Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo meel mariyay Hindise Sharciyeedka Waddo-Marista

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Hirshebeeelle.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa caawa looga hadlay Arrimaha amniga, xaqiijinta nabadgelyada deegaanada xorta ah, iyo Dardargalinta iyo tayeeynta hanaanka Garsoorka, si bulshadu ay u hesho garsoor cadaalad ah.

Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga warbixiyey xaaladaha amni ee deegaanada Hirshabeelle iyo deegaanadii dhawaan laga xoreeyay cadowga Khawaarijta ah, Isagoo tilmaamay in Ciidamada ATMIS ee gacanta ku haya Garoomada Diyaaradaha uu faray inay xaqiijiyaan amniga garoomada Hirshabeelle.

Wasiirka Wasaarada Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ayaa Madaxweynaha iyo Golaha uga warbixyay Qorshaha Wasaaradda iyo sida ay uga go’antahay dardargalinta hanaanka garsoorka si bulshadu u hesho adeeg garsoor oo cadaalad ah, isagoo sheegay si loo helo Garsoor aqoon leh in ay qaadeen Imtixaan daahfuran oo lagu xulayay Garsoorka Gobolka Shabeellaha Dhexe oo hada meel-gabo gabo ah maraya.

Golaha Wasiiradda ayaa cod gacan taag ah ku meelmariyay Hindise sharciyeedka wadda-Marista oo hore Golaha ay ugu soo gudbisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Hirshabeelle.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa Golaha Wasiiradda hor keentay Sharciga shaqo qorista shaqaalaha shisheeye.

Todobaadka Xoriyadda iyo Guushii Gobanimadoonka ee Hanoolaato

Waxaan ku guda jirnaa todobaadka xoriyadda ee Soomaaliya,sidaa daraadeed,waxaan soo qaadan doonaa qeyb kamid ah halgasnkii dadka Soomaaliyeed ay u galeen raadinta xoriyadda iyo madaxbanaanida dadka iyo dalka.

Haddaba,dal kasta oo dunida ka jira wuxuu leeyahay Maalmo la maamuuso kuna astaysan sooyaalka taariikhda dalalkaasi.Dadka Soomaaliyeed waxay Kifaax taxane ah u soo galeen difaacidda iyo xoreynta dalkooda kaasi oo soo bilaawday qarnigii 15aad, markaasi oo uu gumaystuhu bilaabay inuu soo damaaciyo ciidda Soomaaliyeed.

Maalmahaas qiimaha badan ee ku  xusan taariikhda Halganka Gobanimadoonka Soomaaliyeed waxaa ka mid ah

11 Jannaayo 1948dii oo ah maalin ka mid  ah maalmaha qiimaha badan ee ku xardhan quluubta dadka Soomaalida.

Dadaaalkii iyo kartidii Xisbiga S.Y.L ay ku  Maamulaayeen qadiyaddii gobanimo doonka ee dalka waxay keentay in arinta Soomaalida dhowr jeer la dhaxdhigo  Umadaha midoobay.

Subixnimadii 11kii Jannaayo 1948kii xubnihii SYL ayaa ku dhaqaaqay sameynta bannaanbaxyo iyo dhoollatus lagu muujinaayo rabitaanka dowladnimo ee Soomaaliya,kadib markii Qaramada Midoobay ay dalka u soo dirtay guddi u xilsaaran arrimaha Soomaaliya.

Guddigasi waa ay ahaayeen dawladihii afarta ahaa ee ku guulaystay Dagaal weynihii 2aad ee dunida sida Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Midawgii Soofiyeeti,waxayna ujeedadoodu aheyd Ineey hubiyaan waxa dhabta ah ee ka jira Soomaaliya.

Xisbiga gobannimadoonka S.Y.L wuxuu  wada tashi uu la yeeshay shacbiga Soomaaliyeed ka dib  uu go`aansaday  afar aragtiyood oo  kala ahaa :-

Inaan marnaba la aqbali karin in la soo celiyo Talyaaniga oo aan mar labaad loo dhiibi karin dalka Soomaaliya, iyadoo la ogyahay Taliyaanigu inuu xilligaasi ahaa dal fashiste ah iyo inuu ummadda Soomaaliyeed uu u geystay dhibaatooyin farabadan dhanka nolosha ah iyo habka dhaqan dhaqaale.

