Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo ka qeyb galay Munaasabadda Xuska 26-ka juun

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa uga qeyb galay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar xuska munaasabadda 26-ka Juun, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan ugu hambalyeeyay farxadda iyo dabaal-degga munaasabadan oo astaan u ah gobonimada Gobollada Woqooyi ee dalkeena.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo habeenkan qiimaha badan ee 26-ka Juun ku tilmaamay habeen ku suntan gobonimo iyo wadaninimo ee dalkeenna isla-markaana ah markii ugu horreysay oo calan Soomaaliyeed laga taagay beerta xorriyadda ee magalada Hargeysa, iyada oo astaan u tahay jiritaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana uu Guddoomiyuhu Alle uga baryay inuu naxariistiisa ka waraabiyo dhammaan halyeeyadii usoo halgamay xorriyadda dhulka Jamhuuriyadda.

Gunnaanadka munaasabadda ayuu Guddoomiyaha waxaa uu ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u istaagaan ilaalinta midnimadooda iyo wadajirka shacabka si looga baaqsado wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo kalsooni daro shacab.

 

Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahra Cumar Xasan oo dhambaal Hambalyo ah u dirtay Ummada Soomaaliyeed Munaasabadda 26 Juun awgeed.

Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahra Cumar Xasan oo dhambaal Hambalyo ah u dirtay Ummada Soomaaliyeed Munaasabadda 26 Juun awgeed.

Iyadoo ay maanta ku Asteysantahay 63-sano kadib markii Gobollada Waqooyi ee dalkeenna Gobanimadii ka qaateen gumeystihii Ingiriiska ayaa Marwo Sahra Cumar waxa ay ugu hambalyeysay dhamaan Shacabka Soomaaliyeed munaasabadaasi Qaaliga ah

“Waxaan hambalyo u dirayaa Shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, Munaasabadda ku aadan Xorriyadda Dalkeenna oo caawa ay ku beegantahay Habeenkii calan Soomaaliyeed laga taago Dhul Soomaaliyeed oo ay ka soo wareegtay 63-Sano” ayey tiri Marwo Sahro.

Ugu danbeyn Maamada dalka oo ku maqan Gudashada rugniga Xajka ayaa halkaasi ugasoo duceysay Dalkeena iyo dadka Soomaaliyeed iyadoona u rajeysay Ummada Soomaaliyeed Guul, Midnimo iyo Barwaaqo Sanadkaan Sanadkiisa kale in ALLAH ku gaarsiiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ” Soomaaliya qurxoon oo ay nagu mahadiyaan kuwa u dabbaal degi doona sannad guuradda 100-aad ayaa la inaga rabaa in aynu hirgelinno”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda xuska sannad-guurada 63-aad ee markii calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay dhul Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada Waqooyi ee dalka ayaa xusay qiimaha taariikhiga ah ee ay ka tarjumeyso maalintan oo ku suntan midnimo iyo Soomaalinimo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aan la inkiri karin dhibaatooyinka ay soo mareen dadka Soomaaliyeed iyo dhaawacyada gaaray midnimada, balse jiilasha maanta iyo barri ay hortaallo sidii ay uga dhabeyn lahaayeen riyada ku aaddan Soomaaliya xasilloon, heshiis ah, dadkeeduna ay ku mideysan yihiin, taas oo u baahan isu dhibrin iyo isu tanaasul.

“Dadka Soomaaliyeed waa in ay ka fakaraan boqol sano kaddib xornimada, Soomaaliya noocee ah ayaan u dabbaal dagi doonnaa?!. Soomaaliya qurxoon oo deggan oo ay na mahadiyaan kuwa u dabbaal degi doona ayaa la rabaa in aynu hirgelinno. Dadka waxa isku haynaya oo aan kala geynayn ayaa na hurran”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey xasilloonida iyo horumarka ay ku tallaabsadeen Gobollada Waqooyi, waxa uuna sheegay in ay ka dhiman yihiin waxbadan oo kale oo ay ku heli lahaayeen midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in la dhammeystiro xal u helidda cabashadooda ku aaddan dowladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Munaasabadda waxaa kalmado ku aaddan qiimaha midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed ka jeediyey, Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, culimmo iyo waxgarad Soomaaliyeed.

