Madaxweyne Xasan” Xoolaha dadka ka dhaxeeya ninka xadaya sida Khawaarijta ula dagaallameynaa

Dagaalka xooggan ee lagula jiro Khawaarijta waxaa bar-bar socda dagaal kale oo aan dadka u muuqan, balse Dowladda federaalka xoogga saartay, kaas oo ah sidii ay wax uga qaban lahayd dadka dhaca hantida ummadda Soomaaliyeed.

Kooxda Khawaarijta Al-shabaab, ayaa caadeystay xoolaha ay leeyihiin dadka shacabka ah,kuwaas oo u bixiya magacyo kala duwan si ay u qariyaan boobkooda.

Gamacsatada ayay ka qaadaan lacago baad ah, waxayna sidoo kale ay dhac u geystaan hantida ay haystaan dadka ku nool goobaha fara ku tiriska ah ay joogaan.

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xoogga saareysa sidii ay wax uga qaban lahayd dadka dhaca u geysta hantida ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladdiisu ay wax badan ka qaban doonto waxa uu ugu yeeray “tuug” iyo “tuug kalkaal”, ee ka dhex jira hay’adaha Dowladda sida uu sheegay.

” Tuug Kalkaal yaan la noqonin, tuugga waa la qabanayaayee ha qarinin,Kan shaqada joogo ee xafiiska tuuganimada ka socoto joogow, adigu haddaadan tuug ahayn sheeg, war meeshan nimaa joogee hala fiiriyo dheh shaqaa laga qabanaa,tuug wuxuu sababayaa inaan daciif ahaano,dhaqaalo yaraan,inaan iska bixin weyno qarashaadka, ciidan inaan qoran-weyno oo aan ku filnaan weyno,macallimiinta inaan mushaar siin weyno, yacni walba oo Dowlad laga rabay,”.

Dadka Soomaaliyeed ayuu madaxweynuhu u sheegay in Shabaabka wax qarxiya iyo kan hantida ummadda dhaca uu si isku mid ah ula dagaallami doono,isagoo ka dalbaday in ay garab ku siiyaan Dowladda.

” Tuuggu Shabaab kama sokeeyo,ehel ma ahan qaraabo ma ahan, ninka tuugga lagu tuhmaayi xeerka hortiisa la geynaa sharciga wuxuu qabanaannaa la marsiinaa,”ayuu yiri madaxweynaha.

Tallaabadan uu qaaday madaxweynaha ee badbaadinta hantida dalka iyo kan ummadda Soomaaliyeed ayaa noqon kara mid guuleysta haddii shacab iyo Dowlad si wadajir ah loo wajaho, iyadoo dad badan arrintan si weyn u soo dhoweeyeen.

Share this Article

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ballanqaaday in la dhamaystiri doono dastuurka dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in si deg deg ah loo dhamaystiri doono Dastuurka dalka,Madaxweynaha ayaa ballanqaadkan sameeyey xili uu kumanaan Shacabka Soomaaliyeed ah khudbad dhinacyo badan taabanaysa ugu jeedinayey Garoonka Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho maalinimadii 1-Da Luuliyo.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in Wasaaraddaha iyo Haya”addaha kala duwan ee dowladdu qabteen shaqooyin la taaban karo oo hortebin leh isagoo carabka ku adkeeyey sida loogu guulaystay dib u xoraynta Dalka iyo qorshaha lagu sugay Amniga Caasimadda.

Mar uu ka hadlayey hindisaha dhamaystirka Dastuurka ayuu Madaxweynuhu xusay in Dastuurka Federaalka Soomaaliya qabyo ahaa 11 sanno balse hadda ay ka go’an tahay Dowladda in lagu dhamaystiro mudo kooban oo bilo ah.

Howlgallo ka dhan ah khawaarijta oo ka billaabanayo G/Galgaduud

Dar dargelinta howlgalka wejiga labaad ee ka dhanka ah khawaarijta oo ka billaabanayo degaanno katirsan Galgaduud

Waraka naga soo gaarayo gobolka Galgaduud ayaa ku soo waramaya in halkaa uu ka soconayo abaabulka Howlgallo ka dhan ah khawaarijta arxanka daran ee Al-Shabaab,iyadoo Shalay uu halkaa gaaray taliyahay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow,oo kormeeray degmooyinka Galcad iyo Ceeldheer,isagoo ciidamada u Sheegay in ay u diyaar garoobaan wajiga labaad ee howlgallada khawaarijta looga saarayo degaanada fara ku tiriska ah ee ay kaga suganyihiin gobolada dalka.

Howlgalkan oo dowladda qorsheysay in si ka duwan kii hore loo wajaho ayaa waxaa ka qey qaadan doonno dowladaha safka hore,si loo tir-tiro kooxaha katirsan khawaarijta ee ku dhuumaaleysanayo degaanno katirsan Gobolada dalka.