  1. Inaan marnaba la aqbali karin in la soo celiyo Talyaaniga oo aan mar labaad loo dhiibi karin dalka Soomaaliya, iyadoo la ogyahay Taliyaanigu inuu xilligaasi ahaa dal fashiste ah iyo inuu ummadda Soomaaliyeed uu u geystay dhibaatooyin farabadan dhanka nolosha ah iyo habka dhaqan dhaqaale.
  2. Midda labaadna waxaa la is tusay in Ingiriiskuna aan la aamini karin maaddaama uu yahay dawlad gumeysi oo gun ah, Inkasta oo uu sheegayay inuu doonayo in Soomaalida oo idil uu meel isugu keenayo, loona riyaaqay oo haddana aanan la aamini Karin.
  3. 3- in Soomaaliya la siiyo muddo cayiman oo Xornimo gaarsiin ah korna ay ka ilaalinayaan Afarta dowladood ee waaweyn.

4- In mudadaas la diyaariyo nidaamka maamulka iyo dastuurka, si dhamaadka waqtigaas dalka la gaarsiiyo xornimo buuxda iyo madax bannaani.

Dadku waxay iyagoo taageeraya xisbiga ka qeybgaleen abaabulka iyo munasabadda bannaanbaxa, waxaana xaruntii Leegada lagu reebay dad kooban oo loogu talagalay in ay ilaaliyaan.

Isla xilligaasi uu socday bannaanbaxa waxaa taageerayaashii SYL oo ka maqan xaruntoodii soo gaartay qaylodhaan ah in la soo weeraray xarutii SYL oo ay soo weerareen kooxihii Soomaalida ee Talyaaniga taageersanaa si ay uga hortagaan una  carqaladeeyaan bannaanbaxaas.

Intaa ka dib, taageerayaashii SYL waxay isu qaybiyeen qaar difaac ka gala xarunta xisbiga iyo qaar ka hortaga Ciidamadii Talyaaniga. Waxaa maalintaas weerarka lagu dilay 54 Talyaani ah, waxaana lagu dhaawacay 55 kale. Dagaalkaasna wuxuu la magacbaxay HANNOOLATO, waxaa dhanka Soomaalida kaga dhintay maalintaas dad dhowr ah oo ay ka mid ahayd gabadhii caanka ahayd Xaawo Cissmaan Taako. Allaha u Naxariistee.

Inkastoo si guud loo xuso maalmaha xoriyadda Haddana,11ka Jannaayo ee 1948-dii,waxa ay leedahay ahmiya gaar ah oo aan la iloobi Karin,isla markaana ku qoran taariikhda halganka Soomaalida,sidaa aawadeed,waa waajib in mar kasta loo istaago xuska maalmaha xoriyadda maxaa yeelay qof aan taariikhdii hore wax ka baran, tan soo socotana ma ogaan karo.

Wasiirka arrimaha Gudaha XFS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay xuska Todobaadka xorriyadda

-Wasiirka arrimaha Gudaha ee XFS ahna Guddoomiyaha guddiga u diyaar garowga xuska maalmaha Xorriyadda mudane Ahmed Cali Fiqi ayaa shir guddoomiyay kulan gaar ah oo looga hadlayay isku dubaridka

Munaasabadaha isa-saaran ee nagu soo fool leh, iyada oo uu kulankan goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Guddiga ayaa ugu horeyn warbixin kooban oo hordhac ah ka dhageeystay xubnaha guddiga farsamada ee isku dubaridka muunaasabadda 26-Juun iyo 1-Luuliyo, iyaga oo sheegay in si weyn loogu diyaar garoobay weyneenta maalmaha qiimaha badan ee nagu soo aadan.

 

  

Wasaaradda Tamarta XFS iyo Shirkadaha bixiya adeega biyaha ee gobolka Banaadir oo ka wada hadlay sidii shacabku u heli lahayeen biyo Nadiif

Wasiirka  Wasaaradda Tamarta Iyo Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jaamac Taqal Cabaas oo ay wehliyaan wasiir ku xigeenka Wasaaradda, wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Guddoomiye xigeenka howlah guud ee Mamulka Gobolka Banadir Xasan Maxamed Jimcaale, ayaa kulan la qaatay shirkadaha bixiya adeega biyaha ee gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen biyo-nadiif ah oo qiimo jaban. Qaar kamid ah maamuladda shirkadaha ayaa ka mahadceliyey sidda wasaaradda ay diyaar ugu tahay la shaqeynta shirkadaha iyo inay adeeg hufan helaan shacabka.

