Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta jubbaland ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay Afmadow iyo Kismaayo

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta jubbaland ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay 120 KM oo ah inta u dhexeeysa Degmooyinka Afmadow iyo Kismaayo.

Howlgalkan oo uu hogaaminayey Taliyaha Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Jubaland Maxamed Axmed Sabriye ayaa waxaa qayb ka ahaa Ciidamada daraawishata Jubaland iyo Ururka 5-aad guutada 16-aad kumaandooska danab, mudadii uu socday howlgalkan waxaa lagu bur buriyay saldhigyo waawayn oo ay lahaayen kooxaha Khawaarijta ah, sidoo kale waxaa la qarxiyay dhowr miino oo ay doonayeen in ay ku dhibaateen dadka shacabka ah ee wadooyinka isticmaala.

Deegaanada ay ciidamadu ku baacsadeen Kooxaha Khawaarijta ah ee fariisimaha u aha waxa kamid ah Qalawlaha, Falaqaay, Reebaay, Fantooley, Harboole, Qumbi, Miidow, Shuufa, Habeedley, Cag libaax iyo deegaano kale dhamaantood waxa ay fariisimo u ahaa khawaarijta.

Taliyaha Sirdoonka Kenya oo Muqdisho soo gaaray

Taliyaha hay’adda Sirdoonka Kenya Mudane Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa goor-dhow ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Taliyaha hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka (HSNQ) Mudane Mahad Salaad ayaa dhiggiisa dalka Kenya ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Socdaalka taliye Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa ah sidii labada Sirdoon isaga kaashan lahaayeen Amniga labada dal, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo is dhaafsiga xogaha la xiriira kooxaha argagixisada ah.

Taliyaha hay’adda Sirdoonka Kenya Mudane Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa inta uu jooga magaalada Muqdisho la kulmi doono madaxda Qaranka Soomaaliyeed.

Ciidanka Boliiska oo muwaadiniin Soomaali ah ku wareejiyay boosas loo heystay si sharci darro ah

Ciidamada Boliiska ee Gobolka Banaadir ayaa maanta muwaadiniin Soomaali ah ku wareejiyay 3 boos oo ku yiillay Degmooyinka Kaaraan iyo Hilawaa,kadib markii muddo dhowr sano ah dhulalkaasi looga heystay sifo aan sharci aheyn,

Ciidamada Boliiska ee Gobolka Banaadir ,gaar ahaan qeybta bari oo fulineysa amarka Maxkamadda ayaa burburisay dhismooyin ku yiilllay halkaasi,waxayna boosaskaasi ku wareejiyeen dadkii lahaa.

.Muuna Xasan Ibraahim oo kamid aheyd dadkii dib u helay dhulalkaasi ayaa u mahadcelisay dowladda Soomaaliya,gaar ahaan maxkamadda Gobolka ,ciidanka Boliiska iyo maamulada Degmooyinka Kaaraan iyo Hilawaa.

Taliyaha Qeybta Bari G/lle Macalin Aadan,taliyaasha labada saldhig ee kaaraan iyo Hilawaa iyo garsootayaal ka socday maxkamadda Gobolka Banaadir.ayaa goobjoogayaal ka ahaa burburinta boosaskaasi iyo ku wareejinta dadkii lahaa.

Ma ahan markii ugu horeysay ee dad muwaadiniin ah lagu wareejiyo dhulal si sharci darro ah ay u heysteen dad leh dano gaar ah.

Sheekh Aadan Madoobe oo magacaabay guddi ka talabixiya heshiiskii Qaran ee Golaha Wadatashiga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay Guddi gaar ah oo kasoo talabixiya heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhowaan u qabsoomay Dowaladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Golaha Wasiirada ayaa qoraalka heshiiskaan usoo gudbisay Golaha Baarlamaanka JFS si ay uga talabixiyaan doorkooda ku aadan meelmarinta hannaanka heshiiskaasi iyo faaidooyinka uu u yeelan karo bulshada Soomaaliyeed.

