Taliyaha Ciidanka Boliiska oo bogaadiyay ciidanka sugay amniga munaasaddii 26- june

Taliyaha Ciidanka Soomaaliyeee, Sareeye Guuto, Sulub Axmed Firin oo shir guddoomiyay shirka Taliyeyaasha hoggaamada iyo fadhiyada madaxa bannaan, isagoo faray sugidda Amniga maalmaha Ciidda,  goobaha la isagu imaanyo sida Masaajidda, beeraha, xeebaha iyo goobaha kale ee damaashaadka Ciidda ee gudaha Caasimadda iyo nawaaxigeeda.

Sidoo kale, todobaadka xorriyada oo noo harsan tahay 1 da Luuliyo in iyaduna sidoo kale la sugo amnigeeda, lana xaqiijiyo badqabka ummadda.

             

Xubin ka tirsanaa khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka

Baydhabo- Cali Ibraahim Cabdi oo magaciisa Afgarashada Kooxda Khawaarijta loo yaqaano (Cali Garabey ) ayaa isku soodhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Qeybta 60aad.

Cali ayaa khawaariijta u qaabbilsanaa jabhada, isagoo ka qeyb qaatay dagaallo ka dhacay degaanno ka tirsan gobollada Baay iyo Gedo.

Wuxuna sheegey in sababta ku kalliftay in uu Khawaariijta isaga soo baxo ay tahay dhibaatada ay u geeysanayaan Shacabka masaakiinta ah iyo gumeysiga dhexdooda ka jira.

Cali ayaa baaq udiray Saaxibbadiisa kale ee ku jira Khawariijta in ay isaga soo baxaan khawaariijta ayna  isku soo dhiibaan dowladda Soomaaliya si ay u helaan nolol ka wanaagsan tan hadda ay ku jiraan.

Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti

Djiboutian flag waving in the wind. Elaborate rendering including motion blur and even a fabric texture (visible at 100%).

Dadka reer Jabuuti waxa ay ka mid yihiin shucuubta Soomaalida ee nasiibka u helay in ay ku noolaadaan geeska Afrika,gaar ahaan deegaanada Soomaalida ee la isku oran jiray dhulkii udugga, waxayna halgan adag u soo galeem sidii ay u noqon lahaayeen dad xor ah oo leh dowlad madax-bannaan.

Taariikhda Halganii Jabuuti

Sanadki 1839-kii waa markii ugu horeysay ee gumeysiga Faransiiska uu sahan ku tagay dalka Jabuuti,isagoo ku andacoonaya in uu raadinayo goobo uu ka fushado danahiisa sida Xeebaha badda Cas ,wuxuuna waqtigaasi Jabuuti ugu magac-daray dhulka Faransiiska  ee Somaliland.

Sanadihii 1869-1888-dii Faransiisku,wuxuu heshiis la galay odoyasha beelaha ,si ay ugu ogolaadaan  in gacankaTajura uu ku darsado magaalooyin uu horay u heystay sida Obokh,Dikhil iyo  kuwo kale.

Dhanka kale,Xilligaasi waxaa Gobolada Woqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya ka jiray gumeysi la mid ah kan Faransiiska,oo ay horkacayeen Ingiriiska iyo Talyaaniga, waxaana qabsashada dhulka Soomaalida ay  dhaliyeen in la mideeyo awoodda dadka, meelna looga soo wada jeesto quwadaha shisheeye ee geyiga u yimid in ay ka gurtaan kheyraadka dabiiciga ah ee dhaxalka umadda.

Dhaq-dhaqaaqyo xornimo doonka ah oo loogu magac daray xoreynta xeebaha jabuuti ,ayna horkacayaan dhallinyaro isku baheystay Ururka Somal Pan ayaa bartamihii qarnigii 19-aad ka bilowday gudaha dalka Jabuut,,iyagoo taageero ka helay Ururkii Dhallinyarada Soomaaliya ee SYL, tallaabadaasina waxa ay noqotay bilow wanaagsan oo loo qaaday raadinta xornimo taam ah oo dhameystiram.

Sanadihii1958-dii dowladda Faransiiska oo taageero ka heystay qaar ka mid ah odayaasha beelaha iyo kuwo daba-dhilif ah ,ayaa qabtay afti dadweyne oo ku saabsan in Jabuuti ay ku sii jirto maamulkii Fransiiska iyo in ay qaataan madaxbannaani,waxaana arintaasi ay ku dhamaatay in dadka Jabuti ay ku sii jiraan maamulkaasi.

