Wasiirka arrimaha dibadda dowladda FS oo ka qeybgalay shirka ururka NAM

Baku:-Wasiirka arrimaha dibadda dowladda FS mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan kaga qaybgalay shirka ururka wadamada dhexdhexaadka ah (Non-Aligned Movement) oo ay ka qaybgalayaan wasiirrada arrimaha dibedda ee dalalka xubnaha ka ah ururka (NAM).

Shirkan oo ah shirweynihii 18-aad ee ururka waxaa lagaga hadlay caqabadaha kala duwan ee ay wajahayaan xubnaha ururka, caqabadahan oo ay ka mid yihiin, dagaalada kala duwan ee ka socda gudaha iyo xuduudaha qaar ka mid ah xubnaha ururka, isbeddelka cimilada iyo saamaynta ay ku leedahay deegaanka, noolaha iyo xaaladda dhaqaalaha iyo cunno yarida caalamka iyo siday u saamaysay xubnaha ururka.

Sidoo kale waxaa looga hadlay xal u helidda khilaaafyada dhuleed, badeed iyo siyaasadeed ee ka dhexeeya xubnaha ururka gudahooda iyo urur goboleedyada ururkan hoos taga, qaddiyadda Falastiin iyo dhacdooyinkii iyo weeraradii ugu dammeeyey ee Israel ka geysatey gudaha Falastiin iyo xaaladda dagaalka dalka Suudaan iyo arrimo kale oo badan oo khuseeya xubnaha ururka.

Ururkan oo lagu asaasay magaalada Belgrade ee dalka Serbia sanadkii 1961 ayaa dalkeennu xubin ka ahaa tan iyo xilligaas.

NAM ayaa ah ururka ugu ballaaran adduunka marka laga reebo Jamciyadda quruumaha ka dhexeysa (United Nations) waxaana ku midaysan oo xubno ka ah 120 dal oo aan siyaasad ahaan si toos ah u raacsanayn awoodaha waaweyn ee caalamka.

Wasiirka Arrimaha gudaha oo furay kulan muhiim ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane, Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta shir guddoomiyay Kulan Wadareedka Farsamo ee dhaqangelinta heshiiska Golaha Wadatashiga ee Hannaanka Doorashooyinka Qaran.

Kulankan ay goobjoog ka ahaayeen farsamoyaqaanno ka socday Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Dastuurka, xafiisyada madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha iyo howlwadeennada shaqada sii wada ee katirsan guddiyada doorashooyinka iyo xuduudaha ayaa xoogga lagu saaray sidii loo heli qorshe shaqo oo dhameystiran oo la xiriira doorashooyinka.

Ugu horreyn Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa howlwadeenna kala duwan ee matalayay xafiisyada kala duwan uga waramay ahmiyadda  in la helo qorshe dhameystiran iyo kaallimo kala cad oo la xiriira doorashada taas oo lagu shaqeynayo muddada soo socota.

“Waa in xafiisyadan kala duwan ay isla dejiyaan roadmap lagu shaqeeyo, oo cid walba ku qanci karto iyada oo la tixgelinayo heshiiska doorashada ee ay gaareen madashada wadatashiga qaran” ayaa ka mid ahaa hadaljeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Axmed Macallim Fiqi.

Inta uu kulankan socday waxaa soojeedinno kala duwan soo bandhigay xafiisyada iyada oo laga dooday shuruuc badan oo wax kabadal u baahan, waxaa la iska soo qaaday arrimaha sharciga,  wacyigelinta, la falgalka saamileyda iyo qeybaha kale ee jileyaasha siyaasadda iyo bulshada.

Salva Kiir oo ballan qaaday qabashada doorashadii ugu horreysay ee dalkiisa

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir, ayaa ballan-qaaday in aanan dib loo dhigi doonin doorashada dalkiisa waxii ka danbeeya sannadka soo socda, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP.

Salva Kiir, ayaa Madaxweyne ka ahaa Koonfurta Suudaan, tan iyo sanadkii 2011-kii markaas oo uu dalkiisa ka go’ay  dal weynaha Suudaan.

