Ciidanka xoogga dalka oo fashiliyay qaraxyo ay dhigayeen khawaarijta

Dhuusamareeb- Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Ururada 7-aad iyo 9-aad, guutada 18-aad ee kumaandooska GorGor ayaa howlgal gaar ah oo ay ka sameeyeen degaanada Ceel-xaaji iyo ceel-dhiigtaar oo hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud waxa ay ku fashiliyeen qaraxyo ay dhigayeen khawaarijtu, si ay u wax yeelleeyaan bulshada Soomaaliyeed.

Taliyaha ururka 7 aad ee kumaanooska GorGor dhamme, Mahad Iimaan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan oo lagu baacsanayo haraadiga Khawaarijta isla markaana lagu soo saaray Miinooyin ay khawaarijta ku aaseen wadooyinka ay isticmaalaan dadka Shacabka ah.

   

Turkiye iyo Masar oo magacaabay safiirro ka howlgala dalalkaasi

War qoraal ah oo ay si wada jir ah u soo saareen wasaaradaha arrimaha dibadda ee Turkiye iyo Masar ayaa lagu sheegay in labada dal ay magacaabeen laba safiir oo ka shaqeyn doona dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya dhinacyadaasi.

Turkiye ayaa u magacaabay Salih Mutlu Sen inuu noqdo safiirka dalkaasi u fadhin doona Masar,halkaDowladda Masar ay safiir u magacaabeen  Amr Elhamamy,kaas oo ka howlgali doono Magaalada Ankara.

“Dadaalka cusub ee loo qwaaday soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal waxaa loo fuliyay si waafaqsan go’aanka ay qaateen madaxweynayaasha labada dal,” ayaa lagu yiri bayaankaasi.

“Tallaabadan waxay ujeedadeedu tahay dib-u-habaynta xiriirka labada dal,waxayna ka tarjumaysaa rabitaanka wadajirka ah ee lagu hagaajinayo xiriirka laba geesoodka ah ee danaha dadka Turkiga iyo Masar.”

Cudur-daar iyo cafis malahan ciddii dhaqaale ku taageerta Khawaarijta (Warbixin

Jiritaanka argagixisada iyo in ay dadka laayaan waxaa laf-dhabar u ahaa dhaqaalaha xooggan oo ay sida baadda ah uga qaadi jireen Bulshada gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Dhaqaalahaas oo ay u adeegsan jireen dilalka, qaraxyada baabuurta,cabsi gelinta Bulshada iyo wax kasta oo halis ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed,maaddaama argagxisadu ku socdo dagaal toos ah oo looga saaray deegaanno iyo degmooyin muhiim ah oo muddo ay xoog ku heysteen, kuwo kooban ay joogaanna lagu beegsanayo.

Si soo afjaridooda u fududaato waxaa lama huraan noqotay in dhinaca dhaqaalaha laga curyaamiyo, ku baraaruga Bulshada arxandarada iyo ficilada foosha xun ee argagixisadu oo ah kuwo aan waxba hambeyn oo lagu daray digniino iyo go’aano Dowladda ah ee la dagaallanka cadowga ayey inta badan ganacsatadii siin jirtay cadowga baadda joojiyeen.

Qarashaad lagu sii dhibaateeyo ummadda Soomaaliyeed, balse dadka faaqida arrimaha argagixisada iyo sida dhaqaalaha u sameeyaan ayaa rumeysan in ay wali jiri karaan waddooyin ku heli karaan dhaqaalo yar oo aan ku filneyn.

Dowladda Federaalka waxaa go’an in ay  xirto waddo kasta oo Khawaarijta Al-shabaab dhaqaale ku heli karaan,waanna sababta keentay in ay daciifaan kooxdaas bilihii ugu dambeeyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ku celiyay in ay dambi tahay qof kasta oo lacagtiisa ku taageera Al-shabaab, isaga oo tilmaamay lacagaha ay qaataan Khawaarijta ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa la isku khilaafsaneyn oo muran ka taagneyn shilinka Shabaab la siiyaa wuxuu u adeegsanayaa dhiigga ummadda muslimiinta ah inuu daadiyo, askariga Shabaabka ah ee wax dilayo mushaar haloo siiyo, mateeriyaalka qalabka qaraxa lagu sameeyo halagu soo gado, midka qaraxa inuu meel mariyo la rabo halagu laaluusho, dhammaan isku soo wada xeeri dhiig la daadinayo qof Soomaali oo Muslim ah oo beri ka ah oo wax uu haleeyay iyo wax uu galabsaday aanay jirin dhiiggiisa la dilayo iyo xormadiisa la baabi’inayo ayaa loo adeegsadaa qofna ma u cudur-daari karo marka, “.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa digniin u diray kuwa Alle wax u dhiibay in ay ilaashadaan lacagtooda oo aanay naar ku muteysan.

