Soomaaliya oo 63 jir ah, aan dib u milicsano taariikhdeenna ku saabsan adkeysiga, soo kabashada iyo Horumarka

Maanta oo ay taarikhdu tahay kowda bisha Luulyo waxaan u dabaaldageynaa maalintii aan hananay xoriyadeena, 63 sanno ka hor. Waa in aan dib u milicsano taarikhdeena ku salaysan adkeysiga iyo horumarka, iyadoo aan mar walba wajaheynay dhibaatooyin aan kala joogsi lahayn. Taariikhdeena, oo ay ka buuxaan tijaabooyin iyo dhibaatooyin tan iyo markii aan dka xorownay gumeysiga 1960-kii, ayaa tusaale inoogu filan geesinimadeena iyo go’aankeena.

Maanta marka aan dib eego taarikhdeena waxaa dhiiri-gelin ii ah ereyadii qoraagii iyo mufakirkii maraykanka ahaa ee wax badan wax ka qoray siyaasada ee Thomas Paine, ee ahaa “ Mar walba oo ay colaada sii dheeraato, waxa sii macananaysa guusha. Wixii si fudud lagu hanta si fudud ayaa lagu lumiyaa. Waan jeclahay ninka awooda in uu muusoodo isaga oo dhibaato wajahaya, xoog iyo karti ka qaada mushkilada haysata, geesinimana ka qaada marka uu dib u milicsado waxa uu soo maray”. Halgankeena dal ahaan waxa uu xambaarsan yahay sheeko-ballaaran oo wax badan la wadaagta halganka wadamada qaarada Afrika ee iska xoreyntii gumeysiga iyo himilooyinka soo socda ee kobaca qaranka.

Runtii, si la mid ah wadamo badan oo qeyb ka haa mowjadaha gumeysi iska- xoreynta, waxan la kulannay dib-u-dhacyo iyo xanuunno isa soo taraya, laakiin weli taas nama niyad jabin.  Tusaale, u gudubka hidaha dhaqanka iyo ilaalinta afkeena iyo dhaqamada afkayagu waxay marag u noqdeen adkeysi dhaqameedkeena tan iyo xoriyada, si la mid ah sida ay Ireland ugu fara adeegtay luuqadeeda Gaeilge iyo sida New Zealand dib ugu soo noolaysay luuqadeeda Te Reo Maori.

Maanta, aan dib u cusboonaysiinno ballanqaadkeenna ah ilaalinta dhaqankeena hodanka ah si ay uga faa’ideystaan jiilka mustaqbalka. Dhinaca kale, waxa marnaba aan la iska indha tiri kerin halista ay wajahayaan waxyaabaha dhaxal-galka ah sida goobaha taariikhiga ah iyo farshaxanada laga soo bilaabo Dhulkii Puntland ee qadiimiga ahaa ilaa Saldanaddii Geledi. Dagaallada sokeeye ee daba dheeraaday, masiibooyinka deegaanka iyo sida aanan awooda ugu lahayn ilaalinta degaanka ayaa ah arrimo walaac nagu haya. Hasayeeshe, talaabooyinka ku dayashada mudan ee ay qaadeen Talyaaniga iyo Giriiga ee ku aadan ilaalinta bay’ada ayaa dhiiri-gelin inoogu filan.

Sidoo kale aynu xasuusanno waxtarka muhiimka ah ee qurba-joogta, oo si la mid ah qurba joogtii dalalka Hindiya iyo Filiapiin wax badan ka badelay xaaladda wadamadooda. Dadaalkooda dhinaca dhaqaalaha, maal-gashiga iyo ganacsiga waxa  uu gacan weyn ka geystay kobaca dhaqaalaha dalkeena iyo horumarka guud. Waxa sidoo kale xusid mudan sida ay ula qabsadeen, ulana noolaadeen ummadihii kala duwanae ee ay ugu tageen dalalka shisheeye.

Taarikhdeenna waa in aan sidoo kale ku xusnaa dadaalka shirkadaha ganacsi ee sida gaarka ah loo leeyahay, inagoo dhiiri-gelin ka dhiganayno horumarka ay shirkadaha gaarka ah ka sameeyeen wadamada ay ka mid yihiin Malaysiya, Singapore, iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ka faa’iidaystay shirkadaha gaarka ah.

Waxa waajib nagu ah in aan ka faa’ideysano hal-abuurka iyo qaababka kala duwan ee lagu kobcin karo dhaqaalaha. Waa in aan diirada saarno ka faa’ideysiga iyo kobcinta xoolaheena, beeraheena iyo warshadaha kalluumeysiga, kuwaas oo muhiim u ah haqab-beelka cuntada. Aynu qaadano dhaqamo waara, teknooloji cusub, iyo sharci adag, inagoo tusaale ka dhiganayna wadamada ku wanaagsan qaybahan.

Maanta, annagoo xusayna sannad-guurada 63-aad ee ka soo wareegtay xoriyadeena waxa guul inoo ah in aan rajeneyno in naga la cafiyo deymihii ay mudada dheer nagu lahayeen wadamada shisheeye, anigoo u marayna hanaanka deyn cafinta ee loo soo gaabsho HIPC. Ma aha guul uu qof shaqsi ah gaaray, balse waa mid aan dhamaanteen gaarnay. Marka la soo gabagabeeyo hanaanka deyn cafinta dhamaadka sanadkan 2023-da, waxaan rajenaynaa in aan cagta saari doono wado cusub oo aan uga faa’ideysan karno hanaanka maaliyada ee caalamiga iyo madax banaanida dhaqaalaheena.

Hanaanka Federaalka oo ah weli ah fikarad ku cusub dalkeena ayaa waxa uu ifiyey caqabado ku aaddan adkeynta dastuurkeenna iyo qaabka dowladnimo. Waxaan cashirro ka qaadan karnaa sida uu ugu dhaqan-galay hanaanka federaalka wadamada sida Jarmalka iyo Kanada si aan u kala saarno mas’uuliyadaha ka dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, si loo hubiyo in dastuurkeena uu waafajiyo rabitaanka Soomaalida oo dhan. Aynu sii wadno hawsha muhiimka ah ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka si loo horumariyo xasilloonida siyaasadeed iyo sareynta sharciga.

Taariikhda xanuunka badan iyo qisooyinka Rwanda iyo Laybeeriya waxay ina xasuusinayaan in laga gudbi karo dhibaatooyinka ka dhasha colaadaha. Sannad-guurada 63-aad, ujeeddooyinkeenna koowaad waa in ay noqdaan ka shaqeynta nabadda, dib-u-dhiska dalka colaadda ka dib iyo sara u qaadida wada-noolaanshaha.

La-dagaalanka xag-jirnimada maaha oo keliya ammaan balse sidoo kale kasbashada quluubta iyo maskaxda. Waxaan u baahanahay inaan wax ka barano dalal ay ka mid yihiin Malaysiya, Indonesia, iyo Turkiga oo si guul leh wax uga qabtay sababaha asaasiga ah ee xagjirnimada, oo inta badan ka dhasha kala duwanaanshaha dhaqan-dhaqaale iyo caddaalad-darro la dareemay.

Anaga oo dalka Koonfur Afrika uga dayaneyna hanaanka dib u heshissinta ee ku salaysan in runta la isu sheego, waa in aan qaadanaa istaraatiijiyad dib-u-heshiisiineed oo dhamaystiran. Sida Mahatma Gandhi mar uu yiri, “Qofka daciifka ah waligiis wax ma cafin karo, wax cafinta waa sifada kuwa xoogga badan.”

Dal ahaan waxa ina soo maray dhacdooyin aad u xanuun badnaa, sida keliya ee aan wax uga badeli karno nolosheena, dad nimadeena iyo qarankeena waa in dhacdooyinkaas ay noqdaan kuwo aan wax baranay si la mid ah sida ay sameeyeen wadamada ay ka mid yihiin Rwanda iyo Yugoslavia kuwaas oo hoosta ka xaqiiqay muuhimada ay leedahay in mar walba la xoojiyo dowladnimada iyo midnimada.

Dabaal-deg iyo sanad guuro wacan- Soomaaliya hanoolaato.

Ku saabsan Qoraaga:

Dr Mohamed Osman Mohamoud, PhD, waa La-taliyaha Dhaqaalaha Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale waa Xubin ka tirsan Golaha Dhaqaalaha Qaranka, wuxuuna u shaqeeyaa sidii Wakiil goboleed ee Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Nabadda. Marka laga yimaaddo doorkii uu ka soo qabtay hay’adaha dawladda iyo kuwa caalamiga ah, Dr. Maxamuud waa aasaasihii iyo maamulaha Machadka Sadar. Waxaad kala socon kartaa qoraaga bartiisa Twitter-ka ee @MohamedOsmanSom

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax dhigay Taallada Daljirka Dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta munaasbadda Xornimmada iyo Midnimada 1-da Luulyo awgeed waxaa uu ubax dhigay taallada Daljirka Daahsoon ee Caasimadda Muqdisho.

Munaasabadda ubax dhigga waxaa qayb galay kummanaan shacabka Soomaaliyeed ah iyo masuuliyiinta kala Duwan ee haya’addaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gebogabada xuska 63 guuurada maalmaha xoriyadda iyo midnimada ayaa galabta loogu ballansan yahay madal kale iyada oo Mogadishu Stadium lagu qabanayo isu soo bax uu shacabka Soomaaliyeed kula hadli doono madaxweynaha Jamhhuriyadda Mudane Dr. Xasan Sheekh.

waxaa sidoo kale isla garoonka ay ciyaar ku dhex mari doontaa labada kooxood ee kubadda cagta ee kala ah Horseed SC iyo MCC.

        

Waa maxay farqiga u dhexeeyo Gaalada iyo khawaarijta Al shabaab? (WARBIXIN)

Shirweynihii Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho intee u dhaxeysay 23-26-kii Janaayo ee sanadkan ayaa waxaa laga soo saaray go’aanno badan oo khuseeya Kooxaha Argagixisada ah , waxaana ka mid ahaa Go’aanadaasi:-

1- In Kooxaha Khawaarijta ee ay ugu horreyaan  al-shabaab iyo Daacish aysan laheyn wax sharciyad Diineed, iyadoo la burinayo fasiraadaha gurracan ee aan salka ku laheyn Diinteenna Islaamka.

2- Sharci siinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shacabkeeda dagaalka Jihaadka ee ay kula jiraan khawaarijta Al-shabaab iyo Daacish-ta Soomaaliya, kuwaasi oo cadow ku ah Diinta, Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

3- Caddeynta in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mas’uul ka tahay guud ahaan ilaalinta iyo daryeelka Diinta Islaamka, iyo kuwa kale.

“Shirweynahaasi waxaa uu u caddeynayaa Ummdda Soomaaliyeed in dagaalka lagula jiro Khawaarijta uu Ajar uga helayo Alle Subxaana watacalaa agtiisa maadaama uu ka qeyb qaatay badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed”, ayaa lagu yiri War-murtiyeedkii ka soo baxay Culumada Soomaaliyeed.

Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo ka kala yimid dunida daafaheeda ayaa cod dheer ku sheegay in Kooxahaasi ay yihiin Argagixiso Diinna aan ku shuqul ku laheyn, waxayna banneeyeen Dhiiggooda, Ciddii Disha iyo Cidda ay dilaanba ay yihiin Ahlu Janno, iyadoo Culumo kalena ayba ku tilmaameen inay Khawaarijtu yihiin Eeyaha Naarta.

Khawaarijta ayaa shalay qaraxyo ku weerartay Masaajidka Deegaanka Daaru-nimca oo hoos takta Degmada Ruunnirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaasi oo ahaa halka masaajid ee dadka deegaanka oo dhan ay ku cibaadaysan jireen, islamarkaana ay Kutubta cilmiga Diiniga ah ka raacdaan Dadka Deegaanka.Tani ayaa waxay tusaal  ahaan u  muuqda ee cadeeynaya in arxan laaweyaashu duulaan ku yihiin Diinteena Suuban ee Islaamka.

Khawaarijta Al-Shabaab waxay horay u Qarxiyeen Masaajid weyn oo ku yaalla degmada Buula-Burde ee Gobalka Hiiraan, Masaajidka Qaayib, iyadoo laga difaacay Masaajidka Baxdo ee gobolka Galgaduud, halka kuwa kale oo ku yaala deegaanada ay joogaana ay  xireen, si aysan cilmi uga qaadan dadka, Magaalooyinka kalena waxa ay Masaajidda ka dhigteen kuwa ay ku gaadaan Dadka,  iyagoo horay dad Masaajid ku jira oo cibaaeysanaya ay ku dileen.

Waxaase la yaab leh iyadoo lagu guda jiro maal-maha Ciida Muslimiinta ayay Dowladda SWEDEN lagu gubay Qu’aanka Kariimka. Sidoo kale iyadoo lagu guda jiro maal-maha ciida muslimiinta ayay khawaarijta gubeen Masjidka Daaru-Nicma, haddaba waa su’aale waa maxay farqiga u dhaxeeya Gaalada Diinta Islaamka cadowga ku ah iyo kooxdaan Khawaarijta ah?, su’aashaan jawaabteeda waxaad ka dhex heli kartaa warbixintaan.

Khawaarijtu waxay ka shar badan yihiin Gaalada waxaana caddeyn kaaga filan Masaajidkani waa Masaajidkii deegaanka Daaru nimca, kaasi oo ay khawaarijtu qarxiyeen, waxaana uu  falkani cadeyn u yahay in kooxdan Khawaarijtu ay dulaan ku tahay Diinteena Suuban ee Islaamka, Maadama ay Qaraxyo ku Burburiyeen Masaajidkii ku yaalay degaanka Darunimco ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

“Dumi diinta kuna dumi magaca diinta Micnaha waa adoo Muslim sheeganaya baabi’i oo la dagaal Diinta islaamka iyo Ummadda aamminsan, haddaan Muslim nahay waa dhisnaa Masaajide”, sidaasi waxaa yiri muwaadin Soomaaliyeed oo ka qiirooday falkaasi xun oo ay dhaqan ka dhigteen khawaarijra casriga.

Sheekh Maxamed sheekh Aadan oo isna ka hadlay farqiga u dhaxeeya Gaalada iyo Khawaarijta ayaa yiri:-” Khawaarijta iyo gaalada Kitaabka alle gubeysaa waxay ka siman yihiin duullaanka ka dhanka ah diinta Islaamka”.

Guddoomiyaha Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ee Dowlad-goboleedka Galmudug Cismaan Ahmed oo isna ka hadlaayay Kooxdaan Arxanka darran ee Argagisada ah ee Khawaarijta Al-shabaab ayaa sii raaciyay “Waxaan u mahadcelin cidkasta oo maalin la dirirtay khawaarijta dhibaateeyey dadkeena, Deegaankeenna iyo Duunyadeenna”.

Isku soo wada xooriyoo Kooxdaan Khawaarijta ah waxaa la og yahay inay ka shar iyo khatar badan yihiin Gaalada cadowga ku ah Diinteenna Muqadas ah ee Islaamka, sidaasi awgeed waa in loo wada istaago Shacab iyo Dowladba sidii looga ciribtiri lahaa dhulkeenna ay ku hayaan fasahaad Diineed iyo mid Dadeedba.

QM oo munaasabadda 1-da Luuliyo awgeed u hambalyaysay Shacabka Soomaaliyeed

Xuska sanad guurada 63-aad ee madax-banaanida Soomaaliya awgeed, ayaa Qaramada Midoobay waxay u hambalyaysay dadka Soomaaliyeed, waxayna ku ammaantay sida ay uga go’antahay dhismaha mustaqbal wanaagsan.

Madax bannaanida Soomaaliya ayay Qaramada Midoobay waxay bogaadineysaa adkeysiga iyo heellanaanta Dadka Soomaaliyeed.

“Anigoo ku hadlaya magaca bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan salaamayaa dadka Soomaaliyeed, waxaana mar kale xaqiijinayaa taageerada Qaramada Midoobay si loo xaqiijiyo Soomaaliya loo dhan yahay, nabadoon oo barwaaqo ah” ayay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo hambalyo ku Aaddan 1-da Luulyo u diray Shacabka Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad-guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed iyo israacii labadii gobol ee Soomaaliyeed Waqooyi iyo Koofur, iyo ku dhawaaqistii Jumhuuriyadda xorta ah ee Soomaaliya.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la adkeeyo midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed’ si looga miro-dhaliyo halgankii dheeraa ee loo soo maray xoriyadda Soomaaliya iyo sare u qaadista sharafka iyo karaamada dadka Soomaaliyeed isla markaana lagu wada noolaado nabad iyo barwaaqo.

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay munaasabadda Calan-saarka 1-da Luulyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda Calan-saarka sannad guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka soomaaliyeed ayaa calanka Jamhuuriyadda saaray abaaro 12-kii saq-dhexe oo ku beegan 63 sano ka hor isla waqtigii calanka la suray magaalada Muqdisho, 1-dii Bishii Luuliyo 1960-kii.

Munaasabado kala duwan oo lagu xusay 1-da Luulyo ayaa xalay sidoo kale ka dhacay gobollada dalka, iyadoo Magaalada Muqdisho laga riday Buuloleyr loogu Dabaal-daggayo maalintaan wayn.

26kii juun 1960kii ayaa beerta xoriyadda ee magaalada hargaysa waxaa la suray Calankii ugu horeeyay ee xor ah oo laga taago ciid Soomaaliyeed, waana habeenkii uu goobtii calansarka ka mariyay Allaha u naxariistee marxuum C/llaahi Suldaan Tima- cadde gabaygii taariikhda galay ee ahaa ( Sareeyoow ma Nusqaamoow aan siduu yahay eega’e kanna siib kanna saar).

4 maalmood kadib oo ku beegnay 1dii luulyo 1960kii waxaa xornimadooda qaatay goballadii koonfureed, isla markaana waxaa midoobay gobolladii waqooyi iyo koofur,waxaana dhidibada loo taagay Jamhuuriyaddii koowaad ee Soomaaliya.

     

1-da Luulyo “Mataanayntii Maandeeq”

Ummad walba oo dunida ku nool waxay leedahay maalmo ay si gaar ah ay u maamuusaan isla markaana ku weyn quluubtooda, kuwaasi oo ku astaysan diiwaan taariikheedka bulshadaasi. Maalmahaasi waxay mudnaanta goonida ah ku heleen waa gaaritaanka guulo mudan in si joogta ah loo xasuusto loona huray naf iyo maal, kuwa ugu qiimaha badanna waxaa ka mid ah maalmaha qarannimada.

Shacbiga soomaaliyeed oo ka mid ah umadaha ku sharfan magac weyna ku helay kifaaxii ay u soo galeen hanashada gobanimadooda ayaa halgankoodii gobanimodoon wuxuu la soo bilawday soo ifbaxii damcii gumaysiga ee xeebaha bariga afrika.

Dhaqdhaqaaqii ugu horeeyay ee lagaga soo horjeeday gumeystaha ee ka hana qaaday dhulka soomaalida wuxuu ahaa kii Axmed Garaad Ibraahim “Axmed Gurey” oo halgankiisu bilowday 1528 illaa 1543. Axmad Gureey waxaa u suuro gashay in uu geesinimo leh kaga hortago gumaystayaashii isa soo bahaystay,muddo kadibna Waxaa shucladdii difaacidda sharafta dalka iyo dadka soomaaliyeed kor u qaaday Darwiishkii sayid Max’ed Cabdulle xasan oo dagaal muddo dhowr iyo labaatan sano socday la galay gumaystihii ingiriiska, wuxuuna jab taariikkaysan ku dhigay ingiriiska ciidamadiisii dhulka kuwaasi oo ka quustay inay u babac dhigaan ciidamadii jadbaysnaa ee Daraawiishta.

sanadkii 1919-kii ayaa saraakiishii hogaaminaysay ciidamadii gumaystaha Ingiriiska waxay dowladooda u gudbiyeen in aysan dagaal dhinaca dhulka ah kaga guulaysan Karin ciidamada sayidka, isla sanadkaas ayaa ingiriisku go’aan ku gaaray in dhinaca cirka laga weeraro qalcadihii adkaa ee Sayidka, 21kii Jannaayo 1920-kii ayaa diyaarado dagaal oo ingiriisku leeyahay noocooduna ahaa DH9 ayaa waxay weerar ku qaadeen Saldhigyadii ciidamadii daraawiishta

Sidoo kale waxaa jirey halgamayaal badan oo naftooda iyo hantidooba u hurey dhulkooda hooyo waxaana ka mid ahaa Shiikh Xasan barsame, Xaaji Faarax Oomaar iyo sheikh Bashiir iyo dhalinyaradii Xisbigii S.Y.L ee laga dhisay Muqdisho 15kii may 1943dii iyo sidoo kale kuwo kale oo ka socday xisbiyadii S.N.L & U.S.P oo iyaguna ka qeybgalay kifaaxii goballada waqooyi ee dalka.

1948dii waxaa magaalada muqdisho ka dhacay dagaalkii Hanoolaato oo ku soo beegmay maalintii Q/M dalka Soomaaliya u soo dirtay guddi xaqiiqo raadin oo ka kooban 4tii dal ee ku guulaystay dagaalkii 2aad ee dunida, isla sanadkaad Q/M waxay go’aamisay in gobollada koonfureed ee Soomaaliya muddo toban sano ah oo ka bilaabanaysa 1950ka ay si wada jir ah ay u sii maamulaan Q/M & dalka Talyaaniga kadibna xornimo la gaarsiiyo.

12kii octoobar 1954tii ayaa S.Y.L guddi xirfadlayaal iyo hal abuurayaal waxay u saartay inay alifaan naqshadda uu yeelanayo Calanka Soomaaliya, waxaana ku guulaystay Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada.

Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa 5-ta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu u taagan yahay midabka cirka.

24tii March 1956dii waxaa la dhisay Dowladdii Ugu horeysay abid ee dad soomaaliyeed hogaanka u qabtaan, waxay ahayd daakhili ka kooban 6 wasiir waxaana R/wasaare u noqday Allaha u naxariistee C/llaahi Ciise Maxamuud waxayna gobollada koonfureed maamulaysay illaa 1960kii.

Xilligii gobollada koonfureed ee dalka ay ku jireen mudada xornimo gaarsiinta , waxaa wada hadallo u bilaawdeen madaxdii koonfur iyo waqooyi oo ku heshiiyay in ay midoobaan labada gobol, lana yagleelo hal dal oo soomaaliyeed.

26kii juun 1960kii ayaa beerta xoriyadda ee magaalada hargaysa waxaa la suray Calankii ugu horeeyay ee xor ah oo laga taago ciid Soomaaliyeed, waana habeenkii uu goobtii calansarka ka mariyay Allaha u naxariistee marxuum C/llaahi Suldaan Tima- cadde gabaygii taariikhda galay ee ahaa ( Sareeyoow ma Nusqaamoow aan siduu yahay eega’e kanna siib kanna saar).

4 maalmood kadib oo ku beegnay 1dii luulyo 1960kii waxaa xornimadooda qaatay goballadii koonfureed, isla markaana waxaa midoobay gobolladii waqooyi iyo koofur,waxaana dhidibada loo taagay Jamhuuriyaddii koowaad ee Soomaaliya.

July 1, 1960: Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya waxaa noqday Aaden Cabdulle Cismaan (Aaden Cadde), waxana uu madaxweyne ahaa ilaa June 10, 1967, markaas oo doorasho uu madaxweynanimada kula wareegey C/rashiid Cali Sharmarke. [Aaden Cadde waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1908 ilaa June 8, 2007].

Gabagabadii,dadka Soomaaliyeed waxa ay manta u dareereen xuska sanadguurada 63-aad ee ka soo waregatay dhalashadii xornimada,sidaa aawadeed, waxaa lagama maarmaan ah in dib boorka looga jafo wadaniyaddii iyo is jacaykii ay ku mataanobeen dadka soomaaliyeed,kaas oo abwaanada soomaaliyeed ay ka yiraahdeen(Dhaaxaan murugo iyo haraad mudanee, maantay curatoo mataanaysee aan maalno hasheenna Maandeeq).

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Uganda Tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Xoogga Dalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta dalka Uganda tababar ugu soo xirey 2 guuto oo ka mid noqoneysa Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo uu sheegay

Ciidankan oo tiro ahaan dhan 3000 ayuu wasiirka Gaashaandhigga XFS sheegay in dhiig cusub ku soo kordhin doonaan dagaalka Khawaarijta dalka looga xoreynayo.

“Wasaaradda Gaashaandhiga waxaa ka go’an in la kordhiyo tirada iyo tayada Ciidanka Xooga Dalk, waxaan u mahadcelinaayaa Dowlada UAE iyo Uganda taageeradooda hagar la’aaneed ee ay la garab taaganyihiin Shacabka iyo Dowlada Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Munaasabada tababarka lagu soo xirey waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin uu kamid yahay wasiirka Gaashaandhigga dalka Uganda, taliyaha ciidanka Uganda iyo Taliyaha ku-xigeenka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

    

Maleeshiyada Khawaarijta ee Al-shabaab oo qarxayo ku wareertay Masaajidka deegaanka Daaru-nimca

Khawaarijta ayaa qarxyo ku weerartay masaajidka deegaanka Daaru-nimca ee gobolka Shabeellaha Dhexe,kaas oo ahaa halka masaajid ee dadka deegaanka oo dhan ay ku cibaadaysan jireen.

Tani waa tusaalaha muuqda ee cadeeynaya in arxan laaweyaashu duulaan ku yihiin Diinteena Suuban ee Islaamka.

Horay Khawaarijta Al-shabaab ayeey weerarro qarxayo ah waxay ku qaadeen Masaajid ku yaalay degmada Buula-Burde ee Gobalka Hiiraan iyo sidoo kalw masaajidka Qaayib oo ay isku dayeen in ay weeraraan balse ay ka hortageen ciidamada xoogga dalka iyadoo laga difaacay Masaajidka Baxdo ee gobolka Galgaduud,halka kuwa kale oo ku yaala deegaanada ay joogaana ay xireen si aysan cilmi uga qaadan dadka,magaalooyinka kalana waxa ay masaajida ka dhigteen kuwa ay ku gaadaan iyagoo horay dad masaajid ku cibaadeysanaya ay dileen.

Falka maanta wuxuu marag u yahay in arxanlaawe yaasha ay yihiin firqo Khawaarij ah oo mudan in dalka iyo dadka laga qabto.

   

Duqa Minneapolis oo u hambalyo u diray dadka Soomaalida ee ku nool Mareykanka

Duqa magaalada Minneapolis ee Gobolka Minasoota oo ka tirsan dalka Maraykanka Mr.Jacob Frey oo ka hadlay xaflad lagu maamuusaayey todobaadka xoriyadda ee Soomaaliya ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaan kuwa ku dhaqan dalkaasi.

Xafladdaan oo ay qabteen jaaliyadda Soomaalida ee Mareykanka ,waxaa uu Duqa magaalada si gaar ah ugu diray dowladda Soomaalaiya oo ku howlan todobaadka xoriyadda,gaar ahaan 1-da Luulyo oo ku beegan Berrito.

Duqa magaalada Minneapolis oo la hadlay war-baahinta qaranka Soomaaliyeed ayaa ku ammaanay jaaliyadda Soomaalida ee Mareykanka in ay yihiin dad firfircoon oo ka qeybqaatay horumarka ka socda dalkaasi

Mr.Jacob Frey ayaa sheegay in uu qorshaynayo safar uu ku yimaado gudaha dalka Soomaaliya,gaar ahaan caasimadda Muqdisho.