Haddaba,qoraalka Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka waxa uu u dhignaa sidatan:-

 

Ciidamada Dowladda oo howlgal ka sameeyay deegaanno dhaca duleedka Muqdisho

Ciidamada Dowladda ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaano lagu tuhmaayey kooxaha khawaariijta oo isku xira gobolada Banaadir,Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe.

Howlgalkaasi oo qaatay muddo saacado ah,waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamo ka socday NISA,gaar ahaan Duufaan iyo kuwo kale oo ka tirsan ciidamada Boliiska ee u tababaran sida mileteriga.

Taliyaha ururja ciidanka Duufaan Taliye Karkaar iyo Taliyaha ururka guutada koowaad ee ciidamada u tababaran sida mileteri Dhamme Maxamed Aadan,ayaa hoggaaminaayey howlgalkaasi qorsheysan oo ka dhacay deegaanada Geedfaqay sabyo beerta Cali Mahdi, walaleey,shirkada Gumar iyo Basro.

Howlgalkaasi ayaa u dhacay si nabad ah,waxaana wararku ay sheegayaan in lagu soo qabtay Rag lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Khawaarijta.

Deegaana la beegsaday ee uu ka dhacay howlgalkaasi ayaa la xaqiijiyay in ay ahaayeen kuwo istaraatiiji ah oo isku xira gobolada Banaadir,Sh.Hoose iyo Sh/Dhexe.

Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarada Israa’iil ee ka dhanka ah qaxootiga Jenin

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dhaleeceeyay   weerarada ciidamada  Israa’iil ay ka fuliyeen xerada qaxootiga ee Jenin oo ka tirsan  dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.

Weeraradaan oo ah kuwii ugu ballaarnaa muddo labaatan sano ah waxaa ku dhaawacmay In ka badan 100 qof oo rayid ah, kumannaan qof ayaana lagu qasbay inay guryahooda ka cararaan, iyadoo burbur uu asoo gaaray iskuullada , isbitaallada iyo shabakadihii biyaha iyo korontada intii uu socday howlgalka ciidamada Israa’iil.

Guterres ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay ka hor istaageen dadka dhaawaca ah in ay helaan daryeel caafimaad, kadib markii shaqaalaha samafalka loo diiday in ay gaaraan dadka u baahan samatabixinta.

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa xasuusiyay Israa’iil in in ay mas’uul ka tahay in ay hubiso in dadka rayidka ah laga ilaaliyo dhammaan falalka rabshadaha leh.

“Duqeymaha cirka ee Israa’iil iyo howlgallada dhulka ee lagu qaaday xero qaxoonti waxay ahaayeen rabshadihii ugu xumaa ee ka dhaca Daanta Galbeed ,waxayna saameyn weyn ku yeelatay dadka rayidka ah,” Guterres ayaa sidaas yiri..

Ciidamada Xoogga Dalka oo si buuxda ula wareegay xarumihii ay baneeyeen ciidanka ATMIS

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku dhawaaqay in ciidanka Qaranku si buuxda ula wareegay xarumihii ay banneeyeen Ciidanka ATMIS.

” Waxaan maanta halkan u joognaa inaan si rasmi ah aan u shaacino una sheegno inaan la wareegnay xarumihii ay banneeyeen labo kun oo ka mid ah ciidanka ATMIS,taas oo ah heshiiskii horay loo galay, waxaa xaqiiq ah walaalaheen ATMIS oo muddo nala joogay in ay shaqo wanaagsan nala qabteen, waqtina ay geliyeen amniga Dalka si ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen amni fiican”, ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa qiray in ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed ay gaareen heer lagu haleyn karo amniga dalka una diyaargarowbeen inta ka dhiman dhammaadka 2024, oo ku aasteysan bixidda askariga ugu dambeeya ee ciidamada ATMIS.

Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhiga XFS Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyay ciidamada ATMIS iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay inuu fulo waajibaadkaas qaran ee loo xilsaaray wasaaradda Gaashaandhiga iyo taliska ciidamada xoogga Dalka.

