WAA MAXAY SABABAHA LOO AANEYNAYO ISBEDDELKA CIMILLADA?

Sida ay ku soo warameen aqoonyahannada ama khuburrada cilmiga Sayniska ayaa sheegay arrimaha loo sababaynayo isbaddalka cimillad Afrika gaar agaan Soomaaliya.

Bulshada ku nool Afrika ayaa inta badan nolashooda ku tiirsan tahay cimillada maadaama nolasha boqolaal milyan oo qof oo Afrikaan ah ay ku tiirsan tahay roobka.

Cimillada qaaradda oo aan isku mid ahayn aadna u kala geddisan, ayaa sababtay in isbadalka cimillada Afrika laga fisho waxyaabo badan oo la yaab leh gaar ahaan Soomaaliya.

Heerka isbaddalka cimillada Soomaaliya ee laga filan karo ayaa ah mid baaxad leh oo ballaaran.

Koonfurta iyo woqooyiga soomaaliya ayaa ah labada meelood oo cimilladood u dhaxeeeyo farqi aan badnayn walow ay xiliyada qaar aad u kal duwan yihin.

marka la eego heerka la qabsiga iyo u dulqaadashada isbadalkaasi cimilada ayaa ah mid aad u hooseeyo marka loo fiiriyo dunida inteeda kale.

fakhriga iyo saboolnimada la dagtay Soomaaliya ayaa miisaanka dhibatada cimillada sii cuslaynaya, halka dowladduna ay ku guuldaysatay in arrintan isbadalka cimilada ay muhiimad gaar ah siiso, amaba xil wayn iska saarto, walow aysan dadka iyo dawladuba ku baraarugsanayn cawaaqibka ama dhibka ka dhalan kara haddan hadda laga hor tagin.

haddii laga tusaalo qaadan lahaa Cimillada qaaradda Afrika ayaa ah mid aad u kala geddisan oo aan hal dhinac laga eegi karin.

Lama degaanka Saxaraha ayaa ah lama degaanka ugu ballaaran caalamka isla markaana ugu kulul caalamka.

sida ay sheegeeen quburada Cilmiga Sayniska iyo saadaasha hawada Laga soo billaabo 1960 waxaa aad u soo yaraanayay roobabka ka da’a qaaradda Afrika, gaar ahaanna waddamada ku yaal saxaraha iyo kuwa ka hooseeyba, arrintaa oo markii dambe sababtay macalluul galaafatay nolasha boqolaal kun oo qof isla markaana ay ku barakeceen malaayiin qof oo kale.

Soomaaliya isbadaka cimida in wax badan iska badaleen waxaa laga ogaan karaa, sanadkii waxaa ka da’a sadex xili roobaad oo kala ah Xagaaga, Dayrta iyo Gu’ga, xiligan aan ku jirno waa xiliga Dayrta mana di’in roobkii lagu yaqaanay, mana gaarsiisna.

Isbaddalkaasi cimillada Afrika ayaa horseeday duufaannada Idai iyo Kenneth bishii Maarso ku dhuftay waddamada Mozambique, Zimbabwe iyo Malawi.

Duufaanta Kenneth ayaa qaaday waddo aan laga filayn oo waxa ay martay qeybo ka mid ah dalka Tanzania.

Horumar badan ayaa hadda laga sameeyay saadaasha hawada balse dhibaatadu wali waa mid taagan.

taariikh ahaaan Soomaliya waxay soomartay abaaro aad loogu hoobtay ama logu dhammaaday Dad iyo Duunyaba, kuwaas oo laga dhaxlay Gaajo, Macaluud, Barakax iyo Qaxooti intaba.

Marka laga soo tago goballada qaar wali lama arag abaar sidaa u daba dheeraata dunida inteeda kale Isbadalkaasi ayaa la saadaalinayaa in uu ka sii dari doono tobanaanka sano ee soo socda.

Sida badan dadka Soomaaliyeed iyo Dowladdooduba maahan kuwo cashar ka qaata oo ka gaashaanta si aysan mar kale u soo noqon,taa badalkeeda waxay kaalmo way diistaan beesha Caalamaka.

kaalmada beesha caalamka maahan wax si bilaash ah lagu siiyo ee waa dayn ama amaah la sii siinayo oo hadhow laga doonayo, kaalmadu waxay ka kooban tahay lacag caddaan ah, raashin aan sida badan tayo dhawr la soo marin oo liita soomaaliyeey [ qoom bahani gob maahan].

Dalka Edatorial

 

 

 

 

 

TASHI IYO TALO GUUD HALA GAARO

Adduunyadu way ka guurtay koox koox iyo qoys qoys intaba, waxayna u guurtay midow iyo is xulufeysi si ay u yeelato awood dheeraad ah, xoog iyo isku duubni waxaana taa daliil u ah Gumeystayaashii reer Yurub iyo Amerika oo awal qeybsanaan jiray markii ay heer ka gaareen awoodda dhaqaale, siyaasadeed iyo awood maletari intaba, waxayna usoo jeesteen inay koox koox u midoobaan ka soo bilow labadii Jarmal, midowgii Yurub, Mareykanka oo ka kooban in kabadan 50 state.