Taliyaha Ciidanka xoogga oo kormeeray fariisimaha ciidanka xoogga ee degmooyinka Galcad iyo Ceel dheer

Galcad- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow ayaa ayaa safar kormeer ah ku tagay xerooyinka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Degmooyiinka Galcad iyo Ceel dheer ee Gobolka Galgaduud.

Taliya ayaa ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan aagga hore e dagaalka ku booriyay naf-hurnimadooda iyo sida ay kaga go’an tahay ciribtir kooxda khawaarijta oo horray gacanta ugu hayey degmooyinkan balse laga saaray.

            

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo xilka u kala wareejiyay guddoomiyaha cusub ee Hey’adda Qaxootiga Qaranka iyo guddoomiyihii hore

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta xilka u kala wareejiyay marwo Safiyo Xasan Maxamed, Guddoomiyaha cusub ee Hey’adda Qaxootiga Qaranka iyo guddoomiyihii hore ee hey’adda guddoomiyaha cusub ee Hey’adda Qaxootiga Qaranka.

Mudane Ahmed Moallim Fiqi,  ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha cusub marwo Safiyo dardargelinta shaqada hey’addan muhiimadda u leh qaranka, isaga oo sidoo kale ku ammaanay guddoomiyihii hore marwo Aamina howlihii ay soo qabteen.

June 8, 2023, Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ansixiyay hoggaanka cusub ee hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka kadib markii ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.

  

Safiirka JFS ee Dalka Shiinaha oo ka qeyb galay shirka 11-aad ee Madasha Nabadda Adduunka

Beijing:- Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiimaha Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Beijing kaga qeyb galay xafladda furitaanka shirka 11-aad ee Madasha Nabadda Adduunka (WPF)  oo hal-ku-dhiggiisu yahay “Xasilinta Adduunka aan xasilloonayn, iyadoo loo marayo is-afgarad iyo iskaashi.

Shirkan oo uu furay madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda shacbiga Shiinaha Han Zheng ayaa jeediyay Khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlayo muhiimadda ay leedahay is afgaradka iyo iskaashiga si loo sameeyo nidaam nidaam caalami ah oo xasilloon.

Shirkan oo leh muhiimad weyn ayaa soo jeedday indhaha caalamka tan iyo markii la aas-aasay 2012, Madasha Nabadda Adduunka (WPF), oo loo aqoonsan yahay Shiinaha ee heerka sare ee madasha amniga caalamaiga ah ee aan Dowliga ahayn, waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Jaamacadda Tsinghua iyo Machadka Arrimaha Dibadda ee Dadka Shiinaha.

Iyada oo la eegayo caqabadaha caalamiga ah iyo isbeddellada socda ee caalamiga ah, WPF waxa ay ujeeddadeedu ahayd in ay kobciso wadahadal iyo in la dhiso kalsooni dhinacyada kala duwan, si wax looga qabto hubantila’aanta ka jirta dunida.

Madashan oo ay isugu yimaadeen wakiillo ka kala socda waddamo kala duwan, hay’ado caalami ah, iyo aqoonyahanno, ayaa waxaa sidoo kale, goobta waxaa lagu soo bandhigay madashu falanqeyn doodo iyo aragtiyo wax ku ool ah oo  la is dhaafsaday.

Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa u mahadceliyey Jaamacadda Tsinghua iyo Machadka Arrimaha Dibadda ee Dadka Shiinaha martigelinta  Xafladda furitaanka Madasha Nabadda Adduunka ee 11-aad. Munaasabadda ayaa muujisay inay tahay madal qiimo leh oo lagu kobcinayo iskaashiga iyo isfahamka caalamiga ah.

  

Madaxweyne Xasan Sheekh” Inaan gob noqona waxaa naga xiga saddex waxyaabood oo muhiim ah”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeedinayay kumanaan shacab ah oo ka qeyb galay munaasabada 63 guurada 1-da Luuliyo oo ka dhacday Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho, ayaa tilmaamay in Shacabka Soomaaliyeed aanay gob ahayn ilaa laga helo saddex arrin oo muhiim u ah Dowladnimada iyo jiritaank ummadda.