Wasiir Jaamac Taqal Cabaas oo gabagabada shirka ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay muhiim tahay in shacabka ay helaan biyo nadiif ah isla markaana ay wasaaradda Tamarta iyo Biyaha si dhaw arrinkaas ugala shaqeyn doonto shirkadaha.

Muhiimda kulankan ayaa waxa uu ahaa in la helo madal ay ku mideysan yihiin shirkadaha iyo dhamaan shirkadaha ka shaqeeyo bixinta adeegyadda biyaha gaar ahaan Ceelasha si ay dowladda ugu fududaato in ay shacabka helaan biyo nadiif ah.

   

Duqa Muqdisho oo daah furay olole bilic soo celin ah oo loogu diyaar garoobayo munaasabadda maalmaha Xorriyadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah furay ololaha bilic soo celinta iyo Nadaafada Caasimadda kaas oo ay si wadajir ah ugu qeyb galeen maamulka Gobolka Banaadir, Howl wadeenada Dowladda Hoose ee Xamar, Shirkadda Nadafada ifi iyo Maamulada Degmooyinka.

Daahfurkan ololahan waxaa goob Joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir, maamulada degmooyinka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo howlahani nadaafadeed uu qeyb ka yahay u diyaar garowga Munaasabadaha isasaaran ee Maalmaha Xorriyadda iyo Ciidul Adxa.

          

Guddoomiyaha Maxkamada Sare JFS oo daah-furay Shirkii 4aad ee Madasha Garsooreyaasha Dalka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Shirkii 4aad ee Madasha Garsooreyaasha Dalka kaas oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Shirka oo ay iskugu yimaadaan Garsooreyaasha kala duwan ee Maxkamadaha dalka, ayaa diiradda lagu saarayaa mawaadiicda ahmiyadda u leh hawlaha shaqo ee Garsoorka, waxaana shirkan maanta loogga hadlayaa mideynta qaabka iyo qorista xukunnada, habraaca dacwadaha been abuurka ah, iyo weliba fulinta dacwadaha iyo u sinnaanta caddaaladda, waxaana halkaas lagu soo bandhigayaa cilmi baadhisyo kala duwan oo laga sameeyey mawaadiicda uu ku saabsan yahay shirku.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed oo furitaankii Shirka hadal ka jeediyey, ayaa carabka ku adkeeyey in shirkani uu ahmiyad weyn u leeyahay fududeynta xil gudashada garsoorka iyo tayeynta adeegyada caddaaladeed ee uu bulshada u qabto iyo in faham middaysan laga yeesho dabaqida iyo tafsiirka qawaaniinta kala duwan ee dalka si kor looggu qaado adeega cadaaladdeed ee Garsoorka dalka.

     

Taariikh Nololeedka taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

:-S/Guuto Ibraahim Shiikh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka CXD, waxa uu ku dhashay Muqdisho Sanadka Markuu ahaa 1960-kii.

Waxbarasadiisa Hoose iyo Dhexe waxa uu ku qaatay Dugsiga hoose iyo dhexe ee Xamar Jadiid- ee Magaalada Muqdisho 1977-kii.
Sanadkii 1977-kii waxa uu ku biiray Ciidanka CXDS.

Sanadkii 1981-kii waxa qaatay Shaadada Dugsiga Saree ee Schoolka Wadajir Sare ee Muqdisho.

Isla Sanadkii 1981, waxa uu ku biiray leyliska Saraakiisha ee ku xarooday Akaadeemiyadda CXDS ee Muqdisho, waxa uuna qaatay xidigtii ugu horeysa 1984-kii
Sanadkii 1984-kiiwaxaa uu ka qalin jabiyey Akadeemiyadda Saariiksha, waxa uuna qaatay L/x/Le.

Sanadkii 1986 waxaa uu Tababar dhanka Hoggaaminta ( Junior Staff College ) ku qaatay Akadeemiyadda CXDS, waxaa uuna u dalcay derajada Captain.

Sanadkii 1988 waxaa uu qaatay Tababar heer sare ( Advance Course ), waxaa uuna u dalcay derajada Gaanshaanle.

