Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khadka Taleefanka Kula Hadlay Hoggaamiyeyaasha Dalalka Turkiga,Qadar iyo Jabuuti
Wasiirka Warfaafinta oo hambalyo ku aaddan Ciidda u diray bulshada Soomaaliyeed.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS Mudane Daa’ud Aweys Jaamac ayaa hambalyo ku aaddan dabbaal degga Ciidda Carrafo u diray bulshada Soomaaliyeed.
“Waxaan ummadda Soomaaliya iyo dhammaan Muslimiinta dunida ku nool ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidul Adxaa, Ilaahay ha inaga aqbalo dhammaan acmaasha aan ku weyneyno munaasabaddan weyn ee Xajka iyo soonka ay ka mid yihiin, fadliga ciidda awgeed waxaan Allaah ka baryayaa inuu nagu deeqo farxad iyo nabad waarta, isla markaana aan caawinno kuweenna gacan qabashada u baahan.
Madaxweynaha dalka oo boqolaal ka mid ah shacabka Muqdisho kula oogay Salaadda Ciidda Masjidka isbahaysiga Islaamka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta salaadda Ciidul Adxa kula tukaday masjidka isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa digniin adag u diray dadka dhaqaalaha ku kaalmeeya Khawaarijta, wuxuuna sheegay in ay tahay nacasnimo, doqonnimo, caqiida xumo, dadnimo xumo, adduun iyo aaqiro beel, marka lacag aad siisay khawaarijta ay ku sameeyaan qarax uu ku waxyeelleeyo shaca Soomaaliyeed lagana yaabo in ehelkaagu uu ku jiro.
Mudane, Xasan Sheekh ayaa sheegay in dadka qaar ay lacag u siiyaan khawaarijta cabsi iyo caga jugleeyn kaga timaaddo argagixisada, wuxuuna sheegay in qof walba uu waqti leeyahay loona baahan yahay in ay Alle ku kalsoonaadaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo madax iyo boqolaal dadweyne ah salaadda ciidda kula tukaday Masjidka isbaheysiga Islaamka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Masaajidka Isbaheysiga Islaamka salaada Ciida kula tukaday Madaxweynaha JFS, mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda iyo dadweyne aad u tira badan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalmahan barakaysan ee Ciiddul Adxa, asagoo shacabka Soomaaliyeed Alle uga baryay in sannadkan kiisa xigga ay ku gaaraan, amni, barwaaqo iyo caafimaad.

Israel oo sheegtay in ay ciqaabi doonaan xagjirka weeraraya bulshada Falastiin
Wasiirka Difaaca Israa’iil Yoav Gallant iyo sarkaal sare oo Falastiin ah ayaa ka wada hadlay rabshadaha ka socda Daanta Galbeed ee la haysto,sida lagu xaqiijiyay war ka soo baxay xafiiska wasiirkaasi.
Hadal ka soo baxay xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay in Israa’iil ay doonayso in ay la dagaalanto dadka deggan Israa’iil ee weeraray bulshooyinka Falastiiniyiinta,kadib markii uu la kulmay Hussein Al-Sheikh oo ah sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Falastiin.
Tallaabadaan ayaa ku soo beegmay xilli ay isa soo tarayaan walaaca uu Maraykanku ka qabo xaaladda Daanta Galbeed ee la haysto,iyadoo sidoo kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ugu baaqeen dhinacyadaasi in ay ka shaqeeyaan sidii xiisadda loo qaboojin lahaa.
“Israa’iil waxay ciqaab buuxda marsiin doontaa dadka rabshadaha sameynaya,” ayuu yiri wasiirka difaaca Israa’iil,kaas oo uu ula jeeday canaasiirta xagjirka ah ee dadka Yuhuudda.
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay xafiiska sarkaalka Falastiin ee lala kulmay .
Mashruuc sare loogu qaadayo waxbarashada carruurta oo laga hirgeliyay Gaalkacyo
Gaalkacyo- Duqa koofurta degmada Gaalkacyo mudane, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale ayaa ka daahfuray Gaalkacyo Mashruuc sare loogu qaadayo waxbarshada carruurta.
Mashruucaan oo ah mid looga gol leeyahay kobcinta maskaxeed uu ubadka lana jaanqaadeysa waxbarshada casriga ah iyo Teknoolajiyadda ayaa waxaa ka daahfuray magaalada Gaalkacyo Duqa degmada Galkacyo.
Safiyo Yuusuf oo ah madaxa mashruucaan ayaa xustay in mashruucan ay ka faa’iideysan doonaan carruur Soomaaliyeed.
Isku duwaha Wasaaradda awqaafta Galmudug ee dagmada Gaalkacyo, Macallin Qaasim ayaa isna sheegay inuu ka mahadcelinayo cidkasta oo hirgelisay mashruucan.
Duqa degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa bogaadiyay mashruucaan isagoo sheegay in ay ku faraxsan yihiin in meeshii ugu horeeysay ee laga bilaabo dalka iney noqoto Gaalkacyo
Mashruucaan ayaa ah sida muuqata mid ahmiyad weyn u leh jiilka soo koraya maadaama dunidu ay usii badaneyso isticmaalka aalado casri ah marka loo eego bar biloowga mashruucaan oo markii u horeysay soo gaaray dalka.
Madaxweynaha dalka oo sheegay in ay u siman yihiin argagixisada iyo kuwa lunsada Canshuurta Qaranka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu ay isku si ula dagaalameyso argagixisada Al-Shabaab iyo kuwa lunsanaya canshuurta ay dowladdu ka qaadeyso shacabka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri “Dadka Soomaaliyeedow ogaada, Al-shabaab ka na qarxinaaya iyo kan tuuga ah ee canshuurta xadaaya nooma kala sokeeyaan”.
“Anaga kan dowlad ahaan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaan balan qaadayaa waxaasi inaan si xun loo isticmaalin, awoodkasta oo aan leenahay iyo karaamadeena waxaan dul dhigeynaa shillinka qofka Soomaaliga ah laga soo qaaday inaan si kale loo isticmaalin”. Ayuu yiri Madaxweynaha JFS.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdu aysan ogolaan doonin lacag canshuur laga soo aruuriyay shacabka Soomaaliyeed in nin jeebka ku rito oo uu la baxsado, isla markaana ay dowladda talaabo adag ka qaadi doonto qofkii ay ku caddaato musuq maasuq.
Madaxda Qaranka oo bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeysay munaasabadda Ciidda
Madaxweyna JFS mudane Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo ayaa dul istaagay caqabadaha curyaamiyey nolasha dadka Soomaaliyeed oo musuq-maasuqu ugu horreeyo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay heleyaan dowladnimo dhammeystiran, isku filnaan iyo nolol wanaagsan oo sharaf iyo karaamo leh markii la cirib-tiro musuqmaasuqa, waxa uuna wacad ku maray in dowladda ay si la mid ah Khawarijta ula diriri doonto xatooyada xoolaha dadweynaha.
Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Muslimiinta Adduunka ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciidul Adxa, isagoo u rajeeyey dadka Soomaaliyeed horumar, nabad, barwaaqo iyo midnimo.
Sidoo kale Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Aaden Maxamed Nuur, guddoomiyaha golaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka, ahna ku simaha Ra’iisal wasaaraha mudane Saalax Jaamac ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda.
Ciidanka xasilinta oo ATMIS kala wareegay saldhig cusub
Ciidanka xasilinta ee Booliska sida Mikitariga u tababaran ayaa maanta ciidanka hawlgalka midowga Afrika ee ATMIS kala wareegay fariisimahoodii degaanka Arbacow ee duleedka Muqdisho.
Taliyaha ururka 3-aad, guutada 22-aad Maxamed Soomaali ayaa si buuxda amniga degaankaas iyo degaanada kale ee ku dhaw la wareegay.
Todobaadkii hore ciidanka Militariga Soomaaliyeed ayaa ATMIS kala wareegay saldhigga Miirtaqo oo Hirshabeelle ku yaal, waxaana xilwareejinta masuuliyada amniga oo u dhaceysa si tartiib tartiib ah ayaa waafaqsan qaraarka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR) 2628 (22) iyo 2670 (22) kaa soo faraya hawlgalka ATMIS inay saarto 2000 oo askari dhammaadka Juun 2023.
Hawlgalka ATMIS oo taageero ka helaya xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS) ayaa maalin ka hor ku wareejiyey ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) xaruntii ugu horeysay ee Horudhac aheyd ee saldhiga ciidanka Xaaji Cali ee dowlad goboleedka Hirshabeelle. Saldhigan ayaa hoos imanayey Hawlgalka #ATMIS gaar ahaan Ciidamada Difaaca Qaranka Burundi (BNDF).
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan maalinta xornimada dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, xukuumaddda iyo shacabka dalkaas. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xornimada Jabuuti oo ay ka soo wareegtay 46 sano ay ku timid halgan taariikhi ah oo muujiyey awoodda, cududda iyo caqliga mideysan ee dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga, waxa uuna xusay sida ay walaalaha Jabuuti u garab istaageen iyaguna, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed xiliyadii adkaa. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, midnimo, horumar iyo barwaaqo waarta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan maalinta xornimada dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, xukuumaddda iyo shacabka dalkaas.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xornimada Jabuuti oo ay ka soo wareegtay 46 sano ay ku timid halgan taariikhi ah oo muujiyey awoodda, cududda iyo caqliga mideysan ee dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga, waxa uuna xusay sida ay walaalaha Jabuuti u garab istaageen iyaguna, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed xiliyadii adkaa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, midnimo, horumar iyo barwaaqo waarta.










