Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka oo la kulmay Wafdi ka socda Turkiga

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday dowladda Turkiga si gaar ah Hay’adda IHH ee oo ah Hay’ad Turki ah kana shaqeysa Caawinta arrimaha bini’aadamnimada.

Kulanka ayaa looga hadlay in Hay’adda IHH Hay’add SoDMA ka taageerto sidii gargaar loo gaarsiin lahaa deeganadii dhawaan la xoreeyey,in goobahas iyo deeganada kale ee dalka laga hirgaliyo mashaariicyo ay ugu horeyaan ceelal biyoodyo iyo goobo cafimaad,in ay ka taagerto dhanka Tababaradda iyo qalabeenta xarunta howlgalada gurmadka deg-deg ah ee NEOC iyo in xiriirka labada Hay’addood sare loo sii qaado.

Wafdigaan waxaa hoggaaminayey Madaxa xiriirka Arrimaha gargaarka ee IHH Mudane Taner Altun,Hassan demir madaxa xafiiska IHH ee somaliya,waxaana kulankaan qeyb ka ahaa masuuliyiin katirsan Hay’adda SoDMA.

     

Guddoomiyaha golaha Shacabka oo shir-guddoomiyay kullanka Guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Shir guddoomiyay kulanka 24-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS oo looga hadlaayay dib u furida kulamada Golaha iyo soo bandhigista nuqulada iyo ajandeynta kulamada ka harsan kalfadhiga seddaxaad.

Kulanka oo ay goob joog ahaayeen guddoomiye ku-xigeenada Golaha iyo dhammaan xubnaha Guddiga Joogtada ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay arrimaha la xisaabtanka hay’adaha kala duwan ee dowladda, dib u eegista dastuurka KMG ah iyo heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran oo ay xukuumadu usoo gudbisay Golaha.

Waxaa la isku raacay in guddi gaar ah oo ka tirsan guddiga joogtada loo saaro, kaas oo kasoo tala bixiya go’aankii ama heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ay gaareen isla-markaana warbixintooda ku soo celiyaan Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka BJFS.

                 

Safiirka Soomaaliya U fadhiya dalka Itoobiya oo kulan la yeeshay Danjirayaasha Imaaraatka iyo Romania

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ambassador Cabdullaahi Warfaa oo mudooyinkii danbe ku hawlanaa dar-dar gelinta arrimaha diplomaasiyadeed ee uu ka hayo dalkaas Ethiopia ayaa la kulmay safiirada dalalka Imaaraatka iyo Romania H. E Amb Mohamed Al Rashiid iyo Amb Julia Pataki waxayna isku afgarteen adkaynta xiriirka qotoda dheer ee u dhexeeya saddexda dal.

Safiir Warfaa ayaa danjiraha Romania si gaar ah ugala hadlay arrimaha waxbarashada isagoo tilmaamay  muhiimada ay leedahay sidii Dawladda Romania ay Soomaaliya uga caawin lahayd dhinaca deeqaha waxbarashada ee heer Jaamacadeed.

  

 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Talo-bixin Dadweyne Gelinaysa Qabyo-qoraalka Qorshaha Hay’adda ee 2023-2027

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa ku casuumeysa qeybaha kala duwan ee bulshada in ay ra’yigooda ka soo bixiyaan qabyo-qoraalka Qorshaha Istaraatiijiga ah ee 2023-2027, kaas oo noqonaya qorshihii istiraatijiyadeed ee ugu horeeyay ee rasmi ah oo ay soo bandhigeyso HIQ.

Dhowaan HIQ waxay noqotay hay’addii dowladeed ee ugu horreysay Soomaaliya ee hesha Shahaadada ISO 9001:2015 ee maamul-wanaagga. Guushan ayaa muujineysa sida ay HIQ uga go’an tahay in ay dardargeliso howlaheeda, iyadoo sidoo kalena muujineysa sida ay uga go’an tahay in adeegyadeedu ay noqdaan kuwo ku dhisan tayo sare.