Kooxda Khawaarijta Al-shabaab, ma jirto waddo u furan xilligan oo dhaqaalo uga heli karaan ganacsatada iyo dadka hodanka ah oo ay baadi jireen.

Hay’adaha amniga oo ah ugu horeyso hay’adda NISA ayaa daba-gal xooggan ku haysa dadka lacagaha siiya Al-shabaab iyo kuwa u qaada Al-shabaab, dhowaan ayeyna ahayd markii duleedka degmada Afgooye lagu dilay madaxii Khawaarijta u qaabilsanaa u yeeridda si lacago baad ah looga qaado, gabalka Khawaarijtu wuu dhacay waxayna ku jiraan rafashadii ugu dambeysay jiritaankooda.

Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay xubin ka tirsanaa khawaarijta

Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda NISA ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen tuulada Macallinka oo u dhaxeysa Bariirre iyo Sabiid ee gobalka Shabeellada hoose ayaa waxay ku dileen mid ka mid ah dhagarqabayaasha Khawaarijta iyadoo ciidamadu ay furteen hubkii uu watay.

Ciidanka ammaanka qeybahooda kala duwan ayaa sameeya howlgallo qorshaysan oo joogto ah, kuwaas oo looga hortagayo dhagar kasta oo ay Khawaarijtu  soo abaabulaan.

kulan la yeeshay maamulka sare ee xafiisyada madaxda Qaranka

Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Abuukaate Axmed Ciise Gutale ayaa maanta kulan la yeeshay maamulka sare ee xafiisyada Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Golaha Shacabka, iyo Aqalka Sare ee JFS.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayay natiijooyinka muhiimka ah ee ka soo baxay baarista Xafiiska Hantidhawrka Guud, warbixinnadii dhawaan lala wadaagay hay’adahaas iyo sidii loo dardargalin lahaa dhaqangalinta talooyinka uu Xafiisku bixiyay.

Ugu danbeyn, kulanka ayaa la iskula meeldhigay sidii loo sii xoojin lahaa isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta hannaanka maaraynta maaliyadda dalka, si sare loogu qaado hufnaanta waxqabadka hay’adaha iyo dowlad wanaagga.

  

Kusimaha wasiirka Awqaafta oo dhiirri-galin ugu tagay ciidanka Xoogga Dalka qeybta ee ku sugan Goof-gaduud Buurey Haraaw

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xildhibaan Saalax Shariif Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqday deegaanka Goof-gaduud Buurey Haraaw ee Gobolka Bay.

Kusimaha wasiirka ahna wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha ayaa halkaas kula hadlay ciidanka Xoogga Dalka oo saldhigga ku leh deegaankaas, isagoo ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka kareen dagaalka Khawaarijta.

Xildhibaan Saalax Shariif Cali ayaa u sheegay cutubyada Xoogga Dalka ee ka tirsan qeybta 60-aad in Khawaarijta gabalkooda sii dhacaya dhawaan lagu qaado doono wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah argagixisada una diyaar garoowaan qeybta uga aadan.

Wasiirka waxaa ku wehlinayey socdaalkiisa, wasiirka Garsoorka Konfur Galbeed Hassan Abdulkadir Mohamed iyo Taliyaha Qeybta 60-aad ee ciidanka Xooga Dalka Genaral Hassan Baydhabo iyo saraakiil kale oo ka tirsan qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo amray in aan la dhisan karin Qubuuraha Macalin Nuur

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta booqday Qubuuraha Macalin Nuur ee Deegaanka Garasbaaley (Taree Disho) si uu ugu jawaabo cabasho ka timid qaar ka mid ah Bulshada Caasimadda.

Duqa Caasimadda oo ay wehliyeen Agaasimaha Waaxda Dhulka, Agaasimaha Xafiiska Duqa, Afhayeenka Gobolka Banaadir iyo Maamulka Deegaanka Garasbaaley ayaa waxa uu halkaasi kula hadlay Bulsho ka wal-walsan warar muddooyinkii ugu danbeeyay baraha Bulshada la isla dhex maraayay taasi oo aheyd in halkaasi la dhisanaayo isla markaana qubuuraha laga bixinaayo.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in Qubuuraha Macalin Nuur uu yahay mid soo jireen ah oo aan la ogolaan karin in xilligaan ay dad sheegtaan, Dowladda Hoose ee Xamar iyadu Mas’uul ka tahay wixii Qubuuro ah, waxa uuna amray in aan laga saari karin wax qabri ah, halkaasna laga dhisi karin guryo, Asigoona faray Maamulka Deegaanka Garasbaaley iyo Agaasinka Waaxda Dhulka Dowladda Hoose ee Xamar Naqshadeynta iyo in darbi lagu wareejiyo Qubuuraha Macalin Nuur si aysan u dhicin ku xad-gudub dhinaca dhulka ah.