Sanadkii 1990-kii waxa uu u dalcay derajada G/Dhexe.

Isla sanadkii 1990-kii waxa uu ka baxay Machadka Luqadaha ee CXDS.
SHAQADA
Bur-burkii ka hor waxa uu ka soo shaqeeyay Hoggaamada, iyo Qeybaha kala duwan ee CXD isaga oo gaaray ilaa Taliye Hoggaan.

Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa Ciyaartooyda ciyaaraha fudud ee kooxdii Wagad.
1991- waxa uu la soo shaqeeyay Dowladdii KMG ahayd.

2003-waxaa uu la soo shaqeeyay DKMg (TNG), waxa uuna u dalcay G/Sare.
2003 ilaa 2008 waxa uu ahaa ganacsade.

Isla 2008-waxuu noqday Gudoomiyihii G/benaadir ahna duqa Muqdish iyo Guddigii dhisidda Golohii deeganka Gobolka Benaadir.
2012- 2015 waxa uu ahaa madaxii habmaamuuska Madaxweynaha dalka.

2015-2017, waxa uu dalacay derajada S/guuto waxa uuna noqday Taliyihii Guutada Madaxtooyada.

2023- waxaa loo Magcaabay Taliyaha CXDS.

Dhamaad

Share this Article

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo xilalka u kala wareejiyay Taliska cusub ee Ciidanka Xoogga iyo Taliskii hore

Wasaaradda Gaashandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa saaka xilalka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyihii hore Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Wasiirka ayaa sidoo kale xilalka u kala wareejiyay Taliyihii hore ee ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi iyo Taliyaha cusub Jeneraal Axmed Aadan Cali.

Madaxweynaha JFS ayaa dhowaan magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka,iyadoo dhinaca kale uu dardar xoog leh ku socdo qorshaha dib u xoraynta dalka Wejigiisa labaad.

   

TIXANAHA SHEEKADA MAANO FAAY (QEYBTA 45-AAD).

Axmed wuu gartay. “Maxay tahayda” aabbihii inay su’aalo badan huwan tahay, wuxuuse ugu soo gaabiyey, “Waa ardayad dugsiga sare dhigata.”

“Dadkooda ma taqaan?” Su’aashaas dadban buu ku celiyey, isagoo qudhiisu ka cabsi qabay, in wiilkiisu dhibsado, hadduu toos u weydiiyo su’aasha uu doonayo.

Axmed oo ay u caddayd jawaabta aabbihii ka doonayo, hase yeeshee, weli ka meermeerayaa yiri, “Maya aabbe, ciddooda weli isma aannaan baran.”

“Ma gabar aadan weli dadkooda aqoon baad rabtaa inaad guursatid?” Jaamac baa cod intii hore ka kulul, ee canaani ka dhadhamayso ku weydiiyey.

“Maya aabbe, wax go’aan ah weli kama gaarin. Go’aanka guurku adiga uun buu kugu xiran yahay. Cid kale go’aan ma ka gaari karto. Xitaa iyada weli guur lama soo hadal qaadin.”

“Oo haddaadan guurba la soo hadal qaadin maxaad isu sheegi jirteen? Maxaadse ka og tahay in ay ku oggoshahay iyo in kale, ma quud aan jirin qoryo u guraa?”

“Waxaan ogahay in ay i jeceshahay. Waxna iga diidi mayso haddaan iraahdo aan is-guursanno.”

Intuu isu qoslay buu cod kajan huwan ku yiri, “Inay i jeceshahay, in ay i jeceshahay. Bal ninkaas weyni, wuxuu ku hadlaayo! Waxaagoo dhammi waa dhalanteedkaas. Markaasaad leedahay xil baan qaadi karayaa; anigaa qof la imaanaya! Naag aadan dadkeeda aqoon, oo waxay tahay ogeyn, Soomaali Maxamed nin ay caawa Alla ka tahay sheegi karin, oo aan wax heshiis ahi idin dhex marin, baad hadda is-leedahay qof baad haysataa. Waxaasi ma wax lala shir yimaadaa?”

Axmed in yar buu feker la aamusay. Haahaw hana imtixaanin. Canaantaas oo dhan waxay iigu dhacaysaa maad dadkeeda iyo qoladeeda soo ogaatid! Bal maxaa faduushaas i geliyey? Ma iyadaan guursanayaa, mise dadkeeda! Si fiican baan u bartay, si fiican bay ii baratay.

