Daminta Dabkii ka kacay xalay Suuqa Ganacsiga Jigjiga oo lagu guulaystay

Jigjiga waxa xalay abaaro 11:20 habeenimo Dab khasaare badan geystay ka kacay Suuqa Ganacsiga ee magaalo madaxda Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Jigjiga,Suuqan gubtay ayaa waxa lagu magacaabaa Suuqa Taiwan-ta Cusub.

Suuqan ayaa lagu iibin jiray noocyada kala duwan ee Ganacsiga,Dabka ayaa si deg deg ah uvu faafay Suuqa taas oo ay sababtay Dabayl xagaa daran oo dhacaysay Sida uu Warbaahinga Deegaanka u sheegay Duqa magaaladda Jigjiga Mudane Eng Siyaad Cabdi Axmed.

Ciidanka Dab damiska Dowlad Deegaanka Soomaalida oo kaashanaya Shacabka Caasimadda Jigjiga ayaa ku guulaystay in ay xakameeyaan dabka oo fiditaanka uu magaalada ku fidayey xoogganaa,sidoo kalena ku guulaystay in ay gabi ahaanba bakhtiiyaan dabkan oo sababi lahaa khasaare ka xooggan midka hadda uu geystay.

Maayirka Magaaladda Hargeysa Mudane Cabdikariim Axmed Mooge oo hoggaaminaya Ciidanka Dab Damiska Maamulka Soomaliland ayaa sidoo kale gaadhay magaaladda Jigjiga isagoo sheegay in Shacabka Jigjiga iyo Dowladdoodu si xoog leh ugu soo gurmadeen markii Suuqa Hargeysa gubtay Sannadkii hore,iyaguna ay u soo gurmadeen shacabka Jigjiga iyo dowladoodda sidii ay gacan uga siin lahaayeen daminta dabkaan.

      

JACAYLKII QALINKA OO ISKU BADALAY QISO NAXDIN LEH (QEYBTA 1-AAD)

Qisada naxdinta iyo argagaxa leh ee aynu moogan idiin warin doonaahi waxay ku saabsan tahay gabar soomaaliyeed oo lagu magacaabo qadra.

Qadra waxay ku soo kortay nolol aad u adag ka dib markii aabeheed ku geeriyooday dagaaladii sukeeye, ayada iyo hooyadeedna ay Cid garab istaagta waayeen.

Hooyadeed waxay wareejin jirtay cajiinka ama qooshka  si ay u maarayso nolosha qoyska oo ka koobnaa ayada, hooyadeed, iyo gabadheeda yaree qadra.

Hooyo caasho waxay markeedii hore waxay ka timid gobol oo magaalada xegto ama qaraabo badan Kuma lahayn maxaa yeelay walaaleheed waxay ku noolaayeen miyiga fog, hooyadeedna intaanu saygeedu Dhiman ayaa arrimo caafimaad loo keenay magaalada.

Saygeedu wuxuu ahaa darawal gobolada dalka u Kala Safra ka hor intaanu ku geeriyoon dagaal ka dhacay magaalo uu socdaal ku marayay, ehelkiisuna reer miyi ayay u badnaayeen.

Hooyo caasho ka dib geeridii Saygeeda waxay dhexda u xiratay noloshii qoyska iyo korinta gabadheeda yar oo markaa Hal samo jir ahayd .

Inkastoo aanay shaqo feecan  helin haddana waxay ku geed gaaban iyo mid dheerba u fuuli jirtay sidii ay quudka maalin laha ah ee qoyska magaalada uga soo dhicin lahayd.

Cajiinka ama qooshka ayay xaafada magaalada u gayn gayn jirtay ka dibna shilimaad yar ayay ka soo siin jireen ama Kaga iibsan jireen, sidaa ayayna biilka iyo Kirada guriga ku maarayn jirtay.

Kol kol ayay waayi jirtay Cid cajiinka ka iibsata, taasoo keeni jirtay inaan maalmaha qaar guriga dab laga Shidin.

Guriga ay deganaayeeni wuxuu ahaa mid aan cooshashka waxba dhaamin maxaa yeelay wuxuu ahaa dhismeyaashii hore ee duugoobay, korantana ma lahayn oo tooshashka ayaa la ifsan jiray.

Sanado badan ayay halkaa maalin lahaa iyo noloshaas adag la daalaacaysay, gabadheediina way u kortay ka dibna waxbarasho ayay gaysay.