Anagoo tusaale iyo aragtiba ka qaadaneyna ayaa Buugaani waxa uu wax badan ka talo bixinayaa midnimada iyo wadajirka inay wax ku tahay ummad kasta oo ku dhaqan adduunyada guudkeeda, baaba’eeda iyo jabkeeduna uu yahay burburka colaadaha iyo is dilka,

Waxaa tacab iyo talaba ku hagaagaan danta guud inay ka midoobaan dhammaan Ummadda si ay u gaaraan tooda gaarka ah, markii danta guud ay hagaato ayaa midda gaarka ahna la gaaraya umadduna ay horumar iyo barwaaqo gaareysaa ee qolo qolo iyo qabyaaladi waxba kuma hagaagaan ee dib udhac uun baa laga dhaxlaa, taana khibrad ayaan u leenahay haddii aanahay Soomaali.

Waxaa buugaani talooyin badan idin ka siin doonaa faa’iidada guusha midnimada asigoo kuu soo gudbinaya suugaan qoraal ah oo ka hadlaysa dhaqanka siyaasadda iyo amniga, waxaad kaloo ka heli doontiin talooyin wax ku ool ah oo isugu jira murti iyo maah maahyo, dhaqan iyo hidaha Somaaliyeed kuwaaasoo kobcin doono maskaxda ruux kastoo akhriya ama dhegeysta.

Hadaba yuusan ku dhaaafin akhriste Buugaan talo iyo tusaaleba ay ku dhan yihiin.

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa Talo adaa ku noole ee iyada kuguma noola, waxaana taa macnaheedu yahay inaad isku hagto caqliga Ilaahay ku siiyey iyo talada middeeda wanaagsan, sidaas ayaana loo yiri adigaa ku noole iyadu kuguma noola, waxaana aad iyo aad u wanaagsan mar kasto kula soo dersaan dhibaatooyin xagga nolosha ama nabadda iyo amuur kaloo rabi keenay inay xigto talo hagaagsan oo lagu xiliyo si looga gudbo caqabadaha markaas taagan loona gudbo jawi nabadeed ileen Ilaahay swt wuxuu Caqliga noosiiyey oo xooluhu noogu duway inaan ku fikirno oo aan ku maareyno dhibaatooyinka nasoo wajaha,amuurkastana aan uga gudubno Samir iyo dulqaad iyadoo la eegayo danaha guud iyo kuwa gaarka ah intaba, sidaas ayaana lagu gaaraya liibaan adduun iyo mid aakhiro.

WQ: Abwaan Gabeyre

DABAAL DEGGA MAALMAHA XORRIYADDA WAA MID SOO JIRTAY MUDDO DHEER.

Marka laga soo bilaabo maalintii gobonnimada laga qaatay gumeystayaashii reer Yurub dalkeenana uu ka xoroobay dhibaatooyinkii gumeystaha waxaa loo ciyaaray Ciyaaro iyo damaashaad iyadoo loo tiriyey heeso kala nooc ah iyo gabayo, ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo lagu maamuusaayo maalmaha gobonnimada dalka.

Haddaba, haddaan dib u milicsano fagaarayaashii dabaal degga iyo xafladaha ay ka dhici jireen waxaa ka mid ahaa Ex-baarlamaan, fagaaraha weyn ee Tarbuunka. Waxaa kaloo aad loo qurxin jiray bilicda Magaalada waxaana aad sare loogu qaadi jiray bilicda iyo Nadaafadda magaalooyinka oo dhan, waxaana nadaafad aad u sareysa laga qaban jiray dhammaan magaalooyinka waa weyn ee dalka, iyadoo lagu maamuusayo oo lagu soo dhaweynayo maalmaha Xorriyadda.

Hadaba, markii la gaaro xilliyada xafladaha iyo munaasabadaha waqtigeeda waxaa ka qeyb qaadan jiray oo fantasyo iyo gaadi ka ciyaar kala duwan ku gaaf wareegaayey ciidamada Booliska, Maletariga oo ay hor kacayaan ciidamada Kumaandooska, kuwa cirka oo iyaguna kaga qeyb qaadanaya gaadi ka ciyaar iyo diiyaaradaha dagaalka ee loo yaqaano Miig 21, 17 iyo 19.

Waxaa kaloo iyaguna fagaaraha maraya macallimiinta wasaaradda waxbarashada oo ay hoggaaminayaan Jaamacdaha iyo dhammaan dugsiyada hoose/dhexe iyo sare.

Sidoo kale, wasaaradda caafimaadka ayaa iyadana kaga qeyb qaadanaysa iyadoo shaqaalaheeda ku labisan yihiin labiskooda u gaarka ah.

Waxaa kaloo ka qeyb qaadan jiray wasaaradaha howlaha guud, shaqadaha iyo shaqaalaha iyo dhammaan shaqaalaha rayidka oo aan kala maqaneyn iyagoo ka kala socda dhamaaan hay’adaha kala duwan ee Dowladda iyagoo waliba ku labisan astaamahoda gaarka ah.

Maalmaha xorriyadda waxay ka dhici jireen dalka oo dhan iyo meel kastoo ay Soomaalida ay joogan, waxaana maal mahaas aad loo xusi jiray oo loo soo hadal qaadi jiray Geesiyaashii gobonnimadoonka ahaa oo ay ugu horreeyeen ururkii gobonnimadoonka ee SYL iyo geesiyaal ay ka mid yihiin Axmed gurey, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Dhagax tuur iyo Xaawo Taako iyo kuwo badan oo u dhintay gobonnimada darteed.

Marka ay dhacayaan feystayaasha iyo xafladaha noocaan oo kale ah waxaa maalmo badan laysla qadeyn jiray saaxiibada iyo dadka qaraabada ah oo aan muddo isu imaan iyadoo laysku heli jiray meelo badan oo ay ka mid yihiin fagaarayaasha lagu soo ban dhigo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka.

waxaa kaloo aad isu beddeli jiray dadka labiska ay soo xidhaan maalmahaas mudnaanta gaarka ah ugu fadhiya qarannimada ummadda Soomaaliyeed oo kasoo baxday maalmihii mugdiga una soo baxday iftiin iyo muuqaal aan weligeed arag.