” Shacabka Soomaaliyeedow ogaada gob ma ahin waxbaa naga maqan inaan gob noqonaa rabnaa, inaan gob noqono waxaa naga xigo saddex waxyaabood oo muhiim ah, Al-shabaab oo Dalka ka xoreysano oo xoriyad buuxda aan helno, dhaqaalaheenna iyo hay’adaheennu maaliyadda oo aan soo dhisno si deynta na looga cafiyo oo caalamka noo arko kuwo hore u socdo inaan nahay iyo qodobka saddexaad oo ah inaan Dastuurkeenna dhammeystirno, Dastuur aan qabyo ahayn inaan yeelanno”.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ka hadlay bixitaanka ciidamada ATMIS oo muddo ka badan 15-sano taageerayay Dowladda iyo shacabk Soomaaliya,kuwaas oo lagu wado in sanadka soo socda ka baxaan Dalka,iyadoo ciidamada Dowladda federaalka ay u diyaarsan yihiin in ay amniga guud ee Dalka la wareegaan.

” Walaalaheenna Afrikanka ee 15-sano, na garab taagnaa ee saaxo aan ku fikirno ama ku shaqeysano noo abuuray ee in badan na garab taagnaa ee wiilal badan oo wiilashooda ka mid ah ay Dalkan ku dhinteen, iyagoo mahadsan waxaan rabnaa markan waa soo xoogeysannay, annagaa amnigeynna qaadaneynee ee waa mahadsan tihiin inaan dhahno oo aan sagootinaa rabnaa,”. ayuu yiri madaxwyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in goobihii ugu horeeyay ee ay banneeyeen ciidanka ATMIS in ay durba la wareegeen ciidamada Xoogga Dalka, kuwaas oo ku filan sugidda iyo hanashada amniga guud ee Dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in 30 ilaa 31-ka bishan December 2024, Dalka laga macsalaameynayo askariga ugu dambeeyo ee ciidamada ATMIS.

Shacabka iyo Dowladda oo iskaashday ayaa suurageliyay in laga adkaado kooxda Khawaarijta A-shabaab, waxaanna hadda xor ah deegaanno iyo degmooyin badan oo muddo 15-sano ah gacanta ugu jiro argagixisada Al-shabaab oo dadka shacabka ah ay ku dhibaateyn jireen.

Share this Article

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay taliyaha Ciidamada Milateriga Kenya

Madaxweynaha Dowlada Gobolleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay Taliyaha Ciidamada Milateriga Kenya (KDF) Gen Francis Omondi Ogolla oo booqasho ku yimid Jubaland.

Kulanka ayaa looga hadlay Arrimaha Amniga gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dalka lagaga xoraynayo kooxaha argagixisada ah si gaar ahna howlgalka deegaanada Jubaland oo ay ka qeybgalayaan Ciidamada Dowladaha dariska ah.

Dhinaca kale hawlgalka ATMIS ayaa soo gabo gabeeyey wejigii koowaad ee ka bixista Soomaaliya iyagoo Ciidanka Xoogga ku wareejiyey degmada Cadale, deegaannada Xaaji Cali, Mirtaqwo iyo deegaanada Arbacow, iyo Aljazeera ee Muqdisho,Gerileey ee Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo,hawlgalkan ayey ATMIS dalka kaga saartay 2000 oo ka tirsan Ciidanka ATMIS.

 

  

Horjoogayaal katirsan khawaarijta oo la soo bandhigay

Ciidanka Booliiska Puntland ayaa soo bandhigay 9 Horjooge oo ka tirsanaa Kooxda Argagaxisada ah ee Daacish oo Ciidanku gacanta ku soo dhigeen

Taliska qeybta Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Bari ayaa soo bandhigay Hor-joogayaal ka tirsanaa kooxda Argagixisada ISIS/Daacish kuwaas qaarkood isku soo dhiibeen Ciidamadda.

Dhawaan ayey aheyd  markii Ciidanka Difaaca Puntland, Guutada 9-aad ee Onkod oo kaashnaya Ciidanka Booliska Puntland howlgal ay fulliyeen ku guuleystay inay gacana ku dhigaan 9 Horjooge oo ka tirsan Kooxda Argagixisada ee ISIS/Daacish.

Hawl-galka oo laga fuliyey degaannada Camaamo iyo Siido ee Degmadda Balidhidhin Gobolka Bari.

Kooxdaani isa soo dhiibtay ee katirsanaa khawaarijta ayaa u kala dhashay dalalka Suudaan, Suuriya, Itoobiya kuwaa oo mudda katirsana khawaarijta

 

    

RW Xamse oo dalka dib ugu so laabtay kaddib markii uu soo dhamaystay gudashada waajibaadka Xajka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu soo dhammaystay gudashada Waajibaadka Xajka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka mid ahaa Muslimiinta Alle fursadda u siiyay Xajka sanadkan, ayaa intii uu ku sugnaa waxa uu ugu soo duceeyay ummadda Soomaaliyeed nabad, horumar iyo midnimo.

Mudane Xamsa ayaa intii uu ku sugnaa dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya la kulmay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Muslimka ee iyaguna sanadkan gudanayay waajibaadka Xajka.