    

26-ka juun “Curashadii Maandeeq”

26-ka Juun waa maalin taariikh wayn ku leh Ummada Soomaaliyeed, islamarkaana ku daabacan qalbiga shacabka, kuna abuurtay dareen hiloow farxadeed leh,  waxayna qiimahaasi ku mutaysatay in ay tahay markii ugu horeysay ee laga dul qotomiyo ciid Soomaaliyeed calan xor ah.

Halgamayal badan ayaa u soo kifaaxay hanashada xoriyadda, gaar ahaan gobalada waqooyi,kuwaas oo isugu jiray qaar  halgan muddo badan socday oo qaraar la galay Saancadaalihii gumaysiga,waxaanna ka xusi karnaa oo ka mid ahaa Sayid Max’ed Cabdulle xasan, Shiikh Bashiir, Xaaji Faarax oomaar iyo  Xisbiyadii S.N.L IYO USP.

Dhanka kale waxaa kaalin tiir dhexaad ah ka qaatay halgankaas abwaanno Soomaaliyeed,kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Barkhadcas) iyo abwaan C/llaahi Suldaan(Timacadde).

Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde),oo ku caanbaxay marinta gabayada dhiirigalinta ah iyo kuwa gumeysi diidka ah,wuxuu bartamihii kontameeyadii, ka qaybgalay halgankii gobanimadoonka ee ka hanaqaaday gudaha dalka, gaar ahaan gobollada waqooyi, isagoo markiiba ku biiray Xisbigii SNL oo ay xaruntiisu ahayd magaalada Hargeysa.

12-kii Saqdii dhexe ee 26-kii Juun 1960kii waa habeenkii guusha iyo markii ugu horaysay ee calan xor ah laga taago ciidda Soomaaliya, iyadoo munaasabaddii dabbaaldegga gobanimada ee ka dhacday beerta Xoriyadda magaalada Hargaysa uu halkaasi ka mariyay abwaan C/llaahi Suldaan Timacadde gabay ku qormay quluubta umadda Soomaaliyeed ,kaas oo ahaa Kaana siib Kanna saar

Xilligaasi guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed waxay daremayeen neecaaw xornimo oo ka curatay dhulkii Soomaaliyeed ee isticmaarku kala qaybiyay, waxaana bulshada ku nool goballada waqooyi ay muujiyeen dareen wadaniyadeed oo heerkiisu sareeyo, dabbaaldegyo iyo damaashaad ka dhacay beerta Xoriyadda hargeysana.

Waxaa marag ma doonta ah in Murtidii iyo hal abuurkii abwaanada Soomaaliyeed ku maamuuseen xornimadii gobollada waqooyi, iyo midawgii labada gobol ay ka soo maaxatay maskaxdii hal abuuradii Soomaaliyeed ee intooda badan ka soo jeeday gobolada waqooyi.

Abwaanadaasi maskaxdooda shiilay ee shacbiga dareensiiyay qiimaha xoriyadda waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Abwaanada kala ah C/llaahi Qarshe, Xuseen Aw faarax dibbad, Cali Sugulle oo ku magac dheeraa (Dun carbeed)  iyo Abwaan Axmed Suleyman Bidde, sidoo kale Fanaaniintii ku luuqeysay heesihii qiirada lahaa waxaa ka mid ahaa Max’ed Sulaymaan, Max’ed Axmed Kuluc iyo kuwa kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

Sanad guurada 63-aad ee ka soo wareegatay xornimada gobolada woqooyi,waxay shacbiga soomaaliyeed ka baran karaan cashar ku saabsan sidii lagu keenay Calanka iyo siday lagama maarmaanka u tahay in loo adkeeyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, loona xalliyo wixii tabasho ah ee jira.