Waxaa la qorsheynayay in doorashada dalkani ay dhacdo bishii February ee sanadkan 2023-ka, balse dowladda ayaan ilaa hadda ku guuleysan inay buuxiso qodobadii ugu muhiimsanaa ee heshiiska nabadeed ee dhex maray dhinacyada is khilaafay hoggaanka dalkan.

Koonfurta Suudaan, ayaa ka mid ah dalalka ugu saboolsan Afrika, inkastoo uu leeyahay kayd shidaal, balse tan iyo markii uu dalkan madax banaanidiisa ka qaatay Suudan waxaa ka jiray  xaalado dagaal, kuwaasi oo ay ku naf wayeen ilaa 400,000 oo qof, ka hor inta aysan Salva Kiir iyo Machar,  aanay saxiixin heshiis nabadeed sannadkii 2018-kii.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho, Arbaco, 5 July, 2023

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kumanaan shacab ah kula hadlayey Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho (Mogadishu Stadium) xuska sannad guuradii 63aad ee xornimada dalka ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan ciribtirka cadowga ragaadiyey amniga iyo horumarka ee Khawaarijta Al Shabab.

2- Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in si deg deg ah loo dhamaystiri doono dastuurka dalka, si loo harumariyo hannaanka dowlad dhiska Soomaaliya.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed, iyagoo ka wadahadley xaalada dalka iyo dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda Ciidul Adxa awgeed khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Receb Tayib Erdogan, Amiirka dalka Qatar Tamiim Binu Xamad iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay in dowladdu ay ka go’an tahay la dagaalanka musuqmaasuqa.

6- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu soo dhammaystay gudashada waajibaadka Xajka.

7- Ciidamada Xoogga Dalka oo ATMIS kala wareegay saldhigga Geriley ee gobolka Gedo, tallaabadaas oo qeyb ka ah fulinta heshiiskii la wareegidda amniga guud ee dalka iyo ka bixitaanka Ciidammada ATMIS ee Soomaaliya.

8- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in Ciidanka Xoogga Dalka ay si buuxda ula wareegeen ammaanka xarumihii ay baneeyeen 2,000 oo askari oo ka tirsan ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS.

9- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Marwo Safiyo Xasan Maxamed, Guddoomiyaha cusub ee Hey’adda Qaxootiga Qaranka iyo Guddoomiyihii hore.

10- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa dalka Uganda tababar ugu soo xirey 2 guuto oo ka mid noqoneysa Ciidanka Xoogga Dalka.

11- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in ay dhinteen afar xaaji oo ay laba dumar ay tahay,sidoo kale waxa u sheegay in la’ yahay saddex xaaji, ilaa 60 kale oo gargaar caafimaad u baahnaana wax loo qabtey.

12- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow ayaa ayaa safar kormeer ah ku tagay furimaha hore iyo xerooyinka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ku leeyihiin degmooyiinka Galcad iyo Ceel dheer ee Gobolka Galguduud.

13- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo booqday Qubuuraha Macalin Nuur ee Deegaanka Garasbaaley (Taree Disho) ayaa faray maamulka deegaanka in aan la dhisan karin qabuuraha, waxaana uu balan qaaday in tlalaabo adag laga qaadi doono ciddii lagu arkaa.

14- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Mudane Mukhtaar Roobow ayaa magaalada Makah ee Sacuudiga kula kulmay Wasiirka Arrimaha Islaamka ee Qatar

15- Wasiir Ku-Xigeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Xildhibaan Saalax Shariif Cali ayaa booqday deegaannada Goof-Gaduud, Buurey iyo Haraaw ee Gobolka Bay, isagoo ku bogaadiyey shacabka guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen dagaalka Khawaarijta.

16- Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa hawlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanno ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu burburiyay maxkamad beenaad ay khawaarijta ku lahaayeen halkaasi.