HIQ oo ah tan nidaamisa suuqa isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka, waxay qorshahan uga gol leedahay sidii loo abuuri lahaa suuq ku dhisan nidaam iyo sharci oo uu dalku yeesho. Iyada oo laga duulayo hiigsiga iyo aragtidaas, ayaa Qorshahan wuxuu ku qotomaa siddeed (8) ujeeddooyin istiraatiiji ah, kuwaas oo kala ah:-

1) Helidd

a adeeg isgaarsiined oo la awoodi karo, oo gaara dalka oo dhan;

2) In la helo suuq furan oo xor ah oo tartan caafimaad lehi ka jiro;

3) Horumarka waara ee isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda;
4) Falanqeynta suuqa Isgaarsiinta;
5) Xaqiijinta suuq-nidaamin habboon;
6) Haggaajinta wadatashiga iyo xiriirka daneeyeyaasha;
7) Kor-u-qaadidda iskaashiga iyo wax wada-shaqeynta; iyo
8) Maareynta tartanka suuqa.

Mudane Mustafe Yaasiin, Maareeyaha Guud ee HIQ, ayaa yiri “Iyada oo uu na hagayo qorshaheenna cusub, waxaan la shaqeyn doonnaa hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo daneeyeyaasha kaleba si aan u xaqiijinno gaaritaanka yoolasha istiraatiijiga ee ku xusan Qorshahan.”

HIQ ayaa ra’yi-gelinta qabyo-qoraalka Qorshahan uga dan leh in danneeyeyaasha kala duwan ee adeegyada isgaarsiinta iyo teknolojiyada ku biiriyaan talooyinkooda si loo waafajiyo baahiyada iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed, la dhiirri-geliyo daahfurnaanta, iyo in dadka oo dhan laga qeybgeliyo qorshaha lagu hormarinayo isgaarsiinta iyo teknoolojiyada dalkeenna.

Haddaba, HIQ waxa ay ku dhiirri-gelineysaa shakhsiyaadka iyo hay’adaha daneynaya in ay talooyinkooda ka soo dhiibtaan qabyo-qoraalka qorshahan. Faallooyinka iyo talasoojeedinta waxaa lagu diri karaa iimeylka [email protected] ugu dambeyn 20 Luulyo, 2023. Hay’addu waxa ay si taxaddar leh u eegi doontaa dhammaan faallooyinka ay hesho ka hor inta aysan dhameystirin qorshaha istaraatiijiga ah ee 2023-2027. Qorshaha marka la ansixiyo waxaa uu noqon doonaa mid laga heli karo mareegta HIQ bisha Agoosto, 2023.

Xeer Ilaalinta Qaranka oo soo bandhigay liiska 18 mas’uul oo ay ku jiraan 9 baxsad ka ah cadaaladda

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo maanta magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabatay ayaa soo bandhigay liiska 18 mas’uuliyiin dowladeed ah, kuwaas oo 9 kamid ah baxsad ka yihiin cadaaladda.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in Maxkamadda Gobolka Banaadir loo gudbiyay liiska 18 ruux oo ku eedeysan been anuur dukminti ,lunsasho , leexsasho iyo  xatooyo xoolo dadweyne , dayacaad iyo gudasho la’aan waajibaadkii saarnaa ,iyagoo ka faaideysanaya xafiis dowladeed.

Hadaba halkan hoose ka Akhriso liiska mas’uuliyiinta xiran iyo kuwa baxsadka ah cadaaladda ee Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka uu soo bandhigay:-

JOOGE

Cabdulaahi Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqad iyo Arrimaha Bulshada (06-08-2020.