Si kastaba ha noqotee maalmaha xorriyadda ma ahan kuwo la inkiri karo amase markii la doono laga jeesan karo, waa xilli iyo farxad ka dhexeysa ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogto, sababtoo ah haddii aysan xornimo jirin Dowladnimo ma jirto, diin majirto, dal ma jiro dadnimo ma jirto horumar iyo nolol midna ma jirto, sababtoo ah bin’aadam kale ayaa ku gumeysanaya waana sababta Geesayaal badan naftooda u hureen, ma jirto Alle mooyee cid kaloo madax loo raaric karo ama mudan in loo qushuuco, haday dhacdose waa dulli ayaa dushaada saaran Aakhiro iyo Adduunba.

Haddaba Soomaaliyey, gobonnimadii laga soo maray dhibkaas oo geesayaasha badan u geeriyoodeen oo hantida badan u baaba’day haddii aan maanta dayacno soo ayaan darro ma ahan, sow haadu inay ku cunto ma ahoo cid waliba inay ku cunto ma ahan.

Dib u fiiri gobonimada sidii lagu gaaray ama lagu helay, aaway midnimadii, cod iyo calafba in la mideyo ayaa calan lagu difaacaa, cidla lagama helo calan iyo ciid iyo waliba shacab oo aan dowlad laheyn.

Muwaadinoow ilaali calankaaga iyo ciidaada xilweyn baa kaa saarane yaan dhankaaga loogu soo dusin cadow ha u nugleyn, hadaad calankaaga dayacdo adey ceebta kuraacdaa berri waadna calaacali doontaa, ciidda waa naga dhexeysaaye cidna ha ugu darnaan difaac ciidaada iyo calafkaaga, daneystuhu yuuna waxkuu yeerin, yaan lagugu dirinoo ha noqon tabacane shisheey, kuwa ay ku adegtaan gumeystuhu waa laalush qatayaasha iyo damiir-laawayaasha lug gooya dadka iyo dalka, kuwa kala dila ummadda oo ugu sheekeeya qabyaalad iyo waxyaabo aan nacfi laheyn ka fogow agtooda yeysan bohol kaa ridine adduun iyo aakhiro waxba kuuma kordhiyaan, Ilaah ayaa dadka ciseeya oo gaarsiiya sharaf iyo mansab ruuxii uu la doono.

Mar haddii sidaa tahay, ka fogow beenta iyo walaahowga oo naftaada yeynan been kuu sheegin.

WQ: Gabeyre

TAARIIKHDA AUN MAXAMED XAAJI IBRAAHIM CIGAAL

Allaha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa uu ku dhashay 1928 magaalada galbeed ee Ood weyne sanadkii 1928-kii.

Waxbarashada dugsiga hoose oo uu Cigaal ka bilaabay dugsiga hoose ee Berbera iyo Burco.

Waxaa kale ee uu wax ka bartay Dugsiga Sheikh Intermediate School ee Sheekh, ka dib markii uu ka qalin-jabinta waxa uu aaday Cariga England si uu waxbarashada dheeraad ah ugu soo qaato halkaasi, Yaraantiisii wuxuu ku barbaaray magaalooyinka Burco, Berbera iyo Sheekh, oo uu ku dhameystay waxbarashadiisii malcaamadda qur’aanka ilaa iyo dugsiga Sheekh.

Waxbarasha sare ayuu u tegay oo la xiriirtay xagga ganacsiga Magaalada London, ee Waddanka Britain, waxaana uu dalka dib ugu laabtay, horraantii sanadihii kontomeeyadii oo xilligaasi ay aloosneyd dabeyshii xornima-doonka xisbigii SNL.

Sanadkii 1956-dii Allaha U Naxariistee Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal waxaa loo doortay in uu noqdo Xoghayihii guud ee xisbiga SNL, ee u halgamaayey xornimadii Gobolada Waqooyi, bishii May 12-keedii, sanadkii 1960-kii, Allaha U Naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, wuxuu gacantiisa ku soo saxiixay, in Gobolada Waqooyi ay xornimadeeda ka qaadato Dowladda Ingriiska taariikhdu markii ay ahayd 26-ka Juun ee sanadka 1960-kii, waxaana Cigaal ku wehliyay heshiiskaas, Rag ay ka mid ahaayeen Cali Garaad Jaamac, Xaaji Ibraahim Nuur, Axmed Keyse Ducaale, iyo Maxamuud Cabdi Carraale.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Allaha u naxariistee wuxuu noqday hoggaamiyihii u horreeyey ee Gobolada Waqooyi, kadib markey xornimadeeda gaartay 26-kii Juun sanadkii 1960-kii, Khudbad dheer oo taariikhda ku xusan oo Cigaal u jeediyey golihii wakiilada ee Gobolada Waqooyi sanadkii 1960-kii, markii xornimada uu soo sexeexey waxa kamid ah ahaa ereyadeedii, “Waxay ila tahay in la wada maqlay koloneel secretary-ga waxa ay jawaabtiisi noqotay, arinkii sidii aynu doonaynay inuu u dhacay inaad kulligiin ka wada dharagsan tihiin baan u malaynayaa.

