Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay qaar ka mid ah hay’adaha sama falka

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan la qaatay Wafdi sare ah oo ka socday Hay’adaha Caalamiga ee World Vision, DRC ICF iyo SOMREP oo soo gaaray Jowhar.

Kulankan oo Madaxweynaha ay ku wehliyeen qaar kamid ah Golihiisa Wasiirrada ayaa looga hadlay kor u qaadida mashaariicda horumarinta oo Hay’adahaan ay ka wadaan deegaanada Hirshabeelle iyo kuwa u qorsheysan gaar ahaan ka hortaga fatahaadaha wabiga shabeelle, Beeraha Cunnada iyo sare qaadista dalagyada abuurka, caawinta barakacayaasha iyo shaqo abuurka dhalinyarada.

Madaxweynaha ayaa Hay’adahaan la wadaagay in muhiimad gaar ah ay u leedahay in adeegyada horumarinta la gaarsiiyo deegaanadii dhowaan laga xoreeyay kooxda khawaarijta alshabaab si bulshada ay u helaan adeegyada muhiimka ah.

Taliyaha ciidanka dhulka oo kormeeray xarunta taliska Gorgor ee Xoogga Dalka

Taliyaha Ciidanka dhulka XDS Gen Axmed Aadan Cali ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay dugsiga Tobobarka Ciidamada Turki Som iyo Taliska Guutada 18-aad Kumandooska Gorgor XDS ee magaalada Muqdisho.

Gen Axmed Aadan Cali oo ugu horayn tagay dugsiga tababarka ee Turkisom halkaas oo uu tobobar uga socdo Cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka ayaa kulan la qaatay taliyaha dugsiga Turkisom Gen. Ali Sigirtmac oo ah Taliyaha Dugsiga Turkisom isagoona ugu mahadceliyey garab istaagga dowladda Turkiga ee Soomaaliya.

Gen. Ali Sigirtmac ayaa dhankiisa ka mahadceliyey celiyay kormeerka taliyaha, isagoo warbixin dhameystiran ka siiyay tababarka Ciidanka Xoogga halkaas ugu socda.

Dhanka kale taliyaha ayaa kormeeray taliska guutada 18-aad ciidanka Kumandooska Gorgor XDS halkaas oo ku soo dhaweeyey Taliyaha Guutada 18-aad Gashaanle Bashiir Cumar Cabdullaahi.

Taliye Axmed Aadan ayaan kulan la qaatay Saraakiisha guutada 18-aad ee kumandooska Gorgor XDS, waxana uu kula dardaarmay in si daacada u gutaan waajibka qaran una diyaar garoowaan wajiga labaad ee dagaalka dalka lagaga xoreynayo khawaarijta.

       

Wasiirka maaliyadda oo la kulmay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Wasiirka maaliyadda xukuumadda FS mudane Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya danjire Mike Nithavrianakis.

Kulanka oo ka dhacay xarunta safaaradda boqortooyada Ingiriiska ayaa looga hadlay dhamaystirka geedi socodka deyn cafinta oo Soomaaliya ay soo waday 7-dii sano ee ugu dambeeyey, kaas oo haatan maraya heer gabangabo ah.

“Waxa aan ka wada hadalnay arrimo ay ka mid yihiin dhameystirka hannaanka deyn cafinta oo hada meel wanaagsan innoo maraya, dowladda Uk waxa ay ka mid tahay Saaxibada ugu horeeya ee taageeraada la garab taagan Dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Dr Cilmi.

Garsoore ku eedeysan musuq oo maxkamadda gobolka Banaadir la horgeeyey

Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay garsoore ku eedeysan musuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.

War-saxaafadeed uu xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranku ka soo saaray kiiskan ayaa lagu faahfaahiyey arrintaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka mudane Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay madaxweynihii hore xaaladda dalka iyo dadaalada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Al-shabaab lagu cirib tirayo.

Dhankiisa, mdaxweynihii hore ee dalka mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha Jamhuuriyadda kulankan wadatashiga iyo soo dhaweynta ah ee uu ugu fidiyey Madaxtooyada, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.

Wasiirka gaashaandhigga oo daah furay hindise sharciyeedka difaaca Qaranka

Wasiirka wsaaradda gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ay weheliyaan wasiir ku xigeenka wasaaradda iyo agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah furay shir looga hadlayo dib u eegista hindise sharciyeedka difaaca Qaranka Soomaaliyeed.

Shirkan wada-tashiga ah oo soconaya muddo labo maalmood ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii dib u eegis loogu samayn lahaa qoddobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hawlaha makamadda ciidamada qalabka sida, xuquuqda iyo xorriyaadka asaasiga ah ciidamada, daba-galka eedaynsaneyaasha fal-dembiyeedyada, ilaalinta xubnaha hawl-galka ku-jira iyo qodobbo kale.