Qadra oo ah gabadha yar ee aynu qisadeeda idiin tabinaynaahi waxay ahayd inan dhug iyo dhiifooni leh, dhibka ay hooyadeed ku soo korisayna ku baraarugsan.

Qadra waxay dhammaysay qur’aanka kariimka ah, ka dibna waxay hooyadeed iyo macalinkeedii dugsiga oo iska kaashanayaahi ku daraan iskuul, waxayna dadaal u gashay Sidii ay waxbarashada uga mira-dhalin lahayd, hooyadeedna ay howkarka adag uga nasin lahayd.

Hadda iyo goor waxay ku hundhuri jirtay buugaagta oo akhriska casharada ayay xoogga saari jirtay, balse maadaama aanu gurigu layr lahayn habeenkii uu tooshku batari la’aan yahay dabka ayay buugteeda la ag fariisan jirtay.

Ugu dambayn dugsigii sare ayay dhammaysay, waxayna gashay kaalinta koobaad taasoo ay ku mutaysatay inay hesho Jaamacad bilaash ah ama lacag la’aan ah, iyo abaal-marin kale oo qaali.

Lacag yar oo abaal-marinta la gudoonsiiyay ku jirtay ayay hooyadeed miis yaroo ay alaab ku iibiso ugu camirtay, si ay wareejinta cajiinka ama qooshka uga nasato, ayaduna jaamacaddii ayay bilowday.

Noloshii guriga wax weyni iskama badalin oo weli waa koranto la’aan, balse qadra maskax ahaan iyo muuqaal ahaanba way kortay oo waa aqoonyahanad, qalabka is gaarsiinta qaarkoodna way isticmaashaa.

Jaamacadda aad ayaa looga jeclaa oo bareyaasha iyo ardayduba aad ayay u qadarin jireen maxaa yeelay waxay ahayd gabar aad u wanaagsan oo daggan, dadaal iyo wax akhris badanna lagu yaqaan.

Waa tii la yiri deriskaagu diintiisuu ku baraaye qadro waxay isku fasal ahaayeen gabar ay qoyskeeda intooda badani qurbaha jiraan, taasoo had iyo goor nolosha dalalka reer galbeedka u ammaani jirtay,  tahriib iyo toos mid ay ku tagtoba inay mar uun qurbaha aaddona ku dhiiri-gelin jirtay.

Intaa waxaa dheeraa inay qadra inta badan arki jirtay saaxiibteed oo xilliyada bareega ama xiisadda uu macalinkeedu  maqanyahay wiilal qurbaha jooga telefoon kula sheekaysanaysa.

Inkastoo aanay bilihii hore dheg jalaq u siin jirin haddana qadra ugu dambayn waxaa ku duxay oo aad u sameeyay hadalkii saaxiibteed, waxaana qalbigeeda ku taallaamay buufis qurba jacayl ah.

Ayadoo ay sidaa tahay waxay saaxiibteed bartay wiil dalalka reer galbeedka midkood jooga, sheeko iyo isfaham ayaana dhex maray, ugu dambayna xariir jacayl ayay udubka u wada mudeen.

WQ: Liibaan A. Xirsi

 

 

TACABKA BEERAHA DHAQAALAHEENA WAX MA KA BADDALI KARAA?

Dalka Soomaaliyeed waa dal hodan ku ah kheeraad badan uu Alle ku maneystay waa dal ku wanaagsan hirgalinta mashaariicyo horumarineed sida Tacbashada beeraha oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed ee dhibanaha u noqday raashinka warshadeesan oo aan taya ahaantooda la isku haleyn karin.

Tacbashada beeraha dalka aad ayuu muhiim ugu yahay dhaqaalaheena sababtoo dalwalba waxa uu ku tiirsan yahay Tacbashada beeraha oo wixii Ka soo baxa ayaa lawarshadeeyaa islamarkaana ayaga oo laka kontroolay tayadooda, tariikhdooda iyo dhadhankooda oo ay muhiim tahay in bulshada laga kontoroolo taasina waxa ay yareeneysaa xanuunada dilaaga ah sida Cancerka iyo wixii lamid ah.

burburkii dalkeena soomaaliya Ka hor dalka waxaa uu ku tiirsanaa waxsoosaarka laga soo beeraha oo loo iib geeni jiray wadamada dariska ah iyo kuwa ka sii fog taasina waxa ay keentay in dowladdu ay shacabkeeda ay ku dhiirisi in ay tacbadaan oo ay maalaan muruqooda dowladduna ay ku taageeri jirtay qalab iyo wixii lamid ah ay u baahnaadan taasina waxa ay sababtay noloshii shacabka Soomaaliyeed ay isbadasho ay hormaraan.