Maalintii aanu nimi ee Isniintii ayaanu hadalkii istaarnay markaa waxaa weeyaan in Dawladda Ingiriska ay awalba u sii go’neyd waxa ay doonayaan inay ina yiraahdaan, hasa ahaatee midbaa meesha ku jirtoo waxaa la hubinaayay, waxan la doonayo ee dawladnimadan la doonayaa in ay tahay mid dadku wada doonayaan, dad u qalmana gacantooda ay galayso inay tahay ina kale ayaa la hubsanaayay.

Markii taasi caddaatay maalintii Arbacadii galinkii dambe ayuu yimid koleneel secretraygii Markaa dabadeetan khudbaddan imika la sheegayo ayuu akhriyay, hadalka waxa weeye guntiisi bishaa July kowdeeda, inaynu dawlad ahaanno si aynu walaaladeenn Soomaaliya isu raaci karno ayuu guntiisi noqday.

Markey taariikhdu ahayd 1dii Luuliyo 1960kii waxaa midoobay goboladii waqooyi iyo koonfurta Soomaaliya halkaasi ooy ka dhalatey Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaa markiiba talada wadanka loo caleemo saaray Mudane Cabdullaahi Ciise iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo xubno kale oo ka kala socday labada deegaan ee midoobay. Markey taariikhdu ahayd, 20kii Luuliyo 1961kii waxaa la ansixiyey Dastuurka Soomaaliya (1961).

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal markii uu yimid Muqdisho isaga Guddi kale oo loo xilsaaray inay Calanka Soomaaliya geeyaan Koonfurta Soomaaliya oo iyana markaasi Xorriyaddii ka qaatay Gumeystihii Talyaaniga ayaa waxaa la isku raacay in loo doorto Madaxweynaha Jamhuuriyadda cusub ee Soomaaliya C/laahi Ciise halka Raiisul-wasaarana loo magacaabay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal 26-kii Juun sanadkii 1960-kii, waxayna xilka hayeen ilaa iyo 1-dii Luuliyo 1960-kii.

Xilalkii ugu muhiimsanaa ee Cigaal soo qabtay waxaa ka mid ahaa:

wuxuu noqday Wasiirkii gaashaandhigga ee ugu horreeyey Soomaaliya, kadibna C/rashiid oo ra’iisal wasaare ahaa ayaa isku shaandheeyay golihii Wasiirada,ka dibna Cigaal waxa uu noqday wasiirkii waxbarashada, bartamihii 1962-kii ayuu iska casilay jagadaa kadibna isaga iyo Sheekh Cali Ismaaciil Yacquub iyo Sheekh Cali Jimcaale ayaa waxay aasaaseen xusbigii SNC, markii dambena wuxuu ku biiray xusbigii SYL.

10-kii July 1967-kii, wuxuu noqday Cigaal ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, markii Cabdirashiid Cali Sharma’arke loo doortay xiligaasi madaxweynihii Soomaaliya, Cigaal mar kale ayaa loo doortay jagadaasi ra’iisul-wasaaraha doorashooyinkii 1969-kii, balse 21-kii Oktoobar 1969-kii markii inqilaabka milatari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyad Barre, uu ka dhacay Soomaaliya.

Maxamed Ibraahim Cigaal wuxuu ahaa Ra’iisul wasaarihii ugu dambeeyey ee dowlad soomaaliyeed oo la doorto, waana la xiray, wuxuuna Cigaal Xabsiga ku jiray ilaa iyo 1981-kii bishii February, marka laga reebo muddo sanad ka yareyd oo ahayd 1975-tii ilaa iyo 1976-kii, oo mar loo magacaabay Danjiraha Soomaliya u fadhiya New-Delhi ee dalka Hindiya, kadibna islamarkiiba xabsiga ayaa lagu celiyey.

1985-tii waxaa jirtay mar loo magacaabay Cigaal Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, laakiin kumuu raagin jagadaasi, ee wuu iska casilay markiiba.

W D: C/laahi Ruush

 

XEELADDA AYAA KA WAXTAR BADAN XOOGGA SHEEKO (QEYBTA 1AAD)

Naasir Maxamed Waliid wuxuu ku dhashay magaalada taraabulis ee caasimadda dalka liibiya sanadkii 1959-kii.

Wuxuu ku soo koray nolol aad u adag oo qalafsan daruufo iyo dac-darrooyin faro badanina ay ku gadaamanyihiin,  qoyskiisana asagaa hormuud u ahaa oo markuu qaan-gaaray ayuu dhabarka u ritay inuu masuuliyadda iska saaro sidii uu waalidkiis u barbar istaagi lahaa maadama ay aad u tabaalaysnaayeen.

Hooyadiis waxay ka shaqayn jirtay howlaha guryaha sida nadaafadda lacag aad u yar ayayna ka soo heli jirtay, taasoo ay isku dayi jirtay inay nolosha qoyska qeyb ahaan ku maarayso.

Naasir  wuxuu hadda iyo jeer dareemi jiray qalbi jab iyo walwal maadaama ay xaaladdau aad ugu xumayd, qoyskiisuna ay silac iyo dandarro ku noolaayeen, wuxuuna isku dayi jiray inuu shaqo walboo ka soo hor baxda qabto si uu quudka maalinlaha ah ee waalidkiisa iyo walaalihiis u helo.

Asagoo 13 jir illaa 14 jir ah ayuu go’aan buuxa ku gaaray inuu geed gaaban iyo mid dheerba u fuulo sidii uu nolosha qoyskiisa u maarayn lahaa, Hooyadiisna uga nasin lahaa howsha adag ee ay subax walba u kallahdo.