Shirka wadatashiga ah waxaa ka qayb galay xubno kala metelayey wasaraadda Gaashaandhiga, taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ururrada bulshada rayidka ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Maamulka Koofur galbeed iyo IOM oo ka wada hadlay dardar gelinta mashruuca nabadda

Baydhabo- Wasiirrada Wasaaradaha Amniga, Cadaaladda, Qorshaynta, Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada iyo Agaasimiyaal ayaa Xarunta Madaxtooyada maamulka koofur galbeed ee Baydhabo ku qaabbilay wafdi ka socda hay’adda IOM ee Soomaaliya.

Kulan saacado qaatay oo ay yeesheen Wasiirrada iyo Madax ka tirsan hay’adda IOM ee Soomaaliya ayaa looga hadlay dardar gelinta mashruuca nabadda, kaas oo socon doona muddo todoba sano ah.

     

Share this Article

Taliska Booliska oo ka war bixiyay hoobiyeyaal lagu soo tuuray qeybo ka mid ah Caasimadda

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in ay qasaare nafeed geysteen hoobiyeyaal macmal ah oo ay khawaarijtu ku soo tuureen xaafado ka mid ah Caasimadda.

Hoobiyeyaashan oo sida uu Afhayeenku sheegay laga soo tuuray duleedka Caasimadda ayay waxyeello kasoo gaartay qoys ku noolaa degmada Waaberi, waxaana ku geeriyooday saddex qof oo uu ku jiro Aabbaha qoyska, halka laba kale oo ay Hooyada reerka ku jirtana uu dhaawac kasoo gaaray.

“Maanta oo ay Taariikhdu tahay 04-July-2023, abaaro 05:00am, ayaa Kooxda Khawaarijta ah oo caadeysatay dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed, waxay gantaallo macmal ah oo ay soo tuureen ku dhaceen guryo ay dad shacab ah degganaayeen oo ku yaalla degmada Waaberi, falkaas Argagixsadu sameysay ayaa waxaa ku dhintay Aabbe iyo labadiisa carruur ah, waxaana ku dhaawacmay Hooyadii qoyska iyo 2 Caruur ah oo ay dhaleen,waxaa ilaahay u waydiinaynaa inuu u naxariisto dadkii ku dhibtay, caafiyana kuwa ku dhaawacmay”.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay Ciidamada amaanku gacanta kusoo dhigeen eedeysane la rumeysanyahay in uu ku lug lahaa falkaas ayna socoto baaris arrintaasi la xariirta.

Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal

Addis Ababa- Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia mudane, Cabdullaahi Warfaa ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiiru Dawladaha Ganacsiga Ethiopia, Kassahum Gofe Balami, iyagoo ka wada xaajooday xoojinta xiriirka ganacsi ee laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal iyo ka hor tagga ganacsiga sharci darrada ah.

Dhanka kale, Safiir Warfaa ayaa kulan kale oo muhiim ah la qaatay safiirka Jaamacadda Carabta u qaabilsan Midowga Africa iyo UNECA Dr; Walid Hamed Shiltagh, iyagoo ka wada hadlay in labada dhinac ay iskaashi ka yeeshaan arrimaha dhaqaalaha iyo maamul wanaaga, waxaana Ambassador Walid uu ballan qaaday inay Soomaaliya ku garab istaagayaan hanashada kursiga Golaha UNSC ee ay Soomaaliya u tartami doonto.

 

Booliska gobolka Banaadir oo gacanta ku dhigay rag ku eedeysan burcadnimo

Taliska qeybta guud ee Boliiska gobalka Banaadir ayaa sheegay howlgal ay sameyeen Ciidamada Booliska ee ka howlgala saldhigga degmada Yaaqshid ay kusoo qabteen burcad hubeysan oo ku howlanaa dhac ay u geeysanayeen dad shacab ah, kuwaasi oo adeegsanayay mootooyinka loo yaqaan Bajaajta.

Warkan ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Boliiska gobalka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidamada Booliska ay qabteen labo nin oo burcad ah, kuwaa oo bistoolad iyo toorrey dadka ku baaranayay xaafado ka tirsan degmada Yaqshid ee gobalka Banaadir.

Taliska Booliska gobalka Banaadir ayaa sheegay in burcaddan gacanta lagu soo dhigay loo gudbin doono sharciga, lana marin doono caddaalada.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in gacan bir ah lagu qaban doono kooxaha burcadda ah ee caadeystay dhaca iyo cabsi gelinta dadka shacabka ah.