Balse burburkii dalka uu galay xaalada waa isbadashay waxkasta sidii ay ahaayeen waa ay burbureen dalka god buu galay heer waxa uu gaaray in shacabkeenii Soomaaliyeed ay haraad iyo gaajo ay u dhintaan taasina waxa ay keentay in dadkii ay iskaga cara raan dalka ayaga oo maciin biday ku noolaanshaha dal aan dalkooda oo ay markasta ku joogeen dareen balse maanta xaalada dalka waa uu Ka soo kabsaday oo hormar ayuu sameenayaa maalinba maalinka Ka sii danbeesa balse wali sidii Larabay manoqon wali rajadu waa ay qurxoon tahay.

Dowladdeena federal Soomaaliyeed ayaa waxa ay dadaal xooggan ku sameeneysaa hormarka dalka ayada oo ku dadaaleyso hormarinta kaabayaasha dhaqaale ee dalka sida in waxbarashada dalka latayeeyo oo ay ardeyda Soomaaliyeed ay waxbarasho lacag la aan ay helaan, sidoo kale dowladdeenu waxa ay dadaal xooggan ugu jirtaa hormarinta beeraha oo ah baahida weyn ee uu dalkeena qabo ayada oo dadka beeraleyda Ka caawineysaa hormar dhankasta ah taasina waa yadadiilo muujineyso in dalka uu wada hormarka cagta saaray.

Tacbashada beeraha dalkeena aad ayuu muhiim ugu yahay waxaa isbadal xooggan ku imaanaayo nolasha shacabka oo hadda ladaala dhacaayo xanuuno ay Ka qaadeen Raashinka laga soo dhoofiyo dibada oo halis caafimaad leh sida in uu kugu dhaco kansarka dhuunta ama meelo kale oo jirka ah balse haddii aan tacbano beeraheena oo aan soo saarano dalagyo wax ku ool ah oo ay oga maarmaan waxa dibada laga keeno waxa ay isbadal ku keeneysaa dalka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn dalka iyo dadka Soomaaliyeed aad ayey ugu baahan yihiin Tacbashada beeraha oo isbadal dhaqaale keenaya sidoo kalena dalka ay aad ugu soo badan doona warshadaha waxsoosaarka leh sida warshada sokorta, warshada burka iyo warshado kale.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan.

HORMARKA GANACSI HABEENKA EE MAGAALADA MUQISHO.

Magaalada Muqdisho Caasimada dalka Soomaaliya waa magaalo Ka soo kabaneyso colaadihii dheera ay soo martay magaalada waxay ku jirtaa dib u soo kabasho ganacsi xooggan oo ay sameenayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda iyo qurbajoogta ayaa iyana qeyb Ka qaatay ayaga oo ganacsiyo ku dhisan hal abuurro kala duwan ku soo kordhiyey ganacsiga caasimadda ee habeenkii oo uu Ka muuqda isbadal si xowli ah ku socda.

Magaalada muqdisho waa magaalo ay ku nool yihiin ku dhawaad sadax malyan iyo bar oo shacab ah balse tira koob sax ah wali lama soo saarin waxaana iskugu yimid caasimadda dalka bulsho badan oo ka kala timid gobollada dalka, qurbaha iyo qoxooti oo dhamaantood caasimadda dalka siyaabo kala duwan ugu nool waxaana ay shacabka baaxadaas leh ay abuureen fursado badan oo ganacsi waxaana isbaddal ku yimid ganacsigii iyo kala iibsigiisa oo si aada u kordhay.

Habeenkii  ganacsiga caasimadda dalka wax weyn ayey caasimadda Ka badashay waxaana ay caasimadda dalka ay ganacsiga habeenkii uu Ka dhigay caasimadaha dunida taasina waxa ay kuu muujineysaa ifafaalo wanaagsan oo marba marka kasii danbeysa oo uu dalkeena hiigsanayaan.