Haa Sidaas ayuu maagaanaa balse waqtigaa ciilay oo riyooyinkiisii oo dhami Hal bacaad lagu lisay ayay noqdeen, wuxuuna galay ciiri iyo caloolyow maxaa yeelay haba yaaraatee wax shaqo ah oo uu u gacan taago ayuu waayay,wuxuun u tacabiray dalka deriska ah ee lubnaan.

Sanadkii 1973 nasar da’diisu waxay ahayd 14 sanadood, xilligaa waxaa dalka lubnaan ka aloosnaa dhibaatooyin iyo nabad-galyo xumo.

Maalin maalmaha kamida naasir oo dalkaa ku sugnaa ayaa rasaas lagu furay , 4 kamida raasta ayaana dhabarka kaga dhacay ka dibna isbitaal ayaa loola cararay.

Hooyadiis ayaa maqashay inuu wiilkeedii dhaawac halis ah yahay oo uu nolol iyo geeri u dhexeeyo, isbitaalna jiifo murugo iyo muraara-dillaac ayaana soo food-saaray.

Hooyada maskiinta ah waxay uga tagtay isbitaalkii uu ku jiray oo inta badan way la joogi jirtay, markay ka maqantahay oo qif kale uga tagtona dhegta ayaa u taagnayd oo had iyo goor waxay u darbanayd inay hesho war ama wicaal la xariirta xaaladda wiilkeeda.

Maalin maalmaha kamida waxaa soo gaartay xog naxdin leh oo tilmaamaysa inuu geeriyooday, waxayna degdeg u aadday  isbitaalkii uu ku jiray.

Intii ayay jidka kuu sii jirtay waxaa maankeeda ka guuxaysay oo maskaxdeeda laba rogaysay tiiraanyo daran, maxaa yeelay wiilkeeda aad ayay u jeclahayd, wuuna caawin jiray oo maaraynta nolosha qoyska ayuu Kala qeyb-qaadan jiray.

Markii ay gaartay isbitaalka waaxaa loo sheegay inuu wiilkeedii dhintay, baabuurtii meydkiisa qaadi lahaana la diyaariyay oo dhawaan la soo aasi doono, ayana ayadoo aad u murugaysan ayay isku diyaarisay sidii ay janaasadiisa u raaci lahayd.

Meydkii waxaa la saaray gaari aanbalaas ah wayna la dhaqaaday, baabuurtii kale ee la socatay way daba-galeen oo dhinicii xabaalaha ayay abbaareen.

Waddadu waxay ahayd mid xoogaa raf ah, dabayl xoog lihina waa ay socatay oo gaadiidku way ruxmayeen ama jagjagtoodaa badnayd.

Markii cabaar la sii socday waxaa dhacay wax la yaab leh oo dadkii aanbalaaska saarnaa irkag ku noqday tolow maxa ahaayeen?.

Gaariga oo meel jidku god ka yahay Sui dhaafaya ayaa xoog u ruxmay ka dibna waxaa la arkay nashaxkiioo dhaqdhaqaaya oo waliba nuux nuuxsi joogto ah samaynaya.

Naasir Hooyadii waxay la socatay gaariga aanbalaaska ah, waxayna ahayd qofkii koobaad oo dareemaya inuu naxashku dhqdhaqaaqayo, ka dibna waxay dadkii la socday ku tiri”ma indhahaygaa mase meydku wuu nuux nuuxsanayaa”.

Intaa kuma ekaane waxay ku qaylisay jooji gaariga, wuxuuna darawalkii hakad ku galay waddada dhinaceeda, ka dibna waxaa baaritaan loogu dhaqaaqay naxashkii.

Durbadiiba waxaa la ogaaday in ninka meyd ahaanta loo sidaahi uu noolyahay oo aanu Dhiman, waxaana degdeg loogu celiyay isbitaalkii.

Hooyadii iyo dadkii kale naxdintii iyo murugadii farxad baa u badashay inkastoo uu wiilku xaalad culus ku jiray, waxaana la xaqiiqsaday inuu xanuunka qalalku ku  dhacay oo xubnihiisa dhaqdhaqaaq laga waayay ka dibna meyd la mooday balse uu nool yahay.

WD: Abwaan Hareeri

 

) TIXANAHA SHEEKADA MAANO FAAY (QEYBTA 46-AAD

Alla waa Injineer Axmed Jaamac!” “Maxaa daaray?”

“Baabuuraa dardaray, waa dhintay miskiinka!”

“Aaa!” iyadoo leh bay sariirta ka soo booddaa sidii bahal qaniinay. Markaasay intay dadkii la hurday ku kacaan ka cawdi billaystaan, iyadana qaboojiyaan.

Masaakiin Maana! Meel cidla ah baa looga kala tegay. Meeshu miyi iyo magaalo midna ma aha. Waa mugdi cabsi badan. Waa qarar qodxa ah iyo boholo isku qoofalan oo bad qarkeed ku yaal.

Qar dheer fiiqiis bay keligeed ka taagan tahay. Way caga caddahay. Afarta jaho shanqar argagixiso leh baa ka soo yeeraysa. Qarka hoostiisa masas baa is- daba maraya. Waxay rabtaa in ay cararto. Saantay qaaddo, ama dhagax baa goyn ama haadaan bay ka dhici. Masaskii baa qarkii u soo tafay. Intay argagaxday bay carar maagtay. Haadaan bay ka duushay, “Aaa!” iyadoo leh bay sariirta ka soo boodday, dadkiina ku soo kacay. Hal saac kaddib bay mar kale gama’day.

