobka soddon iyo saddex: madaxda xisbiga ee degmooyinka ayaa ka mas’uul ah soo ururinta iyo soo gudbinta lacagaha dhigaalka xisbiga, waxayna u gudbinayaan guddoonka dhexe ee xisbiga.

Qof walba oo lacag laga qabtay, waxaa la siinayaa warqad caddeyneysa lacagta laga qabtay caddadkeeda, dhammaadka bil kasta waxaa loo soo gudbinayaa xarunta dhexe ee xisbiga.

Qodobka soddon iyo afar: laamaha xisbiga ee gobollada iyo degmooyinka, golaha dhexe ee xisbigu wuxuu siinayaa lacag ay isaga bixiyaan kharashyada baahidooda ya ku daboolaan.

Soo gelitaanka iyo Anshax marinta. Qodobka soddon iyo shanaad: xisbigu wuxuu xubno u qaadanayaa qofkasta oo dhallinyaro soomaali ah oo firfircoon lehna sharuudahan:- Waa in da’diisu 15 sano ka yaryn Inuu leeyahay dad la dhaqan fiican, oo aan dembi ciqaab lagu muteysan karo horay u gelin, ama hadda aan dacwad ku socon.

Inuusan ka tirsaneyn ururkale oo soomaaliya ka jira Qodobka soddon iyo lix: qof lixdan sano ka weyn xisbiga xubin firfircoon kama noqon karto hase yeeshee, waxay ka shaqeyn karaan horumarka xisbiga iyo taageeradiisa waxaana loo qaadan karaa xubin sharafeed.

Qodobka soddon iyo toddoba: kharshka soo gelitaanka waa shilin soomaali 5 shilin, bishiina waa dhigaal shilin soomaali 1shilin oo bishiiba mar ah. Qofka xubinnimo loo qaato bisha kala barka 15ka, waxaa laga qaadayaa bisha oo dhan. Qodobka soddon iyo sided: qofka doonaya inuu xisbiga xubin ka noqdo arji ayuu soo qoranayaa, waana inuu yahay qof hurnaan lagu yaqaan, waxaana la soo raacinayaa arjiga magacyada laba qof oo xisbiga katirsan oo aad u taqaan, haddii laga shakiyo asluubtiisa dib ayaa loo dhigayaa arjigiisa.

Qodobka soddon iyo sagaal: qofkii muddo lix bilood oo isku xigta aan dhigaalka xisbiga bixin waa laga tirtirayaa diiwaanka xisbiga. Qodobka afartanaad: ciqaabta la marinayo xubinta xisbigaoo xad gudub lagu soo caddeeyo waxaa ka mid ah:-_ Cannaan iyo dabagal in lagu sameeyo In la ganaaxo lacag aan ka badneyn shilin soomaali boqol shilin.

In xisbiga laga saaro Ciqaabta xarfaha a, b, guddiyada degmooyinku way qaadan karaan, balse waa inay la socod siiyaan xarunta xisbiga warbixin buuxda oo dacwadda ku saabsan.

Qodobka afarta iyo kow: haddii xubin xisbiga laga saaray ay racfaan ka qaadato go’aanka xisbiga lagaga saaray oo ay soo weydiisato inay xisbiga dib mar kale xubin uga noqoto, guddiga cabashooyinka ayaa awood buuxda u leh inuu go’aan ka gaaro arrintaas.

Haddii guddiga oggolaado codsigiisa markaa qofka waa inuu bixiyaa ganaax dhan shilin soomaali 150 shilin, muddo sideed iyo toban bilood ka dib go’aaanka guddiga waa in qofka dib xubin xisbi loogu qaato. Qodobka afartan iyo labaad: qofkii iskiis xisbiga uga baxa oo doonaya inuu dib ugu soo laabto waa inuu bixiyaa shilin soomaali 100 shilin, sugaana muddo sannad ah, si uu xisbigu ugu soo noqdo. Qodobka afartan iyo saddexaad: lacagaha xisbiga la siiyo lama celin karo, marka laga reebo lacagta amaahda.

Qodobka afartan iyo afar: haddii xubin xisbiga ka mid ahayd go’aaan lagu gaaro in xisbiga laga saaro ama la ganaaxo lacag ka badan 50 shilin, xubintani racfaan ka qaadato go’aanka guddiga cabashooyinka ayaa kama dambeyska ah.

Qodobka afartan iyo shan: qofka doonaya inuu xisbiga xubin ka noqdo waa in marka hore loo aqriyaa xeerka iyo ujeeddooyinka xisbiga iyo sharuudaha midnimada.

 

Haddii qofka intaas oggollaaday ka dib, waxaa lagu dhaarinayaa inuu dadka iyo dalka soomaaliyeed daacadnimo ugu shaqeyn doono. Tilmaamaha daryeelka xubinta.

Qodobka afartan iyo lixaad: haddii xubin xisbiga ka mid ah ay dhibaato ku dhacdo, wuxuu xaq u leeyahay inuu kaalmo soo weydiisto xisbiga, waxaa arrintaas go’aan ka wada gaaraya golaha dhexe iyo guddiyada degmooyinka.

Qodobka afartan iyo toddobo: goobaha xisbiga oo dhan, waxaa laga furayaa dugsiyo waxbarasho waxaana dhiganaya oo wax lagu barayaa xubnaha xisbiga iyo caruurtooda.

Qodobka afartan iyo sideed: dhammaan dhaliilaha xubnaha xisbiga ooku saabsan siiyaasadda iyo maamulka xisbiga, waxaa si toos ah loogu soo qorayaa golaha dhexe ee xisbiga.

Gebagebo: Qodobka afartan iyo sagaalaad: xeerkaan waxaa wax ka beddeli kara shirweynaha xisbiga Qodobka kontonnaad: wax ka beddelka xeerkaan waxaa cod hal dheeri ah ku ansixin kara shirweynaha xisbiga.