Codeynta aftidaasi oo lagu tilmaamay in ay ku dhacday qaab ku shubasho ah oo ay daneynaayeen Faransiiska waxay kalliftay in shacbiga Jabuuti ay colaad iyo naceyb u qaadaan maamulkii Jabuuti ee taabacsanaa gumeysigii Faransiiska,

Siyaasiyiin badan oo uu kamid ahaa Maxamuud Xarbi ayaa dadaal u galay in Jabuuti ay la midowdo Soomaali,isagoo xilligaasi ahaa  ku xigeenkii golaha xukuumadda ee maamulka dhulka Faransiiska,wuxuuna  sanadkii 1960- ku dhintay shil diyaarad oo lagu micneeyay in uu ahaa shirqool ay maleegeen cadowgii shisheeye.

Maxamuud Xarbi oo ahaa siyaasi jeclaa midowga dadka Soomaaliyeed,kana horjeeday gumeysiigii Faransiiska ee qabsaday Jabuuri waxa uu muteystay oo abaal ahaan uu u helay in lagu qoro diiwaanka halgamayaasha Soomaliya,isagoo si gaar ah  loogu magac daray dugsi ka mid ah kuwa ku yaalla Muqdisho .

Dhinaca kale,Cali Caarif Burhaan ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii ku caanbaxay naceybka midowgii dadka Soomaaliyeed,wuxuuna sanadihii u dhaxeeyay 1960-66-dii ,isagoo la safan maamulkii gumeysiga Faransiiska uu si cad u muujiyay sida uu uga horjeedo in lagu biro bahweyntii Soomaaliyeed.

Sanadkii 1967-dii Faransiiska iyo maamulkii been abuurka ahaa ee loo sameeyay Jabuuti waxaa,iyagoo raadinaya kalsoonida shacabka ay magacii dhulka Faransiska ee Soomaaliland ku baddaleen dhulka Faransiiska ee Canfarta iyo Ciisaha.

Toban sano ka dib,afti la qabtay 8-dii May 1977-dii  dadka reer Jabuuti,ayaa u codeeyay in ay doonayaan madax-bannaani,waxaana bil kadib 27-kii June 1977-dii loo dareeray doorashooyin uu ku soo baxay madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka Jabuuti Mudane Xasan Guuleed Abtidoon oo talada ka dagay sanadkii 1999-kii.

Wafdi ka socday Dowladii Mileteriga ee Soomaaliyeed oo uu hoggaaminaayey Xuseen Kulmiye Afrax oo ahaa Madaxweyne ku xigeen ayaa ka qeybgalay xafladdii caleeemo saarka madaxweynihii Jabuuti ,waxayna shacabka dalkaasi la qeybsadeen farxadda iyo dabbaaldegyada loo sameeyay maalinta xoriyadda iyo dhalashada dowladda cusub.

Inkastoo lagu guuleystay helitaanka xornimo taam ah iyo dowlad cusub oo ay heleen Jabuuti,haddana,waxaa halkaasi ku soo gabagabobay dadaal socday 1960-77-dii oo Dowladdii Rayidka iyo Dowladdii Mileteriga ee Soomaaliya ay u galeen sidii dadka Jabuuti ay wax ula qeybsan lahaayeen bulsh weynta Soomaaliya.

Dad badan ayaa  naftooda ku waayay intii uu socdayhalgankii reer Jabuuti ,kuwo kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo naafeeyay xubno kamid ah jirkooda,halka  sidoo kale ay jireen  kumanaan ruux oo laga masaafuriyay dalka Jabuuti iyo qaar kale oo laga buuxiyay xabsiyo gaar ah oo ay maamulayeen gumeysiga Faransiiska.

Xuskaan oo ah kii 46-aad ee ka soo wareegay markii dalka Jabuuti uu qaatay xoriyaddiisa,waxaa dabbaaldegyo iyo xaflado lagu maamuusaayo maalintaasi ay ka kala dhaceen gudaha Dalka Jabuuti, Soomaaliya iyo dalal kale.

Haddaba,anagoo ka faa’odeysaneyna xuskaan waxaan dhambaal hambalyo ah u direynaa shacbiga Soomaaliya,gaar ahaan dadka  reer Jabuuti ee ku kala nool gudaha dalka iyo dibadda.

 

SONNA

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗸𝘂𝗹𝗮𝗻 𝗹𝗮 𝗾𝗮𝗮𝘁𝗮𝘆 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗣𝗮𝗸𝗶𝘀𝘁𝗮𝗻 𝗔𝗿𝗶𝗳 𝗔𝗹𝘃𝗶

Riyadh- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya kula kulmay Madaxweynaha dalka Pakistan, Mudane Arif Alvi, oo isna sanadkan gudanaya waajibaadka Xajka sanadkan.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Pakistan iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada wax soosaarka beeraha, kalluumeysiga, tamarta iyo xoolaha.

Waxaa sidoo kale Mudane Xamsa iyo Mudane Arif ay isla soo qaadeen qaabkii ay labada dhinac isaga gacan siin lahaayeen la dagaallanka argagixisada, waxaana ay isla qaateen in la diyaariyo wufuud labada dhinac oo ay kala hoggaaminayaan wasiirrada arrimaha dibedda, si loo sii ambaqaado dhaqangelinta qodobada muhiimka ah ee ay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha.

 

Booliska oo soo bandhigay dhagarqabe isku dayay inuu qalqal geliyo amniga Caasimadda

Taliska qeybta Guud ee Booliska gobalka Banaadir oo soo bandhigay dhagarqabihii hoggaaminayay weerar loo adeegsaday gentaallo macmal ah oo la doonayay in lagu qalqal geliyo Shacabka magaalada Muqdisho.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska bobalka Banaadir ayaa lagu yiri 25-6-2023 abaaro 11:30 am, ayaa Khawaarijtu waxay weerar gentaallo macmal ah ku qal qal galiyeen Shacabka Caasimadda, kuwaas oo aan wax dhibaato ah geysan.

Kadib howlgal degdeg ah oo ay qaadeen Ciidamada qaabbilsan sugidda amniga Caasimadda ayaa waxa ay gacanta kusoo dhigeen dhagarqabe hoggaaminayay malleeshiyaadka weerarka soo qaaday, kaas oo magaciisa ku sheegay, Xuseen Cali Deerow Buulle waxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda ku shaqada leh danbiyada noocaan oo kale ah.

Sidoo kale ciidamadu waxa ay ka hortageen gentaallo rakiban oo aan wali laridin, waxaana lagu burburiyay isla goobtaas halka baaris ay ku socoto dhagarqabihii la soo qabtay.

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Djibouti ee Ethiopia oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Adis Ababa: Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Warfaa iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Cabdi Maxamuud oo ku kulmay Addis Ababa ayaa ka wada hadlay arrimaha quseeya labada dal, iyagoo si wadajir ah isula qaatay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka labada dal.

Dhinaca kale, Danjire Cabdullaahi Warfaa oo uu weheliyo u qaybsanaha waxbarashada ee Safaaradda Cabdikariin Maxamed Cabdullahi ayaa safaaradda Addis Ababa ku qaabilay agaasimaha guud ee deeqaha waxbarasho ee wasaaradda waxbarashada Ethiopia Dr. Idossa Terfassa Geleta, waxayna isla qaateen kobcinta fursadaha deeqaha waxbarasho ee ay Soomaaliya ka hesho Ethiopia gaar ahaan heerarka Master iyo PhD-da.

   

Taliyaha Booliska oo guddoomiyey shir looga hadlayo amniga maalmaha ciidda iyo xoriyadda

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeye guuto Sulub Axmed Firin ayaa guddoomiyey shirka amniga iyo xasiloonida ee maalmaha Ciidda iyo todobaadka xoriiyadda, iyada oo ay shirka ka soo qeybgaleen taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, taliye xigeenka ciidanka Boliiska, Sareeyeyaal Boliiska iyo xoogga dalka ah, taliyaha qaybta guud ee Boliiska gobolka Banaadir, guddomiye ku xigeenka amniga mamulka gobolka Banaadir iyo saraakiisha hoggaaminaysa hawlgalka ciiltire ee Boliiska, Nisa iyo Boliiska sida militariga u tababaran ayaa  ku kulmay taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa ku aadanaa in la xog wareysto saraakiisha hawlgalka ciiltire iyo dardargalinta amniga iyo xasiloonida caasimada goorkasta iyo gaar ahaan inta lagu guda jiro maalmaha Ciidda iyo todibaadka xoriyadda si bulshadu ugu xafladeeyaan nabadgalyo iyo ammaan, loona ilaaliyo badqabka dadweynaha.