Maxamed Cadde Mukhtaar Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqad iyo Arrimaha Bulshada (2015 – 2020

Cabdullaahi Maxamed Cosoble Agaasimaha Waaxda Ajaaniibta

Cumar Macallin Kutiin Agaasime ku xigeenka Waaxda Ajaaniibta

Saadir Xasan Cabdi Nuur Madaxa Hubinta Visa kordhinta Waaxda Ajaaniibta

Aadan Maxamed Cabdi Maamulaha Qaadasha Visa-ha ee Waaxda Ajaaniibta

Abubakar Maxamed Cali Maamulaha Cashuuraha Barigga

Cabdiqaadir Cabdi Socdaal (Abtidoon) Khasnajiga qaybta Ajaaniibta

Maxamed Aadan Cabdullaahi Maamulaha Bangiga ee Laanta Airport-ka Aadan Cadde

MAQANE

Cabdiraxmaan Cabdikariin Ibraahim Madax-qaybeedka Ruqsansiinta Ajaaniibta ee Waaxda Sharciga iyo xiriirka shaqaalaha.

Cabdullaahi Daahir Weheliye Khasnajiga Bangiga ee Laanta Airport-ka Aadan Cadde.

Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim Shaqaale ka tirsan Waaxda Ruqsansiinta Ajaaniibta ee Waaxda Sharciga iyo xiriirka shaqaalaha.

Muxiyadiin Xasan Julus (Saabey) Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Barigga.

Maxamed Idiris Axmed Madaxa Canshuuraha Dadban ee Wasaarada Maaliyadda.

Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Agaasimihii hore ee Ha’yadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Cabdiqaadir Cilmi Cali Agaasimaha Guud ee Ha’yadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Maxamed Cali Caadle Agaasimihii hore ee Waaxda Ajaaniibta.

Abubakar Xasan Aadan Madaxii hore ee xaqiijinta Documents-ka Codsiga Visa kordhinta Waaxda Ajaanibta.

Golaha wasiiradda oo ansixiyey Xeer Nidaamiyaha Habraaca Hagaha libka Deg-Degga ah

Golaha Wasiirrada XFS oo u shir guddoominayey ra’iisul wasaaraha xukuumadda jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Xeer Nidaamiyaha Habraaca Hagaha libka Deg-Degga ah.

Golaha ayaa ka dhageystay warbixinno Wasaaradda Difaaca iyo Taliyaha howlgalka Wadajirka ee Wejiga Labaad oo lagu ciribtirayo Khawaariijta, taasoo la xiriirta diyaar garoowga wajiga labaad ee hawlgallada dalka looga xoreynaayo kooxaha Khawaarijta ah, waxa ayna tilmaameen in uu dhawaan bilaaban doono hawlgalkan oo loo bixiyey Libaaxa Madow.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Xukuumadda DanQaran uga go’an tahay dabargoynta Kooxaha Nabad-diidka ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku jira xaalad naf la caari ah, kaddib markii awooddoodii ciidan, dhaqaale iyo fikirba si weyn loogu wiiqay wajigii koowaad ee hawlgalkan.

Sidoo kale, Golaha ayaa warbixinno ku saabsan Deyn Cafinta iyo Canshuur dhaafka, Wax Soo Saarka Dalka (GDP) 2022 iyo Hannaanka Deeqaha Caalamiga ee (Somalia Aid) ka dhageystay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah.

Guddigii qaban-qaabada Munaasabadaha Toddobaadka Xorriyadda, ayaa golaha la wadaagay sidii guusha ahayd ee ay ku soo dhammaadeen xuskii toddobaadka xorriyadda oo dalka oo dhan lagu qabtay munaasabado lagu wayneynayey, waxa uuna goluhu ku bogaadiyey guddiga sidii wanaagsanayd ee ay u agaasimeen xuskii maalmihii xorriyadda.

    

Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa wareejiyay ilaa 7-saldhig oo ay horay Soomaaliya uga joogeen

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in wadar ahaan 7 saldhig ay wareejiyeen kuwaasi oo loo qoondeeyay in lawareejiyo si ay u suurtagasho dhimista 2000 oo askari.

Saldhigyadda ay baneeyeen ayuu ku sheegey inay kala yihiin Xaaji Cali, Miirtugo, Cadale, Albao, Gherille, Aljazeera 1 iyo Marka Ayuub, ayaa lagu wareejiyay ciidamada Amaanka Soomaaliya (SSF).