Guddiga horumarinta adeegga Bulshada ee golaha shacabka oo la kulmay ururka shaqaalaha Soomaaliyeed

Guddiga horumarinta adeegga Bulshada ee golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladaha guud ee ay ku sugan yihiin shaqaalaha Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo in la meel-mariyo Shuruucda Caalamiga ah ee Hay’adda Shaqaalaha Aduunka oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaano ILO.

Xoghayaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed Mudane Cumar Faaruuq ayaa warbixin Guud ka siiyay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka BJFS 11aad iyo xaalada Guud ay ku sugan yihiin Shaqaalo weynaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Cumar Faaruuq ayaa sharxay hannaanka ay ku shaqeeyaan Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qaabka loo horumarin karo si kor loogu qaado aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqada taasoo ka saacidaysa fulinta hufnaanta iyo tayaynta Shaqada.

Wuxuu ka codsaday guddiga horumarinta adeegga Bulshada ee golaha shacabka in ay meel mariyaan shuruucda Hay’adda Caalamiga ah ee ee marka lasoo Gaabiyo loo yaqaano ILO.

   

Amb: Kullane oo ka qeyb galay Munaasabad lagu daah-furayay xarunta iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

Beijing,(SONNA):- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu daah-furayay Xarunta Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee loo yaqaan “Satellite Remote Sensing Application (CACSA)” oo lagu qabtay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Munaasabaddan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Kheyraadka Dabiiciga ee shiinaha ayaa waxaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Wasiirka wasaaradda Kheyraadka Dabiiciga ah ee Dalkaas Mudane Wang Guanghua, wuxuuna hadalkiisa xoogga ku saaray Iskaashiga dhinacyada badan ee Shiinaha iyo Afrika.

Madaxweyne Xi Jinping, ayaa aasaasay Xarunta Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee Satellite-ka Bishii Noofember 29, 2021.

Muhiimadda loo aas-aasay xaruntan ayaa ah in la abuuro nidaam waara oo loogu talagalay iskaashiga isticmaalka fursadaha dayax-gacmeedka, ee loo yaqaan “satellite remote sensing applications” taas oo qeyb ka ah kobcinta iskaashiga ka dhexeeya Shiinaha iyo waddamada Afrika, iyada oo la fududeynayo wadaagga xogta iyo kor u qaadista iskaashiga wax ku oolka ah.

Amb. Kullane, oo ka qeyb galka xaflada ayaa muujiyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka ay la leedahay Shiinaha ee dhanka codsiyada dayax gacmeedka fog fog.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda qeyb ka ahaa doodo iyo falanqeyn ay khubaro, saraakiil, iyo wakiillo ka socda Shiinaha iyo dalal kala duwan is ku dhaafsanayeen,taas oo lagu wadaagayay khibradaha, iyo sahminta fursadaha iskaashiga mustaqbalka.

Ugu dambeyn, Amb. Kullane ayaa ugu hambalyeeyay “LASAC” iyo Wasaaradda Kheyraadka Dabiiciga ee Shiinaha sida wanaagsan ee ay u daahfureen “Sensing Applicationation” ee Xarunta Sayniska iyo Dhaqanka ee Shiinaha, wuxuuna u rajeeyay in ay mustaqbalka Soomaaliya iyo Shiinaha iskaashi ka yeeshaan arrimahan.

  

QM iyo Midowga Afrika oo ka wada-hadlay arrimaha Soomaaliya

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing, ayaa maanta kula kulantay Muqdisho wafdi ka socday Guddiga Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga, oo uu hoggaaminayay Sarjoh Bah, oo ah Agaasimaha Maaraynta khilaafaadka.

Catriona Laing  iyo wafdiga ka socday Midowga Aftika ayaa ka wada hadlay xaaladda kala-guurka amniga ee Soomaaliya, waxayna hoostana ka xarriiqeen sida ay uga go’an tahay Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay taageerada geedi socodkan.