WQ: Dr. Maxamed Isaaq Mursal

 

Wasiirka Gaashaandhigga oo kala wareegay hoggaanka ATMIS Lix Saldhig (WARBIXIN)

Horumar la taaban karo ayay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaareen, waxa ayna maalintii khamiista aheyd ku dhawaaqeen in ay ku guuleysteen in ay la wareegaan fariisimihii ay hore u hayeen 2,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM. Tallaabadan ayaa ku soo beegantay iyadoo qeyb ka ah qorshe dhimis lagu sameeyay ciidamada ATMIS-ka, taasoo calaamad u ah tallaabo muhiim ah oo laga qaaday dadaallada socda ee lagu xoojinayo hay’adaha amniga Qaranka Soomaaliya.

Howlgalka ATMIS oo ka kooban ciidamo ka kala socda dalal kala duwan oo Midowga Afrika ka tirsan ayaa muddo dhowr sano ah si firfircoon uga howlgalayay Soomaaliya. Joogitaankoodu wuxuu ahaa mid muhiim u ah taageeridda dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagula dagaallamayo kooxaha xagjirka ah iyo xasilinta Qaranka. iyadoo horumarka socda ee dib-u-habaynta laamaha amniga ee Soomaaliya, dhimista ATMIS-ka ayaa la filayay inayqayb ka ahaato istaraatiijiyadda fog ee dowladda si ay si tartiib tartiib ah ula wareegto mas’uuliyadda buuxda ee amniga dalka, waxayna  Qabashada masuuliyaddaasi ay ku guulaysteen XDS ay ka dhigan tahay guul weyn oo hawshan laga gaaray. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxa ay ku guda jireen dib u habeyn ballaaran iyo dadaallo kor loogu qaadayo tayada shaqada, iyadoo ay taageerayaan saaxiibada caalamka, si kor loogu qaado waxtarkooda iyo awoodooda shaqo.

Xilwareejintan ay ciidamada ATMIS-ku ku wareejiyeen ciidamada XDS waxayna daliil u tahay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay xoojinta awooddeeda difaac. Maadaama Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed uu qaadayo mas’uuliyad weyn, dowladda iyo saaxiibadeeda caalamiga ah waa in ay sii wadaan in ay gacmaha isqabsadaan si loo xaqiijiyo guulaha socda ee dib-u-habeynta laamaha amniga, iyadoo Dhimista ciidamada ATMIS ay Soomaaliya u tahay fursad, haddii la isku dayo, qaranku wuxuu dhisi karaa mustaqbal xasilloon oo ammaan ah.

Haddaba ATMIS ayaa 7-dii bishan qabatay munaasabad rasmi ah oo ay ku wareejisay DFS Lix fariismo oo ay horey uga howgali jireen Ciidanka ATMIS, iyadoo soo gabagabeysay wajigii koowaad ee dhimista ciidamada. Dukumentiga rasmiga ah ayaa waxaa u saxiixay oo ku wareejiyay Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, waxaana warqadahaasi u saxiixay Amb. Souef Mohamed El-Amine iyo Madaxa UNSOS, Aisa Kirabo Kacyira oo ku sugan Xarunta Ciidamada ee Muqdisho. Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) Ambassador Mohamed El-Amine Souef, ayaa sheegay in ATMIS ay weli ka go’an tahay xaqiijinta hannaan kala-guur oo hufan oo wax-ku-ool ah oo aan waxyeello u geysanayn amniga dadka Soomaaliyeed iyo kuwa ay kasbadeen, waxay u tahay guulo amni oo la gaaray, wuxuuna xusay in ATMIS ay u heellan tahay ammaanka Soomaaliya, isla markaana ay rajaynayso wejiga xiga ee duullaanka ay Soomaaliya hormuudka ka tahay, kaas oo hoos u dhigi doona awoodda Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, xoojinta xasilinta iyo xoreynta bulshooyin badan.

“ATMIS waxay si guul leh u hirgelisay dhimista 2,000 oo askari. Ujeeddada dhimista ayaa ahayd in la fududeeyo in si tartiib tartiib ah xilalka amniga loogu wareejiyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya,” ayuu danjire Souef u sheegay Suxufiyiinta shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda Muqdisho, isagoo Saxafiyiinta kula hadlayay Xarunta Ergada Khamiistii, danjire Souef ayaa sheegay in si guul ah loo soo gabagabeeyay qeybtii hore ee wejiga ka bixitaanka aysan sinnaba u dhimin ka go’naanta howlgalka nabad-dhisidda, xasilinta iyo dadaallada dib-u-heshiisiinta, isagoo intaasi raaciyay in ATMIS ay sii wadi doonto wadashaqeyn dhow oo ay la leedahay DFS, UN, iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah si ay u sameeyaan qiimeyn farsamo oo wadajir ah Agoosto 31-keeda, si loo qiimeeyo loona qorsheeyo Wajiga labaad ee dhimista.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa qiray doorka muuqda ee ATMIS & bahwadaagta ay ka geysanayaan nabadda iyo amniga Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in wax-qabadyadaasi ay ka soo baxeen natiijooyin wax ku ool ah, isagoo muujiyay horumarka muuqda ee Soomaaliya, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in DFS ay magacaabi doonto koox-hawleed, si ay uga qeybqaataan qiimeynta wadajirka ah, isagoo hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay qiimeynta iyo qorsheynta wadashaqeynta.

“Waxaan maanta si rasmi ah ula wareegney xaruumihihii ay ku sugnaayeen 2000 oo ka mid ah ciidamada ATMIS, waxaana si buuxda ula wareegey CXDS. Tani waa guul aad u weyn oo si wada jir ah loo gaaray, waxayna ka marqaati kacaysaa horumarka ay gaareen CQS”, sidaasi waxaa yiri Wasiirka Gaahaandfhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur. “Dowlada Soomaaliya waxaa ka go’an fulinta in ay amnigeeda si buuxda ula wareegto dhamaadka 2024-ka”, ayuu sii raaciyay Wasiirku.

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UNSOM, Catriona Laing, ayaa ammaantay Amb. Souef Mohamed El-Amine, waxayna si gaar ah uga go’an tahay horumar degdeg ah isagoo ah hoggaamiyaha guddiga Midowga Afrika, iyadoo iftiiminaysa nooca wada shaqayneed ee shaqadooda, waxay qiratay dadaalka wadajirka ah ee AU, UN, DFS, iyo wadamada ciidamada ka jooga – Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia, iyo Djibouti, waxayna amaantay naf-hurnimada Dalalkan iyo ciidamada amniga Soomaaliya, iyadoo carrabka ku adkeysay baahida loo qabo qiimeyn farsamo oo wadajir ah, si loogu wargaliyo qorsheynta wajiga labaad iyo dhimista mustaqbalka. Sidoo kale waxaa xaflada ka soo qayb galay ATMIS PC, Hillary Sao Kanu, SafiiradaTalyaaniga Amb. Alberto Vecchi; Kenya Amb. Thomas Chepkuto; Uganda Amb. Nathan Mugisha iyo madax kale oo ka tirsan DFS iyo ATMIS.