26-ka June 1960-kii waa markii ugu horreysay ee Calan Soomaaliyeed laga taago Gobollada Waqooyi ee dalkeenna,loona diyaargaroobay in lala midoobo Gobolada Koonfureed oo si wadajir ah loo dhisto maamul dowladnimo oo ay u dhan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Xuska 26-ka juun ayaa qeyb ka ah dabbaaldegyo loogu talagalay todobaadka xoriyadda oo ka socda gudaha dalka,waxaana habboon in dadka soomaaliyeed ay u istaagaan soo dhoweynta iyo xuska maalmaha qaran ee ku weyn dadka iyo dalka,isla markaana loo qumo hagaajinta muuqaalada ama bilicda deegaanka,iyadoo calanka Soomaaliyeed laga dultaagayo dhismayaasha ku yaalla hareeraha waddooyinka waaweyn.

Xuska iyo Weyneynta Maalmaha Qaranimada, waxay ku abuurayaan dhallinyarada dareen wadaniyadeed oo ay wax kaga baranayaan waayihii iyo duruufihii adkaa ee naf iyo maalba lahaa ee laga soo maray hanashadii Maandeeq oo curatay 26kii June isla markaana Mataanaysay 1dii July 1960kii.

Abuukar Gob-doon

Ciidamada ammaanka oo la wareegay guri saldhig u ahaa Khawaarijta hoobiyaha ku soo weerarta Muqdisho

Ciidanka Amaanka gaar ahaan ciidamadda howlgalka Ciiltire oo ka kooban Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Ciidanka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaran iyo Ciidanka Polizia Militare ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ayaa waday howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka Caasimada iyo Nawaaxigeeda, iyada oo la sugayo Amniga iyo badqabka Ummadda ee maalmaha Ciida iyo toddonbaadka xorriyadda.

Kooxda khawaarijta oo doonayey inay dhibaateeyn ummadda Soomaaliyeed sidoo kalena qalqal galiyaan xasiloonida iyo amniga caasimada ayaa dhawr hoobiye ka soo tuuray Deegaanka Garasbaaley gaar ahaan waaxda 2-aad ee Fooriloow abaare saacadu ahayd 11:30 AM. Kuwaas oo ku dhacay meel u dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde laakiin aan geysan wax khasaaro ah.

Ciidamadda ammaanka oo aad feejignaa ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay aaggii la rumeysnaa in laga soo tuuray hoobiyaha, waxaana ay gacanta ku dhigeen dhowr xabo oo Baalooto hoobiye ah, mobayladii laga qarxinayay oo wata fiilooyinkooda iyo Gurigii laga soo ridayay oo saldhig u ahaa kooxda khawaarijta.

Dowlada Soomaaliya ayaa la wareegtay gurigii laga soo riday illaa inta la helayo Khawaarijtii shacabka dhibaataynaysay. Waxaana hada ku sugan Ciidanka Amaanka oo baaris arrinta la xariirta.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo shir jaraa’id ku qabtay gurigii laga soo tuuray hoobiyeyaasha oo ciidamaddu ay la wareegeen ayaa sheegay inay baxsadeen kooxdii falkan ka dambeysay balse ciidamaddu ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan gurigan oo saldhig u ahaa, waxaana uu soo bandhigay oo uu warbaahinta la wadaagay hoobiyeyaal iyo agab kale oo kooxdu ay ka carareen.

   

Wasiirka Qorsheynta oo daah furay istaraatijiyadda Qaran ee istaatistikada Arrimaha Bulshada

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa  maanta magaalada Muqdisho ku daahfuray Istaraatijiyadda Qaran ee Istaatistikada Arrimaha Bulshada oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliyeed.

Istaraatiijiyadan ayaa loogu talagalay in lagu hago soo saarista istaatistikada arrrimaha bulshada iyo helitaanka xog taasoo awood siineysa qorsheyn ku dhisan xog-ogaalnnimo iyo horumar dhaqan-dhaqaale oo wax ku ool ah.