Sugida aminga ayaa qeyb weyn Ka qaatay in ganacsatada ay habeenkii ganacsadaan sababtoo ah dowladdu waxa ay ku dadaashay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan amni, xasilooni iyo dagnaan oo dhamaantood ay keenaan in shacabkii Soomaaliyeed ay bilaabaan dhaqdhaqaaq hormarineed qofkastana uu layimaado fikiradaha ganacsi ee Ka dhexguuxaayo.

Intabadan ganacsiyada habeenkii shaqeeya waxaa ugu badan goobaha ay dadka ay u soo caweesi tagaan oo ah kafateeriya, Subermarkedka, goobaha lagu gado furuudka, Cabitaanada, Cawwooyinka iyo goobo badan oo ganacsi ayaa habeenkii Ka shaqeeya caasimada dalka shacabka ayaana habeenkii qeyb qeyb u socda ayaga oo wax iibsanaaya , kuwa caweesin doonaayo, kuwa jiimka qaado iyo siyaabo kala duwan ayey bulshada Soomaaliyeed habeenkii ugu yimidaan suuqayada magaalada.

Caasimada dalka ganacsiga habeenkii wax weyn ayuu kabadalay marka loo eego muuqaal ahaan magaalada waxa ay u egtay caasimadaha kale ee adduunka taasina waa qeyb kamid hormarka ay sii talaabsaneyso caasimada dalka oo ay qeyb weyn ay Ka qaateen dowladda iyo shacabkeeda Soomaaliyeed.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

Congo:- Wafdi ay hoggaamineyso Maareeye ku-xigeenķa Hay’adda Tayo-dhawrka Qaranka Marwo Suubban Cabdi Nuur ayaa ka qeybgalay kulanka 29aad ee Arso General Assembly oo ka qabsoomay dalka Congo.

Intii kulanka uu socday Mareeye ku-xigeen Suubban ayaa kulamo gar gaar ah la qadatay wakiillo ka kala socday dalalka Kenya, Nigeria, Ghana iyo Ururka SMIC iyadoo muhiimadda kulamadaas ay ahayd sidii wada shaqeyn iyo iskaashi ay u yeelan lahaayeen dalalkaas, sida dhanka hagaajinta isku mid ahaanshaha Halbeegyada iyo isku fududeynta ganacsiga Africa.

 

DHALINYARADA KU SHAQEYSATA BAALASHKA SIDEE LOOGU DHIIRI GELIN KARAA INAY WAXBARTAAN?

Tan iyo burburkii dalkeena soomaaliya waa gabi ahaan qadka Ka baxay kaabayaashii dhaqaale ee dalkeena sida warshaddii soo saari jirtay Sokorta, Burka, Bariiska, Baastada,Caanaha, Saliidda,Dharka iyo warshado badan oo dalka lahaa ayaa burburay oo qadka Ka baxay, dhamaantood.

Waxa ay ahaayeen warshadahaas kuwo Ka shaqeeya hormarka waxaana ku tiirsanaa dhalinyaro badan oo Ka shaqeesan jirtay balse nasiib wanaag waayaha ayaa Ka hiiliyey.

Dhallinyaro badan oo dalka hormuud u noqol lahaa ayaa shaqo la’aan ay ku dhacaday qaarkood dalka waa ay Ka carareen ayaga oo nolol u raadsaday Yurubta iyo Mareekanka inta aay safarkaas ay ku jireen qaarkood waa ay ku dhamaadeen oo waxa ay ku dhinteen Badaha iyo bariga intaas oo rafaad ah waxa ay u marayaan waa uun mustaqbal ifaayo sida ay u yeelan lahaayeen.

Dalka dhalinyaradii ku hartay qaarkood midba xirfad ayuu la imaaday si xirfadaas oo ay oga saacido hormarka nololeed ee uu hiigsanaayo taasi waxa ay keentay in dhalinyaro badan oo yar yar ah ay sameestaan ganacsiyo Baalash ah oo ay uga shaqeestaan magaalooyinka dalka oo ay u adegayaan dadka u baahan in loo baalasho kabahooda.

Ka shaqeenta baalashka waa shaqooyinka ugu muhiimsan ee ganacsigeen sababtoo ganacsiga sidiisaba waa uu isku tiirsan yahay ma jiro ganacsi kaligiisa taagnaan kara balse taasi badalkeeda waa ay isku tiirsan yihiin waan ganacsi si habsami leh u shaqeenaayo oo ay dhalinyaro badan ay noloshooda iyo midda qoyskooda ay ku tiirsan tahay.