XUSKA 27-KA JUUN EE XORIYADDA JABUUTI (WARBIXIN)

Shacabka reer Jabuuti waxa ay ka mid yihiin shucuubta Soomaalida ee ku nool geeska isla markaana nasiibka u helay in ay ka mid noqdaan deegaannada Soomaalida ee la isku oran jiray dhulkii udugga,waxayna halgan adag u soo galeen sidii ay u noqon lahaayeen dad xor ah oo leh dowlad madax-bannaan.

Sanadihii 1839-gii waa markii ugu horeysay ee gumeysiga Faransiiska uu sahan ku tagay dalka Jabuuti,isagoo ku andacooday in uu raadinaayo goobo uu ka fushado danahiisa sida  Xeebaha badda Cas ,wuxuuna Jabuuti ugu magac-daray dhulka Faransiiska  ee Somaliland,kadib markii sanadihii 1869-1888-dii uu heshiis la galay odoyasha beelaha ,si ay ugu ogolaadaan  in gacankaTajura uu ku darsado magaalooyin uu horay u heystay sida Obokh,Dikhil iyo  kuwo kale.

Xilligaasi waxaa sidoo kale Gobolada Woqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya ka socday gumeysi la mid ah kan Faransiiska,oo ay horkacayeen Ingiriiska iyo Talyaaniga, waxaana qabsashada dhulka Soomaalida ay  dhaliyeen in la mideeyo awoodda dadka, meelna looga soo wada jeesto quwadaha shisheeye ee geyiga u yimid in ay ka gurtaan kheyraadka dabiiciga ah ee dhaxalka umadda.

Dhaq-dhaqaaqyo xornimo doonka ah oo loogu magac daray xoreynta xeebaha jabuuti ,ayna horkacayaan dhallinyaro isku baheystay Ururka Somal Pan, ayaa bartamihii qarnigii 19-aad ka bilowday gudaha dalka Jabuut,,iyagoo taageero ka helay

Ururkii Dhallinyarada Soomaaliya ee SYL, tallaabadaasina waxa ay noqotay bilow wanaagsan oo loo qaaday raadinta xornimo taam ah oo dhameystiram.

Sanadihii1958-dii dowladda Faransiiska oo taageero ka heystay qaar ka mid ah odayaasha beelaha iyo kuwo daba-dhilif ah ,ayaa qabtay afti dadweyne oo ku saabsan in Jabuuti ay ku sii jirto maamulkii Fransiiska iyo in ay qaataan madaxbannaani,waxaana arintaasi ay ku dhamaatay in dadka Jabuti ay ku sii jiraan maamulkaasi.

Codeynta aftidaasi,oo lagu tilmaamay in ay ku dhacday qaab ku shubasho ah oo ay daneynaayeen Faransiiska,waxay kalliftay in shacbiga Jabuuti ay colaad iyo naceyb u qaadaan maamulkii Jabuuti ee taabacsanaa gumeysigii Faransiiska,

Siyaasiyiin badan oo uu kamid ahaa Maxamuud Xarbi ayaa dadaal u galay in Jabuuti ay la midowdo Soomaali,isagoo xilligaasi ahaa  ku xigeenkii golaha xukuumadda ee maamulka dhulka Faransiiska,wuxuuna  sanadkii 1960- ku dhintay shil diyaarad oo lagu micneeyay in uu ahaa shirqool ay maleegeen cadowga shisheeye.

Maxamuud Xarbi oo ahaa siyaasi jeclaa midowga dadka Soomaaliyeed,kana horjeeday gumeysiigii Faransiiska ee qabsaday Jabuuri, waxa uu muteystay oo abaal ahaan uu u helay in lagu qoro diiwaanka halgamayaasha Soomaliya,isagoo si gaar ah  loogu magac daray dugsi ka mid ah kuwa ku yaalla Muqdisho ,

Dhinaca kale,Cali Caarif Burhaan ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii ku caanbaxay naceybka midowgii dadka Soomaaliyeed,wuxuuna sanadihii u dhaxeeyay 1960-66-dii ,isagoo la safan maamulkii gumeysiga Faransiiska uu si cad u muujiyay sida uu uga horjeedo in lagu biro bahweynta Soomaaliyeed.

Sanadkii 1967-dii, Faransiiska iyo maamulkii been abuurka ahaa ee loo sameeyay Jabuuti,waxaa,iyagoo raadinaya kalsoonida shacabka ay magacii dhulka Faransiska ee Soomaaliland ku baddaleen dhulka Faransiiska ee Canfarta iyo Ciisaha.

Toban sano ka dib,afti la qabtay 8-dii May 1977-dii  dadka reer Jabuuti,ayaa u codeeyay in ay doonayaan madax-bannaani,waxaana bil kadib 27-kii June 1977-dii loo dareeray doorashooyin uu ku soo baxay madaxweynihi i ugu horeeyay ee dalka Jabuuti Mudane Xasan Guuleed Abtidoon oo talada ka dagay sanadkii 1999-kii.

Wafdi ka socday Dowladii Mileteriga ee Soomaaliyeed oo uu hoggaaminaayey Xuseen Kulmiye Afrax Madaxweyne ku xigeenkii, ayaa ka qeybgalay xafladdii caleeemo saarka madaxweynaha cusub ee Jabuuti ,waxayna shacabka dalkaasi la qeybsadeen farxadda iyo dabbaaldegyada loo sameeyay maalinta xoriyadda iyo dhalashada dowladda cusub.

Inkastoo lagu guuleystay helitaanka xornimo taam ah iyo dowlad cusub oo ay heleen Jabuuti,haddana,waxaa halkaasi ku soo gabagabobay dadaal socday 1960-77-dii oo Dowladdii Rayidka iyo Dowladdii Mileteriga ee Soomaaliya ay u galeen sidii dadka Jabuuti ay wax ula qeybsan lahaayeen bulsh weynta Soomaalida.