Hadii ay hirgasho Istaraatiijiyadan, waxa uu qof walba heli doonaa xog dhameystiran si uu u gaaro go’aamo ku dhisan xog-ogaalnimo oo horseedi kara isbeddel wanaagsan oo dhinaca arimaha bulshada ah.

   

Wasaaradda amniga gudaha iyo ciidamada amaanka oo yeeshay kulan looga hadlay adkeynta amniga guud ee Caasimadda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Cali Doodishe oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska, Sareeye Guuto. Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, Mudane. Yuusuf Cali, Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Col. Macalin Mahadi  iyo Saraakisha Howlgalka Ciiltire, ayaa kulan oo looga arinsanayo Sugida Amniga iyo Xasiloonidda Caasimada iyo Nawaaxigeeda ku yeeshay xarunta Wasaradda Amniga Gudaga JFS.

Inta uu kulanka socday ayaa la xog wareystay Saraakiisha hoggaamiinaysa howlgalka Ciiltire sidii loo adkeyn lahaa amaanka guud ee  Caasimada gaar ahaan inta lagu guda jiro maalmaha Ciida iyo Munasabadda Asbuuca Xuriyadda.

     

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo guddoomiyay shir looga hadlayay sugida amniga ee toddobaadka Xorriyadda iyo maalmaha Ciida

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin iyo Taliye Xigeenka Ciidanka  Sareeye Guuto. Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif), ayaa maanta shir guddoomiyay shir sugida Amniga iyo Xasiloonidda dadweynaha gaar ahaan Maalmaha Ciida iyo Asbuuca Xuriyadda.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo leh mas’uuliyada koowaad ee sugida amniga iyo Xasiloonida dadweynaha ayaa wada dadaalo lagu xaqiijinayo.

Kulanka ayaa sidoo kale looga arrinsaday sida bulshaddu uga qeyb qaadan karaan xasiloonida caasimadda ee munaasabadaha isa saaran ee xorriyadda iyo Ciidda Adxa.

“Dadweynaha ku dhaqan Caamismada iyo Nawaaxigeeda, cidii aragta wax amniga lid ku ah fadlan la xariir numberka gaaban ee Gurmad 991” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay shirka.

       

Madaxweynaha JFS oo New York kula kulmay xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada NewYork kula kulmay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mudane António Guterres.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghaye Antonio Guterres ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin nabadda, amniga, xasilinta, iyo xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaallada ka dhanka khawaarijta Al Shabaab, kuwaas oo laga xoreeyay deegaanno badan oo dalka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada NewYork kaga qeybgaley shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo ka jeediyay Khudbad uu uu kaga hadlay xaalada dalka, amniga iyo qaadista cunaqabateynta hubka saaran Soomaaliya.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Seddax Askar katirsan dowladda

Maxkamadda Ciidamada ayaa xukuno ku riday Seddax Askari oo kaalin kala duwan ku lahaa Muuqaal internet lagu baahiyay.

Maxamed Axmed Maxamuud (Carab) ayaa la arkay isago oo jirdil ka baxsan Bini’aadanimada u gaysanayo askari hore oo baahiyaha gaarka ah qabay oo adeeg u doontay Taraafikada.

Waxaa lagu xukumay Seddax sano oo xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.
Axmed Xasan Cadaawe oo ahaa madaxa Camerada CCTV, ahaana ninkii la wadagaagay Cabdullaahi Abuukar Cariif ayaa lagu xukumay min laba sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.

Waxa ay awoodi kareen in ay la wadaagaan muuqaalka hay’adaha ku shaqada leh CID iyo Xeer Ilaalinta Ciidamada balse badalkeed waxa ay doorteen ceebaynta Qaybta ilaalada Nabad Galyada Waddooyinka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute ayaa u sheegay warbaahinta xukunkan.