Maana iyo Axmed Jaamac waxay ku wada fadhiyaan sariirta Axmed. Haracii jacaylka ee hakirmay ubaxna hagoogtay baa la harsanayaa. Hawlihii kalgacalkaa la qaybsanayaa. Erayo qalbiga

dhalaalinayaa la isu dhiidhiibayaa. Dhunkasho jacayl ka tifqayaa la is-dhaafsanayaa. Farxad soo degtay baa loo dabbaaldegayaa. Shanqar baa soo yeertay. Oow! Nin kacsan baa dalaq soo yiri. Ob! Waa Iikar Aw-Mukhtaar! Ashidanti! Waa maxay inkaartani? Siduu u soo socday buu intuu Maana- Faay gacanta ku soo dhegay dhulka ku soo tuuray, ul uusan markii hore sidan, intuu hawada ka haabtay ku jajabiyey.

“Heykalley waaxid! Yaa ku dhahay minanka dadow imaaw? Soco hadda inta ka bax!”

“I dhaaf! I dhaaf! Ma ku rabi. Ma ku rabi!”

Axmed baa xanaaq la soo booday. Feer baa la isu dhiidhiibay. Axmed qalin jeebka ugu jiray buu la soo baxay. Qalinkii bastoolad buu noqday, Iikar shan xabbadood baa lagu tiriyey.

“Alla meydka! Alla meydka!”

Dad aan meel ay ka soo baxeen la aqoon baa soo buuqay. Laba askari oo waaweyn oo qandiyo mad- madow oo bir ah gashan, ayaa intay cirka ka soo dhaceen, Axmed intuu midba gacan ku dhegay la cararay.

“Haddii xiraysiin anigana ila xira. Ila xira. Ila xira!” iyadoo leh oo ka daba cararaysa, dadkiina ka daba

leeyihiin, “Soo joog fidmooleeyahay, edeblaayda eh, adlee nimanka isku dishaye!” ayey sariirtii ka soo boodday, hurda dambana uma noqon.

Riyadaasi waxay la noqotay wax run ah oo dhici doona. Beryahaas walwalkeedii wuu laba jibbaarmay, cuntana way ka go’day. Iikar iyo arooskiisii oo soo dhawaaday ayaa ku noqday boog danqasho-u-joog ah. Eray af laga yiraahdo ‘aroos’ bay u necbeyd, magac dhegteeda ku soo duulana ‘Iikar.’ Markii u horreysay ee ay maqashay ”Iikar baa lagugu darayaa,” waxaa ka baaba’ay kalgacaltooyadii walaalnimo ee ay u haysay.

Gidaar weyn baa ka dhex istaagay. Isaga iyo guurkuba waxay la ahaayeen culays ay ku khasban tahay, colaadse uma hayn. Laakiin, markii ay Axmed Jaamac is-barteen, jacaylka runta ahina nolosheeda soo dhex galay, Iikar wuxuu ugu muuqday Malakul- mowdkii nolosha adduunka ka af qaban lahaa. Waxay ka joogtay “Ilaahayow maxaa na wada uumay?”

Iikar isaga dhibkaasi ma hayo. Arrintuna miisaankaasba lama leh. Waa inan yar oo wax walba u arka si sahlan oo iska caadi ah. Wuxuu isku dhibaa ma jiraan. Keliya wuxuu jecel yahay inuu la socdo moodada u dambeysa, ee uu ka arko dhallinyarada da’diisa ah. Ha noqoto dhar xirashada, socodka, qaabka hadalka, waxyaalaha la isku maaweeliyo, sida muusikada, iyo dhaqanka guudba. Maalintii harqaan buu dukaanka aabbihi ku tolaa. Inkastoo uu laba sano ka hor dugsiga sare ka baxay, haddana

waxaa aabbihi kula taliyey isaga qudhiisana la habboonaatay in uu sidaas ku shaqaysto. Habeenkiina wuxuu ku soo jeedaa caweysyada muusikada laga tumo. Habeen habeenna wuxuu iska galaa filim Hindi ah, siiba habeenkii uu ballan la leeyahay gabar caweyska ka xishoota, ama soo daahidda ka cabsata

Ciidamada ATMIS oo Sh/Hoose ku dilay dhowr khawaarij ah

Ciidamada ATMIS eek u sugan Gobolka Sh/Hoose,gaar ahaan Magaalada Baladul-Amiin ayaa dilay qaar kamid ah kooxaha khawaarijta oo doonaayey in ay isku dayaan weeraro gaadmo ah oo ay ka fuliyaan halkaasi.

Afhayeenka ciidamada ATMIS Lt Col Abdullahi Hassan Ganale  (KDF) oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa sheegay in deegaanka Baladul-Amiin ay ku dileen 2 ka tirsan kooxaha khawaarijta ee Al-shabaab.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ay gacanta ku dhigeen 2 qori  iyo 130 xabbo oo rasaas ah,kadib markii tiro badan oo khawaarijta ah lagu jabiyay goobtii dagaalka.

Jabka iyo khasaaraha la gaarsiiyay kooxdaasi ayaa nafis u ah dadka rayidka ah ee la daalaa dhacaya baadda canshuurta sharci darrada ah iyo raashinka beeraleyda ee sida qasabka ah ay u qaataan kooxdaasi.

Beledul-Amiin waa dhul beereed ka tirsan Gobolka Sh/Hoose,waxayna 82 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan tahay magaalada Muqdisho

Daminta Dabkii ka kacay xalay Suuqa Ganacsiga Jigjiga oo lagu guulaystay

Jigjiga waxa xalay abaaro 11:20 habeenimo Dab khasaare badan geystay ka kacay Suuqa Ganacsiga ee magaalo madaxda Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Jigjiga,Suuqan gubtay ayaa waxa lagu magacaabaa Suuqa Taiwan-ta Cusub.