Dad badan ayaa  naftooda ku waayay intii uu socdayhalgankii reer Jabuuti ,kuwo kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo naafeeyay xubno kamid ah jirkooda,halka  sidoo kale ay jireen  kumanaan ruux oo laga masaafuriyay dalka Jabuuti iyo qaar kale oo laga buuxiyay xabsiyo gaar ah oo ay maamulayeen gumeysiga Faransiiska.

Maanta oo ah 27-ka Juun ee xuska sanadguurada 44-aad ee ka soo wareegatay markii dalka Jabuuti uu sandkii 1977-dii xoriyaddiisa ka qaatay Faransiiska,waxaa dabbaaldegyo iyo xaflado lagu maamuusaayo maalintaasi ay ka kala dhaceen Magaalooyin ka mid ah Jabuuti Soomaaliya iyo kuwo kale.

Munaasabaddaan  oo ah mid sanadle oo lagu soo bandhigo halgankii ay dadka Jabuuti u soo galeen xoriyadda iyo sida loo sii xoojin karo howlaha ku aadan horumarka socda ayaa xilligaan ku soo beegantay markii shanaad ee xilka madaxtinimada dalka Jabuuti uu ku guuleystay Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska munaasabadda sanadguurada 44-aad ee ka soowareegatay markii la helay xoriyadda dalka Jabuuti aawadeed u diray guud ahaan shacbiga Soomaaliya,gaar ahaan dadka  reer Jabuuti ee ku kala nool gudaha dalka iyo dibadda.

Sidoo kale, madax ka tirsan Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta dalka ,ayaa iyaguna dhambaal hambalyo ah oo la mid ah kaa u diray shacabka iyo xukuumadda reer Jabuuti

Dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay dalka Jabuuti,waxa uu ku tallaabsaday horumar lixaad leh oo ka muuqda kaabayaasha dhaqaale ee dalkaasi,waxaana arrinkaasi sababay dhulka Jabuuti oo Istraatiiji ahaan kullaala badda Cas yo gacanka Cadmeed islamarkaana xuduudo la leh dalalka Soomaaliya,Ereteriya iyo Itoobiya,

WQ: SONNA

 

TAARIIKHDII HALGAMAA CABDULLAAHI CIISE MAXAMUUD

Halgame Cabdullaahi Ciise Maxamuud, wuxu ka mid ahaa dadka Soomaaliyeed ee sida wayn uga soo qayb qaatay Halganka Xuriyad raadinta Soomaaliya.

Waxa uu ku dhashay Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha hoose, sanadkii 1922-kii, Dhamaadkii 1943-kii, C/llaahi Ciise, wuxuu ka mid noqday Golihii Dhexe ee ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed.

15-5-1947-kii, Waxaa loo doortay xoghayaha Guud ee Ururkii Dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL.

1947-dii bishii November halgame C/llaahi Ciise Maxamuud, waxa uu gudoomiyay fadhigii taariikhiga ahaa ee golaha dhexe ee S.Y.L ku gaareen in mudo 10 sano ah oo xornimo lagu gaarsiiyo koonfurta Soomaaliya.

31-10-1948 Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxay u direen Xoghayihii guud ee Qaramada Midoobay ee xiligaas warqad ay ku sheegayaan in Soomaalida oo dhan ay doonayaan inay Xuriyad qaataan.

Maarso 1949-kii Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu tagay xarunta Qaramada Midoobey ee New York halkaas oo uu ka waday Diplomaasiyaddii uu xoriyadda raadinta Soomaaliya.

1956-1960-kii C/llaahi Ciise wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaarihii ugu horeeyay ee Soomaaliya, ee xukuumadii daaqiliga, waxaana 12/4/1960-kii wuxuu saxiixay, isla markaana soo saaray wareegtadii lagu dhisay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna darajada Sareeye Guuto u dalacsiiyay una magacaabay Taliyihii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Allaha u naxariisto General Da’uud Cabdulle Xirsi.

Wixii ka danbeeyay 1960-kii markii Soomaaliya ay xuriyadda qaadatay wuxuu qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Caafimaadka, iyo wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.

Ugu danbayntii 24/3/1988- kii Halgame C/llaahi wuxuu ku geeryooday Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

WQ: Osman Dhiblaawe

26-KA JUUN MAALINTA XORNIMADA GOBOLADA WOQOOYI (WARBIXIN)

26-ka Juun waa maalin taariikh wayn ku leh Ummada Soomaaliyeed, islamarkaana ku daabacan qalbiga shacabka, kuna abuurtay dareen hiloow farxadeed leh,  waxayna qiimahaasi ku mutaysatay in ay tahay markii ugu horeysay ee laga dul qotomiyo ciid Soomaaliyeed calan xor ah.

Halgamayal badan ayaa u soo kifaaxay hanashada xoriyadda, gaar ahaan gobalada waqooyi,kuwaas oo isugu jiray qaar  halgan muddo badan socday oo qaraar la galay Saancadaalihii gumaysiga,waxaanna ka xusi karnaa oo ka mid ahaa Sayid Max’ed Cabdulle xasan, Shiikh Bashiir, Xaaji Faarax oomaar iyo  Xisbiyadii S.N.L IYO USP.

Dhanka kale, waxaa kaalin tiir dhexaad ah ka qaatay halgankaas Abwaanno Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Barkhadcas) iyo Abwaan C/llaahi Suldaan(Timacadde).

Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde), oo ku caanbaxay marinta gabayada dhiirigalinta ah iyo kuwa gumeysi diidka ah,wuxuu bartamihii kontameeyadii, ka qayb galay halgankii gobanimadoonka ee ka hanaqaaday gudaha dalka, gaar ahaan gobollada waqooyi, isagoo markiiba ku biiray Xisbigii SNL oo ay xaruntiisu ahayd magaalada Hargeysa.

12-kii Saqdii dhexe ee 26-kii Juun 1960kii waa habeenkii guusha iyo markii ugu horaysay ee calan xor ah laga taago ciidda Soomaaliya, iyadoo munaasabaddii dabbaaldegga gobanimada ee ka dhacday beerta Xoriyadda magaalada Hargaysa uu halkaasi ka mariyay gabay ku qormay quluubta umadda Soomaaliyeed, kaas oo ahaa Kaana siib Kanna saar Abwaan C/llaahi Suldaan Timacadde.

Xilligaasi guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed waxay daremayeen neecaaw xornimo oo ka curatay dhulkii Soomaaliyeed ee isticmaarku kala qaybiyay, waxaana bulshada ku nool goballada waqooyi ay muujiyeen dareen wadaniyadeed oo heerkiisu sareeyo, dabbaaldegyo iyo damaashaad ka dhacay beerta Xoriyadda hargeysana.

Waxaa marag ma doonta ah in Murtidii iyo hal abuurkii abwaanada Soomaaliyeed ku maamuuseen xornimadii gobollada waqooyi, iyo midawgii labada gobol ay ka soo maaxatay maskaxdii hal abuuradii Soomaaliyeed ee intooda badan ka soo jeeday gobolada waqooyi.

Abwaanadaasi maskaxdooda shiilay ee shacbiga dareensiiyay qiimaha xoriyadda waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Abwaanada kala ah C/llaahi Qarshe, Xuseen Aw faarax dibbad, Cali Sugulle oo ku magac dheeraa (Dun carbeed)  iyo Abwaan Axmed Suleyman Bidde, sidoo kale Fanaaniintii ku luuqeysay heesihii qiirada lahaa waxaa ka mid ahaa Max’ed Sulaymaan, Max’ed Axmed Kuluc iyo kuwa kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

Sanad guurada 61-aad ee ka soo wareegatay xornimada gobolada woqooyi,waxay shacbiga soomaaliyeed ka baran karaan cashar ku saabsan sidii lagu keenay Calanka iyo siday lagama maarmaanka u tahay in loo adkeeyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, loona xalliyo wixii tabasho ah ee jira.

26-ka June 1960-kii waa markii ugu horreysay ee Calan Soomaaliyeed laga taago Gobollada Waqooyi ee dalkeenna,loona diyaargaroobay in lala midoobo Gobolada Koonfureed oo si wadajir ah loo dhisto maamul dowladnimo oo ay u dhan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Xuska 26-ka juun ayaa qeyb ka ah dabbaaldegyo loogu talagalay todobaadka xoriyadda oo ka socda gudaha dalka,waxaana habboon in dadka soomaaliyeed ay u istaagaan hagaajinta muuqaalada deegaanka,gaar ahaan dhismayaasha ku yaalla hareeraha wadooyinka, lagana lulo Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya si loo maamuuso todobaadkaasi nagu wayn.

Xuska iyo Waynaynta Maalmaha Qaranimada, waxay ku abuurayaan dhallinyarada dareen wadaniyadeed oo ay wax kaga baranayaan waayihii iyo duruufihii adkaa ee naf iyo maalba lahaa ee laga soo maray hanashadii Maandeeq oo curatay 26kii June isla markaana Mataanaysay 1-dii July 1960kii.

Abuukar Gob-doon

 

TAARIIKHDII MADAXWEYNE AADAN CABDULLE CISMAAN (AADAN CADDE)

Mudane Aadan C/lle Cismaan Daar waxuu ahaa Madaxweynihii ugu horeeyay ee Jamhuuriyada Soomaaliya, Wuxuu kaalin muhiim ah oo aanan la iloobi Karin ka soo qaatay Halgankii Gobonimada doonka umada Soomaaliyeed ee lagu raadinayay Xuriyadda.

EEBE ha u naxariistee Marxuum Aadan waxaa uu dhashay sanadkii 1908- dii waxaana uu ku dhashay magaalada Balad wayne ee xarunta Gobolka Hiiraan, Wuxuu wax barashadiisa ku qaatay magaalada Muqdisho iyo dalal dibadda ah.

1944-tii wuxuu ku biiray Ururkii Dhallinyarada ee Gobanimadoonka Soomaaliyeed ee SYL, wuxuuna ururka ka noqday xubin firfircoon isagoo ka qabtay xilal kala duwan oo sar sare.

1960-kii markay xornimada qaadatey Jamhuuriyadda Soomaaliya ayuu noqdey Madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Soomaaliya oo si Dimuqraadiyadi ku jirto loo doortay.

Intii uu xilka haayay wuxuu aad ugu dadaalay, sidii ay xuriyad u heli lahaayeen Goballada kale ee Soomaaliyeed ee wali ku jiray Gacanta Gumaystaha, samaynta Shuruucda dalka, Sare u qaadidda Waxbarashada, Dhismaha Ciidammada iyo Arrimo kale oo muhiim ah.

Madaxweyne Aadan Cabdulle wuxuu xilka Madaxweynaha Soomaaliya haayay intii u dhaxeysay 1960-kii ilaa iyo 1967- kii, wuxuuna noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee Afrikaan ah oo si Dimuqraadiyad iyo Wadaninimo ku jirto uga daga xilka madaxweynanimada.

Dadka yaqaanay Madaxweynaha waxay u ku tilmaamaan inuu ahaa nin Waddani ah oo jecel dadka iyo dalka, sidoo kalana aanan waligiis lagu tuhmin kala fogaynta dadka iyo waxa loogu yeero Musuqmaasuqa.

Allaha u naxariistee Bishii June 8-dii, 2007-dii ayuu Mudane Aadan Cadde Madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya, ku geeriyoodey magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

SYL Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL waxaa la aasaasay 1943-dii, waxaa ay ahaayeen dhallinyaro da’doodu u dhxeeya 15-33 jir, waxay u midoobeen sidii dalkaan oo markaas gacanta ugu jiray Gumaystaha ay xuriyad u gaarsiin lahaayeen.

Waxaa jiray qodobo ay ku heshiiyeen Dhallinyaradaan kuwaas oo ay sal dhig u ahaayeen.