Waan ka helay, way iga heshay. Waan jecelahay, wey i jeceshahay. Intaas oo dhan haddaan ogahay maxaa ii dhiman? Bal waa kane yaa aabbahay noo kala tarjumaana, ee intaas keliya ka dhaadhiciya? Anigu in aan ka dhaadhiciyo warkeeda daaye xitaa uma sheegi karo.

Intaas hortiisa kama oran karo! Intuu madaxa kor u qaaday buu yiri, isagoo gidaarka fiirinaya, laakiin aan waxba arkayn, “Aabbe horta arrintaan ma ahayn tii aan maanta kuugu imid. Arrintaan mar dhan baan rabay in aan kuula imaado, markaan dhankayga ka soo diyaargaroobo. Haddana maadaama sheekadu nala gashay uun

baan rabay in aan ku sii ogeysiiyo in qoftaasi jirto qof aan ku kalsoonahay haddaysan ahaynna kuuma sheegeen. Adiga naftaada, waa qof aan hubo in aad ila jeclaysan doontid markaad aragtid, xagga quruxda iyo xagga qiimaheeda kaleba.”

Intuu yare aamusay, buu si deggan u weydiiyey, sidii nin soo dabcay, “Aabbaheed iyo hooyadeed ma joogaan?”

“Haah, way joogaan.”

“Aabbaheed muxuu ka shaqeeyaa?” “Waa beec-mushtar aan weyneyn.” “Magaci?”

“Xaaji Muumin baa la yiraahdaa.” “Xaafaddee deggan yihiin?” “Xamar Weyne.”

“Gurigooda ma tagtid miyaa?”

“Waan tegi lahaa, waalidkana mar horaan is-baran lahayne, waa dadka dhaqankoodu xirxiran yahay, oo

fadeexadda u yaqaan haddii gabadhu nin aan lagu darin barato.”

“Waa runtoode waa edeb darro,” Jaamac baa yiri.

Tixanaha sheekada Maano Faay (qeybta 46-aad)

Axmedna wuxuu jeclaystay in uu ra’yigaas gaashaanka ku dhufto, kumase dhiirrane, hadalkiisii horuu iska watay, sidii isagoon oraahdaan dambe maqlin, ama wax ka qabin. Wuxuu yiri, “Marka loo tagayaa waxay noqon kartaa oo keliya mar loogu socdo weydiinta gabadha guurkeeda. Dadka u tagayaana waa in ay noqdaan ikhyaar waaweyn.”

“Waxaad yeelaysaa,” Jaamac baa soo gabagabeeyey, “Bal gabadha nasoo tus, oo guriga keen. Markaas kaddib arrimahooda kale anaa ka sal gaari doonee. Hadday qof wanaagsan noqotana aabbaheed dan baan u heli doonaaye.” Intuu yare aamusay, sidii isagoo weli hadalka dhammaystirkiisii raadinaya, ayuu intuu si kedis ah u soo eegay ku yiri, “Kow, maxay ahayd arrinta kaloo aad iigu timid?”

“Maya aabbe, wax saas u sii weynna ma ahee, arrin yar oo lacag la’aan igu heshay baa meel iiga xayirantay.”

“Goor aad lacag la’aan ka bixi doontid ma garanaayo,” ayuu hoos u yiri, isagoo boorsadiisii lacagta soo bixinaaya.

Axmed markuu isagoo faraxsan jaranjarta ka degay, baa ugu horreysay dareen uu dareemo dhididka korkiisa qooyey. Inkastoo uu weli madaxa culays ka dareemayey, haddana wuxuu ku faraxsanaa imtixaankii kululaa ee uu ka soo samata baxay iyo muraadkii uu meesha u yimid oo uu ku soo guuleystay.

Maana-Faay weli sariirteedii bay dul xooran tahay. Dharkii dugsiga weli iskama beddelin. Sidii buu surweelkii kaakiga ahaa bowdyaha uga ceejinayaa. Shaatigii caddaa ee gacmo-gaabka ahaana xabadka uga cadaadinayaa.

Sidii bay weli labadeedii lugood, mid kabteedii wadataa sariirta u dul xooran tahay. Tii kale oo kabtii iskeed uga dhacdayna uga lulataa. Hooyadeed Aay-Caddeey, markay qadadii ku diidday, si qallafsanna ugu jawaabtay, waataas ka quusatay ee carruurteedii kale qadadii u qaybinaysa.

Beryihii hore sahalkaas ugama quusan jirin, sidaas ugama tegi jirin. Kulayl iyo qabow bay midba mar ku dayi jirtay. Hadda way ku daashay. Way ku seexatay, kuna soo toostay inaan Maana Maanadeedii ahayn. Way ogaatay in aan arrintu fududeyn. Mase ogaan meesha amarku ka socdo. Waxay ku ahayd hal-xiraale qallafsan oo aan la furi karin.

Shan bilood ayaa ka soo wareegtay, habeenkii u horreysay ee ay Maana-Faay iyo Axmed Jaamac ku kulmeen guriga Sahra Yuusuf. Shantaas bilood Maana-Faay waxaa ku dhacay isbeddel halis ah oo gilgilay tiirarkii nolosheeda. Dadkii aqoon jiray way

amankaagsan yihiin. Iyada qudheedu way iska yaabban tahay. Meel laga soo galay iyo meel loo wato midna kama jawaabi karto. Jacayl xoog badan baa iyadoon iska jirin, qalbigeeda daaqad furan ka soo galay. Ka dibna tartiib tartiib ugu maja fidsaday.

Meel kasta iyo mar kasta muuqaalkii Axmed baa hor taagan. Eegmadiisii bay xasuusanaysaa. Erayadiisii bay gocanaysaa. Codkiisii bay maqlaysaa. Markaasay hiyi kacaysaa, ee wax kaleba hilmaamaysaa. Iyadoo ay dad kale sheeko u hayaan buu ku soo dhacayaa, markaasay baxaysaa, sheekadii loo hayey ka goosanaysaa, maqane-jooga noqonaysaa, dadkuna la yaabayaan.

Iyadoo cunto u fadhiduu hor imaanayaa, markaasay cuntada ka kacaysaa, iyadoon is ogeyn. Dareenkii gaajadu waa ka dhumay. Cuntadii way nacday. Baahida waxay dareentaa oo keliya marka ay isaga la joogto. Hurdadii way ku yaraatay. Markay sariirta kortaba sawirkiisaa hor imaanaya, ama arrimihii ka dhexeeyey baa maskaxdeeda mashquulinaya.

Saacadaha habeenku markay hore u bataan bay laamandooddaa. Markaa qudheeda kama nasatee riyay ku aragtaa.

Sida badan waa riyo argagixiso leh oo hurdada ka toosisa, ka dibna ku laaban kari weydo: iyadoo dugsi ka timid oo aragtay meel shil baabuur ka dhacay oo lagu xoonsan yahay. Markay ku soo oroddana dad barooranaya oo madaxa gacmaha ku hayaa ka hor yimaadaan.

JACAYLKII QALLIINKA OO ISKU BADALAY QISO NAXDIN LEH (QEYBTA 1-AAD)

Qisada naxdinta iyo argagaxa leh ee aynu moogan idiin warin doonaahi waxay ku saabsan tahay gabar soomaaliyeed oo lagu magacaabo qadra.

Qadra waxay ku soo kortay nolol aad u adag ka dib markii aabeheed ku geeriyooday dagaaladii sukeeye, ayada iyo hooyadeedna ay Cid garab istaagta waayeen.

Hooyadeed waxay wareejin jirtay cajiinka ama qooshka  si ay u maarayso nolosha qoyska oo ka koobnaa ayada, hooyadeed, iyo gabadheeda yaree qadra.

Hooyo caasho waxay markeedii hore waxay ka timid gobol oo magaalada xegto ama qaraabo badan Kuma lahayn maxaa yeelay walaaleheed waxay ku noolaayeen miyiga fog, hooyadeedna intaanu saygeedu Dhiman ayaa arrimo caafimaad loo keenay magaalada.

Saygeedu wuxuu ahaa darawal gobolada dalka u Kala Safra ka hor intaanu ku geeriyoon dagaal ka dhacay magaalo uu socdaal ku marayay, ehelkiisuna reer miyi ayay u badnaayeen.

Hooyo caasho ka dib geeridii Saygeeda waxay dhexda u xiratay noloshii qoyska iyo korinta gabadheeda yar oo markaa Hal samo jir ahayd .