Suuqan ayaa lagu iibin jiray noocyada kala duwan ee Ganacsiga,Dabka ayaa si deg deg ah uvu faafay Suuqa taas oo ay sababtay Dabayl xagaa daran oo dhacaysay Sida uu Warbaahinga Deegaanka u sheegay Duqa magaaladda Jigjiga Mudane Eng Siyaad Cabdi Axmed.

Ciidanka Dab damiska Dowlad Deegaanka Soomaalida oo kaashanaya Shacabka Caasimadda Jigjiga ayaa ku guulaystay in ay xakameeyaan dabka oo fiditaanka uu magaalada ku fidayey xoogganaa,sidoo kalena ku guulaystay in ay gabi ahaanba bakhtiiyaan dabkan oo sababi lahaa khasaare ka xooggan midka hadda uu geystay.

Maayirka Magaaladda Hargeysa Mudane Cabdikariim Axmed Mooge oo hoggaaminaya Ciidanka Dab Damiska Maamulka Soomaliland ayaa sidoo kale gaadhay magaaladda Jigjiga isagoo sheegay in Shacabka Jigjiga iyo Dowladdoodu si xoog leh ugu soo gurmadeen markii Suuqa Hargeysa gubtay Sannadkii hore,iyaguna ay u soo gurmadeen shacabka Jigjiga iyo dowladoodda sidii ay gacan uga siin lahaayeen daminta dabkaan.

      

JACAYLKII QALINKA OO ISKU BADALAY QISO NAXDIN LEH (QEYBTA 1-AAD)

Qisada naxdinta iyo argagaxa leh ee aynu moogan idiin warin doonaahi waxay ku saabsan tahay gabar soomaaliyeed oo lagu magacaabo qadra.

Qadra waxay ku soo kortay nolol aad u adag ka dib markii aabeheed ku geeriyooday dagaaladii sukeeye, ayada iyo hooyadeedna ay Cid garab istaagta waayeen.

Hooyadeed waxay wareejin jirtay cajiinka ama qooshka  si ay u maarayso nolosha qoyska oo ka koobnaa ayada, hooyadeed, iyo gabadheeda yaree qadra.

Hooyo caasho waxay markeedii hore waxay ka timid gobol oo magaalada xegto ama qaraabo badan Kuma lahayn maxaa yeelay walaaleheed waxay ku noolaayeen miyiga fog, hooyadeedna intaanu saygeedu Dhiman ayaa arrimo caafimaad loo keenay magaalada.

Saygeedu wuxuu ahaa darawal gobolada dalka u Kala Safra ka hor intaanu ku geeriyoon dagaal ka dhacay magaalo uu socdaal ku marayay, ehelkiisuna reer miyi ayay u badnaayeen.

Hooyo caasho ka dib geeridii Saygeeda waxay dhexda u xiratay noloshii qoyska iyo korinta gabadheeda yar oo markaa Hal samo jir ahayd .

Inkastoo aanay shaqo feecan  helin haddana waxay ku geed gaaban iyo mid dheerba u fuuli jirtay sidii ay quudka maalin laha ah ee qoyska magaalada uga soo dhicin lahayd.

Cajiinka ama qooshka ayay xaafada magaalada u gayn gayn jirtay ka dibna shilimaad yar ayay ka soo siin jireen ama Kaga iibsan jireen, sidaa ayayna biilka iyo Kirada guriga ku maarayn jirtay.

Kol kol ayay waayi jirtay Cid cajiinka ka iibsata, taasoo keeni jirtay inaan maalmaha qaar guriga dab laga Shidin.

Guriga ay deganaayeeni wuxuu ahaa mid aan cooshashka waxba dhaamin maxaa yeelay wuxuu ahaa dhismeyaashii hore ee duugoobay, korantana ma lahayn oo tooshashka ayaa la ifsan jiray.

Sanado badan ayay halkaa maalin lahaa iyo noloshaas adag la daalaacaysay, gabadheediina way u kortay ka dibna waxbarasho ayay gaysay.

Qadra oo ah gabadha yar ee aynu qisadeeda idiin tabinaynaahi waxay ahayd inan dhug iyo dhiifooni leh, dhibka ay hooyadeed ku soo korisayna ku baraarugsan.

Qadra waxay dhammaysay qur’aanka kariimka ah, ka dibna waxay hooyadeed iyo macalinkeedii dugsiga oo iska kaashanayaahi ku daraan iskuul, waxayna dadaal u gashay Sidii ay waxbarashada uga mira-dhalin lahayd, hooyadeedna ay howkarka adag uga nasin lahayd.

Hadda iyo goor waxay ku hundhuri jirtay buugaagta oo akhriska casharada ayay xoogga saari jirtay, balse maadaama aanu gurigu layr lahayn habeenkii uu tooshku batari la’aan yahay dabka ayay buugteeda la ag fariisan jirtay.

Ugu dambayn dugsigii sare ayay dhammaysay, waxayna gashay kaalinta koobaad taasoo ay ku mutaysatay inay hesho Jaamacad bilaash ah ama lacag la’aan ah, iyo abaal-marin kale oo qaali.

Lacag yar oo abaal-marinta la gudoonsiiyay ku jirtay ayay hooyadeed miis yaroo ay alaab ku iibiso ugu camirtay, si ay wareejinta cajiinka ama qooshka uga nasato, ayaduna jaamacaddii ayay bilowday.