1-In laga wada shaqeeyo sidii loo gaari lahaa Soomaaliya oo xor ah.                                                        2-In hal meel looga soo wada jeesto oo lala dagaallamo Gumaystaha.                                             3-In leesku keeno dhammaan Dadka Soomaaliyeed ee uu Gumaystaha kala qayb qaybiyay.                                                                                                                                                       4-In laga fogaado Qabyaalada iyo wax kasta oo keeni kara Qilaaf iyo Dadka Soomaaliyeed ay kala qaybsamaan iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Ururkii SYL si deg deg ayuu ugu baahay dalka oo dhan ka dib markii uu xafiisyo ka furtay goballada dalka oo dhan waxaana Durbadiiba taageeray qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed kuwaas oo dhammaantoodba u oomanaa Xuriyada.

Haddaba aan xasuusano Magacyada 13- kii dhalinyaro ee SYL kuwaasi oo kala ahaa.

  • Maxamed Cali Nuur 2- Dheere Xaaji Dheere. 3- Huudoow Macallin Cabdullaahi 4- Maxamed Faarax Hilowle. 5- Daahir Xaaji Cismaan Dhega wayne. 6- Cismaan Geedi Raage. 7- Cali Xasan Maslax Barduuro. 8- Cabdiqaadir Shiikh Sakhaawadiin. 9- Maxamed Cabdulaahi Xayeysi. 10- Yaasiin Cismaan Sharmake. 11- Xaaji Maxamed Xuseen Maxamed. 12- Maxamed Xirsi Nuur siidii. 13- Maxamed Cisman Baarbe.

Ugu danbayntii Dhallinyaradaan Soomaaliyeed ee ku midaysnaa SYL waxay ku guuleystay 1960-kii inay Xuriyad gaarsiiyaan Goballada Waqooyi iyo Goballada Koofureed, iyadoona maanta lagu naaloonayo Xurriyadaas qaaliga ah.

WD: Waaxda Qoraalka iyo Wargeysyada

 

MA GABOWDO GOBONNIMADU

In kastoo Gu’yaal iyo Gu’yaal laga joogo haddana ma aha wax si fudud lagu iloobi karo xorriyaddii laga qaatay Gumeystayaashii reer Yurub waxaana xusuusan doona jiilba jiilka ka sii dambeeya si ay u kala dhaxlaan waxna ay uga ogaadaan.

Way mudan tahay in Sannad kasta loo sameeyo Ubax-dhig iyo Dabaaldegyo fantasyo badan oo lagu soo dhaweenayo Maalintii Xorriyadda waana astaan qaali ah oo sharaf Soomaaliyeed aysan ka horreeynin.

Akhristayaal haddii aan idin xusuusino dhibaatadii Gumeystaha Talyaaniga iyo Engriiska oo ay kala gumeysanayeen Gobollada Waqooyi iyo Koonfur dhaqamada xun ee u kala gaar ahaa mid waliba wuxuu lahaa xeelado iyo farsamooyin uu wax ku gumeysto oo u gaar ah.

Gobollada waqooyi wuxuu barey Engriisku qabyaalad, dhul-goosi oo loo yaqaano soohdinta oo wali ku dambeysa Soomaalida dhexdeeda iyo awood isu sheegasho sida loo kala xoog badan yahay la isu xoog sheegto.

Madaxda Ingriiska oo ka talinaysay dhulka Soomaalida waxay ku amri jireen in asiga iyo xaaskiisa iyo alaabtiisaba la xambaaro laguna geeyo Magaalada, xoolaha ay rabaana waa loo qali jiray habalaha Soomaaliyeed middii ay doonaan ayeyna ka xeysan jireen iyaga oo cidna uga amar qaadan ayey ku amri jireen dadka Soomaaliyeed oo ay gumeystaan.

Waxay kaloo iska qalan jireen Xoolaha Soomaalida neefkii ay doonaan ayena dhihi jireen hanaloo keeno, waxa ay rabaan ayey iska qaadan jireen.

Haddii aan u soo laabano dhinac Koonfureed ee uu Talyaanigu gumeysan jiray waxaa uga sii darnaa dhaqamadiisii xumaa inuu dadka Soomaaliyeed uu ka dhigan jiray buundooyin uu uga gudbo biyaha asigoo isdul saari jiray tiro dad ah si ay ugu noqdaan boonto isaguna aysan uga qooyan kabaha iyo dharka uu sito dad badan ayaana ku naf waayey arrintaas qaabka daran ee ciqaabta ah oo uu sameyn jiray Gumeystuhu waxaana ka mid ah meelaha dadka ay ku naf waayeen keliga lagu magacaabo Keli Asayle.

Waxaa kaloo intaa u sii dheer wuxuu leyn jiray dadka caaqiliinta ah iyo Culimaa’udiinta iyo geesiyaasha halka adag ee aan Alle mooyee cid kale aan ka cabsan ee geesiyaasha ah, waxaa ka mid ah meelaha dadkaas lagu laayey: Shabeellada hoose, Gobolka Banaadir, Shabeellada dhexe, Gobollada dhexe oo ay u bixiyeen Farooje.

Soomaalida wuxuu ku ugaarsan jiray Masaajidda dhexdooda iyo meelaha lagu shiro ee dadka ay isugu yimaadaan asigoo adeegsanaya kuwo jaajuus u ah oo Soomaalida ka mid ah kuwaasoo u keeni jiray xog walboo ay u baahan yihiin.

Si kastaba ha noqotee nolosha Soomaalida waxay soo martay gumeysiga noocyadiisa kala duwan waxaana ka mid ahaa Dhul-goosi, is adoonsi oo ah heerka kala iibsiga dad badan ayuu dibadaha u qaatay oo aan dib loo arag maadaama uu gumeysan jiray Engiriiska Waddamo badan oo Caalamka ka mid ah qof walbo meeshii uu geeyey ayuu uga tagey taa ayaana sababtay in la waayo dad badan oo waddamadooda laga qaaday meelo kalena loo raray.

Mar haddii aan ka baxnay gacantii gumeysiga waa cusubna uu noo baryey beegsanaynan dabeysha xorrnimada iyo horumarka adduuyada ee xornimada ku saleysan waddankuna uu hadda leeyahay aqoon yahan caalamka iyo sida loogu dhaqmo wax ka fahamsan iyo Culimaa’udiin ku xeel-dheer Diinta Islaamka looma baama baahna inaan wada wax qabsanweyno sababtoo ah waddo ayaa dhul lagu maraa aqoontuna waa waddo waxayna keentaa is maqal iyo wada tashi waayo addoomada Muslimka ah Ilaahay wuxuu leeyahay toosanaada oo tashada waad guuleysaneysaane, waxaase wali inoo muuqanaya kuwo badan oo kalsooni daro qaba fahamsan keliya siduu dilaal ugu noqon lahaa shisheeyaha ee aan fahamsaneyn siduu hogoon ugu noqon lahaa dalkiisa si asiga uu dilaal loogu noqdo una ahaado mid sharaf iyo karaamo leh.