 

 

Madaxweynaha JFS oo ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur

Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weynaynaya Todobaadka Xorriyadda, midnimada iyo geesiyaashii naftooda u huray halgankii gobonnimo doonka dalkeenna ayaa maanta ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur oo ka mid ah xusuusaha halgankii dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga.

Munaasabadda ubax dhigay waxaa sidoo kale ku sugnaa ma’uuliyiin kartisan dowladda,waxana maanta ay ku beegantahy sanad guuradii 63- aad ee xornimada gobollada Waqooyi ee dalka.

 

    

11650 oo muwaadinin Soomaaliyeed ah ayaa gudanaya Waajibaadka Xajka

Xujeeyda Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Barakaysan ee Makkah Almunawaramaha oo maanta ay u tahay maalinkii siddeedaada,ayaa waxaa soconayo qaban qaabada in Xujeeyda  ay u guuraan degaanka Mina,si acmaasha Xajka ay halkaa uga sii wataan.

Cali Nuur Maxamed oo kamid ah mas’uuliyiinta guddiga ka shaqeynayo arrimaha xajka ee xujeeyda Soomaalida oo la ahadalay warbaahinta Qaranka ayaa u sheegay in Xujeeyda ay maanta u ambbabixi doonan Mina,halkaa oo ay uga sii gudbi doonaan  Banka carafo,waxaa uu intaa ku daray in xujeeyda ay u dhameystireen dhammaan adegyadii ay u baahnayeen dhawaan ay dhaqaaqi doonaan.

Sidoo kale qaar kamid ah xujeeyda Soomaaliyeed oo dhankooda la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa dowladda uga mahadceliyay da’daalka ay ku bixisay sidii xujeeyda ay u heli lahayeen waxyaabaha ay ubaahanyihin inta ay acmaasha xajka ku jiraan,sidoo kale ummadda Soomaalieed ayay ugu baaqeen in ay is cafiyaan loona duceeyo dadka iyo dalka intaba,

Xujeeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan ayaa tiradooda gaareysaa 11650-xaaji oo ka kala yimid waddamo kala duwan,waxaana xusid mudan in dowladda soomaaliya ay Sanadkaan wax badan ka badashay Qiimihii lagu tagi jiray xajka loona saaray gudi isku dhaf ah oo arintaa ka shaqeeya,si daah-furnaan ah ay u tar-tameen shirkadaha ka sheqeeyo duulimaadyada xajka

Wasiir Xasan Xuseen ’’Dhoofinta Xoolaha Nool waxaa nooga faa’iido badan Mashruuca Dhoofinta Hilibka, Maal-maha soo socda ayuuna si rasmi ah u furmayaa Dhoofintiisa’’.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay),oo u waramay Warbaahinta Qaranka ayaa Sheegay in wasaaraddu ay da’daal badan ku bixineeyso sidii looga faa’iideysan lahaa dhoofinta Hilabka xoolah, oo sida uu sheegay ka faa’iido badan dhuufunta xoolaha Nool.

’’Dhoofinta Xoolaha Nool waxaa nooga faa’iido badan Mashruuca Dhoofinta Hilibka, Maal-maha soo socda ayuuna si rasmi ah u furmayaa Dhoofintiisa’’.sida ayuu yiri wasiir Xasan Xuseen

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in manaafacaad badan laga helayo Mashrucaasi,sida in shaqa abuur badana ay ka helaan dhalinyarada Soomaaliyeed,islamarkana ay dowladda ay dib u furtay Suuqa  cusub ee Boqortooyada Sacuudiga,kaa oo dhawaan loo dhoofin doonno Hilibka Xoolaha sida wasiirku sheegay.

Wasiirka waxa uu intaa ku daray hadalkiisa in kan wasaarad ahaan ay ka shaqeyn doonaa sidii wadama kale loogu dhoofin lahaa Xoolaha,si ay ugu qeyb qaataan kobcinta dhaqaalaha dalka.