Saldhiga Gherille oo ka tirsan Gobolka Gedo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa mas’uul ka ahaa Ciidamaka Kenya ee qaybta ka ah ATMIS halka Saldhiga Aljazeera 1 oo ku yaalla duleedka caasimadda Muqdisho ay mas’uul ka ahaayeen Ciidamada Ugandha ee qaybta ka ah ATMIS.

 

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo hirgalisay xarun lagula tacaalayo cudurka Cagaar showga

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay  hirgalisay xafiiska xakameynta iyo ciribtiro cudurka Cagaarshowga,xaruuntan laga hirgaliaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay wax ka qaban doonta la tacaalida,yareynta faafitaankiisa iyo ka wacayi-galinta bulshada cudurka  Cagaarshowga.
”Wasaaradda waxaa ka go’aan  wax ka qabashada cudurka Cagaarshowga si bulshada looga badbaadsho, iyadoo ay wasaaraddu waddo dadaallo lagu doonayo in ay ku diyaariso Istaraatijiyada qaran oo lagula tacaalayo xanuunka si bulshada looga wacayi-galiyo halistiisa”.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa sheegay in ay iska kaashanayaan Hay’adaha Dowladda federaalka,kuwa gaarka loo leeyahay, bulshada rayidka iyo saaxiibada Caalamiga ah sidii looga ciribtiri lahaa dalka xanuunka Cagaarshowga oo ka mid ah cudurada dilaaga ah ee dalka ka jira.
Halkaan Hoose ka daawo daawo Muqaalka wasiirka oo ka hadlaya qorshaha ay wasaaradda ka leedahay la tacaalida cudurka Cagaarshowga.

Wasaarada khayradka biyaha oo daah furtay deeq waxbarasho oo heerka 2-aad ah

Wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa hay’adda UNDP iyo hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Sweden (SIDA) ayaa ka hirgelisay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed waxbarshada heerka 2-aad ee takahsuska iskudhafka maareynta kheyraadka biyaha (Master of Science in Integrated Water Resources Management) oo ah takhasuskii u horeeyey ee noociisa ah oo Soomaaliya laga hirgeliyo si loo helo aqoonyahano Soomaaliyeed oo awood u leh maareeynta kheyraadka biyaha.

Wasaaradda oo kaashanaysa kulliyada taqasuska iyo cilmi baarista ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah daahfurtay takhasusuka iskudhafka maareeynta kheyraadka biyaha oo hadafkiisu yahay in la soo saaro aqoonyahano awood u leh maareeynta kheyraadka dalka si wax looga qabto caqabadaha waaweyn ee maareynta kheyraadka biyaha ee heer deegaan, heer qaran iyo heer caalami.

Iskudhafka maareeynta kheyraadka biyaha waa hab dhamaystiran oo loo maareeyo biyaha iyadoo la tixgalinaayo bulshada, dhaqaalaha, iyo deegaanka si loo dheelitiro baahida biyaha ee dhammaan isticmaalayaasha kala duwan. Habkani waxa uu midaynayaa qaybaha kala duwan oo ay ka mid yihiin maamulka biyaha, ilaalinta deegaanka iyo nabadgelyada. Waxay gacan ka geysan kartaa kor u qaadista isticmaalka biyaha waara, ka hortagga iska horimaadyada la xiriira biyaha, iyo xaqiijinta qoondaynta biyaha ee loo siman yahay.