Inkastoo aanay shaqo feecan  helin haddana waxay ku geed gaaban iyo mid dheerba u fuuli jirtay sidii ay quudka maalin laha ah ee qoyska magaalada uga soo dhicin lahayd.

Cajiinka ama qooshka ayay xaafada magaalada u gayn gayn jirtay ka dibna shilimaad yar ayay ka soo siin jireen ama Kaga iibsan jireen, sidaa ayayna biilka iyo Kirada guriga ku maarayn jirtay.

Kol kol ayay waayi jirtay Cid cajiinka ka iibsata, taasoo keeni jirtay inaan maalmaha qaar guriga dab laga Shidin.

Guriga ay deganaayeeni wuxuu ahaa mid aan cooshashka waxba dhaamin maxaa yeelay wuxuu ahaa dhismeyaashii hore ee duugoobay, korantana ma lahayn oo tooshashka ayaa la ifsan jiray.

Sanado badan ayay halkaa maalin lahaa iyo noloshaas adag la daalaacaysay, gabadheediina way u kortay ka dibna waxbarasho ayay gaysay.

Qadra oo ah gabadha yar ee aynu qisadeeda idiin tabinaynaahi waxay ahayd inan dhug iyo dhiifooni leh, dhibka ay hooyadeed ku soo korisayna ku baraarugsan.

Qadra waxay dhammaysay qur’aanka kariimka ah, ka dibna waxay hooyadeed iyo macalinkeedii dugsiga oo iska kaashanayaahi ku daraan iskuul, waxayna dadaal u gashay Sidii ay waxbarashada uga mira-dhalin lahayd, hooyadeedna ay howkarka adag uga nasin lahayd.

Hadda iyo goor waxay ku hundhuri jirtay buugaagta oo akhriska casharada ayay xoogga saari jirtay, balse maadaama aanu gurigu layr lahayn habeenkii uu tooshku batari la’aan yahay dabka ayay buugteeda la ag fariisan jirtay.

Ugu dambayn dugsigii sare ayay dhammaysay, waxayna gashay kaalinta koobaad taasoo ay ku mutaysatay inay hesho Jaamacad bilaash ah ama lacag la’aan ah, iyo abaal-marin kale oo qaali.

Lacag yar oo abaal-marinta la gudoonsiiyay ku jirtay ayay hooyadeed miis yaroo ay alaab ku iibiso ugu camirtay, si ay wareejinta cajiinka ama qooshka uga nasato, ayaduna jaamacaddii ayay bilowday.

Noloshii guriga wax weyni iskama badalin oo weli waa koranto la’aan, balse qadra maskax ahaan iyo muuqaal ahaanba way kortay oo waa aqoonyahanad, qalabka is gaarsiinta qaarkoodna way isticmaashaa.

Jaamacadda aad ayaa looga jeclaa oo bareyaasha iyo ardayduba aad ayay u qadarin jireen maxaa yeelay waxay ahayd gabar aad u wanaagsan oo daggan, dadaal iyo wax akhris badanna lagu yaqaan.

Waa tii la yiri deriskaagu diintiisuu ku baraaye qadro waxay isku fasal ahaayeen gabar ay qoyskeeda intooda badani qurbaha jiraan, taasoo had iyo goor nolosha dalalka reer galbeedka u ammaani jirtay,  tahriib iyo toos mid ay ku tagtoba inay mar uun qurbaha aaddona ku dhiiri-gelin jirtay.

Intaa waxaa dheeraa inay qadra inta badan arki jirtay saaxiibteed oo xilliyada bareega ama xiisadda uu macalinkeedu  maqanyahay wiilal qurbaha jooga telefoon kula sheekaysanaysa.

Inkastoo aanay bilihii hore dheg jalaq u siin jirin haddana qadra ugu dambayn waxaa ku duxay oo aad u sameeyay hadalkii saaxiibteed, waxaana qalbigeeda ku taallaamay buufis qurba jacayl ah.

Ayadoo ay sidaa tahay waxay saaxiibteed bartay wiil dalalka reer galbeedka midkood jooga, sheeko iyo isfaham ayaana dhex maray, ugu dambayna xariir jacayl ayay udubka u wada mudeen.

WQ: Liibaan A. Xirsi