Sida aan ognahay haddii lag xoroobo cadowga oo uusan kuu muuqan wax cadow ah oo ku heysta waxaa kula jooga oo talo kaala dhexeysaa kuwo maskaxda aan ka xoroobin kuna jira habeen madow oo mugdi ah adna aad u heysato dad wax arka oo iftiin fadhiya laakiin ma aha.

Haddaba maqaalkeena waxaan kusoo gabo-gabeynaynaa tix suugaan ah oo uu tiriyey Abwaan C/salaan Axmed Gabeyre wuxuuna yiri abwaanku asigoo cabiraya darreenkiisa sidatan:-

Waxay tahay Dowlidnimo, anigoon hoos u daadageyn, haddaan dusha kaaga maro waxay tahay Dowlidnimo cirkoo maalmahaa da’oo, Dhulkuna wada dibaaxiyey, oo doogga iyo cowska dareemada dushaa taal, mirihiim ka soo da’ay dacalka isa saaren, ama doonyo raranoo ganacsiga duceysani dusha qalab ka saareen, guri lagu dakeeyiyo Dowlidnimadu waa Nabad, Dowlidnimadu waa Sharaf waa gogol dugsoonoo dadku u siman yahay, colaaddu waa damiinimo waa dib u dhac gooni ah, waa daruufo xoogliyo duufaan dhaceysiyo dibin daabiyo ciil, waa daano iyo cudur jahligaa ku diirsada, haddaan Dowlidnimo iyo dugsi nabadi taaliyo, daryeelkaa bulshada iyo waa dagel barwaaqa ah,waa daasha daashiyo nabad lagu dakeeya,a dowladnimada waa saas isku duubni shacabkoo, danta guud ilaaliya ogow nabaddu waa daah.

Akhriste haddii aad ogaatay dhibaatada ay colaadda ay leedahay iyo waxa keena colaadda waa in aad ka fogaataa wax kastoo keeni kara colaad ama abuuri kara tuhun iyo in ay dadka ay kala fogaadaan isna aamini waayaan, waxaana ka mid ah af xumada, qabyaaladda, eexda iyo nin jacleysiga ku dadaal wanaagga iyo isku duubnida.

Caddaaladda ayaa ugu horeysa waxa bani’aadamku isku jaclaado naceyb iyo kala fogaashana waxaa keena caddaalad darro eex iyo nin jacleysti boob hanti-yadeed iyo maamul-xumo. Meel kastoo aad joogto mudane hagaaji codkaaga iyo camalkaaga soona jiido afkaarta kaa fog iyo kuwa war-xumo tashiilku uu beebtu usheego dulqaadka badi aad guulaysatide gacanta haka hadlin ee xaajeeyso oo caqligu ha taliyo samre sad ma waayo ayey Soomaalidu ku maah-maahda dulqaadka badi aad guuleysatide.

WQ: Abwaan C/salaan Axmed Gabeyre

DADOOW DOWLADNIMO LAABTA KA OGAADA

Soomaaliya markay xurnimada qaadatay habeenkii Calanka Jamhuuriyadda la saarayay lana dejinayay kuwii gumeystaha aniga waxaan ahaa 6 jir gacanta laga hayay oo waxay waalidkey ii sheegeen inay habeenkaas ila taagnaayeen goobta calan saarka ee fiisho governo.

Waxaan soo garaadsaday iyadoo ay shaqeynayso dowlad aan isleeyahay waxba idinkama haleynin, oo waxaa dhisnaa waxyaabo badan oo dowladnimada looga baahnaa, sida waxbarasho lacag la’aan ah, isbitaallo lacag la’aan ah iyo amaan sugan, waxaana 9 jirkeygii ley geeyay iskuul, kaasoo lagu magacaabi jiray (gardana masaya) kolkii dambana dowladdii kacaanka u beddeshay Dugsiga hoose/dhexe ee Macallin Jaamac.

Dugsigani wuxuu ku yiillay halka maanta loo yaqaanno guriga hooyooyinka ee ka soo horjeedka Golaha Murtida iyo Maddaddaalada National Theatre-ka Muqdisho Soomaaliya.

Dugsiyada xilliyadaasi caanka ahaa ayuu ka mid ahaa iskuulka Media Centeraale, oo dowladdu u bixisay dugsiga Bartamaha, sidoo kale, waxaa caan ahaa dugsiga Allaahida oo masaarida wax ka dhigi jirtay, dugsigii kolleejo nova somalo, dugsigii Yusuf Al-kowneyn, dugsigii iskola Comerciale, dugsigii xamar jabjab sidoo kale waxaa jiray machadyo sida machadkii sidam iyo kuwo kale oo fara badan, jaamacadaha ayaa iyagana ahaa kuwo faro kutiris ah sida jaamacaddii umadda, lafoole iyo gahayr, xilliyadaasi waxbarashada dalka way dhisneyd waana nidaamka dowladnimada sida laga rabo.

Sidoo kale, ciidammada ayaa ahaa kuwo aan darajadooda lagu helin ama lagu qaadan si fudud, dalkuna wuxuu lahaa kuuliyado lagu tababaro saraakiisha sida kuuliyadda Jaalle Siyaad, sidoo kale ciidammada ayaa heegan ku ahaan jiray xeryahooda, halka maanta aan weli waxbadan laga qaban xeryihii ugu caansanaa dalka.

Habeenkii 1969-kii maalin talaado ah 21-ka Oktoobar aniga oo subaxaasi aaday iskuula ayaa waxaa nalaga soo celiyay isgoyska ceelgaabta waxaana meelwaliba ku go’naa dabaabaad waxaana dadka guryahooda ku celinayay ciidankii sameeyay inqilaabka waxaana la dhihi jiray kacaankii 21-ka oktoobar

Si kastaba ha ahaatee, waxaan dareennay haddaan aheyn shacabkii waagaasi joogay dalka in biloowgii kacaanku uu qabtay howlo muhiim ah oo loo baahnaa sida ololihii waxbarashada oo ugu mihimsanaa wixii la soo qabtay horumar iyo dadaal ay muujiyeen golahii kacaanka sare balse gadaal dambe culeys badan ayaa la dareemay.