Noloshii guriga wax weyni iskama badalin oo weli waa koranto la’aan, balse qadra maskax ahaan iyo muuqaal ahaanba way kortay oo waa aqoonyahanad, qalabka is gaarsiinta qaarkoodna way isticmaashaa.

Jaamacadda aad ayaa looga jeclaa oo bareyaasha iyo ardayduba aad ayay u qadarin jireen maxaa yeelay waxay ahayd gabar aad u wanaagsan oo daggan, dadaal iyo wax akhris badanna lagu yaqaan.

Waa tii la yiri deriskaagu diintiisuu ku baraaye qadro waxay isku fasal ahaayeen gabar ay qoyskeeda intooda badani qurbaha jiraan, taasoo had iyo goor nolosha dalalka reer galbeedka u ammaani jirtay,  tahriib iyo toos mid ay ku tagtoba inay mar uun qurbaha aaddona ku dhiiri-gelin jirtay.

Intaa waxaa dheeraa inay qadra inta badan arki jirtay saaxiibteed oo xilliyada bareega ama xiisadda uu macalinkeedu  maqanyahay wiilal qurbaha jooga telefoon kula sheekaysanaysa.

Inkastoo aanay bilihii hore dheg jalaq u siin jirin haddana qadra ugu dambayn waxaa ku duxay oo aad u sameeyay hadalkii saaxiibteed, waxaana qalbigeeda ku taallaamay buufis qurba jacayl ah.

Ayadoo ay sidaa tahay waxay saaxiibteed bartay wiil dalalka reer galbeedka midkood jooga, sheeko iyo isfaham ayaana dhex maray, ugu dambayna xariir jacayl ayay udubka u wada mudeen.

WQ: Liibaan A. Xirsi

 

 

TACABKA BEERAHA DHAQAALAHEENA WAX MA KA BADDALI KARAA?

Dalka Soomaaliyeed waa dal hodan ku ah kheeraad badan uu Alle ku maneystay waa dal ku wanaagsan hirgalinta mashaariicyo horumarineed sida Tacbashada beeraha oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed ee dhibanaha u noqday raashinka warshadeesan oo aan taya ahaantooda la isku haleyn karin.

Tacbashada beeraha dalka aad ayuu muhiim ugu yahay dhaqaalaheena sababtoo dalwalba waxa uu ku tiirsan yahay Tacbashada beeraha oo wixii Ka soo baxa ayaa lawarshadeeyaa islamarkaana ayaga oo laka kontroolay tayadooda, tariikhdooda iyo dhadhankooda oo ay muhiim tahay in bulshada laga kontoroolo taasina waxa ay yareeneysaa xanuunada dilaaga ah sida Cancerka iyo wixii lamid ah.

burburkii dalkeena soomaaliya Ka hor dalka waxaa uu ku tiirsanaa waxsoosaarka laga soo beeraha oo loo iib geeni jiray wadamada dariska ah iyo kuwa ka sii fog taasina waxa ay keentay in dowladdu ay shacabkeeda ay ku dhiirisi in ay tacbadaan oo ay maalaan muruqooda dowladduna ay ku taageeri jirtay qalab iyo wixii lamid ah ay u baahnaadan taasina waxa ay sababtay noloshii shacabka Soomaaliyeed ay isbadasho ay hormaraan.

Balse burburkii dalka uu galay xaalada waa isbadashay waxkasta sidii ay ahaayeen waa ay burbureen dalka god buu galay heer waxa uu gaaray in shacabkeenii Soomaaliyeed ay haraad iyo gaajo ay u dhintaan taasina waxa ay keentay in dadkii ay iskaga cara raan dalka ayaga oo maciin biday ku noolaanshaha dal aan dalkooda oo ay markasta ku joogeen dareen balse maanta xaalada dalka waa uu Ka soo kabsaday oo hormar ayuu sameenayaa maalinba maalinka Ka sii danbeesa balse wali sidii Larabay manoqon wali rajadu waa ay qurxoon tahay.

Dowladdeena federal Soomaaliyeed ayaa waxa ay dadaal xooggan ku sameeneysaa hormarka dalka ayada oo ku dadaaleyso hormarinta kaabayaasha dhaqaale ee dalka sida in waxbarashada dalka latayeeyo oo ay ardeyda Soomaaliyeed ay waxbarasho lacag la aan ay helaan, sidoo kale dowladdeenu waxa ay dadaal xooggan ugu jirtaa hormarinta beeraha oo ah baahida weyn ee uu dalkeena qabo ayada oo dadka beeraleyda Ka caawineysaa hormar dhankasta ah taasina waa yadadiilo muujineyso in dalka uu wada hormarka cagta saaray.

Tacbashada beeraha dalkeena aad ayuu muhiim ugu yahay waxaa isbadal xooggan ku imaanaayo nolasha shacabka oo hadda ladaala dhacaayo xanuuno ay Ka qaadeen Raashinka laga soo dhoofiyo dibada oo halis caafimaad leh sida in uu kugu dhaco kansarka dhuunta ama meelo kale oo jirka ah balse haddii aan tacbano beeraheena oo aan soo saarano dalagyo wax ku ool ah oo ay oga maarmaan waxa dibada laga keeno waxa ay isbadal ku keeneysaa dalka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn dalka iyo dadka Soomaaliyeed aad ayey ugu baahan yihiin Tacbashada beeraha oo isbadal dhaqaale keenaya sidoo kalena dalka ay aad ugu soo badan doona warshadaha waxsoosaarka leh sida warshada sokorta, warshada burka iyo warshado kale.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan.