Danjire Kullane oo ka qeyb galay aqoon-isweydaarsiga iskaashiga Shiinaha iyo Geeska Afrika

Changsha:- Safiirka Soomaaliya ee Dalka shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay kulan looga hadlayay iskaashiga Shiinaha iyo Geeska Afrika oo lagu qabtay magaalada Changsha ee gobolka Hunan.

Aqoon kororsigan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Shiinaha, iyo maamulka Gobolka Hunan, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga ka dhexeeya Shiinaha iyo Geeska Afrika ee nabadda iyo horumarka.

Danjire Kullane, ayaa khudbadiisa ku sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha oo martigelisay aqoon isweydaarsigan, isla markaana u fidisay gogol ay ku wadahadli karaan, ayaga oo ay iska kaashanayaan Shiinaha iyo dalalaka xubnaha ka Geeska Afrika. Waxa uu Danjiraha ammaanay sida ay Shiinaha uga go’an tahay nabadda, horumarka, iyo barwaaqa doonka gobolka, sida ay muujiyeen hindisayaal ay ka mid yihiin “Initiative of Development Nabadda Geeska Afrika” oo uu soo jeediyay mudane Wang Yi wasiirkii arrimaha dibadda ee dalka shiinaha.

Danjire Kullane ayaa iftiimiyay guulaha cajiibka ah ee ergayga gaarka ah ee Xue Bing uu ka gaaray kobcinta iskaashiga ee xiriirka Shiinaha uu la leeyahay Dalalka Geeska Afrika. Wuxuu ammaanay dadaalka diblomaasiyadeed ee ergeyga gaarka ah Mudane Xue Bing, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay Shiinaha uga go’an tahay xasilloonida gobolka iyo horumarka geeska Afrika.

Danjire Kullane oo soo hadal qaaday arrimaha Soomaaliya ayaa tilmaamay horumarka ay ku tallaabsatay dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay hormuudka ka yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Barre. Wuxuu carrabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay horumariso arrimaha muhiimka ah ee qaranka iyada oo loo marayo wada hadal siyaasadeed, oo ay ku jiraan heshiisyada federaalaynta maaliyadda iyo isbeddelka qaabdhismeedka amniga qaranka.

Sidoo kale, Danjire Kullane ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la horumariyo iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha ee Shiinaha iyo Geeska Afrika. Waxa uu ku baaqay in aad loo baahiyo, ayada oo laga sii balaatiyo in ka badan intii caadadad ahayd iyo sidoo kale in la sahamiyo fursado dheeraad ah ee xaga beeraha, wax soo saarka, farsamada, iyo dalxiiska. Waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay horumarinta raasammaalka dadka, kobcinta awoodda, iyo isbeddelka dhijitaalka ah si loo dhaqaajiyo horumar waara iyo xoojinta xidhiidhka Shiinaha iyo Geeska Afrika.

Aqoon-is-weydaarsiga iskaashiga Shiinaha iyo Geeska Afrika wuxuu bixiyay fursad qaali ah oo lagu xoojinayo iskaashiga iyo sahaminta hab cusub ee iskaashi.

Ugu dambeyn, Aqoon-is-weydaarsiga oo la qabtay 30-kii Juun 2023, ayaa waxaa isugu yimid Madax iyo wakiillo ka kala socday dalalka Geeska Afrika ah, sida Itoobiya, Eritrea, Jabuuti, Soomaaliya, Kenya, Uganda, Suudaan, iyo Koonfurta Suudaan. Madaxda iyo Martida sharafta lahayd waxaa ka mid ahaa H.E. Xue Bing, Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee arrimaha Geeska Afrika, H.E. Mudane Girma Amente, Wasiirka Beeraha ee Itoobiya, iyo H.E. Mr. Frank K. Tumwebaze, Wasiirka Beeraha, Warshadaha Xoolaha iyo Kalluumeysiga ee Uganda.

   

Galmudug: Xubno ka socday DFS iyo Galmudug oo Xarigga ka jaray xarun cusub

Madax ka tirsan dowladda Federaalka iyo kan Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xariga ka jaray xarun cusub oo loogu talagalay in ay ku howlgalaan maamulka deegaanka Lajiida oo ka tirsan Degmada Xeraale ee gobolka Gaalgaduud.

Xafladdaan oo ay sidoo kale ka qeybgaleen qeybaha ururada bulshada,waxaa ka hadlay Xildhibaan Mahad C/lla Cawad, Wasiiru Dowlaha Howlaha Guud XFS Bashiir Goobe iyo Wasiirka Caafimaadka Galmudug Yaasiin Jaamac.

Guddoomiyaha Deegaanka Lajiida Bacalwaan C/lle Xirsi iyo odoyaasha dhaqanka ayaa soo dhoweeeyay wafdiga ,iyagoo uga warbixiyay dadaalkii loo galay xaruntaasi iyo dhismayaal kale oo ay horay looga aasaasay halkaasi.

Xaruntaan waxaa hiralinteeda iska kashaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug iyo Bulshada deegaanka Lajiidde.

Ciidanka Haramcad oo howlgal ka sameeyay Gobolka Sh/Hoose

Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa saakay howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanno ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.

Howlgalladaan oo socday muddo kooban,waxaa lagu burburiyey maxkamad beenaad ay khawaarijta ku lahaayeen deegaano ka tirsan Degmada Afgooye Ee Gobolka Sh/Hoose.

Howlgalkaan ayaa ku dhacay si nabad ah,,kadib kolkii ay halkaasi isaga carareen kooxda khawaarijta ee sida dhuumaaleysiga ah u jooga Sh/Hoose.

Dadka danyarta ah oo helay 3-kun oo neef oo ay bixiyeen Sacuudi Carabiya

Hey’adda samafalka ee Dalka Sacuudi Carabiya ayaa xoolo gaaraya 3,000 oo neef oo mucaawino ah u qeybisay dadka Soomaaliyeed ee ku kala sugan gudaha dalka.

Gargaarkaan oo ay bixiyeen Xarunta Gargaarka Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan,waxaa gacan ka geystay Ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC).

Tirada guud ee xoolaha la qeybiyay maalmaha Ciidul Adxaa ayaa gaaraya 3,000 oo neef, waxaana ka faa’ideysanaya  72,000 oo isugu jira danyar, barakacayaal, iyo dad ay abaaruhu saameeyeen oo ku kala nool gobolada dalka Soomaaliya.

Deeqdaan oo ah hilib loogu talagalay xajka sanadkaan,waxaa loo qeybiyay qoysas fara badan oo ku kala sugan magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Hargeysa.

Qaramada Midoobay oo baareysa masiirka 130-kun oo qof oo lagu waayey dagaalka Suuriya

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar lagu dhisayo hay’ad madax-bannaan oo go’aamin doonta waxa ku dhacay in ka badan 130,000 oo qof oo lagu la’yahay colaadda ka taagan Dalka Suuriya.

Qaraarka, oo ay hormuud ka tahay Luxembourg, dalalka ka soo horjeestay waxaa ka mid ah Suuriya oo sheegtay in aysan la shaqayn doonin hay’adda loo xilsaaray arrimahaasi,waxaana sidoo kale diidan qaraarkaasi, Russia, China, Belarus, North Korea, Cuba iyo Iran.

Qaraarku waxa uu oggolaanayaa in Jamhuuriyadda Carabta Suuriya laga dhiso Hay’ad Madax-bannaan oo raadisa halka ay ku dambeeyeen dadka la la’yahay, iyada oo hoos imanaysa Qaramada Midoobay.

Qaraarkan ayaa soo baxay Khamiistii,iyadoo ay oggolaadeen 83 cod, 11 ayaa diiday, 62 kalena way ka aamuseen.

Xildhibaanada Dowladda JFS oo kormeeray goobo ay ka socdaan sixitaanka imtixaanka ee fasallada 8-ad

Xubno isugu jiray Xildhibaano Qaran, Ururada bulshada rayidka ah, hay’adaha cilmi baarista, bahda waxbarashada iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeer ku tegay xarunta General Kaahiye (iskool bolisiyo) oo ay ka socoto howsha sixitaanka imtixaanka fasalka 8aad .

Kormeerkan ayaa ahaa mid loogu kuur galaayey ogaanshaha hannaanka uu marayo sixidda imtixaanka sannad dugsiyeedka 2022-2023 ee Maamulka Gobolka Benaadir ee.

.Mas’uuliyiintaan ayaa ka warbixiyay kormeerka, iyaga oo bogaadiyay sida mas’uuliyadda leh ee uu xafiiska imtixaanaadka u maamulayo howsha imtixaanka.

Agaasinka waxbarashada gobolka Banaadir ayaa yiri “waxaa naga go’an qaadista imtixaan tayo sare leh oo abuuri jara kalsoonida bulshada Soomaalieed”

Ciidamada Xoogga Dalka oo ATMIS kala wareegay Saldhiggii 5-aad

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo fulinaya heshiiskii la wareegidda amniga guud ee dalka ayaa maanta howlgalka ATMIS kala wareegay saldhigga Gerileey ee degmada Ceelwaaq gobolka Gedo.

Taliska Ciiddanka Xoogga Dalka ayaa sidan oo kale horay ula wareegay saldhigyadii ATMIS ee degmada Cadale, deegaannada Xaaji Cali, Mirtaqwo iyo deegaanka Arbacow ee duleedka Muqdisho.

Xilwareejinta mas’uuliyadda amniga oo udhaceysa si tartiib tartiib ah ayaa qorshaha wajiga koowaad yahay in hawlgalka ATMIS uu dalka ka saaro 2000 oo askari dhammaadka bishan Juun 2023.

Kulan looga hadlayay u diyaar garowga 1-da Luuliyo oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan ku saabsan u diyaar garowga iyo isku dubaridka dabaaldaga munaasabada Kowda Luuliyo ayaa waxaa lagu qabtay garoonka Stadium Muqdisho oo ah goobta rasmiga ah ee loo asteeyay in uu ka dhaco xuska maalinta qiimaha badan ee munaasabada 1-da Luuliyo.

Guddiga heer qaran iyo heer Gobol ee diyaarinta munaasabada maalmaaha Xorriyada,Taliyayaasha ciidamada qalabka sida iyo bahda Ciyaaraha Dalka ayaa ka qeyb galay kulanka oo looga hadlayay qorshaha habmaamuuska daahfuran in loo maareeyo munaasabada.

Guddoomiyaha guddiga u diyaar garowga xuska maalmaha Xorriyadda Ahmed Cali Fiqi iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay madaxdii iyo saraakiishii kulankan ku sugneyd in si daahfuran loo maareeyo munaasabada dabaaldaga maalinta weyn ee 1-da Luuliyo iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo ka qeyb galka munaasabadaasi.

          

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Oo Magaalada Barakeysan ee Makah kula kulmay dhiggiisa dalka Qatar.

Sacuudi Carabiya- Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta XFS Mukhtaar Roobow  iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa kulan kala yeeshay magaaldda Barakeysan ee Makah dhiggiisa wasiirka arrimaha Islaamka ee dalka Qatar kulanka ay yeesheen Masuuliyiinta labad dhinac ayaa ahaa isbarasho waxaaana kulanka intii u socday looga hadlay xoojinta xirirka labad dal iyo arrimo ku saabsan Xajka iyo Xujeyda ka kala Socta Soomaaliya Iyo Qadar  Sanadkaan   

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo si adag uga hadlay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab iyo Musuq-maasuqa

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidda Carafo kula tukaday mas’uuliyiin iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed Masjidka Isbahaysiga Islaamka ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan qorshaha dowladda ee la-dagaallanka Khawaarijta iyo musuqmaasuqa.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay  in Khawaarijta Al-shabaab aan loo cudur daari Karin loona baahan yahay in si isku mid ah loola dagaallamo oo ay shacabka ku dhiiraddan sidii looga xoreyn lahaa dalka.

“Waxaan kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan qorshaha dowladda ee la-dagaallanka Khawaarijta iyo musuqmaasuqa,waxa uunna ku adkeeyey in ay dowladda ku gacan siiyaan sidii looga hortagi lahaa dhagarta argagixisada iyo kuwa caadeystay xatooyada hantida dadweynaha .

Khawaarijta ha ku tageerin in ay Shacabka ku xasuuqaan dhaqaalahaga oo aad siiso,ka qayb qaado sii dalkaan xasiiloonidiisa looga shaqayn lahaa,jidka marka ay qarax dhigayaan kama ilaalinayo naftada adigoo siiyay dhaqaalahagii,kuwa ku dhimanaya waa carruurtada Xaaskaga iyo Ehelkaga,dadka maalin walba ku dhita qaraxyada Khawaarijta waxaa u fududeya waa shilling aad bixiso oo aad siiso,aan qaadano qawlka Illaahay Khawaariij nama dili karto qof maalinkiis dhafaya ma jiro waa beentiis aan iska celino, dadka qaar waxay Khawaariijta u tageeran Cabsi ay ka qabaan inta badan ee maanta Hanti siinaysa ama dabba tagan waxay u dabba tagan yihiin waa cabsi ay ka qabaan, cabsida ka soo baxa oo mida Illaahay qaata oo ballan qaadka Rabbigii idin siiyay Aamiina oo fuliya Khawaariijta waxba idinkama qaadayso.waxaa sidaa yiri Xasan Sheekh Maxamud oo Khadbada ka jeeday masaajidka Isbahaysiga Salaadii Ciida Carafo.”