1973-kii waxaan ka mid ahaa ardaydii loo diray in ay dadka gaarsiiyaan iftiinka waxbarashada ee markaasii dowladdu aad ugu howlaneyd waa oOlolahii Horumarinta Reer Miyiga, waxaan halkaasi ka billoway anigoo arday ah in aan magaca dowladnimada ugu shaqeeyo bulshadeyda soomaaliyeed aana noqdo mid nasiib u helay inuu dalkiisa kala dagaallamo saddaxda cadow mid ka mid ah oo ah jaahilnimada.

sidoo kale, waxaana nasiibkaasi helay arday badan oo waagaasi ila eyni ahayd ama iga waa weynaa, laakiin waxay ahayd markii ugu horreysay ee aan dareemo mas’uuliyad dowladnimo in ay isaaran tahay.

Waxaan reerkeyga uga fogaaday iyagoo aan jecleyn in aan habeenna ka soo dhaxo waxay ahayd waddaniyadda iyo dowlad jaceylka ay qabeen iguna soo barbaariyeen in aan dalkaan u taagnaado horumarkiisa iyo wanaagiisa.

Xilligaasi shacabka soomaaliyeed waxay ahaayeen kuwa waloolo ah oo isku laab xaaran lamana aqoon xumaanta iyo luggooyada maanta jirta oo kale, ninna nin kale kuma mashquuli jirin dalkana wuxuu ahaa barwaaqo iyo nimco.

Ujeeddada taariikheyntaydu waxaa weeye in aan dowladnimada lala garab dhigin wax walba oo ka soo horjeeda.

Haddaan dib u fiirsho dhaqanka dowladnimada ee xilligaas, waxaa muhiimadda ugu weyn la saaray dhanka amniga iyo ammaanka muwaadinka soomaaliyeed iyo bad qabkiisa, qof wuxuu soconayay saacadduu doono meeshuu doonana waa tegayay isagoo xor ah, shaqaalaha dowladdu waxay ahaayeen kuwo aan marnaba lagu murmin mushaaraadkooda oo waxaa si weyn loo adkeeyay la dagaallanka musuqa waxaana jiray sharci adag oo la yiraahdo xisaabi xil maleh, waxaana la gaarsiiyay sharcigan ilaa heer la toogan karo qofka haddii ay xisaabta uu dhacay gaadho malaayiin, sidoo kale waxaa lala xisaabtami jiray qofkii lagu eedeeyo waxa loo yaqaanno qaa’in waddanka.

Sidaadaba, waxaa habboon in dadka la baro dal jaceylka iyo waddaniyadda waana Meesha aan isleeyahay wax badan ayaa dhiman, qofka Soomaaliga ah waa in laga dhisaa dhanka waddaninimada iyo dal jaceylka iyo horumarinta si uu fekerkiisa ugu darsado in ay jiraan dal iyo dad isaga u baahan, isla markaana la baro in uusan dalkiisa dhicin qiyaamin, wax xunna uusan ku sameynin.

waa in ardaynimada lagu baraa oo lagu daraa muqararrada lagu dhigo fasallada sida taribiyada wanaagsan, waa inay dugsiyada iyo jaamacadaha ka soo baxaan arday waddaniyiin ah oo jecel dalkooda iyo dadkooda, hadda waa la helaa dhallinyaro aad u dal jecel laakiin waxaa sidoo kale jira kuwo kale oo kuwasi cagsigooda ah, waana kuwaas kuwa la doonayo in la baro waxa ay tahay dowladnimada.

Qodob muhiim ah haddaan ku sii darsado waa habboon in dowladdu uruuriso xanaaneyso dhillinyarada kala duwan ee ku dayacan hareeraha iyo daafaha magaalooyinka kala duwan ee dalka, kuwaasoo gaaraya tiro aad u badan oo haddii la jiheeyo dalka wax badan u tari lahaa.

Dowladnimadu waxay la dagaashaa wixii xun oo dhan iyo wax ka sii badan oo bulshada lagu ilaaliyo lagana ilaaliyo kuwa doonayay inay diirtaan dal iyo dad kuwaasoo aan waxba reebin una aaba yeelin saqiir iyo kabiir, waana waxa dowladnimada loo jecel yahay, dowladnimada waa tan naga horjoogta in maalinta cad leys furto ama leys dilo, waxba leysu reebi mayo haddaan dowladnimo jirin.

Ciidammada kala duwan waa halyeeyada u taagan sugitaanka amaanka dalka lamana helayo haddii dowladnimada la waayo, sidaa daraadeed ciidammada waa sal dhigga dowladnimada waana inaysan marnaba ku biirin siyaasadda waayo iyagu waa ilaaliyaha dalka iyo dadka iyo sugitaanka amaankooda, waa midka u taagan xasiloonida iyo deggenaashaha, waa ilaaliyeyaasha sharciga waa kuwii soo qaban lahaa kuwa ku xadgudba sharuucda dalka ku heshiiyo.

Dowlad waa ileys shida, waa nuur aan la qiyaasi Karin waase markii dowladdaasi tahay mid daacad ah oo aan caloosheed la ciyaar aysan noqon, waxaa ku diirsada oo ku noolaada kuna daaqsada dhammaan dad iyo duunyaba, waxayna dadkeeda ka heshaa duco iyo ammaan aan caadi ahayn.

Halkaan laguma soo koobi kari macaanka dowladnimadu leedahay ee dadow kol waliba xigsada dowladnimada, waayo waxaa laga helaa faa’iido badan oo aan halkaan lagu soo koobi Karin lamana helayo wax loo dhigo dowladnimada ee dadow halagu fara adeego, Caalamku waxay yaqaaniin dowladnimo ee ma yaqaanaan qabaa’illo iyo ururro ujeedkooda yahay wax dumin, taasbaana idinku adkeynayaa ee dadkeygoow ogaada dowladnimo.

WQ: Osman Dhiblaawe