Soomaaliya waxaa marwalba ka jira abaaro iyo fatahaado baahsan oo soo noq-noqda kuwaas oo saameyn ba’an ku yeesha nolasha malaayiin Soomaali ah sanad walba sababtana dhimashada dad iyo duunyaba, burbur hantiyeed, deegaan, kaabayaasha dhaqaalaha, iwm. Soomaaliya waxaa ka jira halis wadareed kala duwan oo isugu jira kuwa bani’aadmigu sameeyo iyo kuwo dabiici ah, oo ay ka mid yihiin fatahaado, abaaro iyo cudurro dillaaca. Dhibaatooyinka cimilada oo ay ka mid yihiin daadad iyo abaaro, ayaa ah kuwo soo noqnoqda marka isbeddelka cimiladu uu sii socdo.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa ku soo dhoweeyay marti sharafta ka soo qeyb gashay xafladda lagu daah furayay p borograamka Master ka oo ka dhacay Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho. Wasiiru dowlaha ayaa ku dheeraaday ujeeddada barnaamijkan, taariikhdiisa, iyo muhiimadda uu u leeyahay maamulka biyaha Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasabad lagu daah furayay Master ka ayaa la wadaagay guulaha la taaban karo ee dhanka waxbarashada, isagoo iftiimiyay u diyaar garowga laga soo billaabo nidaamka diwaan gelinta ardayda illaa uu si habsami leh u soo dhammaaday simistarka koowaad. Gudoomiye ku xigeenka ayaa carabka ku adkeeyay sida hagar la’aanta ah ee ay jaamacaddu uga go’an tahay in ay keento heer waxbarasho oo tayo sare leh.

Wakiilka ka socday Hay’adda UNDP ee Soomaaliya ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Xafladda. Erayadiisa aad ayey ula dhacsanaayeen dadweynihii ka soo qeyb galay, isagoo ku nuux-nuux saday sida ay uga go’an tahay hay’adda UNDP horumarinta kheyraadka biyaha.

Mudane Faarax Cabdulqaadir wasiirka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasabad lagu daah furayay waxbarshada heerka labaad ee takhasuska iskudhafka maareeynta kheyraadka biyaha Wasiirka ayaa si kal iyo laab ah ugu mahadceliyey Wasaaradda, Jaamacadda Umadda iyo UNDP iyo SIDA sida sharafta leh ee ay u keeneen barnaamijkan Master-ka ah ee Soomaaliya, isagoo muujiyay ahmiyada uu leeyahay oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee dalka laga sameeyo,iyaga oo diirada saaraya maaraynta isku dhafka ilaha biyaha.

Ugu dambeyn, wasiirka wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha mudane Jaamac Taqal Cabaas ayaa si rasmi ah u soo xiray xafladda isagoo u mahad naqay dhammaan kasoo qeyb galayaasha xafladda lagu daahfurayo waxbarshada heerka labaad ee taqasuska iskudhafka maareeynta kheyraadka biyaha. Wasiirka ayaa umahadceliyay dhammaan inta ka qeyb qaadatay hirgelinta barnaamijkaan oo muhiimad gaar ah u leh umadda Soomaaliyeed isagoo sheegay in Wasaaradda ay sii kordhin doonto taqasusyada kala duwan ee dhinacyada biyaha si dalka uu u helo biyo ku filan dalkan u gaaro horukac dhaqaale iyo barwaaqo. Wasiirka tamarta iyo kheyraadka Biyaha iyo Wasiirka Waxbarshada, hidaha iyo tacliinta sare ayaa si rasmi ah xariga ugu wada jaray waxbarshada heerka labaad ee takhasuska iskudhafka kheyraadka biyaha.

Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia oo la kulmay wasiir dowlaha warshadaha dalkaas

Addis Ababa: Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya magalada Addis Ababa ee xarunta Midawga Afrika danjire  Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa kulan la yeeshay wasiiru dawlaha wasaaradda warshadaha dowlada Ethiopia Xasan Macalin, waxaana ay ka wada hadleen arrimaha la xiriira iskaashiga dhinaca wax soo saarka labada wadan iyo is dhaafsiga khibradaha warshadaha, xilli dowlada Soomaaliya ay ku hawlantahay in dalka laga hirgaliyo warshado, si sare loogu qaado wax soo saarka iyo horumarka dalka.

Soomsaliya waxay ka mid ahayd wadamada Afrika ugu warshadaha badan, waxaana warshadahaas oo waxyaaba kala duwan soo saara ay kaalin wayn ku lahaayeen dhaqaalaha dalka, marka la eego shaqaalaha tirada badan ee subax walba u shaqo tagi jiray iyo waxyaabaha ay soo saaraan oo dibadda loo iib geyn jiray.