17- Ciidanka Booliiska Puntland ayaa soo qabtey soona bandhigay 9 horjooge oo ka tirsanaa kooxda argagaxisada ah ee Daacish.

18- Kooxda Khawaarijta ah ee Al Shabaab oo fal aad u xun oo Diinta Islaamka lid ku ah ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe kadib markii ay burburiyeen masjidka degaanka Daarul Nimca.

==========DHAMMAAD============

Ciidamada Dowladda oo si tartiib ah ugala wareegaya fariisimada ATMIS (WARBIXIN)

Burburkii Dowladdii dhexe ee Dalka Soomaaliya sanadkii 1991-kii kadib ayaa waxaa Dalka soo gaaray Ciidamo huwan ah oo la magac baxay Ciidanka Howsha ku midoobay (TASK FORCE), sanadkii 1992kii, kaasi oo uu hoggaaminayay Wadanka Maraykanka, ayna a mid ahaayeen Wadamada Faransiiska, Talyaamiga, Bijam, Maleesiya, Turkiye iyo kuwa kala socday Afrika iyo Carabta, kuwaasi oo ujeedadoodu aheyd in ay kaalmeeyaan Dadka Soomaaliyeed oo berigaasi ay ka jireen dagaalo sokeeye oo sii daba dheeraaday, kaasi oo sababtay in ay dilaacdo Macluul ba’an, runtiina waxay u fidiyeen gacan bini’aadannimo, waana ku guuleysteen samata bixinta Dadkii baahnaa, muddo kadibna waa ay ka baxeen sabab kasta ha ahaatee sanadkii 1995-kii.

Markaasi waxaa sababay soo galitaanka Ciidamada shisheeye Macluushii iyo dagaallo sokeeye, balse soo galitaanka Ciidamada waxaa sabab u ah kadib markii Kooxaha Argagaxisu ku fideen meelo ka mid Gobolada Dalka, islamarkaana dhibaatooyin fara badan u geystay Shacabka Soomaaliyeed, Duniduna ay ka baqdin qabtay inay ku sii fiddo shartooda Wadamada kale ee Dariska la ah Soomaaliya sida Kenya, Itoobiya iyo meelo kale.

Mar haddi ay muddo ku sugnaayeen Ciidamada ka socda Midowga Afrika ee la magac baxay ATMIS markii horena loo yiqiin AMISOM, waxaa loo baahday in ay bedelaan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ayay Dowladda Federalka Soomaaliyeed ay dajisay Isteraajiyadda ka bixitaanka Ciidamadaasi sanadka markuu gaaro 2024-ka, inta ka horreysana si tartiib tartiib loo dhimo tiradooda, balse ka hor bixitaankooda loo baahan yahay in Soomaaliya laga qaado cuneqabateynta Hubka ee ay Qaramada Middobay saartay sanadkii 1991-kii.

Haddaba si loo qaado cuneqabateyntaasi ayay Dowladdu geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay si loo qaadi lahaa gabi ahaanba Cuneqabateyntaasi, sidaasi awgeed ayuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan gaaray waddanka Mareykanka ayaa billaabay olole uu ku doonayo in Soomaaliya looga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran, waxaana uu kulamo la qaatay Madax ka tirsan dowladda Mareykanka, waxaa kaloo uu ka qeybgalay fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha waxa uu khudbad ka jeediyay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey isagoo la wadaagaya dalalka xubnaha ka ah Golaha xaaladda amniga Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka argagixisada Al-Shabaab, isagoo xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga qaadi ahaa cunaqabateynta hubka, islamarkaana taageero ballaaran oo caalami ah loogu heli lahaa Wejigaa 2-aad ee dagaalka dalka lagaga sifeynayo argagixisada Al-Shabaab, waxaa kaloo uu la kulmay Madaxda Hey’adaha Caalamiga ah, kuwaas oo ay iska wareysteen taageero caalami ah ee dadaalka dowlada ay ku bixineyso xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-shabaab iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran.

Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxda howlgalka ATMIS, El-Amine Souef ayaa ugu baaqay Golaha Amaanka inay ka qaadaan xayiraada Hubka culus ee saaran Somalia laga soo bilaabo ilaa sanadkii 1991-dii markaasoo uu burburay Nidaamkii Dowladeed iyo kala dambeyntii…

Sarkaalkaan ATMIS Hogaamiya ayaa sheegay ka qaadista cunaqabateynta hubka ee Somalia ay ka caawinayso Ciidamada Amniga ay awood u yeeshaan inay la wareegaan lahaanshaha Amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Argagixisada isla markaasna degaanada laga xoreeyo dib loogu howlgeliyo adeegyada asaasiga ah.

Dhowr maalin ka hor ayay ahayd markii Ergo ka socday Golaha Amaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika ay soo gebagebeeyeen safar shaqo oo ay ku soo gaareen Caasimada Mogadishu si ay ugu kuur galaan xaaladda amni ee ka hor qorshaha dhimista Ciidamada ATMIS ee dhamaadka bishan Juun iyo September 2023-ka.

Hawlgalka Nabadda ee Midowga Afrika wuxuu heystaa ilaa 31ka Diseembar 2024-ka, si uu uga baxaan guud ahaan Dalka, Dowladda Federaalka iyo ATMIS-ka ayaa labaduba xaqiijiyay in ay ka go’an tahay fududeynta in si habsami leh ay Mas’uuliyadaha Amniga loogu wareejiyo Ciidamada Amaanka Soomaaliya.

Ka dib 18 sano iyo saddex hawlgal nabadeed oo caalami ah, Soomaaliya waxay isu diyaarinaysaa inay si buuxda u maamusho ammaankeeda. Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa isku diyaarinaya in 2,000 oo askari laga saaro dalka marka la gaaroo 30-ka June 2023-ka.

Haddaba si loo gaaro hadafkaasi ayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo fulinaya heshiiskii la wareegidda amniga guud ee dalka ayay howlgalka ATMIS kala wareegay Lix saldhigga oo ku kala yaalla Gobolada Shabeelada Dhexe, Shabeelada Hoose iyo Gedo, saldhigyadaasi oo kala ah Cadale, Xaaji Cali iyo Mirtaqwo oo ka tirsan Shabeelada Dhexe oo ay markii hore gacanta ku hayeen Ciidamada Burundi ee ka tirsan Ciidanka ATMIS, Ciidanka Kenyana waxay iyaguna wareejiyeen Deegaanka Gerileey ee degmada Ceelwaaq gobolka Gedo, halka Ciidama Ugaandha ay wareejiyeen Deegaannada Arbacoow iyo Jasiira oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose.

Taliska Ciiddanka Xoogga Dalka ayaa sidan oo kale horay ula wareegay saldhigyadii ATMIS ee degmada Cadale, deegaannada Xaaji Cali, Mirtaqwo iyo deegaanka Arbacow ee duleedka Muqdisho, Ciidama Ugaandha waxay kaloo ka guureen saldhig 3-aad oo ka tirsan Shabeelada Hoose kuna yaalla Marka Ayuub, saldhiggaasi oo la xiray, iyadoo Ciidamaada ka tirsan ATMIS ee wareejiyay Saldhyadaasi waxay tiradoodu dhan tahay 200 Askari, waxaa kaloo la filaa in bisha Septemper ay baxaan 300 arkari oo ka tirsan Ciidanka nabad ilaalinta ATMIS.

Xil-wareejinta mas’uuliyadda amniga oo u dhaceysa si tartiib tartiib ah ayaa qorshaha wajiga koowaad yahay in hawlgalka ATMIS uu dalka ka saaro (2000) oo Askari dhammaadka bishan Juun.

Korneyl Sanay Cabdulle oo ka tirsan Saraakiisha ku sugan Aagga Deegaannada Shabeelada Dhexe oo ka hadlaayay munaasabad howl-kala wareejin oo ka dhacday Degmada Cadale ayaa yiri:-” Waan ku filanahay in si buuxda aan dalka ugala wareegno Ciidamada ATIMIS, dhawaanna waan ciribtireyna Khawaarij”, isagoo la dardaarmayay Ciidamada Qaranka ee la wareegay Saldhiggii Cadale oo ay kala wareegeen Ciidanka Burundi oo in muddo ah ku sugnaa Deegaanadaasi ayaa sii raaciyay “ Saldhig in lala wareego muhiim ma ah ee waxaa la iska rabaa in ammaanka guud la lala wareego”.

Sirdoonka Turkiga oo sheegay inaay burburinyeen unug ka mid ah Mossad

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in ciidamada sirdoonka Turkiga ay ku guuleysteen inay burburiyaan unug la ka tirsanaa sirdoonka Isra’iil ee Mossad, oo ku sugnaa Istanbuul.

Unuggaan ka tirsanaa Sirdoonka Isra’iil, ayaa sida warka lagu sheegay loo tababaray inuu xog uruurin ka sameeyo qaar ka mid ah hay’adaha Carabta ee deggan Istanbuul, dadka la qabtay ayaa isugu jira Carab iyo kuwa Turki ah.

Bishii December ee lasoo dhaafay, warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in sirdoonkooda ay ku guuleysteen inay burburiyaan unug Mossad ah oo ka howl galayay magaalada Istanbuul, inkastoo aanan la faafaahin tirade dadka la qabtay iyo jinsiyadooda.

Wasiirka caddaaladda oo ka hadlay la dagaallanka musuqmaasuqa

Wasiirka Cadaalada iyo dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin ayaa sheegay in qorshaha la dagaallanka musuqmaasuqa ee dowladdu uu marayo meel wanaagsan.

Wasiirka ayaa sheegay in guddiga la dagaallanka musuqa uu yahay mid dastuuri ah dhismahiisuna uu haatan socdo, lana hor geyn doono golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka si loo meel mariyo, isagoo intaasi raaciyay in ay sii wadi doonaan howlaha horyaalla ee lagama maarmaanka u ah la dagaallanka musuqmaasuqa shuruucdiisa kalena ay dhamaystiri doonaan.

Dhinaca kale Sheekh Maxamed Dirir ayaa sheegay in Diinta Islaamka ay qof kasta oo muslim ah farayso Ilaalinta amaanada, wuxuuna musuqu ku tilmaamay mid xaaraam ah oo uu Alle fogeeyay, isagoo dowladda ku ammaanay tallaabada ay u qaadday la dagaallanka musuqa.

Dowladda oo ciribtireysa cudurka ugu xun ee curyaamiya dhismaha Dowladnimada (Warbixin).

Masuq-maasuqu waa aafo dilootay Dowladnimada iyo cudurka ugu xun ee dumiya qaab-dhismeedkeeda hay’adeed, falcelin xun oo kan sameeeyaa u haysto tallaabo u hiilineysa horumarkiisa noloeed, balse ah go’aan mugdi gelinaya mustaqblkiisa adduun iyo Aakhiro.

Soomaaliya oo dhaqankan tuuganimada ah dhibaato ku hayay muddo dheer ayaa qaadeysa tallaabooyin ka dhan ah kuwa caadeystay xatooyada xoolaha dadweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhawaan ku dhawaaqay qorshehiisa la dagaallanka masuq-maasuqa.,isagoo faray hay’adaha caddaalada iyo kuwa u xilsaaran ilaalinta hantida qaranka in ay awooddooda dul dhigaan ciribtirka musuqa iyo ceebeynta cid walba oo ku lug yeelata boobka hantida ummadda.