Wasiir Mukhtaar Roobow oo amray in si deg deg ah loo soo celiyo xujeeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa faah faahin ka bixiyay howlaha xujeyda Soomaaliyeed ee Acmaasha xajka soo dhameeysaty,iyo adegyadii ay dowladda u qabatay xujeeyda muddada ay ku jireen gudashada waajibaadka xadka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay dhinteen Afar xaaji oo ay laba dumar ay tahay,sidoo kale waxa u sheegay in la’layahy saddex xaaji oo baadi goob loogu jiro, xujeydii howlaha caafimaad u baahnaa oo gaaray 60-xaaji ayuu wasiirku sheegay in daaweyntooda ay Wasaaradda kala kaashatay dowladda Sacudiga hadana ay caafimaad qabaan.

Sidoo kale wasiirka Mukhtaar Roobow ayaa amray in si deg deg ah dalka dib loogu soo celiyo xujeeyda Soomaaliyeed ee dhameystay acmaasha Xajka,waxa una u mahadceliyay Madaxeynaha Jamuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh,iyo Ra’isul wasaare Xamse, ahmiyadda sanadkan ay siiyeen Arrimaha xujeeyda Soomaaliyeed.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo shir guddoomiyey wadatashi ku saabsan qorshaha ‘Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka’

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid ayaa shir guddomiyay Shirka wadatashiga Hiigsiga Qarni-Jirka 2060 ama Vision 2060.

Shirkaan ayaa waxaa sido kale qayb ka ahaa Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Galmudug iyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka (NEC) oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud Ee Golaha, ahna Lataliyaha Dhaqaalaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Hassan Adam Hosow.

Shirkaan waxaa diirada lagu saray ahmiyada Hiigsiga uu u leeyahay horumar ka dalka iyo diyaarinta fulinta Hiigsiga,madaxweyne kuxigeenka  ayaa soo dhoweeyay Hiigsiga fog, waxuuna ballan qaadeen in Galmudug ay ka qeyb-qaadanayso Hiigsiga Qarni-jirka 2060 ama Vision 2060.

Danjire Kullane oo iftiimiyay muhiimadda ay Shiinaha iyo Afrika u leedahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Shiinaha Mudane Cawaale Cali Kullane ayaa khudbad ku saabsan muhiimadda ay Shiinaha iyo Afrika u leedahay horumarinta tayada sare leh ka jeediyay shirkii 11-aad ee Madasha Nabadda Adduunka (WPF) oo ka socda magaalada Beijing ee Dalka Shiinaha, kaas oo soo bilowday 1-da bishan Luulyo, 2023.

Madashu waxay ujeedadeedu tahay in la horumariyo wada-hadallada iyo iskaashiga si wax looga qabto caqabadaha adduunka ka jira. iyo xasilinta nidaamka adduunka.

Safiirka Soomaaliya oo ka hadlay madasha ayaa sharxay horumarka ay Soomaaliya ku tilaabsatay muddooyinkii ugu dambeeyay ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda iyo sidoo kale sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay wada-hadallada siyaasadeed, horumarinta dowladnimada iyo amniga dalka.

Sidoo kale, Danjire Kullane ayaa soo hadal qaaday guulaha dhaqaale ee Soomaaliya oo ay ku jiraan deyn cafinta iyadoo loo marayo Hindisaha wadamada deymaha lagu leeyyahay, ilaalinta maalgashiga, iyo dadaalada xasilinta dhaqaalaha. Safiirka ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, sida wadooyinka iyo gaadiidka, tamarta, iyo isku xirnaanta dhijitaalka ah, si loogu adeego mudnaanta horumarinta bulshada iyo dhaqaalaha Afrika.

Shirka oo muhiim u ah Dalalka soo koraya ayaa safiirka Soomaaliya ee Shiinaha madasha ka sheegay ahmiyadda ay leedahay in la curiyo lana badiyo siyaabaha kale duwan ee dhaqaalaha Africa lagu kobcin, si loo yareeyo yaraynta ku tiirsanaanta dhoofinta kheyraadka badeeciga ah, iyo maalgashiga horumarinta ummadda iyada oo loo marayo waxbarashada, daryeelka caafimaadka iyo  horumarinta xirfadaha kala duwan.

Ugu dambeyntii, Danjire Kullane ayaa iftiimiyay muhiimadda ay leedahay isbeddelka dhijitaalka ah, kor u qaadista ganacsiga e-commerce iyo xirfadaha dhijitaalka ah, iyo sidii looga faa’iidaysan lahaa tignoolajiyada cusub si loo kobciyo aqoonta iyo isticmaalka cusub dhijitaalka ah. Waxa uu sidoo kale ku booriyay in la helo nidaam midaysan oo lagu wado shaqeeyo si isdhexgalka ganacsiga, horumarinta maalgashiga, iyo isdhaafsiga aqoonta,taas oo xoojinayso iskaashiga Shiinaha iyo Afrika loona hubiyo in si guul leh loo hirgeliyo Hiigsiga iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee 2035.