Haddaba dhallintan oo qaarkood gaadhay xilligii ay waxbarashada iyo qaar kaleba sidee loogu dhiirigelin karaa inay wax bartaan si berri ay u yeeshaan mustaqbal ka duwan key hadda ku jiraan?

Siyaabo kala duwan ayaa loogu dhiiri galin karaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee Ka shaqeesta Balaashka marka ugu horreysa waa in la fahmaa maxaa ku kalifay inuu baalashle noqdo, taasi marka la xalliyo ayaa wax laga qaban karaa, ka dibna loo soo jeedin karaa inuu wax barto laakiin nin baahan reerkiisuna baahan yihiin xataa ma heli karo buugaagta iskuulka qarashkana iskama bixin karo.

Sheeko yar ayaan la wadaagayaa dhallinta caseeyaha ah ee ka shaqeesata baalashka ama Caseeyanimada taas oo ah: Madaxweyne dal waagii uu yaraa xirfaddiisa ganacsi halka uu Ka soo bilaabay.

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan bilowgii nolashiisa waxa uu ku soo qaatay marxalado kala duwan oo ay qaarkood ay ahaayeen kuwa adag islamarkaana ay sababtay waayaha uu ku noolaa xiligaa inta uusan xil Ka qaban waxaana waayihiisa nololeed ee ganacsi yar oo ah baalash ayuu ku bilaabay iskaga oo baalashle Ka ahaa magaalooyinka dalka Turkiga waxuu iskaga dabari jiray waxbarashadiisa iyo nolashiisa oo in muddo ah halgan ugu jiray si uun ganacsigan yar ee baalashka ah mar uun heer oga gaari lahaa

balse taasi waa ay u rumoowday waxa uu soo noqday mas’uul xilal badan Ka soo qabtay dalka turkiga sida Duq magaalo, xubin xisbi, Ra’iisal wasaare iyo hadda uu yahay Madaxweyne taasina waxa ay keentay Ka mira dhalinta riyooyinkiisa ganacsi oo heerkaas gaarsiisay.

Dhallinyarada Ka shaqeesta ganacsiga yar ee baalashka waxaan kula talinayaa yaasan la niyad jabin oo nolashu waa halgan iyo dhabar adeeg waxbarashaduna waa mustaqbalkaada berri ee inta baalashka waddo waxbarashana ha moogaanin shacabkuna waa inay ku dhiirigeliyaan siduu u shaqeysan lahaa waxna u baran lahaa dhallintaa yar yar oo laga yaabo inay noqon lahaayeen madaxdii berrito.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan.

MUSLIMKU: WAA MIDKA DADKU KA NABAD GALAAN

Qofka muslimka ah waa qof dhowrsan oo iska ilaaliya dhammaan waxyaabaha xun xun, muslimku waa ruux markasta samaha jecel, waa ruux shayskasta ka fiiriya dhanka wanaaga ah hadduu ka waayana iskaaga taga gabi’ahaan.

Ruuxa muslimka ah waa ruux qalbi saafi ah leh oo ka duwan dadyowga kale ee aan muslimiinta ahayn, gaalada  oo aan aamin sanayn diinteena Islaamka ayaa ku dadaasha inay sameeyaan wanaag iyo samafal dadka tabarta yar ama saboolka ah iyo xayawaanka aan caqligaba lahayn.

Waxaa nagala doonayaa dhammaanteen inaa noqono dad wanaaga ka shaqeeya, waxaa nagaladoonayaa inaan hogaan u noqono dadka caalamka dhanka wanaaga, waxaa nalooga baahan yahay in dadka caalamka aa uga soocnaano tilmaamta dhanka wanaagga ah iyo wanaagga ku dhaqanka diinteena Islaamka.

Haddii aadan ka fiirin waxkasta oo aad qabanayso maxay wanaag ah oo ay leeyihiin ama xumaan noocee ah ayaa ka imaankarta waxaad noqonee sida xayawaanka aan caqliga lahayn, waxaad halkaa ku luminee bini’aadam nimadii, waxaad halkaa kuwaynee dhaqankii wanaagsanaa ee diinteena Islaamka.

Hanoqon danayste, iskuday inaad u danayso dadka kale marka aad dantaada ka shaqaynaysid, iska ilaali inaad qof bini’aadan ah waxyeelo u gaarsiiso si qalad ah adiga oo og intii aad caawim lahayd.

Caawi dadka iyo xayawaanadaba, diinteena islaamku Islaamku waxay nafaree naxariista, caawi noolekasta oo dhibaato kusugan oo aad caawi karto.

Waxaa jirta qiso cajiiba oo ku saabsan wanaaga iyo naxariista, nabigeena naxariis iyo nabadgaliyo dushiisa ha ahaate ayaa qisadaan nooga waramay:

waxaa jirtay haweenay sinaysan jirtay iyada oo meel bahgooyo ah maraysa ayay aad u oontay, iyada oo aqso naftu ugabixi rabto ayay aragtay ceel, ceelkii ayay gashay biyo ayayna ka soo cabtay oo waa ay ku soo harraad beeshay, markay banaanka u soo baxday waxay aragtay Eey aad u haraadsan oo banaaka ama ceelka dultaagan.

haweenaydii naxariis ayaa gashay oo waxay soo xasuusatay xanuunka uu haraadku leeyahay ka dibna ceelkii ayay ku laabatay kabaheedii ayayna biyihii ku soo dardartay oo eeygii ayay ku waraabisay sidaas ayayna janada ku gashay haweenaydaas.

Naxariistu waa shay looga baahan yahay qof kasta oo muslima ah waana asalka wanaagga, wanaag mayeelan karo qof aan naxariis lahayn.

Umaddeen soomaaliyeed waa dad muslimiin ah, hadana waxaa aad ugu batay xumaanta iyo naxariis la’aanta, soomaalidii hore waxay ahaan jireen dad dhowrsan oo Alle ka cabsigu aad ugu dheeryahay, dad marti soorka aad ugu fiican ayay ahaan jireen, dad aan qiyaamada jeclayn ayay ahaayeen.

Dalkeena hooyo waxaa kajira dhibaatooyin aad u ban waxaa sababay dadka oo dhankii wanaagsanaa ka tagay oo noqday dad danlay ah oo qofkasta tiisa gaar ka shaqeeyo illaa dad yar maahane, xalku waxaa uu kujiraa ana oo noqona dad wanaagsan markaas ayay aduun yadeenu hagaagee iyo aaqiradeenuba.

Dalka edatorial

FADLIGA TOBANKA HORE EE BISHA DUL-XAJ

Dul-Xaj waa bisha laba iyo tobnaad ee ugu dambeysa bilaha Islaamka. Waxayna u leedahay Muslimiinta caalamka ku nool muhiimad weyn, maaddaama bishan gudaheeda ay si wada jir ah u gutaan gudashada waajibaadka sanadlaha ah ee loo yaqaanno Xajka.

Tobanka maalmood ee ugu horreeya ee Dul-Xaj ayay si gaar ah u xushmeeyaan Muslimiinta, maaddaama lagu tiriyo inay ka mid yihiin maalmaha sannadka ugu fadliga badan.

Nabi Muxamed (NNKH) waxa uu sheegay in aanay jirin maalmo kale oo camalka suuban uu Alle agtiisa kaga qiimo badan yahay tobankaas maalmood.

Inta lagu jiro Dul-Xaj, malaayiin Muslimiin ah oo ka kala yimid meelo kala duwan ayaa isugu yimaada magaalada barakeysan ee Maka si ay u gutaan acmaasha Xajka. Sida in xujaydu ay ku wareegaan Kacbada, istaagga Carafa, iyo in ay dhagxaan ku tuuran Shaydaanka. Xataa kuwa aan xajka gudanayn, bisha Dhul-Xaj waxa ay siineysaa fursado badan oo ay kula yimaadaan acmaal aad u qiimo badan oo Alle loogu dhawaado.

Bisha Dul-xaj waxey ka mid tahay Bilaha Xormada leh, waxeyna lagaar tahay inay Xamabaarsan tahay Maalmo gaar ah iyo acmaal waa waweyn. Bilshada bisha Dul Xaj ayaa waxay ku beegnayd  taariikh 19.6 2023 taasi oo aheyd Isniintii aan soo dhaafnay.

Waxaana uu Allah Bishaan maalmaha ugu horeeya ku sheegay in ay aad u Fadli badan yihiin welibana waa uu ku dhaartay taasoo tuseysa Weynida Tobanka beri ee u horreaysa Bishan dulxajj.

Wuxuu yiri Nabigeenii Muxamed SCW maamlo ma jiraan acamaasha la sameeyo uu allaah ka jacel yahay tobankaan maalmood ee Dulxaj.

Hadaba ruuxa muslimka ah waa inuu ka Faa’iideystaa maalmahan ugu horreeya Bisha Dul-Xaj oo uu sameeya acmaal wanaagsan gaar ahaan acmaasha fadliga badan sida :

  1. salaadaha waajibka ah oo loo kalaho waqti hore laguna tukado jameecada iyo in la badsado salaadaha sunadaha ah .
  2. in la soomo sagaalka maalmood qofkii awooda,[Nabigeeni Muxamed ahaa SCW wuxuu soomi jiray sagaalka maalmood ee Dulxijah iyo caashuuraa iyo saddax maalmood bil kasta .
  3. Si gaar ah in loo soomo maalinta sagaalaad waayo Soomka Maalinta sagaalaad (carafo) aad ayuu u fadli badan yahay, waxaana lagu dhaafaa dunuubta Sanada la soo dhaafay iyo sanada soo socoto .

Nabiga Maxamed (SCW) waxa uu sheegay ineysan jirin Maalmo uu Allaah (SWT) agtiisa loogu jaceylyahay Camalka wanaagsan ee ruuxa muslimka ah uu sameeyo Tobankan Maalin camalka uu sameeyo.

Waxaa Rasuulka Saxaabada weydiisay Xataa maka Fadli Badan yahay Rasuulki Illahayow Jihaadka loo galo Alle Dartiis.

Rasuulka SCW waxa uu ku jawaabay: Xataa Jihaadka loogalo illaah Dartiis, marka laga reebo Ruux Labaxay Naftiisa iyo Maalkiisa ee aan midna kala soo noqon mooyaane.

WD: Ibrahim Warsame

 

 

CIIDU WAA FARXAD IYO CIBAADO!

Maalinta ciidu waa maalin aad u qiimo badan waxaa uu yimid Xabiibkeenu scw magaalada madiina iyadoo la ciido laba maalmood markaasu yiri: waa maxay maalmahani? waxay ku jawaabeen reer madiina waa maalmo aanu ciidi jirnay markii aanu jaahiliinta ahayn.

Wuxuu yiri Rasuulkeenu scw: Illaahay wuxuu idinku badelay maalmo ka khayr badan waana malinta ciidul fidriga iyo maalinta ciidul-adxaha,

Labadan ciidoodba waxay dhacaan ama yimaadaan marka la soo gebogebeeyo laba Rukni oo waa wayn Rukniga Soonka iyo Rukniga Xajjka-

llaahayna wuxuu yiri: ku dheh Nabi Allow waa fadliga Ilaahay iyo naxariistiisa ee haku farxaan waana waxa ugu fiican waxay ururinayaan.

Muslimiinta ayaa soo baxaya maalintan iyagoo faraxsan oo wajigoodu ifayo oo isku tahniyadeenaya oo leh Taqaballaahu mina waminkum saalixal acmaal.

Muslimiintaa isku soo baxaya iyagoo isa saamaxaya oo sadaqada isa siinaya oo hadyadaha isku geenaya oo agoonta madaxa u salaaxaya oo qofba qofka kale dhunkanayo maasha Allaah.

Abaal koodu waa maxay dadka soomay soonka ka dib?

Marka dadka soomay u soo baxaan ciida oo u dareeraan halkay ku ciidayaan waxay helayaan abaal marinta Alle waxay tegayaan garoonkii lagu qaybinayey jaa’isadaha iyagoo ku soo baasay imitxaankii Ramadaanka wuxuu yiri Xabiibkeenu scw: maalinta ciidul fidriga malaa’iigta ayaa is taagta dariiq kasta afkiisa ama meelaha wadooyinku ku kulmaan malaa’iigta ayaa dhawaaqda oo tiraahda “ muslimiintaay u soo kalaha Rabbi deeqsi ah xaggiisa wuxuu idinku galadaystay khayr dabeed si wayn ayuu idiin abaal marinayaa weel wayn ayuu idiinku ridayaa wax wanaagsan iyo ajar wayn dadoow waxaa la idin amray inaad qiyaamu layl la timaadaan waanad la timaadeen, waxaa la idin amray inaad maalintii soontaan waadna soonteen, Rabigiin ayaad adeecdeen guddooma jaa’isadiihiina iyo abaal marintiina maalintan waxaa looga yaqaanaa xaga samada maalintii abaal marinta”

Aadaabta ciida.

Waxaa la suneeyey in qofku maalintaa uu xirto dharka kiisa ugu fiican ee uu haysto, oo qofku is cadareeyo weliba waa ragii e ,wuxuu yiri Xasan Rc Rasuulku wuxuu na amray maalinta ciida inaanu xirano dhar wixii ugu fiican ee aan helayno, oon isku cadarino wixii ugu wanaagsan een helayno,

Rasuulkeenu scw wuxuu xiran jiray isku joog Xabro ah waa maro si fiican loo falkiyey oo uu si gaara ugu diyaarsan jiray ciida oo qurux badnayd.

Wuxuu samayn jiray Xabiibkeenu scw in uu dariiqii markii horre salaada uu sii maray aanu marka danbe soo mari jirin ee uu khilaafi jiray.

Nin ka mida ah dadkii saalixiinta ahaa ayaa lagu yiri: waa goorma ciidiinu? Wuxuu ku jawaabay: waa maalinta Alle aanaan caasiyin. Ciidu maaha uun in dhar qurux badan la xirto laakiin ciida waa in la muujiyaa waynida Alle oo Alle la adeecaa.

Ciidu maaha maalin Alle la caasiyo oo caruurteena khaasatan hableheena yar yar intaan madaxa u qaawino aan suuqa ku sii dayno, waa maalin mudan inaan Illaahay uga shukrino wanaaga uu inoo khatimay ee Ramadaan.

Had iyo goor umadeenu waxay caadaysataa in maalmahan ciida laga dhigto maalin wax kasta la banaysto subxaan Allaah.

Walaalayaal waxaa inagu soo fool leh maalintaas qaaliga ah ee Illaahay swt adoomihiisa ku abaal marin doono qof waliba wixii uu soo shaqaystay Ramadaan,

Maalintan waa inay is wada saamaxaan dadku maalintan waa inaan kaga farxinaa masaakiinta iyo jiiraankeena wixii aan karno ee ku dhaano.

Maalintan waa inaan umadeena u dardaaranaa khayr, maalintan waa inaan ummadda islaamka guud ahaan gaar ahaana walaaleheena muslimiinta adduunka daclidiisa ku dulman u ducaynaa sida walaalaha Falastiin iyo ummada soomaaliyeed ee dhibaataysan,

Maalintan waa maalin leh qadarin iyo qiimo gaar ah waa maalinta uu farxayo qofkii soo soomay bisha ramadaan uuna murugoonayo qofkii dayacay bisha Ramadaan,

Maalintan waxay shabahdaa qiyaamaha wejiyadii soomay way nuurayaan wejiyaddii soonka diiday way madaw yihiin, qofkii Illaahay bilaa nuur ka dhigo yaa nuur siin karaya ? cidnaba ma siin karto. Qofkii Illaahay nuur siiyey yaa ka qaaddaya nuurka ? cidina kama qaadi karto.

Maalintani waa maalin uu farxayo muuminku wuxuu yiri xabiibkeenii scw: qofka soomani laba goor ayuu farxaa marka uu afuro waa afurada ama maalinta ciidana waa la yiraahaa maalinta afurada, wuxuu kaloo farxaa maalinta uu la kulmo Alle swt ee lagu abaal mariyo soonkiisii iyo daacadiisii uu ku soo dedaalay markuu aduunka joogay,

Labada maalmoodba midda aynu Alle la kulmayno iyo tan aynu ciidaynaba Alle ha inaga farxiyo.

Dhamaanteen ciid wanaagsan aan ku ciidno Inshaa Allaah

WD: Ibraahim Warsame

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka sameyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo fadhigooda yahay Deegaanka Danoow gaar ahaan Ururkeda 26-aad gutada 6-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal gaar ah oo ay ka sameeyeen degaannadda Kabtaank,waagade iyo Sadax buundo, oo Hoostaga Degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose,waxaa ay ku fashiliyeen  dhagar ay cadowga Khawaarijta la damacsanaayeen shacabka.

Howlgalka ayaa ciidanka waxay gacanta ku soo dhigeen labo qoro oo ay wateen labo nin oo ka tirsana maleeshiyad lagu dilay degaannadaas.

Laba xidigale Cali Aadan Cusmaan Suul nuug oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa Mid qorsheysan oo lagu baacsanayo haraadiga Khawaarijta isla markaana lagu soo saaray Miinooyin ay khawaarijta ku Aaseen wadooyinka ay isticmaalaan dadka Shacabka ah.