” Dowladda Soomaaliya ma ogolaaneyso in waxa yarka ah ee gabadha jidka Shaaha ku iibisa ee rubaca sokorta ah ay soo gadatay canshuurta laga qaaday in nin inta jeebka ku shubto baxsado, subax, subaxyada ka mid ah gurigaada ha ugu soo lebesanin ninkaas tuugga ah inaad difaacdid, maxaa loo xiraa, maxaa loo hasytaa, maxaa loo ceebeynaa?, waa la ceebeynaa, waa la karaama tiraa, waxa uu mudan yahay karaaamo, sharaf iyo haybad malahan, ninka Alle ka cabsan waayana sharaf ma leh, nooma kala sokeeyaan dadka Soomaaliyeed ogaada ninka Shabaabka ah ee na qarxinaya iyo ninka tuugga ah ee canshuurta xadaayo, isku si ayaa ula macaamileynaa,” ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ka duulaya waajibaadkiisa shaqo iyo fulinta amarka madaxweynaha ee ku aaddan qaadista dagaal dhab ah oo ka dhan ah masuq-maasuqa ayaa bannaanka soo dhigay kiisas la xiriira masuqa oo lagu eedeeyay mas’uuliyiin Dowladeed iyo howl-wadeenada qaar ka mid ah hay’adaha Dowladda, kuwaas oo loo gudbiyay maxkamadaha awoodda u leh.

Shaqsiyaad badan oo loo haysto kiisas la xiriira masuq-maasuq ayaa ka soo muuqday fagaaraha caddaalada, waxaa sidoo kale, kala shaandheyn iyo baaris dheer ku socotaa qaar ka mid ah mas’uuliyiin iyo hay’ado Dowladeed, kuwaas oo lagu tuhmayo kiisas la xiriira masuq-maasuq .

Tallaabooyinka ka dhanka ah la dagaallanka masuq-maasuqa ay qaadday Dowladda oo dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada si weyn u soo dhoweeyeen wuxuu dhabaha u xaarayaa in Soomaaliya ay gaarto isku filnaasho dhaqaale si aan uga maaranno kaalmooyinka caalamiga ah ee hadda ay ku tiirsan tahay Dowladda.

 

Baarlamaanka Carabta oo canbaareeyay qaraxii ay khawaarijtu la beegsatay masjidka Daaru Nicma

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa cambaareeyay qaraxii ay Malleeshiyada Argagixisada ee Al-Shabaab la beegsadeen Masjid ku yaalla deegaanka Daaru Nicma ee Gobolka Shabeelaha dhexe Soomaaliya.

Jaamacadda Carabta ayaa falkaasi ku tilmaantay dembi fool xun oo ka dhan ah damiirka aadanaha, kaas oo kasoo horjeeda shareecada Islaamka iyo qawaaniinta Caalamka.

Baarlamaanka Carabta ayaa xaqiijiyay in argagixisadu aysan diin lahayn, isaga oo carabka ku adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in la mideeyo dhammaan dedaallada ay dunida Carabta kula dagaallamaysao khawaarijta heer gobol iyo mid caalami.

Baarlamaanka Carabta ayaa mar kale sheegay in Soomaaliya ay si buuxda uga garab siinayaan dagaalka ay kula jirto argagixisada, iyadoo muddadii uu socday laga gaaray guulo la taaban karo laguna naafeeyay kooxaha argagaxisada ah.

Ciidamada Isra’iil oo dib ugu baxay Jeniin

Ciidamada Isra’iil ayaa isaga baxay xerada Jeniin ee Daanta Galbeed, kadib maalmo ay halkaas ka wadeen howlgal ay ku bartilmaameedsanayeen dadka reer Falastiin ee xeradaasi ku sugnaa.

Muuqaallo ay baahisay Warbaahinta ayaa muujinaya burbur baahsan oo ay halkaasi ka geeysteen Ciidamada cirka iyo dhulka ee Isra’iil.

Tirada dadka ay halkaasi ku dileen Ciidamada Isra’iil, ayaa lagu sheegay 12 ruux, halka dhaawacana uu kor u dhaafay 100 qof.

Tv-ga Al-jazeera oo xaalada xeradan u kuurgalayay ayaa sheegay in ciidamada Isra’iil ay burburiyeen kaabayaashii  nolosha ee xeradaas, kadib muddo laba maalmood ah oo dagaallo ay ka socdeen xerada Jeniin ee dhacda Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta.